Home » Faallo, Suugaan »

Gabay: Cali Samatar Calankuu u siday…WT- Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

03/28/2011

“Soomaaliyoo dawladoo qaranku saan qaaday
Oo salab dirays ciidanloo nabad ku saacaysa
Cali Samatar Calankuu u siday sarow kaceediiye,”
Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

Gabaygan wuxuu soo baxay taariikhda kor ku xusan. Gabaygan CALI SAMATAR CALANKUU U SIDEY…waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine).

Abwaanka ayaa gabaygan ka tiriyey dacwadda xaqdarrada ah ee lagu oogay Gen. Maxamed Cali Samatar, oo ah ruux taariikhda Soomaaliya kaga jira ‘baal dahab ah.’ Soomaaliyi eed badan ayay kala gashay, haddii la is qaannamayo, dad badan ayaa sharcigu qabanayaa. Ummadda Soomaaliyeed aad bay uga carootay ‘takoorka’ lagula kacay.
Mudane Cali Samatar oo maanta ah nin da’weyn, waddanka Soomaaliyana ka soo qabtay xilal sare oo wax ku ool ah. Sidaa uguma sii dheeraanayno taariikhda Maxamed Cali Samatar, waxan idiin soo gudbinaynaa gabaygii akhiris iyo dhegeysiba. Waa mahadsan tihiin.

HALKAN KA DHEGEYSO GABAYGA:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/calisamatar_calankuu.mp3]

Wuxu yiri:

Adduunyadan siyaadada waqtigan sebenka aan joogno
Nimba siduu arkuu uga hadlaa saxal wareeggeede
Sannahaaban Eebbow xumaan laga salgaadhayne

Saqda dhexe maraan xalay hurdada sabarka hayn waayey
OO aan sabansabdheeyoo qalbigu sawlax ledi waayey
Sifaalooyin ii muuqdaybaa ila silloonaaye

Soomaaliyoo dawladoo qaranku saan qaaday
Oo salab dirays ciidanloo nabad ku saacaysa
Cali Samatar Calankuu u siday sarow kaceediiye

Waa ninkii Amxaarada santolay seetadow xidhaye
Waa ninkii saqiir iyo kabiir sawraceed jaraye
Waa ninkii illaa sigistigii (60-kii) guluf ku soocnaaye

Waa ninkii safkii Goday watiyo sooma jeestaha’e
Waa ninkii sawaariikhda dhigay soolka Dhagaxbuure
Sumaddiisii Kaaramardhaan abid sal guurayne

Waa ninkii Wardheer sii mariyo suudi iyo Hawde
Waa ninkii Jigjiga subax galoo seemay qudhunleeye
Seben-Seben (77-kii) siduu ugu jebshaa lala sureeraaye

Waa ninkii sallaanka u ahaa kuman saraakiile
Waa ninkii sancada baray safkaa maanta caasiyaye
Sumcaddiisa duulkii yiqiin kuma safaadaane

Intaasoo sifaala ah ninkaan lala sinnaanaynin
Geesiga sujuuddale cilmina Saatir ugu deeqay
Miyaa haatan lagu soohayaa eed la saanyaday dheh

Afartaa sa’diyo saadka iyo siin ma ka higgaadshey
Dadbaa ararta kala suuliyee sadar ma qaadsiiyey
Site mawgu xidhay maansadii igu saloollayde dheh

Nimankii sadheeyee dalkii cadow ku saaciidey
Xabashida ku sooryeeyayee subax u iib geeyey
Miyaa siidhiya afuufayoo salow la meeraayaa??

Dulmi sacabka loo hoorsadaa waa sun iyo booge
Iyadoon sax iyo khalad midnaba aan ku kala soocmin
Marooday takari saaran tahay waa sarriig li’iye

Dawladdii dhexee Ina Siyaad sidey hoggaankeeda
Xukunkeeda waa loo sinnaa sir iyo caadkeede
Maxaa Maxamed loo saaran yahay waa su’aal mudane?

War eed kuma sargoysaan cidnaba saadadii hore’e
Duqii ina Saleebaan dafliyo Cumar ma saartaane
Axmed kuma saluugtaan sirtuu waaya hayn jiraye

Senterigii Kacaanka u adkaa ina Salaad Boyba
Safkii ina Xawaadiyo Cigaan saxar la weydiine
Sarreeyihii Ismaaciil Calaa saaka weli noole

Siilaanyo madax buu ka yahay dawlad saamminahe
CID-da kii ugu darnaa saydho may mudine
Maxaa Maxamed loo saaran yahay waa su’aal mudane??

