Home » Warar »

Mahiga: Kulanka Wadatashiga Sidii loogu talagalay ayuu uga dhici doonaa Nairobi

Warsaxaafadeed uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu sidii loogu talo galay uga dhici doono Nairobi.. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 06/2011

Kulanka Wadatashiga ee Heerkiisu Sareeyo waxaa si aad ah uga faa’ideysan doona dadka Soomaaliyeed

Nayroobi, 07 Abriil 2011 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga ayaa maanta sheegay in kulanka wadatashiga ee heerkiisu sareeyo uu sidii loogu talagalay uga dhici doono magaalada Nayroobi 12ka iyo 13ka bishan Abriil.

“Waxaa dhinacyada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintoodaba naga soo gaaray jawaabo wax ku ool oo ay ku taagerayaan kulanka wadatashiga ee heerkiisu sareeyo kuwaasoo dhammaantooda doonaya habkii lagu xoojin lahaa wadahadallada dhexmaraya Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo dhinacayada kale ee ay jaalka yihiin ee ay arrintu khuseyso.”

Danjire Mahiga wuxuu sheegay inay jiraan kooxo yar oo diidan qabashada kulan iyagoon si dhab ah u fahmin ujeeddada runta ah ee kulanka, taasoo dhalisay isfaham la’aanta la xiriirta qabashada kulanka.

“Waxaan rumeysanahay in dadka qaarkood si xun loogu sheegay ujeeddada kulanka. Qaramada Midoobay waxay cayaartaa kaalin ay ku fududeynayso caqabadaha. Dhowaan arrimihii ka dhex dhacay hay’adaha federaalka ku meelgaarka waxay muujijeen inay caqabad ku timid wadahadalkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo dhinacyada kale ee ay jaalka yihiin. Haddaba, sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti, kaalintaygu waa inaan u fududeeyo hay’adaha federaalka ah habkii ay uga heshiin lahaayeen farqiga u dhexeeya sidii hore loogu marin lahaa geeddi socodka nabadda. Kulanku wuxuu si xoog leh diiradda u saarayaa arrimaha iyo hawlaha kale ee loo baahanyahay si hawlaha kalaguurka ah loogu soo gebagebeeyo si waafaqsan danta dadka Soomaaliyeed. Natiijada kulanka ka soo baxaysa waa inay noqontaa arrimaha muhimka ah ee la doonayo in la qabto si geeddi socodka nabadda loo hormariyo hawlaha xilliga kalaguurkana loo dhammeeyo,” ayuu yiri Danjire Mahiga.

Danjire Mahiga wuxuu kaloo sheegay in kulankani uu gogolxaadh u yahay kulan kale oo dabagal ah oo ka dhici doona magaalada Muqdishu, sida ay soo jeedisay Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah.

Danjire Mahiga wuxuu yiri Qaramada Midoobay oo haysata taageerada Bulshada Caalamka waxay diyaar u tahay inay fududeyso qabashada kulankan wadatashiga si loo taageero Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo dadka Soomaaliyeedba. Hase ahaatee, inuu shirku noqdo mid miro dhal ah waxay u taallaa ka qaybgalayaasha.

“Qaramada Midoobay waxay fududeyn doontaa qabashada kulanka, bulshada caalamkuna waxay dhegeysan doontaa fikradaha ka soo qaybgalayaasha. Hase ahaatee, annagu kulanka waxaan u imanaynaa goobjoog ahaan ama farriin gudbiyeyaal ama inaan ka jawaabno wixii su’aalo ah. Maadaama uu kulanku yahay mid wadatashi ah wax go’aan ah lagu ma gaarayo kulanka.

Kulankan waxaa loogu talagalay dadka Soomaaliyeed inay dhexdooda kaga doodaan wixii la qaban lahaa marxaladda soo socota. Dadka Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga faa’ideysan doona kulankan.”

