Home » Faallo »

Qiyaasta Sawir Gacmeedka Amiin Arts…Maxaa xiga kadib Bur-burka Ururka Al-Shabaab?!.


Hordhac.

Soomaalida gaar ahaan dadka la socda Siyaasada Soomaaliya waxa ay ogyihiin in Magacan Al-shabaab uu soo shaac baxay sanadkii 2006 oo ku beegnayd, wakhtigii Midoowgii Maxaakimta ay ka  curteen magaalada Muqdisho, kuna fideen gobollada koonfurta Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa si aad ah u soo shaac baxay xilligii dalka Soomaaliya ay soo galeen Cadowga Ciidanka dalka Itoobiya iyadoo marki ay Ciidanki Itoobiya dalka isaga baxeen ay Al-shabaab qabsadeen ama ay gacanta ku dhigeen maamulka Inta badan Koofurnta Soomaaliya.

Dhanka kalle tan  iyo markii ay Al-shabaab gacanta ku dhigeen inta badan Koofurta Soomaaliya waxa ay dhibaato u geesteen dad fara badan iyadoo si khaldan ay Magaca Islaam-ka u isticmaaleen, Al-shabaab sidoo kalle waxa ay ka hor imaadeen dib u heshiisiintii ay wadeen Culumada ugu caansan Soomaaliya ee isaga yimid guud ahaan dalka iyo meelo kala badan oo dalalka Dibada ah.

Ururka Al-shabaab.!

Intii u dhaxeesay December, 2006- January,2009 waxaa dalka Soomaaliya ku sugnaa ciidankii ka socday Itoobiye balse dagaal dhibaato badan ba’an geestay lala galay, isla xilligan waxaa soo caan baxay ururka Al-shabaab. Waxaa qasaaro ba’an loo geestay Ciidankii Itoobiye iyadoo Kumanaan Soomaali ah ay dhibaato ka soo gaartay dagaaladaas halka Malaayiin kalle ay isaga qaxeen magaaladda Mogadishu.

Kadib bixitaankii Ciidanka Itoobiye ayay Ururka Al-Shabaab qabsadeen guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxaa kaloo jiray rajo laga qabay in mar haddii Shariif loo doortay Madaxwayne ay Soomaalida midoobi doonto sidaasna dowlad wanaag ay u dhalan doonto balse xaalada Soomaaliya ayaa sidii ay awal aheyd ka sii dartay.

Soomaalida iyo sida ay Al-shabaab u arkaan!

Markii ay Ciidanka Ethiopia ay Soomaaliya soo galeen Ururka Al-Shabaab wuxuu hogaan ka ahaa Dagaalki lala galay Codow-ka ugu danbeyntina kalifay In ay Ciidanka Ethiopia Soomaaliya isaga baxaan iyadoo Al-shabaab ay xilligaas taageero badan heesteen wixii ka danbeeyne Al-shabaab waxaa loo arkayay sidan.

1-In ay Yihiin Urur dano gaar ah wata oo aan Diin ku dagaalameen.

2-Urur Wakiil u ah Kooxda Al-Qa’ida ee Usama uu hogaamiyo.

3-Urur ka soo horjeeda Qaranimada Soomaaliya.

4-Urur cadow ku ah Dhalinyarada.

5-Urur wixi ka soo hojeesta ay yihiin gaalo iyo gaal raac oo dil ku xukumanyahay.

Qodobada kor aan ku soo sheegay in ka badan ayay Soomaalida aaminsanyihin in ay Ururka Al-shabaab ay ku sifoobeen sidaas darteed Soomaalida meelkasta oo ay joogaan waxa ay isku raacsanyihiin in Ururka Al-shabaab la bur-buriyo iyadoo dagaaladda hadda socda ay 80% u muuqdaan in Al-shabaab awoodeeyda in lagu wiiqi doono.

Maxaa xiga kadib Bur-burka Ururka Al-Shabaab?!.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku saleesan Siyaasad aan Ujeed lahey balse 2006 waxaa saaxada Siyaasadda Soomaaliya ku soo biiray wadaado Siyaasadeed oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha Shariif, Siyaasadda Soomaaliya cidii laga saaro dib uguma soo laabato tusaale laga soo bilaabo Xisbigii kacaanka ee Marxmuun Madaxwayne Maxamed Siyaad uu hogaamiyaya ee 1991 la bur-buray, Cali iyo Caydiid oo is bur-buray, Hogaamiye Kooxeed iyo Maxaakim oo is bur-buray, kooxdii Al-ixaad Islaamiya oo iyadana la bur-buriyay iyo Shaqisiyaad badan oo Siyaasadda Soomaaliya loo adkaaday wali dib uguma soo laaban, sidoo kalle Al-shabaab haddii loo awood sheegto iyadana dabcan siyaasadda Soomaalida dib uguma soo laaban doonaan.

Ururka Al-shabaab kadib maxaa dhici doono!.

