Home » Warar »

Dood Cilmiyeed Taabaneysa Xasaasiyadaha Dalka Soomaaliya oo Lagu Soo Geba-gebeeyey Hoteel Kempinski ee Caasimadda Dalka Jabuuti


Dood cilmiyeed si wada jir ah ay uga qayb-qaadanayeen Gudigga Dibu-heshiisiinta Baarlaamka, Gudiyadda madaxa bannaan ee Dibu-heshiisiinta Qaranka DKMG, Gudigga Qabyo-qoraalka Dastuurka, Xubin Wasaaradda Dibu-heshiisiinta, wakiilo ka socda Xafiisyadda Ra’iisul Wasaaraha,  Madaxweynaha DFKMG, xubno ka socdey Maamul Goboleedyada Puntland iyo  Galmudug, Ururka Ahlusuna Wal-jameeca iyo Xubno ka socda Ururadda Bulshada Koofurta Soomaaliya,  oo ay maalgelisey dowladda Mareykanka, ayaa lagu soo gebagebeeyey Hoteel Kempinski ee Caasimadda Dalka Jabuuti 29/03/2011.

Halkan ka dhegeyso..

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Doodd cilmiyeedan oo ay soo qaban qaabiyey   Hay’adda NDI oo cinwaankeedu ahaa doorka baarlamaanku uu ku leeyahay arrimaha dibu-heshiisiinta, oo socotey afar maalmood, ayaa waxyaabihii looga dooday waxaa ka mid ahaa, qaabka loo wajahayo dibu-heshiisiita, halka laga bilaabayo, waxa laga heshiinayo, hay’addaha ka hawl-gala gudaha dalka soomaaliya iyo NGO,s-yadda doorka ay ku leeyihiin arrimaha dibu-heshiisiinta iyo colaadaha dalka ka jira, khilaafka ka dhex taagan guud ahaan  dowladda, muddo kordhinta baarlamaanka uu dhowaan sameystey iyo qodobo kale oo xasaasi, ayaa bilowgii dooda waxay ku bilaabatey kala arragti duwanaasho xoog badan, hadalo kul kulull oo ay si gooni gooni ah ugu soo jeediyeen DFKMG, xubnaha ka socdey maamul goboleedka Putnland iyo Ururka Ahlu sunna waljameeca socotey.

Waxaa sidoo kale dhaliilo add adag loo soojeediyey xubnaha ka socdey maamulka goboleedka Putland, kadib markii ay soo jeediyeen gogol ay ku doonayaan in shir dibu-heshiisiin soomaaliyeed lagu qabto deegaanadda Putland, halka xubnaha ka socdey Ahlusunna wal jameeca, iyaguna la huwiyey su’aalo kul kulul, kadib dagaalka ay wadaan iyo halka uu ku wajahan yahay mowqifkooda siyaasadeed wax laga weydiiyey, waxaa sidoo kale dhaliilo add adagg loo soo jeediyey Hay’addaha iyo NGO,s-yada ka hawl-gala gudaha dalka soomaaliya, taasoo lagu sheegey in mararka qaar ay ku bixiyaan dhaqaalo colaada iyo bur burinta ilaha dhaqaalaha dalka, halka mararka kale ay qabtaan shirar aysan ogeyn maamulada ka jira guud ahaan dalka.

midig khubarada wax ka dhigayey siminaarka, midig dhexe 1 2, 3, gudoomiyayaasha gudiyadda dibu-heshiisiinta baarlamaaanka iyo kuwa madaxa bannaa, bidix xogheynta baarlamaanka

Gunaanadkii doodd cilmiyeedan waxaa laga soo saarey in ka badan 40 qodob oo talo soojeedin ah, Madaxa Hay’adda NDI Maxamed Cabdirisaaq oo qodobaddii talo soojeedinta ahaa ee la isku af-gartey oo akh-rinaya iyo mid ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo ah nin ajnabi ah halkaan ka dhegeyso

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Gudoomiyaha Gudigga Dibu-heshiisiinta iyo Hanti isu celinta Baarlamaanka Eng, Ibraahim oo soo xirey dood cilmiyeeda ayaa marka hore u mahadceliyey hay’adda NDI iyo UNDP gacantii ay ka geysteen, islamarkaana waxaa uu faah faahin ka bixiyey in talooyinka halkaan laga soo jeediyey ay baarlamaanka ula noqondoonaan.

