Home » Warar »

Khilaafka labada Shariif oo saameyn Weyn ku yeeshey qaar ka Mid ah Rag Xilal ka hayey Dowladda Federaalka

(Warbixin Dheer) –

Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa marba marka ka dambeysa wuxuu u muuqdaa in uu sii xoogeysanayo ka dib markii Rag ku dhawaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu daaqada kala baxay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif .

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa deg deg Xilkii uga qaadey Gudoomniyihii Maxkamada Sare Xuseen Cabdi Cilmi oo Xilkaa hayey muddo laba Bilood ah waxaana lagu badeley Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ka dib markii Madaxweynaha uu sheegey in Garsoorka looga baahan yahay Rag Aqoon leh isla markaana ka shaqeeya sidii Shacabka ay u heli lahaayeen Garsoor Cadaalad ku dhisan.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha soo dedejiyey in si deg deg ah loo magacaabo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyadoo weli uu joogo Gudoomiyihii Maxkamadda waxayna Xildhibaano diidey in magacooda la sheego ay noo sheegeen in Madaxweynaha DFKMG uu doonayo in Dhinac isaga riixo ragga ku dhow dhow Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa kale ay noo sheegeen in Madaxweynaha uu doonayo in marka la soo jeediyo in khilaafka u dhaxeeya labada Shariif lagu kala saaro Maxkamadda Sare uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif garab ka helo Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare Avv Caydiid Ilka Xanaf maadaama Gudoomiyhii hore uu ahaa nin u janjeera Dhinaca Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa magacaabista Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ku tilmaamey mid sharcidarro sidoo kale Mowliid Macaani ayaa isna ku tilmaamey magacaabistaan mid indhaha looga ridey Sharcigii iyo Axdiga ku meel gaarka ee u yiiley Dowladda Federaalka.

Gudoomiyihiii hore ee Maxkamada Sare Avv Xuseen Cabdi Cilmi ayaa isna ku tilmaamey Magacaabistaan mid Sharcidarro “Waa la yaab in iyadoo Gudoomiyhii hore oo aan xilka laga qaadin la yiraahdo waxaan magacaawney Gudoomiye Cusub aniga waxaan xafiiska fadhiyey muddo laba Bilood ah markii Madaxweynaha uu soo saarayey Wareegtada waxaa gudanayey Howsheydii aan ku magacownaa mana garanayo in xiligaan la yiraahdo waxaan magacowney Gudoomiyeye Cusub” ayuu yiri Xuseen Cabdi Cilmi oo intaa raaciyey” Rag ku dhow Sheikh Shriif baa ii yimid oo I yiri sidee u ragtaa khilaafka labada Shariif waxaana ku iri dhexdhexaad baan ka ahay.

Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu kulan ka yeesho Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda sare kaasoo ay doonayaan ay ku hor istaagaan ansaxinta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay sharcidarro ku tilmaameen Magacaabista Gudoomiyaha Maxkamada Sare isla markaana howl uu lahaa Baarlamaanka uu faraha la galey Mdaxweyne Shiikh Shariif maadaama marka hore loo baahan yahay in la soo maro Baarlamaanka ka dibna uu ansaxiyo Madaxweynaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu Xilkii ka qaadey Taliyihii Nabadsugidda Maxamed Shiikh oo ay si aad ah isugu dhawaayeen isla markaana ahaa Gacanta Midig ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Shaiif Xasan Shiikh Aadan isla markaana markii loo dhiibayey Xilkaas Maxamed Shiikh waxay ku timid talo uu soo jeediey Sharif Xasan hase yeeshee Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa aad uga caroodeen xil ka qaadistaan kuna tilmaamey mid lagu xadgudbey Habkii 4.5.

Hadaba talaabooyinka uu qaadey Madaxweynaha ayaa waxay carro ku abuurtey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiiklh Aadan,  waxaana soo if baxaya in ishaheysi uu haatan u dhaxeeyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaal Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka dib markii isbaheysigooda si aad ah looga dareemey kulamo dhacay Tododbaadyadii la soo dhaafey kaasoo oo uu ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, hase yeeshee Gudoomiyaha ayaa isagu wuxuu taageero weyn ka haystaa Xubnaha Baarlamaanka waxayna noo sheegeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka in Shariif Xasan uu hore u diyaarsadey Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay sheegeeen in uu si gaar ah uga bixiyo Kharashka Gudoomiyaha Baarlamaanka gaar ahaan Hotelada ay degen yihiin Xildhibaanada sido kale wuxuu Xildhibaano fara badan uu ka bixiyey Caafimaad Dibaddda ah waxaana taageeradaan si aad ah loo dareemey markii uu Gudoomiyaha ku soo laabtey Muqdisho oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Xildhibaano fara badan oo xitaa ay ku jiraan Xildhibaano ay isku beel yihiin Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif.

