Home » Warar »

Raiisul Wasaare Farmaajo oo Qirtey in Dowladiisa ay Heshiis la gashey Shirkad Mareykan ah

Webka Somalitalka oo dhawaan soo bandhigey in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu heshiis Qarsoodi ah la galey Shirkad Mareykan ah oo lagu Magacaabo park-strategies (LOBBYING FIRM) oo ah Shirkad Dulaal-Ololayn ah ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo (Hoos ka akhri warsaxaafadeedka) iyo wareysi uu siiyey Idaacadda Codka Mareykanka Qaybteed Soomaaliya VOA-Somali ayuu wuxuu ku qirtey in Dowladiisa ay heshiis la gashey Shirkad Mareykan ah oo uu sheegey in ay Tahay Shirkad ay u badan yihiin Qareenno kuwaas oo uu sheegey in ay Khibrad u leeyihiin sida loola xaajoodo Dowladaha Caalamka gaar ahaan Dowladda Mareykanka.

Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo wuxuu sheegey in Shirkadaan ay ka shaqeyn doonto Danaha Dowladda Federaalka ay ka leedahay Dowladda Mareykan iyo dib u soo celinta Safaaradii Soomaaliya ay ku lahayd Mareykanka isagoo sheegey in Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliaya uu Go’naa Muddo labaatan Sanno ka hor.

“ Mareykanak Waa Quwad weyn Ilaah baa Quwad leh waa Dowlada Dhaqaale Badan marka waa mid loo baahan yahay in la wanaajiyo xirirka labada Dal maadaama uu xiriirkaan uu Go’ay xiligii Dagaalada Sokeeyey waana Shirkada ka shaqeyn doonta in ay la xiriirto Dowladda Mareykanka , Aqalka Senate-ka iyo Congress-ka si aan halkaa waxa ay Dowlada Federaalka uga baahan tahay uga soo dhameyso” ayuu yiri Farmaajo.

Raiisul Wasaaraha ayaa qirey in Shirkadda ay ku Shaqaaleysiiyeen lacag gaareysa 20 kun oo doolar oo Bishii ah hase yeeshee Raiisul Wasaaraha ma sheegin Cidda bixineysda lacagtaas.

Heshiiskaan ayaa ku soo beegmey xili Raiisul Wasaaraha uu Baarlamaanka uga digey in Dowladiisa aysan wax heshiis ah la gelin Shirkado Shisheeye inta la isla meel dhigayo Heshiisyadii hore ee ay Dowlada la gashey Shirkadihii hore taasoo uusan Baarlamaanka Ansaxin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Waraysigii VOA ee Farmaajo (March 21, 2011) RIIX HALKAN

Ka fiiri Nuqulka Heshiiska RIIX HALKAN…

###

War-saxaafadeed

Dowladda FKMG ah oo howlgalisay Park Strategies si ay ugu ololeyso arrimaha shacabka Soomaaliyeed

(Muqdisho, Isniin 21 Maarso 2011) Dowladda Federalka KMG ah iyadoo in muddo ahba waday dar-dargelinta maamul wanaaga iyo sidii shacabka soomaaliyeed danahooda loo horumarin lahaa ayaa waxey howlgelisay shirkadda la yiraahdo Park Strategies oo caan ah si wanaagsanna looga xushmeeyo dalka Mareykanka. Howlaha ay u qabaneyso Dowladda Somalia ayaa waxaa ka mid ah:

1. U ololeynta danaha dalka Somalia uu ka leeyahay Mareykanka;

2. Soo celinta xiriirkii diplomaasi ee Somalia iyo Mareykanka;

3. Arrimaha ay ka shaqeyneyso waxaa kaloo ka mid ah sidii ay ugu ololeyn laheyd madaxbanaanida dalka, iyo midnimada dalka;

4. Soo jiidashada caalamka ee arrimaha dalka Somalia iyo qeylo dhaan u sameynta arrimaha muhiimka u ah shacabka soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa yiri “Waddan walba oo caalamka ka mid ah waxuu leeyahay dad u ololeeya arrimahooda kana gada caalamka. Haddaba Dowladda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda ayey wada hadal la gashay Park Strategies oo aan weliba ku guuleysanay in qiimo jaban ay howlaha baaxadda leh ee muhiimka u ah dalka ay noogu qabtaan oo 70% qiimo dhimis naloogu sameeyey daruufaha na heysta awgood.