Alle ayaa wixii qeyb ah garan kara balse sida uu Amin Arts ku cabiray Sawirkiisa ugu danbeeyay waxaa iiga soo baxay sidan.

1-In magaca Al-shabaab ay u dhiman doonaan dad badan, waxaa loo dhiman doonaa Al-shabaab ayaad ka tirsaneed ama taageeri jirtay.

2-Dhalinyaro badan ayaa xabsiyo u gali doonto Magaca Al-shabaab, iyadoo dhalinyaro badan oo ay ku kaliftay danta ay Al-shabaab ka midyihiin, dhamaantoodna waxaa soo waajihi doono Dhibaato.

Arrimahan iyo Arrimo kalle oo badan ayaa la filan karaa marka ay Al-shabaab laga saaro Siyaasadda Soomaalida, Waxaana hubaa in koox walba ay waqti kooban leedahay.

Ugu danbeyntii Kooxda shacabka Masaakiinta ah ee maalinta koox daneestayaal ah ay ku shaqeestaan dadkii bad-baadin lahaa waa Soomaalida ay Garashada iyo Wadaniyada ku jirto, Shacabka inta hartay haddii aan la badbaadin dhibaatada Mustaqbalka iman doonto ayaa ka daran. Soomaaliya Soomaali baa leh.

Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

29 Jawaabood " Qiyaasta Sawir Gacmeedka Amiin Arts…Maxaa xiga kadib Bur-burka Ururka Al-Shabaab?!. "

  1. Somalia says:

    Best idea, thanks Sultan.

  2. Cabdul says:

    Salamu Calaykum
    Walaal Ibraahim Da’ud waad isku dayday inaad wax falanqeyso, dadaalka halkaa kasii wad, laakin middaan iilama muuqato falaneyn haysata rukumo culus iyo ilo lagu kalsoonaan karo. Marka iskuday falanqeynyadaada danbe inaad soo raaciso xaqiiqooyin cilmiyaysan oo aadan ku koobin inaad soo wardiso taarikh dhawaan dhacday oo markhaati laga wada yahay ama siyaasadda moosleyda (Banana Politics) ee aan laheyn meel loo raaco.

    Talo ahaan hadaad ardayd tahay ku mintid buugaaga iyo qalinkaaga, xirfad yeelo, islaantaada iyo awlaada tarbiyee, meeshaan dad iyo dal dhaw kama muuqdo, balse dadkaan ubaahan yihiin jiilal cusub (40 sano) iyo caro rog.

    Salaam
    Abdul

  3. abuu amiin says:

    ASC dhaman asxaabta ka qeyb qaadatay Tacliiq bixinta maqaalkan guracan.

    Bacda salaan aniga labo arin ayan ku soo koobayaa. mide waa su’aal qoraaga kusocota midna waa wargalin kusoocta wallaha xaqa kahadlaya ee waqtiga kubixyay tacliiqbixinta maqalkan.

    1:-tan koodaa qooraagow maxad ulajeedaa kalmada ah waa Urur dano gaar ah wata oo aan Diin ku dagaalameen. xli aad marqaati katahay in badi madaxdooda hantidoodii iyo bassoradodii dar ilaah uga sootageen oo ka doorbideen in ay Geed u hoos seexdaan Difaaca diinta iyo cirdiga dadka soomalaiyeed ee dhanwalba lag gumeystay?
    2: walaalaha xaqa ka hadlay waxan leeyahay aayad baa soo daliishateen iyo axaadiis balse ma is weydiiseen ninka ad lahadleysaan ee maqalkan qore mayahan nin aaminsan aayad iyo xadiith mise waa nin aaminsan waxa uu arkoo oo hada aduunka yaal oo kali ah? tan kele marha duu qofka yahay qof ku kooban qadiyad soomalai iyo nolol aduun kahadkeed waa qof ka dhacsan loolanka dunida yaala maxaa yelay waxa manta lookala soocmay gaal iyo muslin
    busha ayaan dhowr sano kahor afkiisa ka sheegay markii uu yiri WAAIN DUNI LABO LAGA HELAA MID ANIGA IRAABSAN IYO MID IGA SOOHORJEEDA OO ARGAGIXISO AH marka dagalka shabab wa adagan duniga ugub ka ah… intaa kadib aniga waxna siweyn u aqanaa qoraaga maqalkan qoray oo caqiidadiisan ka warqabaa walahi bana kudhaartee waq diin ah uu dhab u heytsaan jirn afkuu islama kayahay ee walaalayaan haku kadsomina qoraalkan lo soo meershay ee islaam naceebka ka buuxdo…

    wabilaahi towfiiq

  4. abu ahmed says:

