Home » Faallo »

Boqorkii ka cararay boqortooyadiisa | Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Imaamu Axmad iyo Bazzaar baa ka wariyey Cabdullaahi Ibnu Mascuud inuu nabigu (scw) yiri: Reer Banii Israa’iil nabi Muuse ka dib waxay khaliif (madax) ka dhigteen nin khaliifa ah, markaas buu habeenimo dayax ah kacay oo salaad ku tukaday Bayt-almaqdis korkiisa, markaas buu soo xusuustay arrimo uu sameeyay, markaas buu baxay, wuxuuna ku soo daadagey xarig, markaas baa xariggii oo masjidka ka laalaada waagu u baryey, isagiina waa tagey.

Wuxuu yiri (nabigu): wuu socday ilaa uu u yimid qolo laban (bulukeeti) samaynaysa oo badda xeebteeda ku sugan, wuxuuna weydiiyey: sidee wax ugu qaadataan labankaan?. Wuxuu yiri: way u sheegeen, wuuna la sameeyay labankii, wuxuuna cuni jirey wuxuu gacantiisa ku shaqaysto. Markii xilliga salaadda la gaarana wuu kici jirey, waana tukan jirey.

Markaas bay arrintaas shaqaalihii gaarsiiyeen boqorkoodii: waxaa nala jooga nin saas iyo saas yeela, markaas buu u soo cid diray seddex goor, wuuna wada diiday, ka dibna wuu yimid (boqorkii) isagoo ku socda daabbaddiisii. Markii uu arkay ayuu cararay, markaas buu eryaday (boqorkii), wuuse ka dheereeyay, markaas buu yiri: i sug aan kula hadlee. Wuxuu yiri (nabigu): wuu istaagay, wuuna la hadlay ilaa uu u sheegay warkiisii. Markii uu u sheegay inuu boqor ahaa oo uu la cararay cabsida Rabbigiis ayuu yiri (boqorkii ): anigu waxaan filayaa in aan ku haleeli doono. Wuxuu yiri (nabigu): wuu raacay, markaas bay Alle caabudeen ilaa ay ku dhinteen bacaadleyda Masar.

Cabdullaahi wuxuu yiri: haddaan halkaas joogi lahaa waan aqoon lahaa qabriyadooda, tilmaantii nabigu (scw) noogu tilmaamay darteed.

Riwaayad Imaamu Axmad wariyey waxaa ku sugnaa: “ iyada oo nin ummadihii idinka horreeyay ah uu ku suganyahay boqortooyadiisii ayuu fakarey, wuxuuna gartay in arrinkaani (boqortooyada) ka dhammaanayo, waxa uu ku dhexjirana uu ka mashquuliyey cibaadada Rabbigiis, markaas buu dusay oo uu habeen habeenada ka mida ka siibtay qasrigiisii (villa), wuxuuna ku waabariistey boqortooyo kale , wuxuuna tagey xeebta, wuxuuna mushqaayad ku samayn jirey labanka, wuuna cuni jirey, haraagana wuu sadaqaysan jirey, sidaasna kama suulin ilaa arrinkiisa, cibaadadiisa iyo fadligiisu gaaray boqorkoodii.

Markaas baa boqorkoodii u soo cid diray inuu u yimaado, markaas buu diiday inuu u yimaado, markaas buu ku soo celiyey, ka dibna waa ku soo celiyey, waana diiday inuu u yimaado, wuxuuna yiri: maxaa iska kaaya galay isaga iyo aniga. Wuxuu yiri (nabigu): wuu soo fuulay boqorkii, ninkii markii uu arkay ayuu carar dibadda ku dhacay. Markuu boqorkii arrintaas arkay ayuu ka daba orday, mase gaarin.