Waxaa muqadas ah in codkeena laga maqlo Washington, howsha ay shirkaddan noo qabaneyso ayaa ah mid codkeena gaarsiin kara caalamka oo dhan”.

Park Strategie waxaa aasaasay Alfonse M. D’amato oo horey 18 sano Senator ahaa, waxuuna guddoomiye ka soo noqday guddiga Senateka ee Bankiyada, waxuuna xubin ka soo noqday guddiga dhaqaalaha ee Senateka. Sidaas daraadeed khibradda ay shirkaddan leedahay iyo xiriirkeeda wanaagsan ee dalka Mareykanka ayaa ah kuwo lagu kalsoonaan karo, isla markaana laga fili karo in arrimaha shacabka soomaaliyeed ay helayaan ka warqabkii in muddo ahba la sugayey.

– DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia


Wararka caalamka:

 

Hoygii Qaaska u Ahaa Cornel Qadaafi oo Dhulka LaLa Simay

Ciidamada Reer Galbeedka Ayaa Weli wado weerarada dhinaca cirka ah ee lagu Qaaday Dalka Liibiya
iydoo maalintii labaad madaafiic ay ku garaacayaan dalkaasi, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan Dalka Liibiya.

Sida ay ku soo waramayaan weriyeyaasha joogay halkaasi ayaa sheegaya,in madaafiicda lagu garaacay xarumaha gantaalaha ridada dheer,saldgiyada dhinaca isgaarsiinta raadaarka ah iyo garoomada diyaaradaha ee ay milatarigu leeyihiin, ciidamada reer galbeedka ayaa dhulka la simay dhismihii gaarka u ahaa cornel qadaafi oo ku yiilay magaalada Triboli, Maraaykanku waxa uu dhankiisa sheegay in uusan bartilmaameedsan Qadaafi.
ilaa iyo hada inta la og yahay wadamada weerarka cirka ka qeyb qaatay waxa ay kala yihiin.
Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska,Talyaaniga iyo Dowlada Denmark.

Cabdirashiid Shaam Germany
shaamabdi977@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Raiisul Wasaare Farmaajo oo Qirtey in Dowladiisa ay Heshiis la gashey Shirkad Mareykan ah "

  1. Ordaaye says:

    Dhamaantii waad mahadsan tihiin si wanaagsan oo dooda uga qayb gasheen.
    Dad badan oo Soomaali ah oo waxbartay ayaa jira, waa runtiin, laakiin dadkaasi ma u sheegi karaan Maraykan iyo cidda la midka ah arrimaha Soomaaliya. Waxaan jira rag badan oo Maraykan laga yaqaano aqoonna leh dawladda Maraykankan ay wax ka waydiiso arrimaha Soomaaliya, nasiib darro raggaasi dhanka xun ayay mar walba u tusaan dalalka ay xiriirka la leeyihiin.
    Farmaajo inuu heshiiska galo ma xuma laakiin waxaa fiicnayd maadaam uu Maraykna muddo joogay inuu raadsado qof ka sumcad fiican ninkaan uu shaqada siiyey, waxaa dhici karta in Farmaajo lagu tuhmo sababta ku kaliftay inuu Al D’Amato Maraykan kala soo baxo.

  2. Ahmed says:

    Waa salamantihiin dhamaan kadib waa tageerid mudan dhaqdhaqaqa uu wado raisul wasaraha waxa kutilmaami karaa hashiskas mid aad u muhiim ah aadna u caqliyeesay waxa fahmi karo ninki aqoon sida aduunka ushaqeeyo..Somali hada nahay maanta waxaa dulaaliin naga noqday wadamo. African ah oo ducufo ah oo danahoda ina dhamaano ah ..aduunyada wadan aan lobby laheen majiro wadanwalbo wadanku la lobby weynyahay ayuu ka siyaasad xoogweynyahay..isma dhihin madax Somali ah aya dhaqdhaqaq nocas sameendono maanta wixi ka danbeeyo raisul wasaraha wadanimo aya u qirayaa..waxana leyaahay somalida inee tageero xoogan siyaan raisul wasaaraha..
    Wasaalaam alykum

