Home » Faallo »

DHAMBAAL: Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed

Qaybta 5aad

“Qabriga oo aan galaa ka roon qaabka aan nahay; qummaati u kaca oo toosa, Soomaaliyey waa qalibanteene,” waa tuduc ka mid ah heesta Qaylo-dhaan ee uu tiriyay Cabdi Shire (cayaar-jecel), ayna wadar ahaan ugu luuqayso kooxda Qaylo-dhaan. Lo’da duurjoogta ah ee lagu magacaabo lo’-gisi, waxay sida badan u wada socotaa kadimmo tiradoodu u dhaxayso 40-500 oo sac. Lo’dani inta ay wada joogto, wey is-dugsataa, weyna isku hilbo-dirirtaa; taas oo u suurtoggelisa in ay in badan ka nabadgasho cadowgeeda doonaya in uu hilibkeeda ka hirqado. Duurjoogta hilib-ku-noosha ah ee ay ka midka yihiin libaaxa iyo dhurwaaga, marka ay doonayaan in ay lo’daan wax-ka-dishaan oo ay sidaas ku helaan hilib ay cunaan; waxay marka hore ku dhaqaaqaan in ay lo’da didiyaan oo ay kala firdhiyaan. Marka ay lo’du kala firdhato oo in yariba ay meel u cararto, ayaa waraabuhu waxa uu culays saaraa in uu isugu tago oo uu cayrsado midka keligi gaarka u baynuuna, uuna halkaas hilibkiisa uga hirqado, hambadana uu haadda u waro.

Bulsho awooddeeda ugu weyni, uguna muhiimsani waa wadajir; taas oo haddii ay wiiqanto ama la waayo, ay bulshadu noqonayso mid aan muuqaal qurxoon iyo milge midna lahayn. Maanta waxa aynu marag ka wada nahay oo aan u wada jeednaa isu-furanka dunida (globalization) oo lagu sifeeyo in ay noqotay hal tuullo. Waddamada Reer Yurub, waxay hadda qarka ula saran yihiin, in ay samaystaan oo ay yeeshaan hal madaxweyne. Dhanka kale, dalka Jamhuuriyadda Shiinaha, waxa uu maanta noqday awood aan cidina loodin karin, lana wada aqoonsaday; taas oo ka soo jeedda wadajirka iyo midnimada shacbiga Shiinaha.

“Soomaaliya waxaa dumiyay wax-ma-garad,” waa murti iyo dareen aad ii taabtay oo aan ka qabsaday aqoonyahanka Cabdulqaadir Cali Boolaay oo ka hadlayay barnaamij ka baxay Universal TV. Runti waxaa la yaab leh, in dhawr iyo labaatan sano kaddib aynaan weli garan waddada aan ku joogno iyo meesha ay nagu wado. Indhaha waan kala haynaa, haddana waxba kuma aragno. Waan wadahadlaynaa, haddana isma maqlayno. Waan isu-qoslaynaa, haddana waan sii kala qaxaynaa. Waan is-dhunkanaynaa, haddana waan sii kala dheeraanaynaa!!! Haddii waddada isnacaybka iyo wax-ku-doonista gaarka ah aan ku sii wadno; waxaynu noqon doonaa Imaaraadka Soomaaliya oo col ah, mid walibana ay midda kale meel isku haystaan.

In kasta oo aan aamminsanahay, aniga oo ka duulaya qaab-dhismeedka bulshada iyo midka dhuleed ay aad u dhag tahay in Soomaaliya laga dhaqangeliyo nidaamka federaalka ah; haddana waxaa lagama-maarmaan ah, in nidaam kasta oo la qaadanayo uu ahaado mid si buuxda loo derso, ayna dawlad dhexe qaabayso. Haddii qabyaaladi ina hoggaamiso oo aynaan si qarannimo ah wax u qaabanaynin; waxaan shaki lahayn in inaga oo calamo kala jaad ah wadana, cadowyo kala duwanna ay nala kala safan yihiin, in aan dib isu dagaali doono. Ifafaalihii arrintani waa midka hadda inoo muuqda oo ka dhextaagan Somaliland iyo Puntland oo isku haya dhulka dadkii deganaa ula baxeen SSC. Dhinaca kale, durbaankii colaaddu waa kan isna hadda ka dhex deryaamaya Puntland iyo Galmudug, iyo sidoo kale Ximman iyo Xeeb iyo Galmudug.

Inta aynaan kala dhaqaaqin, anna aanan qalinka dhigin aan kugu dhaafo su’aal jawaabteedu ‘haa ama maya’ ay tahay; Ma aamminsan tahay in aqoonyahannadu dawrkii kaga aaddanaa bedbaadinta dalka iyo dadka ay qaateen?; Kaallinta aqoonyahannadu ma tahay mid waqtigaan loo baahan yahay? Baahi aqooneed ma dareentaa, marka aad dhageysato khilaafyada ka dhex dhacaya hoggaanka Dawladda Federaalka ah??

Ilaa iyo qalinkayga dambe, nabadgelyo.
Cabdi Shire Warsame
Cirfe_50@hotmail.com
Qaybahii hore ka akhri https://somalitalk.com/tag/cabdishire/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.