    ASC/ Walaal layaal dhamaan waan indin salaamay walaal
    waxaan idin xusuusinayaa minarts gobolka uu kasoo jeedo somalia waxuu kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose degmada marka waxaan idiin wayday diiyaya y marka shabaab ka hor sidee bay ahayd anaa idiin jawaabaaya markii hore waxaa haystay indho cade wuxuu kasameeyay waala oga gabdhihii cadcadaa sida loogala waa la ogayay amin walaalihii maanta oo shabaab haystona cidla hadli kartaa majirto oo dadku islam tinimaduu waxku yahay amin waxaan dhehe lahaa abaaldhca iska daa qolada webka somalitalk waxaan dhihi lahaa waxaad kahadli jirteen xaqiiqda laakiin hada waxaad u muuqataan in aad iska hadashaan waxaa layiri habar baa wiil 20sano ka aamusnaa markaasay tiri ilaahow

  5. dalal says:

    waa sax waa umuqda alshabab ku kala furfurmaya lakin kuwa kalan sugatna wayo tarikhda somaliya waxay meerta utahay kooxo dagal mana aha mel rajo laga sugayo manta somali malaha aqoon yahan ciidan dhalinyaro siyaasi saxafi qareeno waa udeegayal shisheeye kuli marka alow yaa markab naga saara dalkana shiinays ka iibsada haka mana facadsadee

  6. Mr walaguyaqan says:

    Ahalka ay arinta soomaaliya ka qurunsantahay waalaguuyaqaanaaye haddaad taqaanaan uga hadla sida saxda ah
    arin tuna isma saarna qofwalba haddii uusan isdabaalinaynin wuu yaqaanaa halka ay kabtiisu ka go’antay wabilaahi tawfiiq

  7. Ha taliyo Caqligu says:

    ASC,

    Waxaan ku talin lahaa in faro taag taag iyo is dhaleeceyn waxba tareyn, fadlan soomaali haddaan nahay waxaa muhiim ah inaan keeno fikrad wax dhista oo burburka soomaaliya wax ka tarta, haddii fikirkeenu sii kala fogaado weli burbur hor leh ayaan ku sii jireynaa, mideeda kale webkaa raggii sameeyey qaybtaan comments-ka ah sidaan filayo uma sameyn in lagu murmo laakiin waxaan qiyaasayaa in loo dhisay in laga helo caqli uruursan oo soomaali wax ka bedeli kara. marka xigta Soomaalideena dibadda joogta dalka waxba kalama socotan, kuwa dalka joogana waxaa qaaday taageere aan la aqoon meel ay u socoto, midda nala degtay waa in aan mar kasta u sacbino ninkii soo baxa oo labo maalmood saxaafadda ka hadla dhowr tikniko ahna isku aadista, tusaale shalay Sheekh Shariif waa loo sacbinayey maanta dad badan ayaa ka soo horjeestay sidaas oo kale Abuu Masuur markuu la dagaalamay Itoobiya waa loo dheg raaricinayey maantana dadbaa neceb, waxaa isweydiin mudan waxa shalay lagu jeclaa oo maanta lagu nacayo, sidaasi darteed ayaa u leeyahay (War Caqligu ha taliyo) oo qofka la taageerayo si fiican ha loo daraaseeyo, dalka Soomaaliya maanta Shabaabna wax uma hayo, Dowlad iyo ahlusunna Wax uma hayo, laakiin muhiimaddu waxay tahay in la helo shacab soomaaliyeed oo ujeedo fog oo ku saleysan islaamnimada leh, taana waxaan aamisanahay in lagu heli karo iyadoo la helo Cadaalad dhab ah oo meesha ka saarta qurunka qabiilka la yiraahdo ee soomaali kala dhex galay kana firdhiyey.

    Walaalayaal aan xariga alleh wada qabsano iyanan dhinacyada iska soo horjeeda oo aan la garaneyn waxa ay isaga soo horjeedaan la kala taageerin, waxaad ka garan kartaa in dad labduba wadin, Dowladdu waxay waddaa ciidamo ay sheegatay in ay garab siinayaan haddii ay run sheegeyso Xamar waa la wareegi kartaa lakiin ma dooneyso maxa yeelay qandaraaska ayaa ka dhamaanaya, Shabaab waa dhallinyaro qoryo loo dhiibay oo aan ogeyn maxaa qaldan iyo maxaa saxsan markaan sidaa leeyahay ulama jeedo in aan shabaab ka horjeedo laakiin tusaale, waxaad arkeysaa canug yar oo bah dilaya nin bulshada sharaf ku leh sida Dhakhtar, Wadaad ama Macalin oo aan hadda waxba laga dhaheyn, mideeda kale dadku ha kaa cabsado anigu ma aaminsani in meel lagu gaari karo, Haddii shabaab taageerada dadka ku dadaalin lahaayeen waxaan aamisanahay in maalin cad AMISOM dalka isaga tagi lahayd, laakiin haddii aad dadka cunaqabteyso koleyba mukulaal aad guri ku xiratay in ay adiga kugu soo jeesaneyso waa lama huraan. tusaale suuqa Bakaaraha wadooyinka gala waa xirmeen sababo badan awgood, tusaale shabaab weeraro badan ayay kus oo qaadi jireen meelaha ay AMISOM fadhido kuwaas oo markii dambe qasbay in wadooyinkii xirmaan, haddana ka waran weeraradii sidii ma u socdaan, maya, marka dariiqaasi dadku ka joogsado uu xirmo shabaab way ka joojiyaan weerarka muxuu qandaraaska noocaan oo kale ah, mideeda kale walaalka muslimka ahow aaway caqligii dadku lahaa miyey xabad keliya wax tareysaa dhowr sanoayay shabaab dagaalamayaan maxay horumar ah oo aykeeneen in maalin walba ay ku dhintaan dhallinyaro soomaaliyeed iyo guryo soomaaliyeed ku baaba’aan mooyee oo xitaa hadda dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay dagaalada socda awgood, war walaalayaal aan alle ka baqno oo aanan dulmiga taageerin.