Soomaaliyi ka dirirtoo xumahan way ka saleleene
Siddi qabaxda beenta ah horay uga sindhiidhiine
Saatirkiin ka baqa godobtu waa idin sugaysaaye

Anna gabaygu yuu ila sibqine waxan kusoo seeray
Nabsi saawa saawaa ka roon sama la haybshaaye
Salfudayka waa lagu hodmaa samir la’aaneedee
Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Gabay: Cali Samatar Calankuu u siday…WT- Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) "

  1. war qof la dulmaya ma jiro cali samatar wuxu aha wasiirki gashandhiga ee XDS xasuuqi u madaxa ka aha maha inu dafiiro illaah ba na dilayee, xasuuq wu geyste, dayaradihi u Amarka ku bixiyey in dad shacaba lagu garaco ragii wadey dayuradahasi qarna wey garacen qarna amarki bey diden o waxay fadhisiyen wadamada dariska nahay sida jabuuti oo kale.cali samatae Aamaan u lahayna qaban meyso wuxu gesana qaban meyse, maxkamad in lamariya wa wajib muqadasa waliba sida ugu dhakhsaha badan wa in loo taga,…..

  2. Bismillaah, Anigu waxaan dhihilahay, Dawladda Haloodhiibo, Mohamed Ali Samatar, hana lagu ixtiraamo Shaqadiisa, Asigune imminka waa waayeele, ha iska ilaaliyo qoladaan waalan, ee markey Qaatka cunaan oo ay marqaamaan xanuunsanyaa, ee ilaa 1988 ooyintoodi yeereyso, ee dhibkii dhcay waa lagasoogudbayba aanan gananeynin, ee yar& weynba waalan, xatta haddii ay madaxkadhigeen Siilaanyo, wali aanan garaneynin dhibka heysta……Akhirane waxaas uunbey la imaanyaan& wax lamid ah, Sheikh & Shariifne , mayaqaanan, geesi& Fulay, Duqon& Dirac, intaba magaranayaan, Samatar waa 80+ wax aan hadda cibadada mooye buuq umabaahno, e ordah oo xaggaa kuqayila balaayo ha idinkudhacdee xoolayo Cagaarka Cunaayaa, ee haddane waalan.

  3. gabooye says:

    BACDA SALAAN
    WALAAL ALI SAMATAR WAXA LAGU HAYSTO, WAA QUURSIGA SOMALIYA KA JIRA, AYEY LA TAGEEN MAREEKAN, MAA SILAANYO LA DACWEEYO, WIKII SOMALI OO DHAN XASUUQAY,
    MIDAB TAKOOR AYAA LAGU DACWEEYE,

  4. weger says:

    marka waxan u hambalyaynaya mawaadilinka somaliyeed ee ku guulaystay in ay sharciga hore daaquudkii u wayne dadki somalia dulmiya. waxana ku xiga doona dhamaan ragii la kiis ah meel kasta ha jooge o ay ka mid yihiin.
    g.maslax mahamed siyaad
    g.mahamed xirdi morgan
    g.gacjeex.
    g.ina suleeban dafle
    iyo dhamaan ku african iyo asia wareegaya e ka baqaya in ay tagan dalka horumuray si aan sharci , balse waxan ogaynsiinaya in nin kasta halkisa lagu tagi doona maalinta lo baahando.wa bilaah towfiiq

  5. salaan kadib.

    QOfFKU HADDII U DEENBI GAALLO IN LAAGU QAADO WAY TAHAY
    WAANA ARIN MUHIM AH DADKII SOMALIYA DENBIYADDA KA GAYSTAY .
    LAAKIIN YAA DEENBIILE AH??????????????/
    SU,AASHU WAA FUDUUDAHAY, WAXA DEENBIILE AH RAAGGII JABHADAHA SOOMALIYA KU SOO HOGAAMIIYEEY EE ETOOPIANKA SOO GARAB SADAY, WAXA DEENBILE AH RAGGII SHACABKA AAN WAXBA GALABSAN KU LAAYEEY DEGANADDA KALA DUWAAN EE SOMALIA KUWAAS OO DARAAJADDA CIDANKA SOOMALIYEEDD KU WAXYEELEEYEY SHACABKOODII,WAXA DEENBIILE AH RAAGGI QAABKA QABIIL WAX KU GUMAADDAAY,

    MAHAD SANID

  6. ahmed cali faandho says:

    asc. cabsida ilahay baan is faraynaa marka hore,, waxan umahad celinayaa gabyaga waxan leehaya {jasakalaahu khayre} mida xigta waxan ka codsanayaa dadka waxayalaha nin kaasa ka jawabayo wada ama buun buuniya in aad ka gudubtaan oo generl somaliyeed iidnaan ceebayna.. waxan kale oo oran laha in haday ka hari wayaan somali is ku meel uga soo jeensato.. waad mahadsan tihid dhamantiin…