 

——————-

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Mahiga: Kulanka Wadatashiga Sidii loogu talagalay ayuu uga dhici doonaa Nairobi "

  1. Magan says:

    Waxay ila tahay Arintan nairobi waa iska caddahay waxa ka soo socda iyo dadka loogu yeertay in ay saxiixaan in besha caalamku ku sii sugnaadaan badaheena khayraadka ku jirana ka sii dhuuqaan shilimo yarna naloo soo tuuro iyadoo waliba shilimadaas la siinaayo calooshood u shaqays tayaal sii laaya inta ka hartay shacabka somaliyeed.
    Hadaad eegto magac yada dadka ka qayb galaaya shirka waxaa kuu soo baxaaya markaad meel iska dhigto arinta qabiilka in ay yihiin dad horay loo soo isticmaalay oo maalinba waji cusub ku imaanaaya, waxaa is waydiin leh maxaa somaliya ay wali ugu jirtaa (ku meel gaar)?
    goormaa laga baxayaa ku meel gaar? qaramada midoobay maxay u kala qayqaybinay saa somalida? waligeen ma waxaan ku jiraynaa camamka kenya iyo yemen iyo meel walba oo caalamka ka mid ah ma qaxooti ayaan ahaanay naa ?

  2. Ciid says:

    Shirka Dhacaya April 12-keeda, shir maaha ee waa Shirqool !!

    Waxaan Maqli jirey BAROORTU ORGIGU KA WEYN, Waxanba ku qoslay cinwaanka la siiyeyey qoraalka intaananba warka intiisa kale aqrinin. oo sida muqta xambaarsan in faa’ido ugu jirto Soomalida. Allaha maxa dada la jahwareeriyanaya, waa kuma mahiiga ?? Mahiga waa nin shaqaale ah. waxa soo magacaawdey un-ka, isaga hadaf gaar ah malaha laakiin sida muuqata waa calooshii u shaqeyste oo an Af-ka Somaliga ku hadlin. cida soo magacaabtey ee un-ka ah na aya mar kasta dano gaar ah ka leh Dalka iyo dadka Somalida. Waxayna ugu talo galeen iney dadka ku jahwareeriyaan maamulada ka jira dalka. waxaa ugu wacan markasta oo ay cid magacaban, muddo koobana ay jirto, kadibna waxay bedelayan madaxda sare, tusaale, markasta oo ummadda loo arko iney midoobeyso isla mar ahantana ayaaheeda ka tashaneyso, waxa la bedela qorshaha si mar kale loo jah wareeriyo. ama waxa la yihaada shir cusub ha la isku yimaado.si wixii hore oo dhan loooga dhigo waxba kama jiraan. waana mida qaadatey muddo 20 sano ah, in UNADA ( UN-ka) ay qeyb libaax leh ka ciyartey, in madaxa iyo luqunta ay isugu xirto arimaha cakiran ee dalka ka jiro. Haddii ay noqon lahayd Federal aan wax shaqo ku lahayn inoo sameeyaan ama qeyb ka mid ah Badda somalida cid gaar ah u xariiqan. iyadoo ay ogyihiin waxa o dhami ay weli mari la; yihiin Shacab Weynaha Somalida. Mahiga wuxu yiri waxaa inagu nahay “dhageystayaal ama goobjoogayaal oo waxaan ka jawaabi doona su’alaha nala weydiyo. Laakin wuxu sidoo kale sheegey cida agaasintey shirka iney tahay waxay ugu yeeraan “beesha caalamka” !!! waa yaabe mahiiga Muxu arimaha Somaliya kala socda? Maxayse tahay baahida keentey nin ajnabi ah oo an hal erey oo Somali ah garaneyn inu yihaahdo waan idin dhex dhexaadinaya, war miyeynan ahayn kuwa fekeraya !! waxan sugeyna natiijadda ka dhalata shirkan, iyado an ognahay ineysan waqti dhumis oo keliyah ahayn oo ay ahaayeen kuwo lagu abuuray carqalado iyo is faham la’aan hore leh oo an ba weli horey loo arag iyadoo kale-na la maqal.
    Waxaad ogtihiin ninkii isaga ka horeeyey ee Axmed Walad cabdala, inuu aha ninkii ugu xuma ee UN-ka usoo magacaaban arimaha Somalida, iyadoo marka loogu soo gambadey inuu aha nin islaam ah, islamarkana ka soo jeedo dalka Moritania oo an qaab ahan iyo dhaqan ahaanba Somalida isku dhow yihiin. sida fowqul caqli ah ugu shaqeeyey isla mar ahaantaana HAL BACAAD LAGU LISAY ka dhigey Halgankii iyo kacdoonkii wada socday ee dhacey 2008, ee fadhigisu aha Asmara. oo ay Somali meyshey jirto-ba ku midowdey si dalka Nabad waarta looga dhaliyo. laakin nasiib daro jihadii shirka uu socda laga leexiyay oo la mar habaabiyey iyadoo jabuuti jir lagu qabtey qeyb kamid ahna lagu casuumay. loona balan qaadey iney madaxnimadda ay u ordayan la hana siindoono. si kastaba ha ahaate ilaa iyo hadda ma cadda Qorshaha dhabta oo ay ka leeyihiin shirkan ka dhacaya nairobi 12 april, lakin waxa muuqata inuu noqon doona shirqoolkii ugu darna ee abid so mara Somalida, tusale. sida muuqata waxa la qeyb gelindoona Ahlu suna Waljameeca, oo ayadu noqotey urur siyaasadeed, dabadeedna laga hor geyndoona qolyaha kale ee Shabaabka, . Hadaan la helin feker fayow iyo xal nabadeed oo ka duwan midkan. oo ay horboodayan aqoonyahanada, maalqabeenada, Qurbo joogta waxgaradka iyo dhalinyaradda Somaliyeed xaalku ma wanaagsana..!
    Allow ina bad baadi, adiga aya ugu wanagsan cid wax gar gaarta, waan agarnaa in naloo tashadee..oo naxriistada waasaca noo fidi Aamiin.