    kuwa Dowladda sheegtay iyana way muuqataa in aysan meesha waxba ku haynin maalin walba dadka shacabka ah ayaa lagu dhacaa dariiqyada inta dharka askarta la soo gashado, marka dowlad ma lagu noqon karaa in jeebka dadka dariiqa loo istaago ama aan laga hadlin madaafiicda ummadda lagu garaacayo ee maalin walba ku dhimanayaan dadka rayidka ah.

    ugu dambeyn dadka rayidka ah maxayu dhimanayaan, maalin qura intay meel isugu soo baxaan malaga la’; yahay in ay yiraahdaan (Idin dooni meyno dadkaan ishaysta ee na daaya), maxaa yeelay dhinacyada ishaysta nin waliba ilmihiisa dibadda ayuu gaystay guryana ka dhistay.

    Waan ka baxay asxaabta. mahadsanidiin

  8. Sultaan says:

    In my humble opinion we should not allow any massacre to be committed on all Shabaab my anyone, they should not be subjected to any sort of mass murder by the enemies, end of the day they are our children aren’t they? indeed they are a very valuable resource of our nation, we should quickly start to make peace and reconciliation between the TFG and Al Shabaab to avoid any further shedding of blood, Somalia needs the resources of Al Shabaab, they should be allowed to participate in the reconsctruction of Somalia and no one should work on their isolation. Any sincere Somali should want to have an all inclusive solution to solve this chronic problem. I would advice the people of South Somalia to stand against any attempts to eliminate Al Shabaab, they are your children so keep them for your future and theirs.

  9. Adam Abuzhri says:

    Assalaamu Alaykum, marka hore ninka maqaalkan qoray waxaan dhihilahaa waa iga geesinimo badan yahay sababtoo ah inaad arimaha Somalia cid farta kutaagtaa adigoo leh waa qaldantahay masahlano, gaar ahaan kooxa wadaadada magaca ay doonaan ha siteen. Intaan isha mariyey dadka maqaalkan tacliiqa saarey qaarkood waxay kutuhmayaan inuu qoraagu kalsoonadii kala laabtay Al-shabaab inkasta oo uu horay utaageersanaa, haddii ay taasi jirto dhib malaha oo taariikhda nabartay in cidkasta oo dhabarka uridata arinta Somalia sigooni ah in laga quusto mudo yar gudahood haddii ay shaxda wax kabadali waayaan, waxaadna arkaysaa ayadoo lasii saadaalinayo cidi badalilaheyd, waana arin iska caadi ah oo haddii aad akhriso jaraa’idyada aduunka.

    Aniga qoraalkan, anigoon taageero iyio mucaaradnimo midna kamuuujineyn waxaan idin xasuusinlahaa in arinta Somalia lagu xalinkaro oo kali ah ‘Soomaalinimo’ shacab mideysan oon cidna jaabka ugu jirin, taasina waa arin aan iminka muuqan.
    Al-shabaab ama Al-shariif, koox weliba masiirkkeeda gacantay kusidataa, anagana waxaan taageereyna cidii soo celisa calankii baluuga ahaa,xabadana soo afjarta,dalkana nabad kusoo dabaala.
    Waad mahadsantihiin.

  10. ali hirar says:

    alshabab kuwa kasoohorjedaa waxaan usheegin 21 yrs bay somali
    qax kujirtaa yaqaxinaayey? Amiin camir yaaka cayriyay xamar?
    al shabaab 2yrs baynu maqlayney wixii kadhicijiray meshaana waan
    ogeen runtii Amin Arts waxaan ahaa dadka xiiseya oo aminsanaa warbahinta afka somaliga kubaxda oo qabaliga ah inuudhamo lakin beryahaan waxaa kamuuqata inuu cada qate noqday
    dadka dhalila shabab ee ku,eedaya dhibaatoyinka kadhaca
    meshaas waa 3group
    [A] jasusin cada qatayal
    [a ] jahilin qabilin ah
    [b] camilin qalol ushaqeestayal

