Home » Archive Bisha March, 2011

Malaayiin Lacag iyo Dahab oo laga helay Qalcadihii uu ka cararay Madaxweynahii Tuuniisiya, Bin Cali…

Mar 4, 2011
TV-ga Tunisia ayaa soo bandhigay arrin aad looga cajaa’ib oo ah in lacago noocyo kala duwan, dahab iyo maal aad u farabadan in laga helay qalcadihii ay ka carareen Madaxweynahii Tunisia, Bin Cali iyo qoyskiisa. Waxyaabaha cajiibka badan waxaa ka mid ah in derbiyo loo ekaysiiyey maktabado oo lagu raseeyey Buugaag iyo kutub in gadaashooda ay ku qarsoonaayeen khasnado la ciir-ciiraya lacago aan... 
Halkudheg: , ,

Saameynta uu dagaalkii Balad xaawo ku yeeshay degmada Mandera oo cabasho laga muujiyey.

Mar 4, 2011
iyo Qaar kamid ah xildhibaanada xisbiga ODM oo laga saaray xisbiga. iyo Abaarta Gobolka Waqooyi Bari oo kasii dareysa. Star FM. Nairobi, Kenya. Dagaalkii dhawaan ka dhacey degmada Balad Xaawo oo ku taala xuduudda uu dalka la wadaago Soomaaliya ayaa waxa uu saameyn dhinac waliba ah waxa uu ku yeeshay dadka reer Mandera. Saameynta uu ku yeeshay dagaalka degmada Mandera ayaa waxaa kamid ah in shaqaalihii... 

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo la Tashi kadib lasheegay in uu ka Tanaasulay Isjiidjiidkii u Dhexeeyey isaga iyo Shariif Xasan

Mar 3, 2011
Iyadoo maalmahan uu khilaaf aad u weyn soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo la xiriiray markii Sheekh Shariif uu Baarlamaanka dib ugu soo celiyey go’aankii uu baarlamaanku ku gaaray in mudo saddex sano ah ay ku darsadeen xiligoodii oo ku ekaa 22-ka Agoosto 2011, isagoo sheegay in qoraalka uu u gudbiyey Baarlamaanka... 
Halkudheg: ,

Kiiska canshuur ka qaadista xaafada Eastleigh oo bilooyinkan ugu dambeeyey socdey oo u muuqda mid soo dhamaaneysa.

Mar 3, 2011
Waxaa bilooyiinkii uggu danbeeyay socday kiis maxkamadeed oo ku saabsan canshuur ka qaadista xaafadan Eastleigh. Kiiskani oo ay maxkamada geeyeen guddiga ganacsatada xaafada Eastleigh oo muda soo daba jiitameysay ayaa waxey shalay xukuntay maxkamada in maadaamaa canshuurta qaadisteeda aan la joojin karin loo baahan yaahay in guddiga ganacsatada ee xaafadda iyo “City Council” dowladda hoose ay... 
Halkudheg:

Xarakada Alshabaab oo Fariin Hanjabaad ah u diray Burundi

Mar 2, 2011
Waxaa maalmahan isa soo tarayey hanjabaadyo loo jeedinayo wadamada lugta ku leh arrimaha Soomaaliya sida Kenya, Uganda iyo Burundi, waxaana hanjabaaddii ugu dambeysay ka timid amiirka ugu sareeya xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa baaq digniin u diray shacabka reer Burundi kadib markii uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyey ciidamada Burundi laga dhigay, kuwo la dilay,... 
Halkudheg: ,

Magaalada Hargeysa oo weli ay ka socdaan Guryaha gubanaya

Mar 2, 2011
Qoysas badan ayaa dibadda jiifa kadib markii 27 guri ay gubteen – Maalmihii aynu kasoo gudubnay Waxaa gudaha Magaalada Hargeysa ka soo ifbaxay Arrin anfariir ku riday ummadda halkan ku dhaqan, marka aan sidaa leeyahay sababtu waxay tahay amaba aan dhihi karaa waa arrin ku cusub hargeysa oo aan horey loo arag. Qof walba oo ku nool halkan haddii aad weydiisana uusan si sax ah kuugu jawaabi Karin... 
Halkudheg:

Soomaaliya oo Magan galyo Siyaasadeed Siisay Safiirka Liibiya u fadhiya Muqdisho

Mar 2, 2011
Warsaxaafadeed ay ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay in safiirkii Liibiya u fadhiyey Muqdisho in la siiyey magan-galyo siyaasadeed kaddib markii uu iska casilay safiirnimadiisii… Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG Soomaaliya  iyo Safiirka Liibiya u fadhiya dalka Soomaaliya oo baaq wada jir ah u jeediyay shacabka Liibiya 01.03.2011——–Ra’iisul... 
Halkudheg:

Shariif oo Warqaddii Diidmada Xilli kororsiga Dib ugu Celiyey Shariif

Mar 1, 2011
Go’aankii kororsiga xilliga xukuumadda FKMG oo noqday isku tuurtuur, majaajillo iyo maaweelo… Shacaabka Soomaaliyeedna ay ku wareersan yihiin sida arrinta loo maareeyey… Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan ayaa Jimcadii Feb 25 sheegay in uu dib ugu celiyey warqaddii uu madaxweynaha DFKMG u soo qoray baarlamaanka ee ku saabsanayn kordhinta waqtiga baarlamaanka. Waxaa hadalkaas... 

Shiikh Shariif: “Xildhabaanada Baarlamaanka laba Dariiqo ayaa u furan oo ah in ay aqbalaan Qoraalkeyga ama diidaan Shariif Xasana Xaq u ma leh in u ka jawaabo Qoraalkeyga”

Mar 1, 2011
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Isniintii xildhibaanno kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ee ahaa inaysan marnaba ka laabanayn go’aankii ay muddada saddexda sano ah ku kororsadeen Baarlamaanka oo ka bilaabanayaa Bisha Ogoosto ee fooda nagu soo hayso . Madaxweynaha... 
Halkudheg: ,

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo kafurmey dalka Ghana.

Mar 1, 2011
Monday 28 February, 2011. Star FM. Nairobi, Kenya. Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka furmey magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana. Shirkan ayaa waxaa looga gol leeyahay taageeridda hawlaha ururka Midowga Africa ee kasocda Soomaaliya, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa ciidamada halkaasi jooga. Shirkan waxaa isku soo duwey ururka Midowga Africa, gaar ahaan AMISOM. Shirka... 
Halkudheg:

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Italy

Mar 1, 2011
Wafti uu hoggaaminayo Dr Faroole ayaa gaarey dalka Talyaaniga, safarkaas ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland oo u qoraa sidan: Halkan ka Daawo Sawirada Booqashada Roma PRESS RELEASE February 28, 2011 Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Italy Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maalintii Isniintii booqasho rasmi... 
Halkudheg:

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo ka Jawaabey Hadalkii Hanjabaada ee ka soo yeerey Xarakada Al-Shabaab

Mar 1, 2011
Kacdoon looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya eeku sugan Mandheera oo halkaa Bilaaban raba Iyadoo afhayeenka Xarakada ALShabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere uu digniin kulul u direy Dowladda Kenya ka dib markii uu sheegey in ay lug yeelatey Dagaalada ka soo cusboonaadey Degmada Buulo Xaawo islamarkaana Ciidamo lagu soo tababarey xerooyin ku yaal Dalka Kenya ay ka qayb qaadanayaan dagaalada... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...