Home » Warar »

Dood Cilmiyeed lagu qabtay dalka Malaysia

iyoo Ardeyda soomaaliyeed ee ku nool Malaysia oo soo bandhigey hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay

Dood Cilmiyeed Xiisa leh oo lagu qabtay dalka Malaysia
Dood cilmiyeed si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hallka weyn ee Jaamacada islaamka caalamiga ee dalka Malaysia. Doodan ayaa waxaa soo agaasimay Golaha Horumantia Soomaaliyeed ee afka qalaad lagu yiraahdo Somali forum for Progress (SFP), Doodan oo cinwaankeedu ahaa “Challenge facing Somali youth in today’s society” oo macnaheedu ahaa, “Caqabadaha soo wajaha dhalinta soomaaliyeed ee maanta”.
Dood Cilmiyeedkan Waxaa ka soo qeyb galay Marti shafar aad ufarabadan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Malaysia gaar ahaan dhalanti iyo ardeyda wax ka bartaha Jaamacadaha Malaysia.

Qoraalka oo Sawiro wata ka eeg HALKAN

Ugu horeyn waxaa xafladda daah furay kuna soo dhaweeyay Marti shafartii meesha isugu timid Mr. M.Khadar Ismail Jimale oo ah xiriiriyaha guud ee SFP kana tirsanaa ardeydii ka qalin jabisey jaamacada Malaya ee ugu faca weyn dalka Malaysia.

Waxaa dadkii dood Cilmiyeedkan ka hadlay ka mid ahaa, Ahmed Muuse “Geel-xoor” oo ka hadlay caqabadaha dhalinta kaheysataa dhanka dhaqaalaha sida : Dhaqaalo la’aanta iyo shaqo la’aanta baahsan ee soo wajahday dhalinyaradda Soomaalida. Dhanka kale Abdi Kamal Mohamed oo ah arday PhD kadiyaariya Jaamacada International Islamic University Malaysia ayaa ka hadlay Waxbarashadda iyo Horumarka Tiknoolajiyada balse wuxuu xooga saaray sababaha keena in dhalinta ay waxbarashada wadi waayaan. Sidoo kale Yaasir Mohamed “Baaffo” ayaa ka hadley arimaha bulshada gaar ahaan doorka Waalidka uu ku leeyahay bar-baarinta dhalaanka, ugu danbeyntiina Samiira Ahmed oo ah gabadh ku dhalatay qurabaha ayaa taabatay dhibaatooyinka heysata dhalinta ku dhalatay ama ku bar-baartay Qurbaha iyo is faham darida soomaalida gudaha ka timada.

Intaas kadib waxaa Makarafoonka loo wareejiyay dadweynihii Kullanka ka soo qeybgalay ayagoo mahad naq ka dib aad ugu dheeraadey dhibaatoyinka heysta dhalinta soomamaaliyeed kuna tala bixiyey in wax badan la qabto doodaha ceynkan oo kale ah si loo gaaro xal iyo guul waarta.

Dood cilmiyeedkan ayaa ku dhamaaday Jawi wanaagsan marti shafartii ka soo qeyb gashey meesha isugu yimidna waxa ay amaan u soo jeediyeen Golaha Hor marinta soomaaliyeed ee dood Cilmiyeedkan soo qaban qaabisey.

Ibrahim Da’ud Abdalla “Sayfudin”
Kuala Lumpur – Malaysia
sayfudiin@gmail.com

Ardeyda soomaaliyeed ee ku nool Malaysia oo soo bandhigey hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay

Barnaamij loogu magac daray “Umatic week”oo micnihiisuna yahay iney ku soo bandhigaan ardeyda hidaha iyo dhaqan ay leeyihiin dowlad waliba oo islaam ah ayaa waxaa lagu qabtey jaamacada islaamka ee ku taala caasimadda kuala lumpur ee dalka malaysia.

Barnaamijkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatey 38 dowladood oo ay ku jirto soomaaliya , waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen dowlad waliba hidaha iyo dhaqankooda sida cunada, cayaarta iyo qaabka ay u dhisteen guryahooda, dadweyne aad u fara badan ayaa goobta uu barnaamijka ka dhacaayey u soo daawasho tagay ayadoo ay ka mid ahaayeen kor meerayaal ka soo socdey jaamacado ku yaala dalka mareykanka ahna macalimin wax ka dhigta jaamacadaha ku yaala wadanka mareykanka , safiiro fadhigoodu yahay wadankan malaysia waxaa kaloo ku wehliyey hormuumka jaamacada islaamka ee malaysia.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhisteen goobtaasi AQAL HOORI aad u qurux badan kaasoo ay u riyaaqeen dhamaan ka soo qeyb galayaashii goobtaasi yimid sidoo kale waxey halkaasi ku soo bandhigeen cunada ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin soomaaliya sida oodkaca canjeelada iwm, waxaana ka marneyn dhaantada oo ay u ciyaarayeen dhalinyaro si aad ah iskula bartey cayaarta dhaantada kuwaasoo waxa ka barta jaamacadaha ku yaala dalkaan malaysia, waxey kaloo soomaaliya soo bandhigeen alaabta hidaha iyo dhaqanka ay u leeyihin, sawiro muujinaya aqoonyahano caan ka ah dalka soomaaliya si ay u baraan ajaanibta kale oo aan aqoon u laheyn dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Gudiga ardeyda soomaaliyeed ee malaysia oo uu hor kacaayey gudoomiyaha ardeyda Mudane C/salaam Maxamuud ayaa isku howley sidii ay u gaarsiin lahaayeen barashada hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay ajaaniibta wax ka barata jaamacada islaamka ayadoo guud ahaan jaamacadana ay dhigtaan ajaaniib fara badan oo ay kala imaadeen 105 dowladood tirada ardeydana tahay 48 kun.

Jaamacda islaamka ayaa tirada ugu badan ardeyda soomaaliyeed dhigata ayadoo lagu qiyaasey 220 ardey halka guud ahaan tirada ardeyda wax ka barata dalka malayshiya ay gaareyso 3000.

Ugu danbeyntii barnaamijkaasi oo socday todobo maalmood ayaa xiritaankiisa waxaa abaal marino lagu gudoonsiiyey dhamaan dowlidhii ka qeyb qaatay ayadoo ujeedada ka danbeysa barnaamijkaasi sanadlaha ahna tahay sidii ay isku baran lahaayeen ardeyda waxa ka barata jaamacada islaamka watana hidaha dhaqanka kala duwan ay liihiin dal waliba.

Said Omar Baaffo

Kuala lumpur-Malaysia

saciid@hotail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dood Cilmiyeed lagu qabtay dalka Malaysia "

  1. Liibaan says:

    Waa arin aad iyo aad u wanaagsan in laga hadlo dhibaatooyiinka ama caqabadaha soo wajaha dhalinta soomaaliyeed waxaan u mahad naqanayaa dhalinta soo qaban qaabisay barnamijkani xiisaha badan walow liiska magacyada lasoo gudbiyay uu san ku jirin Ambassador Zakaria Haji Abdi oo ka mid ah dhalinta waxkabarata wadanka malaysia.