Home » Warar »

Shiikh Shariif oo Musaveni ka codsadey in Dowladiisa ay soo dirto Ciidamo Dheeraad ah

Madaxweynaha DFKMG  oo ka degey Caasimada Burundi ee Bujunbura –

Madaweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shikh Axmed oo Safar aan hore loo shaacin ugu amababaxay dalka Uganda ayaa Magaalada Kamabala kulan kula qaatey Madaxaweynaha Dalka Uganda Musavini,waxaana kulankaas Diirada lagu saarey Xaalada dhabta ah ee ka jirta Dalka Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda Uganda uga qayb qaadan lahayd Nabad ku soo dabaalida Magaalada Muqdisho oo Mudaddii uu xilka hayey Madaxweyne Shiikh Shariif ay ka socdeen Dagaalo aad u qaraar kuwaas oo galaaftey dad fara badan oo soomaaliyeed oo aan waxba Galabsan kuwa kalana Dhaawac ka soo gaarey Dagaaladaa kuwaas oo jiifa Isbitaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sharif oo si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Uganda ayaa waxaa uu ka codsadey Dowladda Uganda in ay Ciidamo dheeraad u soo dirto Dalka soomaaliya si dalka looga saaro Xarakada Alshabaab oo haysta inta badan Dalka iyo weliba qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho, Madaweynaha ayaa Dowladda Uganda uga Tacsiyadeeyey Ciidamadii Uganda ee ku dhintey Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhaca Magaalada
Muqdisho.

Xubno ku dhaow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa noo sheegey in Madaweyne Shiikh Shariif Booqashada uu ku joogo dalka Uganda ay tahay sidii Taageero ugu raadin lahaa Muddo Kordhintii ay dhawaan sameeyeen Hayadaha Dowladda, Sidoo kale waxay noo sheegeen in Madaxwyne Shiikh Shariif uu ka codsanayo Dowladda Uganda in dib loo dhigo Shirka la filayo in lagu qabto Magaalada Nairobi 12 Bishaan oo ay qaban qaabadeeda leedahay Qaramada Midoobey, Maadaama Dowlada Uganda ay cidamo fara badan ka joogaan Soomaaliya isla markaana Galaangal siyaasadeed ay ku leedahay Xaalada Soomaaliya.

Shiikh Shariif oo wax yar ka hor gaarey Dalka Burundi oo iyana Ciidamo fara badan ay ka joogaan Dalka Soomaaliya waxaa la filayaa in uu la kulmo saacadaha soo socda Madaxweynaha Burundi iyadoo lagu wado in uu tacsi u gudbiyo Dowladda Burundi ka dib markii Ciidamo fara badan ay iyana uga dhinteen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay la galeen Xarakada Al Shabaab, waxaa sidoo kale kulankaas la iskula soo qaadi doonaan sidii Dowlada Burundi ay Ciidamo dheeraad ah ugu soo diri lahayd Soomaaliya isla markaana ay ugu qayb qaadan lahaayeen sidii Magaalada Muqdisho Nabad loogu soo dabaali lahaa..

Tan iyo Markii Madaxweyne loogu doortey Shiikh Shariif Shiikh Axmed 31 Janaayo 2009 ayaa Ciidamada Amisom waxay Madaafiic ku xasuuqeen Shacab fara badan oo Soomaaliyeed , waxaana isbitaalada Muqdisho jiifa Dhaawac fara badan oo ka soo gaarey Madaafiicda Ciidamada Amisom ay ku duqeeyeen Guryahooda iyo sidoo kala waxaa dagaaladaa ku Barakacay Kumanaan kun oo soomaaliyeed oo maanta ku rafaadsan Duleedyada Magaalada Muqdisho, Xasuuqaas oo aysan marnaba ka hadlin Masuuliyiinta sare ee Dowlada Federaalka iyadoo taasi jirto ayay mar kale u xusul duubaayaan Ciidamo kale oo fara badan oo la keeno Dalka Soomaaliya..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shiikh Shariif oo Musaveni ka codsadey in Dowladiisa ay soo dirto Ciidamo Dheeraad ah "