  3. a/c w/r w/b awalan waxaan salaamayaa dhamaan umada soomaaliyed meel kastooy joogto salaan qaali ah. marka xiga waan aragnaa awalal bay awoowyadeenii yiraahdeen r,i waliba shilankey is dhigtaa lagu qalaa. waxaan ka xumahay somali iayadoon firito ama dhacac yarna qabain ayeey tubtaan dooratey aqli iyo fikir gaamni oo waxaa marqaati u ah marki la yiri dowlad xumi dowlad la,aan ayey dhaantaa oo misna ayadoo dowlad quwad leh loogu qorey darbiyada magaaloyinka umad waliba aayaheeda iney garato ayadaa leh waa ereyo ay dowladii dhexe dadka u adegsan jirtey in ay iskaga ilaaliyaan daneystayaashan hada gacanta aan ugu jirno balse waa waqti ina dhaafey oo dib u eegid laheyn ileyn waa xasuus murugo lehe, ka soo gudub arinta somali waxay gacanta koowaad ugu jirtaa ilaaha abuurtey ee ummad meel degan ka dhigey,marka talo siin dhamaan inta wadaninimadu iyo islaanimadu ay ku jirto fadlan waxaan filayaa inta isticmaasho aalada internetka waa dhalinyaro saan qabo ee intaas aqli isu geyno aan isku dayno ineynu isku keeno fikirka dhalinyarada ummada halmeelna uga soo wada jeesta wax u qabashada ummadooda sameeyaan wacigalin ku wajahan dadka soomaaliyeed wa hadey suurtagal tahay hadii kale somali wa ummada wadan la,aan ah sidii falastiin oo waliba kaba sii daran ileyn falastiin intooda badan wadanka waa laga bixin waayey ayagoo loo furey wadamo qaabila balse soomaali waa ummad u wada diyaar ah iney faarujiso wadanka wabilaahi towfiiq

  4. nora says:

    Tala Somaliyeed Qof hayaa Wadatashi Somaliyeed muxuu ku Didayaa? Jawabtu waxa weye Fikir Shacab oo Xor ah Ma Rabaan ee Waxay Rabaan Tallo ay Keligood gooni U maroorsadaan. iyo Magac Somaliyeed oo Maqaarsaar ah

  5. Iska fahan says:

    Somaliya Somali baa leh hadaan maanta tabar daranahey maxaaad modey miyaa inaan aqli la nahey Mahigow ?
    somaliyee dowlad laa aan dowlan xum baa dhaanto ee aan gacanta is qabsano oo dhibkaan aan ka guudubno. Ethiopia ayaa dalkeynaa malin kasto soo gasho hadanah Kenyaa ayaa nagula soo daadihinayaa Somaliyee maad aragtiin please somaliyeeeeeeeey gacanta aan is qabsano wadan kenaa yaanan dayicin oo dad isku xerneen oo kala daadsan yaaan noqonin 20 sano nagu filan aan is cafino waxaan aan ka tilaab sano wadanka adiga iska leh aniga iskaley aan xafidano dalkeenaa iyo dhaqan kenaa iyo diinteena

