Home » Warar »

DFKMG oo madax ka tirsan Qarammada Midoobey ka mamnuucday Soomaaliya

DFKMG ayaa soo saartay qoraal ay “kaga mamnuuceen inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax shaqo ah fulin karin madaxa Afrikada bari iyo koofurta ee xafiiska sarre xaquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights –OHCHR-) iyo wakiilka Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda Q/midoobay ee Soomaaliya (UNPOS).

Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri

Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka (oo ay akhrinayso Sahra Maxamed Cali Samatar)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/mamnuucc.MP3]

Warsaxaafadeed Wasiiru Dowlaha Xafiiska R.wasaaraha

Warsaxaafadeed


Muqdisho, April, 02.2011——Anigoo ah wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Sahra Maxamed Cali Samatar isla markaana ah u qaybsanaha xukuumadda Soomaaliya arrimaha xuquuqda aadanaha, waxaan halkaan ku xusayaa in ay lagama maarmaan tahay in wadankeena uu yeesho awoodii uu ku ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha si aan u dhowrno dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dadka nagu caawinayaa sidii aan guul uga gaari laheyn arrimaaha dhowrista xaquuqda aadanaha, hase ahaatee waxaa jiraa shaqsiyaad doonaya in ay is hortaagaan sidii aan oga guul gaari laheyn dadaalkeena ku wajahan dhowrista xaquuqda aadanaha.

Caqbadaha na hortaagan waxaa ka mid ah in guddiga caalamiga ee xuquuqda aadanaha in uu san fulinin balan qaadyadii ku aadanaa xoojinta iyo dib-udhiska hay’adaha dhowra xaquuqda aadanaha iyo kuwa sharciga qaabilsan sida maxkamadaha, sharci dijiyaaasha, Nabadsugida, waxbarashada iyo wacyigalinta dadwaynaynaha.

Sidaasi owgeed, waxaan halkan ku taageerayaa go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda “Persona Non Grata”, kaasoo ay kaga mamnuuceen inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax shaqo ah fulin karin Mr. Scott Cambell oo ah madaxa Afrikada bari iyo koofurta ee xafiiska sarre xaquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights –OHCHR-) iyo Mrs. Sandara Beidas oo iyadana ah wakiilka Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda Q/midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) laguna wargaliyay dhamaan hay’adaha ku shaqada leh socdaalka “Persona non Grata” sidaa darteed ayaa wasaaradda arimaha dibadda ay “Note Verabal” ugu dirtay hay’adaha Q/midoobay oo ay ka wakiil tahay UNPOS.

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa xafiiska sarre ee xaquuqda aadanaha ee Q/midoobay in ay ka fiirsadaaan shaqsiyaadka ay usoo wakiilanayaan arimaha dhowrista xaquuqul aadanaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha


Ma ogtahay in laga baxay Internet Explorer 6

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " DFKMG oo madax ka tirsan Qarammada Midoobey ka mamnuucday Soomaaliya "

  1. Rashka says:

    waxaan maqli jiray (balaayada waxaa ugu shar badan mida kaa qoslisa),

    Hay’adihii Xuquuqul-Insaanka u doodi jiray ayaa somalia laga mamnuucay! habayaraatee majiro wax farqi ah oo ay arintaasu sameeneeso, ( sidii uun baa la isku cunayaa , sidii uun baana shacabka dhiigooda laga beecmushtarayaa.

    laakiin waxaa yaab leh, sahro cali samatar oo aabaheed ubaahanyahay wax udooda xuquuqdiisa inay ku dhawaaqdo go’aankaas.

  2. Mire says:

    Waxaa yaab leh shirkadii mushaarkaaga bixinaysay in aad ceyrisid qurbajoogtu waa soo cararayaan balse Soomaalida laxasuuqay yaa umaqan Sahra marna ma aydaan dhaleeceyn falalka arxandarada ee TFGda iyo calooshood u shaqeystayaasha afrikaanka.
    Mar unbaa laxisaabtami doonaa inshaallaah.

  3. SomaliMan says:

    Waxaan aad ula yaabanahay dowlad u jareyso Persona Non Grata dad aan wadankeeda xafiis ku lahayn tan labaad waxaa cadaatay in wadanka jeneralka Ugandeska u sareyo oo diidan in hayahadah Xuquuq aadanaha u doodo aysan ka shaqaynin oo Amisom waxay doonaaan laayaan caruur iyo Dumar Tan sadexaad warqad wasaarad arimo dibadeed ka soo baxday oo uusan wasiirkii Arimaha dibada ku saxiixnayn taas oo micnaheedu tahay Abdulkareem Jama iska soo samaysto warqaduu doono xitaa mida Shariif ama Farmaajo. Waxan aad ugu faraxsanahay Kuwaan Dawladnimada sheeganaya in uu waqtigoodii dhamaaday maxaa yeelay haday dad daacad ka ah dagaalka Alsheydaan hal maalin ayay kaga saari lahaayeen Mogadishu oo waxa keliya ay doonayaan ay tahay inay boorsoyinka lacago ka buuxsadaaan inta u dhiman. Ilaahay wadankaan haka baadbaadiyo kuwaan iyo alsheydaan.

  4. KAMAAL says:

    Farmaajo dadku waxay u qabaan inaad meesha u timid inaad lacag aruursato waana ognahay inaad u timi inaad wadanka noo xorayso oo maamul wanaaga iyo sharaftii iyo qaranimadii umada somaliyeed ay lahaan jirtay noo soo celiso waxaad kaloo meesha u timid inaad naga kor qaado kuwa waxna qorin waxna aqrin iyo kuwa yiraa LOOMA DHAMA iyo caloolaha wayn ee sacuudiga magaca somalida ku tuugsan jiray ee hada wajiyada duubtay ee ku casuumay wadankeeni kuwii ay tuugsan jireen.

    Waxaa lagaa rabaa inaad noo abuurto maamul ka nadiif ah qabiil iyo jaahil waa inaad soo xirtaa xafiiska QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN HAWADA SOMALIYA xafiiskaas wuxuu qandaraas ku qaatay hadawa somaliya iyo dhamaan diyaaradaha somaliya dul mara waxayna ka qaataan lacag hawadeena MEEYAY WASIIRKA DUULISTA AMA WASIIRKA U QAABILSAN duulista hawada somaliya muu xiro xafiiskaas?

    Lacagta la idinku adoonsanayo waad haysataan ee waa inaad wax allale iyo wixii ay UNKA nayrobi ku cuni jireen ilaa 1992 aad la soo wareegtaan ayna ugu horeeso DUULISTA hawada somaliya xafiis ayaa nayrobi ka furan LAGU QAADO LACGTII WAX ALAALE WIXII SOMALIYA DIYAAR SOO KOR MARTAY ILAA 1992 MARKA KAAS SOO XIRA MARKA HORE IYO XAFIISYO BADAN OO LACAGTEENA LAGU CUNI MARKAAS AYAAD ISKU FILAASHO GAARI DOONTAANE

  5. Togane says:

    Isyeel yeel badanaa TFGda!