Home » Faallo »

Kacaanka Maamul Goboleedka 2011

Waxaa Mar kaliya Dalka Dibadiisa ka bilowdey Dhismaha Maamul Goboleedyo oo salka ku hayo Qaab Beeleed waxayna Magaacbistaan na soo Xasuusineysaa Xiliyo dalka ay soo mareen Abuurista Magacyo markii dambe iska baab’ay Sannadihii Sagaashameedyadii waxaa Shacabka Madax marey dhismaha Ururo siyaasadeed oo marka lagu raadinayey Sad Bursi Waagii USC waxaa la dhisey Magacyo gadaal ay ka raaceyso USC Markii taas laga xiisa dhacay ayaa waxaa Abuurmey Isbaheysiyo sida Isbahaysigii USC/SNA , USC/SSA ,

Isbaheuysigii Dooxada Jubba iyo SRRC iyo kuwo ciidaa ka badan Kadib waxaa iyana Sameysmey Maxaakiimtii waxaana Beel  weliba u tafaxydatey in ay sameysato  Maxkamad Ugaar waana la ogaa meeshii ay ku dambeeyeen waqxaana xaqiiqo ah wixii lagu sameeyo lab Lakac iyo Xiiso in ay Baab’ayaan Waxay hadba mee;l soo martaba  haddana waxaa lagu waashey Sameynta Xisbiyo Siyaasadeed markii uu gaarey heerkii ugu Sareeyey ayuu karaarkii hoos u soo dhacay waxayna arrinku uu noqdey mid aan laga gaarin u jeedooyinkii loo aas aasey waayo Soomnaalidu waxay tiraahdaa Xumbo iyo Xiiso wey dhacaan Waqtigaan ayaa waxaa Xowli ku socda dhismaha Maamul Goboleedyo waxaana iigu yaab badneyd markii nin Odey ah inta ii yeeri i yiri “ Saaxiib waxaan doonayaa in aan sameysto Maamul Goboleed” Markaas ayaa ku iri ”Waad soo daahdey”, waxaa uu yiri “Ma soo daahin, waxaan arkay Deegaan Maamul Gobaleed laga sameyn karo” waxaana weydiiyey Deegaanka uu sheegayo midka uu yahay,

waxa uuna iigu jawaabay “Waa Taree Biyaano”, waan yaabay waxaan weydiiyey in uu is weydiiyey in laga hor imaan karo, waxa uuna isaga oo kalsooni muujinaya yiri “Tuulo ay degan yihiin 10 qoys ayaa maamul Gobaleed loo sameeyey, maxaa iigu diideysaa Taree Biyaano oo ay degan yihiin Kumanaan Qoys”. Anigoo taa la yaaban  Kacaanka Maamul Goboleedka ayaa nin kale oo Odey oo aan mudo is arag  ayaa meel isaga hor nimid, waxa uu ii sheegay in uu si aad ah ii raadinayey, waxaan weydiiyey wuxuu iga doonayey, wuxuu ii sheegay in uu doonayo in uu maamul Gobaleed ku dhawaaqo,

waxaan weydiiyey waxa Maamul Gobaleedka uu doonayo magaciisa noqonayo, waxa uuna iigu jawaabay “Madaama Beriga Maamul Gobaleedyo badan laga sameeyey boos kama helayo, marka waxaan doonayaa in aan dhiso Maamul Gobaleed la magac-baxay (Maamul Gobaleedka Badda)”, waxaana weydiiyey cidda uu xukumayo, waxa uuna iska oo qoslaya yiri “Waxaan doonayaa in aan xukumo nafleyda Badda ku nool”, waxaan weydiiyey waxa uu maamul gobaleedkiisu uga duwan kuwa kale, waxa uuna ii sheegay in kiisa lagu dhisayo Dalka gudihiisa maadaama inta badan Maamul Gobaleedka looga soo dhawaaqo dibadda. Jirka Bini’aadamka ayaa hadda ka hor waxaa dhex martay dood kulul, MADAXA ayaa yiri