Hadaba la arki doonee halka uu Saldhigto Khilaafka u dhaxeeya Labada Shariif oo mar ahaa Saaxiibo aan kala harin oo si wadajir ah uga soo shaqeeyey in maanta madax sare ay ka noqdaan Dowladda Federaalka sidoo kale waxaa khilaafkooda si aad ah loo agoon doonaa ka qaygalka Shirka Nairobi ee uu ku baaqey Ergeyga gaarka h ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu sheegey inay ka fiirsan doonaan ka qaybgalka kulankaas halka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uusan wax war ah ka soo saarin kulanakaas sidoo kale Rasiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa sheegey in aysan qaybgeli doonin kulankaas waxay dadka saadaaliya Siyaasada Soomaaliya ay sheegeen in Madaxda Sare Dowldda ay wadaan Barnaamij ay ku Maaweelinyaan Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey tana iyo inta laga gaarayo Bisha Ogoosto maadaama dhamaantood ay kororsadeen Xiliga jiritaankooda ayna shaki ka qabaan in haddi ay ka qaybgalaan kulaankaas wax laga weydiiyo Mudada ay ku darsadeen ama lagu cadaadiyo in ay ka qaybgalaan shiweyne Dib u heshiisiineed oo lagu soo dhiso Dowlad Soomaaliyeed waxaa Saddexda Masuul ay ka Mideysan yihiin ama isku waafaqsan yihiin in aan la qaban wax shir ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Khilaafka labada Shariif oo saameyn Weyn ku yeeshey qaar ka Mid ah Rag Xilal ka hayey Dowladda Federaalka "

  1. cabdishakuur says:

    ACS UGU HOREYN WAXAAN HALKAAN KASALAAMAYA MAAMULKA WEBKA IYO DHAMAAN SHAQAALAHA SALAN KADIB MARKA HORE WAXAAN KAXUMAHAY SIYAASADA KHALADKA AH UU ISTIMAALAYO SHARIIF HASSAN SH AADAN MAXAA YEELAY MAR WALBA WAXAA LOO BAAHANYAHAY IN LA ILALIYO XEERKA UU LEEYAHAY SIYAASADA WAXAAN KALOO U DARDAARMAYAA DHAMAAN SAXAABTA UU KA DHAXEEYO XIRIIRKA IN AY ILAALIYAN XIRIIRKA LAGANA ILALIYO DANTA GAARKA AH LAGUNA DADAALO SIDA AY KU SOCON LAHEYD XIRIIRKA WABILAAHI TOWFIIQ

  2. Ilyaas says:

    Taxliilinta siyaasadeed ee qoraagaan uu noo soo gudbiyay waa uga mahadnaqaynaaa waaana mid ku salaysan xogta dhabta ah ee ka jirta labada shariif. labadii xaqdaro ku heshiisa xaqa ayaaa isku dira.

    ilaahay somali sharafteedii ha u soo celiyo, iimaankana ha ku sugo.

  3. Togane says:

    Waxaan dhowranaba waa Chief Justice Ilko-Xanaf oo maxkamada uga yeera Guddoomiyaha Baarlamaanka, go’aamadii ugu dambeeyay ee baarlamankana waxba kama jiraan ku tilmaama. Haddii kale magacaawistiisu waa mid aanan wax faa’iido ah usoo kordhin doonin madaxweynaha iyo labadiisa lataliye ee kala ah Enj. Yariisoow iyo Cabdikariim Xasan Jaamac. oo sida dad badan qabaan kula taliyey madaxweynaha in uu xilkan u magacaabo Ilkoxanaf.