  3. Xassan Yare says:

    Soomaaliyeey waxaa fiican R.W. Formaajo in aad runta u sheegtaan oo uu
    ka noqdo heshiiskaas uu la galay Shirkaddan khamaarka ku lug leh .
    Waxaanu nahay Dal iyo dad MUSLIM ah, noomana cuntanto in nin khamaar cayaara habeen kasta oo ISNIIN ah laga soo billaabo 1981 illaa iyo maantadaan sida ku cad warbixintiisa oo halkan hoose aad ka akhriyi kartaan. Noomana cuntanto in Former Sen. Al D’Amato la siiyo awoodda IMMUNITA’ DIPLOMATICA oo uu Soomaaliya ku matalo asagoo ah KHAMARJI CADDEESTAY oo ku tala jira in uu khamaarka sharciyeeyo.
    Ma la isweydiiyay lobiga aay shirkaddu u sameyneyso Soomaaliya haddii shirkaddu u sameysay Dowlado kale oo aduunka ka jira? Waa maya…
    Dadka iska dhaadhicinaya KHAMARJI baa arrimaheenna soo furdaaminaya waa daciifnimo (Waxaan Ilahey ka baryayaa in uu soo hanuuniyo kuwaas).
    Arrinta kale ee ku taxalluqda in laga faaideysto DIPLOMASIYIINTII hore iyo SIYAASIYIINTII hore waxaan soo jeedinayaa in laga faaiideesto. Rag badan
    oo wadaniyiin ah oo wali shaqeenkara baa jira ee halloo kuur galo oo hallaga faaiidesto. Kuwa cusub oo hadda wax soo bartayna qudhoodu aad bay u fara badanyihiin inkastoo aaysan wali soo shaacbixin ee ayagana
    hallaga faaideesto intii la isku mashquulin lahaa GAALO KHAMARJIYAAL
    AH oo Soomaaliya aan an u haynuin.

    http://www.parkstrategies.com/docs/newscalendar/news_detail.php?news=28

    Former Sen. Al D’Amato (R-N.Y.) was an avid poker player during his 18 years in the Senate. He left Congress in 1999, but he hasn’t left the poker table. D’Amato is a regular at Monday night poker games and serves as chairman of the Poker Players Alliance, a nonprofit that promotes poker player’s rights. In this interview with POLITICO, he talks about his goal: persuading Congress to pass a bill legalizing online poker playing.

    TUBTA TOOSAN ILAAHEY HANNAGU AADIYO.

  4. Jamaal says:

    Carabey iyo Somaliboy malaha waxaan filayaa wax un baad qortaane ma akhrisaan. Farmaajo iyo Wasiir kale toona Baarlamaanka ugama baahna ogolaansho iney heshiisyo galaan. Goloha fulinta (Golaha Wasiirada) kaliyaa ayaa saxiixi kara heshiisyada caalamiga ah. Markaas kadib ayey dawladu Baarlamanka horgaynaysaa heshiisyada ay soo saxiixdey iyadoo uga ololaynaysa Baarlamaanka dhexdiisa in la ansixiyo.

    Somaliboy Sxb, heshiisyadii hore ilaa hada lama yaqaan waxa saxiixay waxaana loo badinayaa Sh. Sharif Iyo Mr Sharmaake midkood inuu saxiixay. Hadii xaqiiqda aanan la iska indha tirayn oo si cilmiyaysan oo analyze gareeyo, dawladaani way ka tayo wanaagsan tahay dhamaan dawladahii 20 sano ee burburka jiray.

    Sxbayaal Carab ma nihin, French na manihin ee Somali ayaan nahay! miyaan is barbardhigi karnaa Mr. Xalane oo ah Wasiirka Maaliyada iyo Sharif sakiinka fasalka 4 aad uga saaqidey school oo ahaa Wassirkii maaliyada ee dawladii Mr Sharmaake! Miyaan is bar bar dhigi karnaa dawladii geedi iyo Nuur cade ee Wasiiradoodu ka mid ahaayeen kuwo badan oo qabqablayaal ahaa magacoodana aanan qori karin sida Aaden madoobe iyo xaabsade oo kale. Alle ayaan idinku dhaarshee ma ragaas ayaan wax ka sugaynay?

    Hadaad xasuusataan Farmaajo waxuu ahaa R/Wasaarihii ansixintiisu ugu adkayd uguna dhibka badnayd. Why? Because waxuu ka ladeexday qaabkii hore ee dawlada loosoo dhisijiray ee ahaa: Jaale madaxwayne, Jalaale R/Baarlamaan iyo Jaale R/Wasaare iney kala qaybsadaan. Markay qaybtii waayeena qaar badan oo kamida waxy isku dayeen iney Isbaaro dhigtaaaaaan.

