Home » Faallo »

“Dadka dilka, dhaca iyo Boobka ka daaya oo Guyahooda u daaya” Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Aduunkan Shaqsi iyo Koox walba oo Taariikhda soo marta waxbaa lagu xasuusan doonaa, Soomaaliya waxa ka dhacay 20 sano ee ugu danbeesay qof looga sheekeenayo ma jirto, Dhibaatadda nagu heesato daafaha dunida uma baahna in cidna loo sharxo, sida nabad iyo kala danbeyn aan ugu baahanahay ka wada hadal umaba baahna.

Qof walba Danbigiisa Alle ayaa kula xisaabtami doono, Kama hadlayo in Maxamed Siyaad Saxnaa iyo in kalle, kama hadlayo in dad gaar ah dhibaato loo keestay, kama hadlayo Siyaasadadda hadda jirto balse ila wadaag dareenka Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee 20 sano ka hor iyo meesha aan maanta joogno.

Maxamed Siyaad Barre ma nihin isku isku qabiil, isku ehel, dan gooni ah oo aan ku jeclaadayne ma jirto, balse waxaan ku jeclaaday in uu yahay Madaxwayne Soomaaliyeed oo dalka dhisay, dadkana wax u qabtay, marka Maamul la qabto dhibaato iyo qalad wuu dhacaa balse meesha aan maanta joogno ayaa ka sii xun.

Mar aan dhageestay hadal uu jeediyay Allaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre oo aan u arkay in uu ahaa hadal Muhiim ah ayaan is iri la wadaag dadweynaha Soomaaliyed.

Allaha u naxariisto Marxuum Maxamad Siyaad Barre ayaa Khubadiisii ugu danbeesay ee uu ka jeediyay Radio Mogadishu isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwii dowladnimadii iyo sharaftii bur-buriyay la dar-darmaaya la hadlaya waxa hadalkiisa ka mid ahaa.

1-In Eynu garano danteena Waxa ay tahay, garano waxa aynu nahay, In aan isku eegno Muraayada si aan u garano dadka aynu nahay?, Maxaanse dooneeynaa?

2-Danta dadkeenu waa Maxay?

3-Nin ladan oo dalkba aanan joogin ama dalka Jooga in uu Xabad ku laayo dadka Masaakiinta Maahan.

3-Waxaa walba ka sii daran, dadka Masaakiinta ah ee Xabada lagu wareeriyay ee sii qaxaya, gaajadu heeyso ee jidka daadkan.

4-Dhabo/Dhariikh/Jid walba oo xamar looga baxaa waa daadsan dad Masaakiin ah oo qax ah oo sii Guuraya.

5-War dadka Guryahooda u daaya, ha eryina, Ka daaya Waxan Foosha xun dad Islaam ah oo Soomaali ah ayaad tihiin.

Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre hadalkiisa waxaa ku jiray, Dar-daaran, Digniin iyo In Mustaqbalka laga tashado. Haddii aad dhageesatay waad fahmi kartaa waxa uu Madaxwaynaha ka hadlayo in ay ahaayeen wax run ah.

Waxaan ku faraxsanahay oo aan Alle ooga Mahadcelinayaa in aan dhashay iyadii Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre uu dalka ka yahay Madaxwayne, nasiib daro nasiib uma helin in aan dowladnimadii Soomaaliya arko balse waalidkeey ayaa iiga sheekeeyay, wixii aan maqlay ama aan aqriyayne igu filan iyadoo aan garanayo Dowladnimo waxa ay tahay.

1991-2001 Qax iyo Bur-bur.

Inkastoo aan ka mid ahay dhalinta 20-kan sano ee dagaaladda socdeen dalka Soomaaliya ku soo koray, markii aan dalka ka soo tagay oon aan dalka Kenya oo Qurbo iigu horeeyay aan tagay ayaan is waydiiyay Nabad la’aan iyo Maamul La’aan sidee loo noolaan karaa?, inkastoo 20 sano ay idlaatay haddana 20 sano oo kalle haddii xaalku sidan ku sii socdo maxaa dhici doono?. Walise jawaabta Su’aalahan waan raadinayaa.