  4. Abdirisaq says:

    Somalidu waxay tiraa :duqsi inta laba gacmood isaga dhiibaan ayuu ku dhintaa.
    Dalka Somalia waa dal dagaal nugleeyey oo aad udaallan aadna u tabar daran.taas oo ay u wehliso abaar nabadgelyo xumo qax, iyo shaqo la’aan baahsan.
    Waxa nasiib darro ah inuusan adduunka ku lahayn dalkani saaxiibbo si hagar la’aan ah ula guntada oo garab istaaga.
    Intaas oo jirta ayaa laga billaabo xilligi uu yar qaboobay hugunki dagaalki qabiilka ee 91 ka qarxay dalka ayaa waxay umadda Somaliyeed isku dayaysay inay bal wax uun isku kabkabto oo dib cagahiisa ugu taagto qaranki Somaliyeed ee burburay.
    Nasiib darro mucaaradada siyaasadeed ee lagala hor imanayay dawlad kasta markaay dalka soo cago dhigato ka sokow waxa mar walba dhacaysay oo joogto noqotey khilaafka ba’ab oo masuuliyiinta xilka haysa dhexdooda ahayd kaas oo keenaysaydib u dhac jahawareer hanjab iyo labadi qof ee ishaysay oo midba markiisa daaqadda si tartiib ah uga baxo.
    .
    Ilaa hadda si cad looguma caddayn shacabka Somaliyeed sababihi kailaafyadaas mid walba keenay iyo in laga hortergi karey iyo sababta isla khilaafki oo kale uu mar walba usoo noqnoqdo.

    Labada nin ee ugu dambeeya ee hadda isku haya hogaanka dalka habka loo wadayo ee loo yaqaan labada shariif, ayaa aad isugu dhawaa muddo oo dadku isku xaglin jireen.

    Midkood waxa uu lasoo shaqayn jirey Maxamed dheere maamulkiisi Jawhar, waa uu kasoo tegey khilaaf kaddib, waxa uu noqday maxakamdihi kaddibna u xuubsiibtey kooxdi Asmara, waa kasii tegey kasii tegey oo noqday kooxdi Jabuuti halkaasna uu ku noqday madaxweynaha qaranka.

    Kan labaad waxa uu noqday guddomiyihi Baarlamaanka dawladdii imbagaathi, isla markiba waa ka horyimid wuxuuna xamar u raacay xildhibaanno la baxay xildhibaannada Hawiye, waa ka noqday oo wuxuu dib ugu noqday dawladdii, waa ka booday oo wuxuu noqday kooxdi asmara, waa kasii booday oo wuxuu noqday kooxdi Jabuuti halkaas ayuu saxiibkiis kula lug qaaday oo ugu noqday xildhibaanka tirsan dawladdi jabuuti.kana soo noqday wasiir, ilaa uu hadda noqday guddoomiyaha Baarlamaanka.
    Haddana waxaa muuqata inuu ku kacay dawladdii saxiibkiis ay Jabuuti kusoo wada dhiseen oo mucaarad noqday asaga oo weli haya xilki guddoomiyaha Baarlamaanka.
    Waxan ka codsan lahaa guddoomiyaha iyo Madaxweynaha bal inay dib u eegaan inti luggooyo iyo is jiijiid umadda lasoo marsiiyey iyo bal in nin ka mid ah kuwi xilka isku haystay midkoodna wax ka dheefay. hana uga naxariistaan dawladda ay iyo shacabka Soomaliyeedba in Somalia ay mar kale weydo aqoonsigeedi dawladnimo . Waxaana hubaa haddi Somaliya fawdo dib ugu noqoto oo caalamku kala laabto tageerada dawladnimo ee u la hor joogo iyo aqoonsiga dawladnimo inaan guddoomiye iyo madaxweyne la isku sii qabsadaa meeshaba oolli doonin.Ciddi doontana ay waxay doonto nagu sameyn doonto ayada oo meesha uu ka bixi doono cod Somaliyeed oo caalamka gaari doona oo la maqlo.
    Intaan taas dib loogu noqon waa in la fekeraa nin waliba wixi ilaah u qorey iimaansadaa dalkana xasillooni iyo nabad sidi loogu heli lahaa laga wada shaqeeyaa.

  5. C/raxmaan says:

    Dhamaan Koonkaan oo dhan waxaa maamulkiisa haya ilaahay sida ay wax u dhacayaana ilaahay ayaa ku shuqul leh, rabina waxaan uga baryayaa in dadka uu madaxda inooga dhigay uu is garansiiyo isagaa awoodaas lehe, iyagana iimaan saafi ah ilaahay ha siiyo, in loo duceeyo oo ilaahay loo baryo maahee dawo kale malaha soomaaliya iyo Hogaankoduba.