Madaxa Hay’adda NDI Maxamed Cabdirisaaq oo akh-rinaya talo soojeedintii siminaarka

“mudanayaal iyo marwooyin waa la kala faa’iideystey, siminaarka soo socdey afarta casho, waxaan u mahadcelinayaa hay’adda inoo suurta gelisey in ay meel isugu kayo keento annagoo is aqoon badankeena, maalintii ugu horeyseyna badankeena aan is-wada jiirney, maalintii labaadna aan rooneyn, maantana annagoo wada qosleyno oo adeersyada kala qaadaney, is-macsalaameyneyno” ayuu yiri isagoo sii hadlaya wuxuu intaa ku darey.

Xubin NDI oo akh-rinayay talo soojeedintii

“mida labaad intii dowladd la aan dhiseyney dowladd aan wadan magaca dibu-heshiin waa yareyd, dowladdan  shaqadeeda waxay ahayd dibu-heshiisiin, haddana waa gaabisey, waxaan codsaneynaa xubnaha dibuheshiisiinta meel kasta oo ay joogaan, in ay ku dadaalaan in dibu-heshiisiintii boorka ka jafaan oo ay la socdaan Ummaddaan oo ay la shaqeeyaan qolyahaan Konostuwiishanka qoraaya oo aan hirgelino dabadeed wuxuu la yimaado aan raacno, wixii hadda naga soo baxay, taley ahaayeen, xubnaheena baarlamaanka 550-ka qayb ka mid ah gudiga dibu-heshiisiin ayaanu nahay, waxaan ula noqoneynaa baarlamaanka, waan isku dayeynaa in aan u sharaxno, waxaana ku faraxsanahay talooyinka naga soo baxay in badankooda ay qaadan doonnaan”.

qayb ka mid ah ka qayb-galayaasha siminaarka

Xiritaarka siminaarka kadib gudoomiyaha gudigga dibu-heshiisiinta Qaranka DFKMG Ismaaciil Macallin Muuse su’aal ka keeney qodobo ka mid ah talooyinka ay soo jeediyeen xubnaha siminaarka ayaa Madaxa hay’adda NDI Maxamed Cabdirisaaq  jawaab ka siiyey “waxaan aad ugu faraxsanahay in dood aad u asluubeysan ay na dhex marto, ama ha la isku diido ama halawada ogolaadee oo aan si fiican u dhex galney hawlahaas oo dhan, annaga shaqada ayaa fokiska noo saaran, waana idiinla socodsiiyey maanta talooyinka la idiinka aruuriyey aan idiin tusno sida aan wax u wadno, micnaha waxaa weeyee taras baaranti, in wixii laga wada doodey oo dhan aan meesha gelino, anniga haddii aan ahay madaxii hay’adda, waxaa la ii soo jeediyey oo la itusey, in waxyaabaha aan ka hadleyney ama aan uruurinteeda ku jirney, ay ka mid ahayd qodob 3-dii maalmood iyo bar aan looga hadlin, markii uruurinta talooyinka la gaarey aan ku darno oo aan dhahno waa waxa shirku soo jeediyey, khaasatan haddii aan sii gudagalo qodobkaas wuxuu ka hadlaayey, dibu-habeynta gudiga dibu-heshiisiinta Qaranka oo uu ismaaciil madaxda ka yahay, wax walba oo aan ahayn wixii laga doodey dib baanu u dhigeynaa waa mahadsan tihiin”

bidix: Gudoomiyaha gudigga dibu-heshiisiinta baarlamaanka Eng , Ibraahim Jeebo.