    Gabagabadii hadeynu Somali nahay goormaanu gaari doona in shaqsi kasta oo Somali ah ama Masuul ah lagu qiimeeyo/Laguna xisaabiyo Wax qabadkiisa iyo hadafkiisa Siyaasadeed een lagu qiimayn Qabiilkiisa ama group ka uu yahay? waa su’aal furan

  5. Waan idin salaamey, arintan baan rabaa in aan wax ka iraahdo. Amerika iyo Yuruba waxaa jooga dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo karti leh, waan muhiim dadkaas in aan ka faa`iideysano, intii la shaqaaleyn lahaa shirkado tuugo ah oo boobka soomaalida iyo burburkaadaba u soo dhigtey. Waxan rajeyn in uu Farmaajo yahy in macquul ah maadama wasiiro aqoon leh uu keeney, in uusan ka cabsan inta harin. Ilaahay garabkiisa iyo keenaba ha galo.

  6. kamaal says:

    Hassan yare: Raga qibrada leh ee aad leedahay waa somali yaa horta aqoonsan mise saxiib mise waxa JAMAAL uu sheegay mabaad fahmin Jamaal wuxuu yiri qof magaca somaliya wata oo albaab laga furayaa ma jiro???

    Nin madaxwayne ah ama raysal wasaare ah oo dowlada maraykanku aqoonsan tahay ma jiro oo magac somali dowladeeda ku hadli kara magac u yaal mooyee. marka aniga iyo adiguba hadanad adigu joogin north america anaga joogna farmaajo wuxuu radinayaa inuu soo noleyo magacii iyo sharaftii umada somlaiyeed ee dhintay ee marna warlord qashinka ku riday marna kuwo madaxa duuban ay u diideen somali inay wax dhistaan.

    Hadaad Hassan yare leedahay farmaajo waa tuug waa fikrad kugu keligaa ah hadaad leedahay farmaajo wax ma saxeexi karo waa arin kugu keligaa ah farmaajo lama shaqeeyo dad aan magacooda aqrin karin . farmaajo wuxuu la shaqeeyaa wasiiro kan ugu yar uu PHD haysto marka walaalkiis xiligii jahiliinta ay bada saxeexi jireen maanta maha.

    Rag aqoonyahano ah oo xisaabtami kara ayaa hada wadanka wada aniga uma arko qalad lakiin hadii ay tahay farmaajo lugtuu qaado aan wax ka sheegno waa arintii ay somaliya ku burburtay lakiin raga hada wadanka wasiirada ka ah haday qalad sameyaan somaliya waa in nin walbaa ka samraa somaliya.

  7. carabey says:

    sallaan kadib farmaajo banaanka ayuu isa soo dhigay horta heshiis aan baarlamaanka la horgayn yaa saxiix dhahay ? timir lafba ku jirto , aaway heshiisyadi hore xaggay ku danbeeyeen mise waa socon wayne aan orodno waaye hadalka farmaajo,waxan la yaabay mid kasto qalin ayuu wataa waraaqdi loo keenana waa saxiixa maxa waye maba jirto iyo maxa ka danbeeyo sow dadkaan mustaqbalka inay maxkamad sugayso maba oga miyaa ,mise wadan kasto oo ay iska dhiibaan in looga harayo cml

  8. Somaliboy says:

    Waad mahadsantihiin Somalitalk iyo weriyahii soo baray arrintan Mr. Dualeh iyo ninka Xasan Yare ah. Muxuu soo kordhin kara heshiika RW farmaajo galay. Waxba. Republican- party oo ay Park Strategies wataan hal aqal keliya ayey ka taliyaan labada kale waxaa haysta xisbiga Dimoqradiga ah. Ilaahay ba Somaali u maqan.