  11. war haye says:

    hussein walaal waxaan kuu gartay inaad kamid tahay qolyahan baryahan danbe soo baxay ee culimada la leeyahay inaad fikirkooda qaadatay waxaa laga kari layahay sulxul xudeybiya, waxaad is barbar dhigtaa sulxul xudeybiya saxaabada intey ahaayen iyo somali intey tahay maanta?
    waxaa kale oon kuugu dari lahaa islaamka waligiis heshiis guul kuma gaarin ee wuxuu kusoo baxay seef iyo intaas oo kun oo muslimiin ah oo dhiigooda iyo maalkooda usoo hurtay, maanta hadii somali oo dhan hubka qaadan lahayd AMISOM iska dhaafe dhulalka kenya iyo ethiopia naga haysato ayaan soo xoraysan lahayn anagaana geeska africa ugu xoog badnaan lahayn laakin adoo kalaa buuxa oo meelna ku fiicnayn waxna fahansanayn.

  12. fatima says:

    as/c/ all

    walaalka maqalka soo qoray waa mahadsanyahy waxna mahalayn ee Alle{ SWT} ha laga baqo

    c/nasir walaalka wata Alle {swt} ka cabso adiga iyo cidii kula fikrad ahba
    nimankas diin iyo wanaag midna ma wadan yahay ku danbajin qof muslim ah oo la iska galaysinayo mana arga ayaga kahor islamka waxaay ka dhigen wax jebkoda ku jira qofkay raban waa muslim qofki kalan waa gal
    subxaanaka yaa RABI
    dadka qofki wax ka qaldan yihin dhinaca diinta walaal waa loo shega laguma jesjeso
    dadka somaliyed waa iska masakin walaal Sefna uma bahna ee waxaay raban wanaag in wax logu sheego

    islamkuna sas mahan waa Raxma,Huda, iyo wanaag dhamantis, wax dadka dhibana Alle { swt} ma soo dajin, diintaan waxaa u soo dadalay Raag an wax qori ah qadan oo somaliyed oo bidcadi kala dagalmay dadka ayagu guryah iyo misjida dhafin wixii oo dhana waax burburiyahay alshabab ayagan la weydin doon akhiro insha ALLAAH

  13. Nafac Omar says:

    Horta diinta Caqli uma baahna ay waxay u baahan tahay ADILA ama Masdar,mida labaad sida rag badan oo Wallaaha shegeyn dadka Ilaah wax u tusiyay nin dhahay Shariah Low ayaan rabaa in la isku xukumo diina waan wataa halka ay arki wayeen Mecerneries-ka lacagta ku qaato Xasuuqa dadka masakinta ah only

  14. qulqul says:

    wallaahi baan ku dhaartee soomali ma soo marin maamul al-shabaab ka fiican. dalkii ayey difaacayaan shareecadii islaamka ayey oogayaan, dadkii ayey raashiin iyo lacago u qeybinayaan. alshabaab inay fiican yihiin waxaa kuugu daliil ah gaal oo dhanbaa neceb intaasaaba kuugu filan, haddaad aragto nin ay gaaladu necebtahay ninkaas ilaah ayuu u dhowyahay. haddaad aragto nin ay gaaladu jeceshahay ninkaas gaalada ayuu u dhowyahay ama isagaa gaal ah. aayad waxaa jirta macnaheedu yahay. Yuhuud iyo Nasaaro kaa raali noqon maayaan illaa aad diintooda raacdo ( mabdaóoda qaadato mabdaöoda waa dimuqraadiya) diintoodii baadilka ahayd xitaa waa horey ka takhaluseen wax diin ah ma haystaan. maxaa nimankaan shabaabka kasoo horjeeda gaalada jecleysiiyey.? bal fiiriya DKM gaalaa wadata. Ahlusunna waljamaaca kuwa la baxay gaalaa wadata. Puntland iyo Somaliland gaalaa wadata. maamul goboleedyada soo caan baxay gaalaa wadata. Azania kuwa la baxay gaalaa wadata. ashabaab yaa wata ALLAAH baa wata Allaa watow wehel uma baahna. bal u fiirso gaal walbo alshabaab lama tusi karo. meel kastooy alshabaab qabsato nabad gelyo kal danbeyn iyoshareecadoo la oogo ayaa astaan u ah. kuwa kalena meelahay jogaan qurun iyo qashin ayaa ka jira.

  15. Aisha says:

    ASC

    Dadka sugayaa inuu shabaab buburo, waala yaabay, Alshabaab Allah dhisay, wuuna burburin karaa, laakin waxaan leeyahay, maanta saaxadda Somaliya, urur dhaama ma aragtaan? `u fiirso dawladihii na soo maray: mid sun ku shubay baddeena, oo shilimaad yar qaatay; mid amxaaro soo geliyey si kursigiisa loo adkeeyo; mid badda iyo domainka internetka iibiyey. Mujaahidiintu waddanka ma iibiyo, ee sharia law ayuu fulinayaa, taasna haddii aan Islaam nahay waa sida na laga rabo. Kii diidan wuxuu doono ha ku hadlo.