Gabayadda, maansooyinka iyo murtida ay hodanka ku tahay soomaalida ee ay ka tageen hal-abuurka soomaaliyeed ayaa  dhextaal ahaan waxaa halkaasi uga soojeedinayey suugaan ururuuriyaha soomaaliyeed Axmed Faarax Cali Idaajaa, taasoo la dhihikaro waxay ahayd waxyaabahii ugu muhiimsanaa ee halkaasi ka baxay, misena dadka soomaaliyeed dhugba u halayn in dib loo qooraansado dhaxalkaas qiimaha badan oo tilmaamayey waxa taagn xiligan iyo wixii laga soogudbey iyo waxa soo socda sida looga gaashaanto.

Marka si guud loo eego dood cilmiyeedan ayaa waxay ahayd mid xambaarsan fariimo badan, kuwaasoo isugu jira, kuwa sii ifinaya mugdiga dalka iyo dadka soomaaliyeed mudada dheer ay ku soo jireen, halka dhinaca  kale ay ka bixineysey sawiro saababb badan wata, misana loo sii siloon yahay, taasoo aysan wali dadka soomaaliyeed ka salgaarin saamahan sii sarsaran, balse lagu sii solmayo.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dood Cilmiyeed Taabaneysa Xasaasiyadaha Dalka Soomaaliya oo Lagu Soo Geba-gebeeyey Hoteel Kempinski ee Caasimadda Dalka Jabuuti "

  1. Hanadyare says:

    Horta akhyaarta waan idin salaamay salaan kadib waxaan la yaabanahayw axay tahay gudi dib u heshiisiin waa iga su,aaleeyay heshiisiinaayaan? Saan lawadasocono baarlamaana asaa is khilaafsandoolad iyobaarlamaanka mamoogin sey isku yihiin 2 shariif xaalkoodacidna loo sheegi maayo marka dadsaa ah see waxu heshiisiinaayaan yaase dirirsan horta? waxaa dirirsan ayaga iyo shabaab maheshiisaan ka sugeenaa aaway heshiiskii ahlu sunana iyo doolada aaway ayagii dooladaislasoo dhistay hoosha waa sida ay Ikraamsheegtay shimbiriyaaloow heesa hees wanaagsan heesa

  2. saalax nuune says:

    waxaan salaamaa dadkina somaliyeed meelkastoo jotiiniin. waxaan idiin sheegaa waxa waaye iska heshiya lee, shir ooarimaha soomali lagga dooda jabuuti waxuu idiin taraa majirti. idinka lee dalkiina ku wadda hadlo xamar isagu immaado amba boosaaso isagu imaado,ama hargeiysa isagu imaado runtu taas waaye. wixii intas dhaafo hadal tiro lee waaye iyo daacdaacsi, nabad galahee all somalia.

  3. akram says:

    marka hore ilahay ayaa mahad oo idil ay usugnaatay, marka xigta waxaa umahad celinayaa somalitalk oo kudadaashay sidi ay noodhex istaajin laheed qadiyad walba oo somali khuseeso.

    ita kadib waxaa isleeyahay sheekadu waa “shinbiriyahow heesa hees wanaagsan heesa” maantay midda iga dhaadhacsan waxey tahay in tayaaraadka iyo ururada siyaasada somalia kujiro inaysan kujirin mid si xeeladeesan uga shaqeynaayo badbaadinta iyo ilaalinta somalia iyo somalida, sido kale beesha caalamku kuma jiraan dowlad qura oo dooneyso inaan so cesheno kayaankeeni, kana cayaarno dowrkeena wanaagsan.

    sidaas waxaan uleeyahay somalia hadda waxaa kajiro abaaro baahsan oo dadki iyo duunyadi gaasiray wadankiina waalakala qeysaday qolo walbana xad looyaqaano ayey sameesatay oo marna aysan kudareemeen qalqal hadaba qolo walba koox walba maamul walba muxuu uqabtay dadkiisa abaartu leeysay?! majirto cid wax uqabatay marka laga reebo hadalada macaan ee danyarta lagu beerlaxowsanayo.

    somalia waxey rabtaa gargaar baahsan, waxey rabtaa isku kaashi sidii si wada jir ah looxalin lahaa mashaakilaadka wadanka kadhexjiro waxey rabtaa in si wada jir ah looga hortago khataraha fikirka iyo dhibaateynta isugu jirto ee dibad iyo daakhil ksocdo, umana jeedo cid xattaa isku dayday.

    AKRAM