“Anigaa Mudan Madaxnimada, maadaama xubnaha kale aan u hayo hawl muhiim”, INDHAHA ayaa markooda qaatay hadalka oo yiri “Madaxow ha hilmaamin in aan anigu ku Hago marka aniga xaq u leh Madaxtinimada jirka”, waxaa soo booday SANKA waxa uuna yiri “Waxaas oo dhan anigaa ugu muhiimsan waayo wixii idiin Carfa waad cuntaan wixii idiin urana waad ka tagtaan, marka haddii aanan wax idiin kala sooci laheyn Qashinka ayaad cuni laheydeen oo aad ku dhiman laheydeen”, Doodii intay socotay ayaa CALOOL soo booday, xubnihii kale oo yasaya CALOOL ayaa yiri “Calooleey iska joog waxba ma hayside Jirkii kale ayaaba is haystee”, Calool  waa iska aamustay, waxaa soo booday GACMO oo yiri “Waxaad ku nooshihiin waa cunto, cuntadana aniga sabab u ah in ay Afka gaarto, marka waa in aniga la i doortaa oo Madax layga dhigaa Jirka”,

LUGO ayaa hadalkii qaadatay oo yirii “Irsaaqaddaba markaad raadineysaan lugaha ayaad ku raadisaan oo aniga la’aanteey maba noolaateen,marka anigaa Mudnaanta leh”, CALOOL ayaa iscelin weysay oo ciil bisteed la ah kana careysan sida loo Xaqirey ayaa joojisay hawshii ay Jirka u haysey, Jirku wuxuu Dareemay Qandho, Gacmahii tabar ma leh, Indhihii ayaa nuxuusay, Maskaxdii waa isku dhex yaacday, maadaama wixii afka gala aysan soconeyn mar haddii CALOOL Banaanbax sameysay, Xubnihii kale ee jirka ayaa gartay in CALOOL qalad laga galay oo la Yasey waxayna bilaabeen in ay Baryaan oo ay heshiis la gaaraan, markaa kadib waxaa hadlay CALOOL oo tiri “Taladu waxay ku wanaagsan tahay Waalow”, iyo in si Wadajir ah loo shaqeeyo sidaas waxaan ula jeedaa in Soomaaliya hadda taagan tahay arrintaasi oo Jirka oo kale ,

Maamul Gobaleedyo fara badan oo la sameeyana kuma imaanayo xalka Soomaaliya waxaana laga dhadhansan karaa in ay ku hoos jiraan Qabiil, Isla weyni ,Xaqiraad, Madaxtinimo Jacayl iyo Anigaa kaa Mudan balse dad wuxuu Walaalow ku dhaamo la’ Waa xalkuna wuxuu ku jiraa in la is Ixtiraamo oo la isku Tanaasulo waxaa maalin weliba hadba meel noo hagayo waa Faragelin Shisheeye oo mar weliba noo keenaya Barnaamijyo aan ka fiirsan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Sidee laghu ogaadaa Tirada dadka Soo booqda Website

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Kacaanka Maamul Goboleedka 2011 "

  1. Hassan says:

    Amiin aniga aqoon gaar ah kuuma lihi, haddana waxa naga dhaxeeyo waa dareenka aad qoraaladda ku muujiso, midkan waa kii ugu qiimaha badnaa, intii aad wax qoreysay.. oo si toos ah ayaan ugu sheegtay dadka soomaaliyeed in walaalow wax dhaama aysan jirin.

    Qori AK47 haddii aad wadato, nin kale ayaa jira oo isna mid asaga la mid ah wata, qolo kale ayaa iyadana la mid ah wadata, MAKI Xaaji Banaadir ayaa yiri.” walaalkaa waa la weyneystaa waxna waa leys weydiistaa”.

    Dr.Yusuf. walaal magac DR.na waa tahay sida magacaaga ku cad, Qoraalka qiimaha badana waxad ku sheegtay cantara-baqash, Isma qaadaneyso walaal.

  2. baydan says:

    walaal amiin waa iga qoslisey waa runtaa waxa soomaaliya ka socdaa waa yaab bal maamul goboleedka badaaba ugu fiicane tolow shaqo ma laga helayaa ileyn aad buu u weyn yahaye

  3. Maqaalkan cinwaankiisa nuxur buu lahaa waxaana filayey in looga hadlo maamulada la magcaabay,meelaha ay kasoo jeedaan isimada dabada ka riixaya,siyaasiinta ka danbeeya,nasiib daro waxaan filayaa qoraaga ayaa lasoo degdegay arag dareena inay ubaahneyd in maqaal laga qoro balse cantar baqash buu soo qoray iyo waxaan meesha oolin.
    saxiib kan markale soo qoran madaama aad leedahay cinwaanka loona baahnyahay in waxbadan la iftiimiyo
    Mahadsanid

  4. Mr Samotalis says:

    Asc walaal Amiin,aad ayaan uga helaa qoraaladaada,midkanna sifiican baad iiga qoslisay,waana kaftan dhable xaqiiqadana ka turjumaysa.
    Brother Amiin keep the faith, waaladoogi Insha Allaah!!!