  16. Hor iyo horaan saaxiibayaal gari Allay taqaanaa!! Qoraaga maqaalkan ayaan la hadlayaa (Amin Aamir I don’t Care his funy catoons). Waxad qortay hadal xujo kugu noqondona marka qabriga lagu galiyo intaad aduunyada joogtana calaamo xun Allah kaa daahirin doono InshaAllah haddii aadan kaga towbad keenin qoral cad ood kaga noqonayso aragtidaas been abuurka ah ee aad rumaysantahay. Nin kitaabka ALLAH haysta cidina kama adkaan karto Ilaah baana sidaa yidhi. Inta ay shabaab Allah u gargaarayaan jabi ka dheer balse maalinta ay kitaabka Alle tuuraan (wal ciyadu billah) ayuun bay jabi karan. In tansurulaah yansurkum wa yuthabit aqdaamakum) . Allah gaalada iyo gaal raaca iyo munaaniqiinta ha halaago ( caajilan qera Aajil). Ugu danbayn addoon Allaw towbad keen oo ALLAh usoo noqo intaanay naftu kaa bixin oo qoraalkaaga ku jihaad oo hakula jihaadin mujaahiddinta ALLAH. Wabilahi towfiiq. Walahu Aclam wa Axkam

  17. omar says:

    dhamantina dadka ra’yiga dhibanayo waxan amin sanahay inaad dibadaha joogtan oo aad raaxeesaneesaa. war ninma yaho dadkii abaar baa laaysay, xoolihi waa dhamadeen, umadi dagal iyo abar iyo mashikil fara badan aya haysay, war Ilah u toobad keena caruurtiina dibadah ayay idin joogta iyo walidiintina. ee dadka dulmiga halga daayo. wadankeenana Ilaah ha ino islaaxiyo. qofkaan dadka u naxaiisan Ilah uma naxariisanayo.

  18. Abdinasir says:

    Mahad Ilaheybay u sugnaatay,, Nabadgalyo iyo Naxaris Nabi Mohamed korkiisa ha ahaato,,, Mujaahidiinta Allaah ha Xifdiyo,, Inta uurka ka neceb afkana ka sheega,,ilahey ha halaago,, intaaskadib,, Amin arts ninka la baxay,, waxan leeyahay sawirada aad ka sameyso bila’aadmiga ayaaba aaqiro su’aalahooda ayaysan adiga ku dhibin,, ninka maqaalkaan qoray waxaan leeyahay,, Dadka in aad isku tusiyo in aad islaam tahay,, shabaabna aadku xukunto Dad Qaldan, waxaa ka fiicnaan laheyd in aad Cadaysato in aad ka argagaxsantahay islaamka ka soo iftiimay somalia,, ilahey caradaada ha kugu dilo

  19. al.shabaab waxay ka mid yihiin jamhada dalka waxayna qayb kayihiin tanaasulid la aanta dalka taala lkn waxy dhaamaan marka xaqiiqda laga hadlo kuwa caalamku uu yiraahdo waan aqoonsanahay ama TFGda ururku marka uu baaba ayo waxaa lagu yaqaana calaamado gaara sida kala daadsanaan is aamin la,aan intuna shabaabka way ka muuqdaan lkn waxay ku fcnaan lahayd in aan cadaw shisheeye lagu soo hogaamin ee inta ay khaldeena dib loo saxo inta la isku raacsanyahayna lagawada sheqeeyo si meel dhexe wax la isugu keeno lkn nasiib darro maysan dhicin

  20. hussein says:

    warhaye waxaad tiri war maxaa dadka tusey alshabaab oo
    ay u arkiwaayeen xasuuqa amison waa runtaa amison xasuuq bey ku heysaa dadka soomaliyeed ee ku nool muqdisho qofkasta oo soomali oo waxgarad ah wuxuu rabilahaa in uu arko soomaliya oo hal ah oona nabad iyo barwaaqo ku nool , laakiin xataa diintu caqli bey u baahantahey tusaale yaa layiri diinta islaamka oga deyda nabiga scw diinta slaamka
    waagey yared oo islaamka awoobadan uusen laheyn go siira nabiga scw
    iyo qabaalkii ka xoogbadnaa markey kala saxii xanayeen waa tey kudheen anagu maxamed kuuma aqoosanin nabinimee ee warqasa katir nabinimada aad sheeganeyso nabigana waa uu katirey wuuna aqbaley iilaa uu qabsadey nimankii sidaasyiri shaley hadana uu cafiey soomaliya intaa waa ay ka dhowdahey aa dad 100/100 slam ah oo hal mad hab aaminsan marka sida alshabaab wax kuwado waakhalad ciidamadan shisheeye 85 pers oo aniga aan kamid ahey dadka aan dooney in ay sii joogaan dalkeena hooyo wadankeena anagaa burburinry haba la isticmaalo dad soomali sheeganaya iyo dadka soomaliyeed madoonayaan in dalkeena ay joogaan
    alshabaab waa in wax caqli gal ah la imaataa hadiikale khadkey kabaxayaan