  1. Olol Geelle says:

    Maqaalku wuxuu suuq sii yeelanlahaa haddaad oranlahayd :-
    Madaxweyne Shariif oo madaxweyne Musavein ka hoosgalay Danjire
    Mahiiga & guddoonshe Sakiin oo doonaya inay villa somalia ka eryaan .
    Haddiise Shariifkii jiif & joog uu daayey Mahiigana uu ku leeyahay :-
    Saalasaaloo Wallee saakaanan saas kaaga harin ,taasoo ka dhigtay wadaadkii HAAD GEED WAAYEY ayaan la aqoon wuxuu ku suganyahay
    caawa !!!

  2. Omar says:

    Shirkaan waxaa iiga muuqda dhawr waxyaabood oo su’aal maskaxda ku soo tuurey.
    Labada qolo oo shireysa mid waxa ka muuqda dabacsanaan iyo shaqo official ah inaysan ku jirin oo casual ama civic ayay u labbisan yihiin ama dhar carabi waxa aan u naqaan ayay gashanyihiin ama gashanyahay.
    Qolada kalena waa lingaxan yihiin oo suite aya isku soo canaanteen.
    Haddaba ma qolada martida loo yahay ayaanan war gelin wefdiga Somalida waxa shirka la soo xiranayo sida Official, cassual smart and causal etc.+colour of suite and tie) mise qolada protocolka madaxweynaha Somalida ayaan shaqadeedi qabsan oo aananbawaxbasooweydiin qolada martida loo yahay ee qaban qaabadais aragga diyaarinaysay waxa labbiskaodagu yahay iyo meesha laisku qaabilayo si la isu waafajiyo dhinacyada is arkaya.

    Marka labaad wefdiga Somalidu waa badan yahay halka dhanka Ugandha aanu jeedno hal xubin keliya marka ma cameraman-ka ayaa soo leexiyey camerada mise shirkuba waa hal nin iyo wefdi waxa wada shirey?

    Marka saddexaad Geed hoostiis ayaa lagu shirayaa ee ma ruug caddaaga Reer Ugandha ayaa diidayaya in,arrimo badan oo xasaasi ah oo la doonayo in looga hadlo shirka inaan xafiisyada qalabka dhegeysiga looga baqo inay ku qarsan yihiin, aan laga dhageysan waxa laga wada hadlayo, oo shirka oo u raray meel aanan laga filayn si loo bogto wax kasta oo saraaxad ah oo la rabo in laga hadlo. Mise waa hoos u dhig heerka qaabilaadda oo looga jeedo oday iska nasanaya oo beerta xafiiskiisa ama meel nasasho jooga oo loogu tagey wax loo yaqaan courtesy call ama booqasho sharafeed wada sheekeeysi ah oo aan wax weyn oo official ah looga wada hadlayn ee arrinkuba yahay sheekeeysi iyo si wax is tusaalayn iyo wada tashi aan lahayn go’aanno rasmi ah oo la qoro oo labada dhinac ay ku qasban yihiin inay fuliyaan?
    Bal aan eegno wixi lagu faahfaahiyo nooca shirku ahaa iyo qodobbadi la isku afgarteyba marka ay soo noqdaan madaxda nooga qayb gashay shirkaas.

  3. mr.maxamed. says:

    Qofkii Sheikh Shariif layaba Asaga ayaa yaban Sababto ah waxuu arkay waxusan waligi arag.oo misana usan qiyasi karin,sheikh shariif waa nin dhalin yaro ah misana wadad ah wax siyasad ah malaha khibradna malaha shaqada waxuu kabilanbay Madxweyne,marka laga rebo waqti yar oo gudomiye jabhaded ah,marka aad firisid habdhaqan kisa waxuu u dhaqmaya sida askarta oo kale waxuna kakenay Dugsi Quran oo macalin ka’aha waxuu marka amin san yahay ardaydii yar yarayd in dadku yahay waxaa lo bahan yahay in uu barto Hab Mamuska Bulshada iyo Haybada Madxweynenimo tas oo ah mid khasab ah siyasada Dimoqaradinimo ee Aduunka kajirta.