  9. Jamaal says:

    Hassan Yare waan ku salaamey sxb. Salaan kadib runtii si wanaagsan oo faah-faahsan ayaadna fakarkaaga u soo bandhigtay fakar kaaga. Sxb boow anigu waxaan qabaa fakar kaaga ka duwan. Waxaan ahay ardey ku jira sanadkii labaad ee Master of Public Policy, concentraion of International Policy. Sidaas daraadeed markaan aqriyay documents ka uu saxiixay Farmaajo waxaan qabaa: Tan koowaad: Sharciyan nidaamka dawliga ahi heshiis wuu lagi karaa dawlad kale, iyo urur kale…. urur kaasi ha ahaado public amaba private e. Tan labaad: Heshiis ka nuxurkiisa hadaad akhrido waxaad dareemaysaa in ay tahay in shirkadaas loo kiraystay iney Somalia wakiil uga noqoto USA si dib xariir kii ugu soo laabto. Muhiimada ay taas leedahay hadaan sii sharaxo, Sxb ha ka boodi in dawlada USA aaney aqoon sanayn jiritaanka Dawlad Somali ah, Taas waxaa daliil u ah, C/Qasim, C/Laahi Yusuf iyo Sharif kan midna awood umay lahayn iney iyagoo madax dawladeed ah la kulmaan ama rabitaan kooda u bandhigaan dawlada USA. Sidaas daraadeed waxaan qabaa Farmajo iyo Golihiisa Wasiiradu iney Fahmeen meesha wax ka qaldanyihiin oo ay doonayaan iney helaan xariir dhab ah oo ay la yeeshaan dawlada Maraykan ka.
    Tan sedexaad: Heshiis kaas maahan mid qarsoodi ah, waayo waxaa ku yaal saxiixa Farmaajo, isagii ayaana qiranaya. Marka waxaad soomaa somalidu ineyna kala aqoon waxa nidaam ka dawliga ahi yahay, waxa nidaamka dawliga ahi xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa looga leeyahay.

    Waa ruuntaa sxb way jiraan rag faro badan oo Somali ah, Diplomat ah, aqoon iyo waayo aragnimo leh, laakiinse saaxiiboow kawaran hadiiba aanan la aqoon sanyan ragaas aan sheegayno ee Somalida ah, ka waran hadaanba aanan al-baab kaba laga furayn? kawaran hadii Shariif iyo Farmaajo midna aanu la kulmi karin ama laga dhahaysanayn hudaha dalka Maraykan ka. Marka hadii xaaladu saas tahay maxaa lagu ciladayn karaa in la kiraysto shirkado gaara ama kuwa dawladeed ba si ay nooqo qabtaan shaqo qof somali ah ama shirkad somali ahi aaney qaban karin aadna aanu ugu baahanahay?

    Mahadanid

  10. Togane says:

    ILLAAH BAA AWOOD LEH. Isagaana nagu filan ee xiriirkiisa aan wanaajino.

  11. Xassan Yare says:

    http://www.parkstrategies.com/docs/newscalendar/news_detail.php?news=28

    Waxaan kaloo idiinla socodsiinayaa in ad halkan ka arki kartaan cayaarta khamaarka aay ku lugleedahay Shirkaddaas lala galay heshiiska.

  12. Xassan Yare says:

    Qofka aan waligiis Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka shaqeyn xattaa waa dareemi karaa in affartaan Qodob oo Formajo sheegay in aaysan khuseynin Shirkad privati ah oo calooshood u shaqeyste ah.
    Qodobka 1aad iyo 2aad waa arrimo khaas u ah Safaaradda iyo Ergada Soomaaliyeed, waxaayna u badanyihiin in arrimahaasi aay noqdaan SIR iyo QARSOODI , Diplomasiyiin Soomaali ah oo shaqadaas qabtana lama waayin.
    Qodobka 3aad maba aha mid jira, (Shirkadaasi madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliyeed oo aay America kasoo hoyeyso maxay tahay ?).
    Qodobka 4aad waa arrin aay ku filanyihiin Ummadda Soomaaliyeed iyo
    comunitiyada America dhex daggan sidii aay danahooda uga dhaadhicinlahaayeen aduun weynaha. Matalan:- Markii AMXAARADU aay Dalka soo gashay yaa qeylo dhaanka sameeyay danahoodana raadsaday?
    Waa shicibka Soomaaliyeed oo u badan qurba joogga. Ma ka fileysaa in
    Shirkadaas Privatiga ah in aay kuu qabato qeylo dhaankaas oo kale? WAA MAYA.

    1. U ololeynta danaha dalka Somalia uu ka leeyahay Mareykanka;
    2. Soo celinta xiriirkii diplomaasi ee Somalia iyo Mareykanka;
    3. Arrimaha ay ka shaqeyneyso waxaa kaloo ka mid ah sidii ay ugu ololeyn laheyd madaxbanaanida dalka, iyo midnimada dalka;
    4. Soo jiidashada caalamka ee arrimaha dalka Somalia iyo qeylo dhaan u sameynta arrimaha muhiimka u ah shacabka soomaaliyeed

    Haddaba affarta qodob oo shirkaddu ku howl galeyso LOOMA BAAHNA
    ee aan Wasaaraddeena Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaha iyo
    rag Safiirro khibrad leh (WAA JIRAANE) aan shaqada u dhiibanno.