  6. Cumar says:

    Odeyga Tanzaninka ah kurbo culus ayay ku haysaa meel marinta inuu dhigo tacasida aaska qaranimada waayaha dheer buktay. Bal adba dheeho miyaaney isku milmin xabashida iyo caawankeeda kuwa ay sutida ku heyso Koonfur ilaa woqooyi dalka, miyaan Kenya loo qoondeynin Jubbooyinka, miyaan Nuurcadde badda bixininin, miyaan Formaajo ku baaqin in berriga wax lagu baacsado inkastoo marin badeed iyo mid dhul nooc kastaba jid gooyo la ogyahay wax ay diinta ka qabto:
    Halka ay abaabuli lahaayeen qorshe jiheyn ah hantida iyo dadaalka baas ku baxaya in lagu aaddiyo dhaqan celin iyo shaqo abuuris.
    Bal adba garo yaa uga baahi badan FEDERALKAN la buubuuninhayo dhab ahaanse ma ugu dhaqmaan labada gumeyste ee Illaah deriska nooga dhigay. (Keyna kama jiro habkaas waa qowmiyado diin iyo dhaqan kala duwan mana doonayaan).
    Diinta iyo dalka iyo dadkaba waxaa daboolay abaar iyo cadaw manaxyaal ah ku jihaadka ku daba rogmay, ku kursi iyo dhaqaale maanmaray iyo cadaw dibadeed oo ujeeddo fog leh.
    Gaajo iyo oon ayaa dadkii u le’anayaan maanta, way xoola beeleen, abaar daran ayaa ku habsay, taasoo gurmad iyo samafal looga dhigay rasaas, madaafiic, bara kicin, qabasho shirar daba go’an iyo xafalado.
    Waa maxay maciinka tala bixinta iyo waxa kalee Mahiga rabo in laysugu yimaaddo.
    Walaalayaal dadkeenna diif, gaajo, oon laga murgu daranoo laga naxo leh ayaa koobtay meel kastaa, qofkii karow maanta gurmadka nolol badbaadin ka qeyb qaado oo u ol-olee.

  7. Omar says:

    Sheekadaan matalaaddeedu sidaan ayay u dhacday ee fadlan iladaawada.
    Wiil yar oo ay dhashay hooyo la dhaho Q/midobay ayaa lagu amaansadey qoys la dhaho Somalia oo ayeeyo ay u tahay. Hbartu waamaal qabeen awood badanna waaleedahay oo qof hadalkeeda kahor imaan kara majiro.Qoyska ayaa ay maal gelisay odayga reerka oo dukaanweyn u furtey.waxayna u sheegtey in uu dukaanka odaga la hayo wiilkeeda oo odaga kasokow asagu maamulo maalka reerka dhan.
    Odagi reerka ayaa qoonsadey wiilki oo muran adag kaddib jeegada reerka ka qabtey. Wiilka saaxiibkiis oo reerka ka tirsan dhinac kalena masuul ka ah ganacsiga reerka ayaa isku dayay inuu ka celiyo odaga asagi ayaaba ay si xun isugu dhaceenn odaga reerka. waanu iska aamusay asagoo aad u careysan. Haseyeeshee waxay taasi ku dhalisay damac weyn oo hore ugu jirey inuu odayga dukaanka si xeeladaysan ugala wareego inuu soo dedejiyo u hawlgalkeeda.
    Odaygi dukaanki wuxuu u dhiibay dukaanki wiil kale oo ilmo adeer yihin wiilki la eryey kaas oo aabbihiis iyo aabbaha wiilka la eryey inkastoo walaalo yuihiin haddana xurgufo yar yar oo badan ka dhexeyn jireen tartan joogto ahna ka dhexeyn jirey.