Maanta arrinku quus ayuu taaganyahay, shalay haddii Dowladii la radiy, Hogaamiye Kooxeed ayaa yimid iyagiina la riday, Maxaakim ayaa timid waa la riday, Madaxweynayaal dibada lagu soo dhisay ayaa la keenay waxba isma badalin, Marka waxaa is waydiiyay halkee loo socdaa?, dadkan yaa u maqan?, haddii sidan lagu sii socdo maxaa dhici karo Mustaqbalka nagu soo dhow.

Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre 20 sano ka hor wuxuu ka hadlayay wali weey socdaa, Koonfurta dalka Soomaaliya ka socda waa wixii wuu ka hadlayay Mohamed Siyaad Barre balse ilaa intee ayay ii socon doontaa?!

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Kuala Lumpur, Malaysia
sayfudiin@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “Dadka dilka, dhaca iyo Boobka ka daaya oo Guyahooda u daaya” Marxuum Maxamed Siyaad Barre "

  1. Ahmed says:

    Waxaa hubaal ah in siyaad bare uu aabe & hooyo u ahaa dhibaatada maanta ka taagan dalka sababta aan taas u lee yahay waxaay tahay allaha u naxariistee madaxweynaheygii hore wuxuu garan waayey in isbadal dalka u baahan yahay waxaana habooneyd inuu dalka burburin ee chance siiyo dad kale ee u hanqal taagayey jagada inuu ilaaliyo wixii dalka uu qabto uuna kala dirin burburina midnimadii umada somaliyeed gabagabadii xukuumadii waxaan ka dhexalnay dhibaatada maanta taagan

  2. slc dhamaan wallalaha somaliyeed ee wanaaga jecel,aniga waxaan ahay nin dhalinyaro soomaali wadani ah jecelna dadkiisa dhinaca ay doonaan haka imaadaane waqooyi koonfur galbeed ama bari,bacdu intaas waxaan ka oran lahaa mawduuca wallalkeen uu ka hadlay ee maxamed siyaad barre,aniga maanta waxan jiraa 33 sano wadanki waxaa iigu danbeeysay 14sano aniga ii jira laakiin waan xasuustaa wax walba iyo maamulkii allaha u naxariistee maxamed siyaad barre,runtii aniga isku qabiil ma nihin laakiin kuwa soomalinimada neceb oo kaliya ayaa oran kara maxamed siyaad barre wadani ma aheeyn jecel dadkiisa iyo dalkiisa,true great somali leader mana filayo in uu na soo maridoono nin soomaalinimada leh waayo i dheh?bal eeg maanta kuwa xukun raadiska ah waa shilin doon ama ha joogeen wadanka gudihiisa ama dibadiise.waxaa kaloo eegtaa wallalaheen reer waqooyi galbeed waa nala laayey waa run,oo maxaad fileeysay hadaa wadan calankiisi babanay soo weerartid ma in ubaxyo lagu siiyo jawaabtu waa maya ,why ay maanta u leeynanayaan wallaalah ssc oo u leeyihiin nabad diid soo dad dhulkoodi jooga maaha ii leh war anaga na in raaci mayno waa ayaa loo layanaa what goes around come,s around, yacni shalay waxa ay u dagaalamayeen oo maxamed siyaad ula dagaalameen ayagoo uu soo hubeeyay cadawgii somaliyeed ee amxaaro oo wadankoodi iyo magaalooyinkoodii qoryo la soo galay tii ayaa maanta haysato.wwa mid maxamed siyaad maalintuu wadanka ka baxayey shilling ma wadan oo wuu jeeb marnaa waxaa la cadeeyey oo la isku racay in xitaa uu guryo xamar uu ku laheeyn meesha ay maareeryayaasha wakaaladah booli qaran fillooyin waaweeyn ku lahaayeen marka is oran maayo maxamed siyaad madaxweeyne la mid ah ayaa na soo mari doono,alaha u naxariisto aabihii umada soomaliyeed maxamed siyaad barre walee nin buu aha,
    PS:ANIGA WAXAAN KA HADLAY MABDA,AYGA ANOO NACEEYB KA SAAFI AH I LOVE SOOMAALIYA IYO DADKA SOOMALIYEED..