  7. Somaliweyn says:

    Gen/Galal
    Gen/Ismaaciil Cali abukar
    G/sare Axmed Xasan Muuse
    G/sare Farax Waceys Duule
    Gen/ Axmed Saleban Dafle ***************** oo dhamantood joogan maaxa laga weydiyey S/lidiidka kuwana hoosta ugu heystaan cali samatarna maxkamad hala soo taago waa wax shaqeynen vivvo somaliya

  8. Ujeedo,dacwo murugo leh lidna ku ah geesigii qaranka .1/astaanta calanka shanta gees leh.
    2/xaduudaha dhulkeena,
    3/shacabka magaca somalia leh, ?!!!
    Fiid marshal, maxamed cali samatar,
    cajiib !!!
    Waa lagu wada cajabey markay maqaleen Inta damiirnimada qaaliga ah ku jirto somali iyo shacab waynaha caalamka intii taqiinay maxamed cali samatar, taariikh wanaagiisi waxaa ilaa hada yaaban siyaasiyiintii xukumadaha dunida xiligii dawladii somalia, m,siyaad barre, ama xiliyadaan jooga ama nool, shanta qaaradood, markay hal mar maqaleen dacwad lid ku ah siyaasiga caanka ah laguna xasuusto hal gankii somalia la gashay itoobiya gardaro cad ku haysata dhul baaxad wayn somalia leedahay,
    isku soo hooriyoo kuwa dacweeynaya miyey dayoowbeen? Mase ra”iyigooda kama imaan dacwadaan dhan kasta ku foosha xun ?!!
    Ceebi labo maahan ee waa tan usoo hoyatay duul sheeganaya somali oran doona muslimiin ayaan nahay?
    Dawlad kirishtaan iwm uu dacwooday kuna dacweeyey midkii hameen iyo maalin daafacayey qaranimaday ku andacoonayaan, waxaa kuwaas iloobay dhaqankii sharafta lahaa ee somali hodanka ka ahayd. Iyo shareecada islaamka ku dayashada NNKH nabigeeni suubanaa sunadiisi cid ku dayataa aysan habow iwm arkeen, kuna cadahay in 3,qafood la tix’galiyo loona kaalmeeyo,
    1/caalimka gaboobay da.Ah
    2/boqor hore ama masuul aan haysan saldanadiisi,
    2/taajir faqriyey waxna haysan, midna kusii daro muslim inuusan walaalkiis iwm waxka tabanayo ku dacweeynkarii gaalo iwm cawaantooda, hadaba maxay ku dhacday kuwa leh masuul wadani ah ayaan ku dacweeynay u.s.a, ma waxay la tahay inay ugu ridaan xukun xaqna ku helaan? Maya maya waligii ha uu fadhiniine hana suginiine taas doofaar hilibkiis ayey idiinka tahay sababto ah usa qaf kaligiis magan galyo uu ogalaadeen kana soo jeeda dal 21,sano burbur ku jirey inay go.aan ku ridi doonaan. Adinkuna madaxdiini iwm la mid ah sheeda ka daawan doonaan mana jirto usa sharci uu fasaxaya fakir idiinka yimid kuna sheekaystay, aan hebel dacwo ku furno,? Kkkk ma ogtihiin mase ku fakirteen inay idiinka ogyihiin shacabka usa mustaqbalkooda waxaa ooga imaan kuna waynayaan markay dantiina daciifka ah idiin fuliyaan,?!! Koleey nin idiin siray wax idiin sheeg,waadna ogaanaysaan ceeb kadib ok

  9. Somaliweyn says:

    Vivvo Somaliya Vivvo Somaliya duliga diidana waa dhacayaa sida uu sheegey Mahigga Somalidiidka soamli makala go’i karto ninka qaadka
    cuna oo marqaansan warkiisa waa marka uu waaga ku baryo buu toosaa
    inta lake waa hurdaa qamro iyo qaad baa nookeenteen duli kubaxa gabdho
    14 jir ah oo qamro ka dhrgey baa uk buuxaan .

  10. cawil ciiro says:

    dhab ahaan waa gabay qiiro wadaniyadeed le kuna xasuusinaysa xanuun iyo utun kala gaaray qoom wada dhashay oo is-fahamkoodu noqday dhiilooyin collaadeed iyo dabar goyn walaalnimo..

    soomaaliyey waan khaldannay waan is xasuuqnay qaar yar oo wax ma garata ah baa inaka haray, dhaqan iyo dhaqaale sokeeye ma jiro, shishuhu waxa uu nagu habaabiyey wado halis ah oo shakhsi soomaaliyeed oo uu dan u yahay aanay jirin,waa sidee xaalku maalmo dhaadheer iyo murugo aan harayn soo soomaali gacanta nooma galin!!!!!!