    Eryiddii wiilka dukaanka laga eryey ka sokow wiilka kale ayaaba muuqaalkiisasanka ka taabtaabtey reerki wiilka la eryey oo dhan.
    Wiilka adeerkiis oo asagaba lug ugu taagnaa dukaanka odagu hayo inuu ayeeyo ka dhammaysto in asagalagu soo wareejiyo oo odaga reerka meesha ka saaro ayaa marki wiilkiisi oo ooayayasoo hoos istaagay go’a cirka u tuurey oo dagaal cirka iyo dhulka ahba ku qaaday odaygi iyo reerkiisi oo dhan.
    Labadoodi oo caro meel laga saro lahayn ayaa ayeeyadi u tegey oo dhegta uga buuxiyey wax alla wixi xumaan ahaa oo ay uga sheegi kareen odagaas iyo qoyskiisa iyo sida uu maalki ayeeyo ugu kibrey oo reerihi walalihiis ahaa iyo carrurihi reerka u baabiiyey.
    Wiilka la eryey saaxiibkiis oo aad uga xumaaday sida saaxiibkiis jeegada loo qabtey iyo degdegga wiilka cusub lagu keenay aadna ugaxannaaqay sidaasagiba loogu soo jeestey markuu saaxiibkiis u soo hiilliyey,ayaa si hoose asna u qaaday dagaal aar goosi ah iyo inuu ka faaideysto nabarka ay wiilki la eryey iyo reerkoodu ku hayaan odaga dukaanka iyo wiilkiisa cusub, wuxuuna is tusay in maalka iyo dukaanka odagu ku kibreyba asaga ula wareegi karo hadduu ayeeyo isu bihinbihiyo oo daacadnimo u muujiyo siina xoojiyo ceebta odaga wiilka eryey.
    Reer ka maal badan kana xoog weyn reerkaan odaga ayaa asna deris la ah. kaas oo neceb dukaanka ka garab furan horena cuqdad uga qaaday dhawr jeer oo ay si xun isu laayeen reerkaan. Reerkaas oo aad looga qaddariyo degaanka oo dhan ayaa isna culayska ku sii siyaadiyey dhaleecaynta odaga ayeeyana dhegaha wax ugu shubo.
    Saddexdaas jiho oo isbiirsatey oo hoos ordaya ayeeyadi oo usheedi soo qaadatey ayaa meesha socda. Odaygi iyo wiilki cusbaa ayaa ayeeyo degdeg ugu yeertey ayada oo aan u sheegin waxa ay ka rabto oo ugu yeertey.
    Meeshaas odagi iyo wiilki yaraa waxaa usoo baxay waxa ayayeeyo damacsantahay marki ay isu geyeen ficilladi iyo dhaqamadii wiilki laeryey aderkiis iyo qoykiisaba, sidoo kale wxay arkayeen sida uu isu beddelaysaaxiibki wiilka oo reerka uladhaqmayay muddooyinki dambe, ayagoo tuhunna uga jiro gacantaqoyska deriska ah oo si dadban meesha ugu jirta inkastoo aysan caddayn oo lagu dhiirrankarin afkaku dhufashadiisa.
    Odaygi iyo wiilki cusbaa ayaa af labadi dhawaaqay oo ka qayliyey in si xaqdarro ah ayeeyo loogu soo direy oo ay ku socoto arrin xaq darro ah ayaguna aysan wax qalad ah sameyn arrinkau yeeridda ayeeyana aysan xaq ahayn.dadki xaafadda oo dhanna qayladi ayay kusoo baxeen marki ay u sheegeen sida xaq darrada ah ee la rabo dukaanka in looga faramaroojiyo oo ayeeyo loogu soo jeediyey ayeey dadkina kawadaxumadeen oo lasafteen odaygi iyo qoyskiisi.kanaxumaadeen sida ayeeyo u dhaqmayso.
    Haseyeeshee ayeeyo oo ah tan reerka dhanba kala habeeysey oo mid waliba maal gelisay dukaankana u furtey haddana caro badan ka muuqato ayaan la ogeyn inay qaylada xaafadda iyo odsga iyo wiilkisa cusub inay dheg u dhigi doonto oo arrinta xal qabow u raadin doonto iyo in ay dukaankaba ka qaadan doonto xoolaheeda oo gebigiisba halla xiro oran doonto ama dukanka furihiisa ay u dhiibi doonto qoys aan odaga ahayn halkaas oo madaxa in la isla galo u dhow. waxaase laga yaabaaodayga iyo wiilka cusub inay galaangal kale sameyaan oo ayeeyo ku qanciyaan in xal qaboow arrinta lagu raadiyo oo qaylada qolada kale aan dheg jalaq loo siin. Bal meeshaas waxa kasoo baxa aan aragno