  21. war haye says:

    hussein walaal alshabaab ninka ka hadlaya waxaan u haystaa inuu raali ka yahay xasuuqa AMISOM maxaa dadka alshabaab tusay oo ka qariyey xasuuqa gaalada shacabkeena ay ku hayso maxaase ka qariyey dadka magacyada land land ka ah wata ee calanka somaliga kala qaybiyey hadii calan alshabab lagu haysto oo tigreega ukala ordaya

  22. hussein says:

    hadaan u jawaabo war haye. war haye waxaad iila egtahey nin jibeysan oo
    aanan kalagaraneynin waxa xaqiiqda ah iyo waxa aanan xaqiiqda aheyn sababta oo ah Al shabaab iyo ahlusuna labaduba waa dad dinta ka been
    sheega oo dintooda ku gatey xoogaa dhaqaale ah iyo xukun jeceel aan ku hormaro alshabaab ALSH- waxey xalaaleysatey in dadka la iskadilikaro
    ama nin gaajeysan oo wax yar oo naftiisa uu u cuno xadey oo
    gacanta laga jarikaro iyo nin isqarxinoyo oo deenta islaamka ka mamnuuc
    ah laba tusaale ncw waagii uu noolaa waxaa ncw loosheegey in ay munaafiqii ku dhaxjiraa ncw isa oo og uu diidey inladilo ama lagaraaco
    tu saalaha kale waa asxaabigii khamriga cabijirey oo 3mar la soo qabtey
    markii 3dexaad midka mid ah asxaabada uu nacaladey ku tuurey ninkii cabsanaa nabiga hortiisa waad lasacotaa wuxuu ncw ku yiri ninkii nacada ku tuurey ninkii cabsanaa nabiga scw wuxuu kuyiri nacalad ha ku tuurig dad badan buu ka kheyrbadayahaye intaa waa alshabaab,? ahlusuna
    iyagu waa wanka barida wey iyo kitaab lagudawarsado hada idaha baridaweyn waaba kaweynaadeen oo hada itoobiyaan bey noqdeen .

  23. runtii maqaalkan wuxuu iila muuqdaa in uu yahay mid dhaxal xaqiiqada jirtaana kama leexanin suxifiga qoray .. horey ayey soomaali u tiri ” nimaan run sheegin beenaa u qarsoon” mid ayaan ku darsan lahaa , alle ha ka cabsadeen dhiig qof walalkaa Muslim ah darajo aduun iyo mid aakhiraba ku heli meysaane ..

  24. Dooyaale says:

    Wallee waxaan u malaynaa haddii MAHDIGA soo baxo , oo aw sheegow in nimanka Xaqq u dirirka ah e Caalamka Islaamka ka dagaalamaa , aw hogaamiyo in ay Soomaaliyi diidi lahayd iyagoo og in aw Mahdigii yahay , haddii aw Al shabaab hogaamiyo , in ay diidi lahaayeen ayaanba ka baqaa!!

  25. Maxamed says:

    Alshabaab waa la nacay, laakiin Xaqa ayaa sidaas ah, oo dadka ma ogola in ay xaqa raacaan, maxaa yeelay waxaa jirta in dunida maanta ay isaga biirsatay sidii loo ciribtiri lahaa raad kasta oo Islaami ah, Alshabaabna waxay qaadatay fulinta Shareecada Islaamiga dhabta ah, sidaa darteed ayaan aragnaa in dunida oo ay hormuud katahay dowladda Maraykanka dagaalkii ugu xumaa ee ay Saliibiyiinta ku qaadaan Islaamka inuu socdo oo hadii aad u fiirsato waxa ka dhacaya Afgaanistaan, Ciraaq, Soomaaliya, Suudaan iyo dowlado kale oo muslim ahba waxaa cad in Islaamka far ugu jirto oo waxa la diidan yahay uu yahay ku dhaqanka shareecada, waxaana taasi u daliil ah:
    Markii ay soo baxday Midowga Maxaakiimta Islaamiga (si kastaba ha’ahaatee soo if baxooda (qabiil ama diidanaan Cabdullaahi Yuusuf) waxaan aragnay 6 bilood oo meel loo barbardhigo aysan jirin, dunida oo idil waxay ku heshiisay in lala dagaalamo Maxaakiimta oo waxaa Nalka Cagaaran loo shiday Cadawga Itoobiya sidoo kalena lasiiyay gargaar dhinac walba ah dhaqaale, Siyaasad, hub iwm oo ay u baahan karto sidii ay u dabargoyn lahayd wadaadada isbiirsaday ee gacanta ku dhigay magaalada Muqdisho.
    Arintan uma baahno sharaxaad oo cid waliba waxay ka qabtaa fikrad gooni ah, haseyeeshee waxaa cad oo waadix ah in cadawga Itoobiya uu dalka soo galay sidii uu u burburin lahaa xoogaga Islaamiga, sida ay cadeeyeen saraakiisha Itoobiyaanka iyo kuwa Maraykanka oo si cad u qeexay inay taageerayaan dowladda Itoobiya howlgalada ay ka wadaan Soomaaliya.
    Marka waxaan dhihi lahaa Alshabaab way ila toosan tahay aniga, saxiix way jiraan khaladaado ka dhacay, laakiinse waxaa badan amaanka ay u keeneen gobolada ay maamulaan taasi oo horumar ku sameyn karta bulshada, haseyeeshee taasi uma cuntanto gumeysiga cusub ee maraykanka iyo kuwa raacsanba.
    Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu

  26. Ordaaye says:

    Ninka maqaalka qoray waxaad moodaa inuu marki hore taageero u hayay al Shabaab laakiin uu is leeyahay bal is muuji si aan laguugu darin dadka u dhimandoona al shabaab dartii.
    War- haye waxaan leeyahay ina al shabaab burburto wax wayn ma aha oo la lala yaabo, aad ha ula yaabin haddioi ay raggaan cabireen inay al shabaab dumi karaan, xasuusnow khilaafadii islaamka inay burburtay.
    Intaa ka dib, waxay ila tahay amiin caamir iyo ragga ku fakar ah inay maanka ku hayaan qaabkii aargoosi ah oo ku dhisay qofkii laga adkaadaba hala dabargooyo, waana dhaqan aad u xun una foolxun oo qiyaas ah oo ku dhisan yahayna aysan jirin. Waxaa intaa dheer ragga sidaas ku faraya intooda badan waxay ku noolyihiin dalal soo maray dagaalo sokeeye, waxaanse ka xuamahay inaan iraahdo taariikhda ma aysan akhrinin. Laakiin waxaan ku kalsoonahay in ragga aaminsan in la aarsado inaysan waqtigaan xil dalka hayn.
    Akhriya halkaan http://www.nytimes.com/2011/04/06/world/africa/06koussa.html?hp si aad u ogaato siyaasaddu inay ku dhisan tahay cafis iyo dulqaad.
    Khladkii iyo gafkii ugu xumaa taariikhda Soomaaliya ee dhacay wuxu ahaa markii wax ma garato ay ku astaysay in qof walba oo u shaqeeyey dawladdii Somaliya uu dambiile yahay, taas waxaan u haystay in laga qoomameeyey, laakiin, in websiteka Somalitalk maqaal noocaan ah uu ku soo baxo waxaan la yaabay ayay nooqotay.

    Al shabaab hadda meesha ka baxaan dhib badan ma dhacayo ayaan qabaa, waayo, hawshu waa iiga kac kursiga ee ma aha aan laayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan (eraygaan aan waxba galabsan) inuu ku dhibaa laga yaaba, laakiin, waxaan ula jeedaa, qofku mar haddaad ka gacansarayso waxaa nacasnimo ah inaad u qabsato wixii uu sameeyey.
    Maxaa iyaga uga duwanaan haddadan waxba cafin karin? Hadaf ma lihid miyaa ka sareeya aarsi. Aarsigu wuxuu kordhiyaa cadownimo, cafiskuna wuxuu soo dhaweeyaa walaalnimo iyo is jecel.

  27. FG says:

    WAXAA FIICAN WAA IN LA SAADAALIYO SHABAAB WAABAXEE LKN WAA GOORMEE TAAS WAA AMUUR ALLA UTAAL LKN SOMALIWEYN ARINBAA SUGEE

  28. jamal says:

    somaliyeey waxad tidhaahdan shabab culimadi ayay diiden? culimada ay diiden waa kuwee ma kuwii ay mar hore is khilaafeen oo ausy ku kala tageen ariintan ayay diiden mise qar kale oo anan ogeen? cajiib dadka ayaa wixii la rabo laga dhadhicinaya,, tusaale nin ad is dagasheen hadii u gar ku qado ka waraan??tan kale ee ah dadki ayay dhibateeyen waa kuwee dadkay dhibatayeen? ma muse suudi qanyare shariif maxamed dheere iyo kuwa la midka ah ayaa dadki ya oo ah umad somalkiyeed oo la ?dhibateeyay, qaranimo waa maxay? qaranimo somali,, war ilaaah ayan idinku dharshe ma shabab aya qaranimo burburoyay?dhalinyaradi ayay u daranyihiin?? walaigay ma maqal galo islam ogol,, marka gaal madow iyo mid cad islamnimo somalinimo, kama rali ah,, anigu kaman hadlin wixii la socda ee muslim sheeganaya

  29. war haye says:

    ninkan maqaalkan qoray waxba kalama socdo waxa somalia ka socda aminartsna ma aha wax lagu soo tusaale qaato waxaanse ku dhihi lahaa alshabaab baa burburaysa inta ku haysid yay saacadii qiyaamada kugu dhicin.