Wuxuu yiri nabigu: markaas buu u dhawaaqay; addoonka Allow wax dhib ah kuu gaysan maayo, markaas buu istaagay ilaa uu soo gaaray, markaas buu ku yiri: kuma ayaad tahay Alle ha kuu naxariistee?. Wuxuu yiri: anigu waxaan ahay: hebel hebelkii lahaa boqortooyada heblaayo hebel. Arrintayda ayaan ka fakaray, markaas baan gartay waxa aan ku dhexjiro inay go’ayaan, wuxuuna iga mashquuliyey cibaadada Rabbigay, markaas baan isaga tagey, halkaan ayaana imid si aan u caabudo Rabbigay cazza wajalla.

Markaas buu yiri (boqorkii): waxa aad samaysay aniga iigama baahi badnid. Wuxuu yiri (nabigu): ka dib daabbaddiisii ayuu ka soo degay, waana sii daayay, ka dibna (ninkii) ayuu raacay, si wadajir ah ayayna Alle cazza wajalla u caabudi jireen, markaas bay Ilaahay ka baryeen inuu iyaga oo wadajira dilo (dhinsiiyo), markaas bay dhinteen.

Cabdullaahi wuxuu yiri: haddaan bacaadyareyda Masar joogi lahaa waa idin tusi lahaa qabriyadooda tilmaantii nabigu (scw) noogu tilmaamay darteed.

Faa’iidooyika qisada

  1. dadku markay madax dooranayaan waa inay ku xushaan tilmaamo wanagsan oo ay ugu muhiimsanyihiin amaanada iyo kartida; waayo qofka aan Alle ka baqayn waxa uu ku tarayo waxaa ka badan waxa uu kuu dhimayo, qofka aan aqoonta iyo kartida u lahayn shaqada la qabanayana hawshii loo doortay ma gudan karo aaminba ha ahaadee.
  2. Cibaadada Alle iyo maamulka ummaddu isma diidayaan ee waa is dhammaystirayaan; waayo cibaadada gaar ahaaneed waxay xoojinaysaa ku xirnaanshaha Alle oo qofka madaxda ah u diidaysa dulmiga iyo ku gaboodfalka xilka loo dhiibtay. Eeg markii uu boqorka ahaa iyo markii uu shaqaalaha ahaaba salaadda iyo cibaadada wuu ku dadaalayey.
  3. qiimaha ay leedahay in nafta la waardiyeeyo, lana xisaabiyo inta aan la xisaabin, lagana fakaro wixii dhibaya ama aakhiradeeda waxyeelaya.
  4. addoomada Ilaahay waxaa ka mida qaar cibaadada Ilaahay uga muhiimsantahay xukunka, kuwaasina waa tusaalayaal ka duwan waxa dadku caadaysteen, dadkuna ay la cajabaan xaalkooda meel walba iyo waqti kasta.
  5. Reer Banii’ Israa’iil waxaa ka mid ahaa tusaalayaal wanwanaagsan oo ikhyaara ah, nabiguna inooga sheekeeyay si aynu wanaagga ugaga dayano.
  6. Salaatu-laylku (salaadda hurdada habeenimo ka dib la tukado) waxay ahayd mid Reer Banii’ Israa’iil u jidaysan, waana camal qiime badan oo Alle loogu dhawaado, diinteenuna ay aad inoo ku boorrisay.
  7. farsamooyin laban samayntu ka mid tahay baa jirey xilliyadii hore ee sax maaha in wax walba aadanuhu dhawaan barteen ama reer galbeedku hal-abuureen.
  8. inuu qofku shaqaysto, wixii uu kasbadayna wax ka cuno, waxna ka sadaqaysto waa camal saalix ah oo diintu ina ku boorrisay, mana aha wax qofka darajadiisa iyo jagadiisa hoos u dhigaya ee waa wax sare u qaadaya; waayo nabigeena ayaa ku ammaanay nabi Daawuud inuu cuni jirey wuxuu gacantiisa ku shaqaysto, Rasuulkeenuna nabinimada ka hor wuxuu ariga lacag ugu raaci jirey reer Makka. Wuxuu kale oo sheegay inaanu jirin nabi aan ari raacin. Taas waxay ina tusaysaa in aysan dadka wanaagsan ku habboonayn inay shaxaad ku noolaadaan.
  9. In mushqaayad ama ijaar lagu shaqeeyo waa wax diintu jidaysay, ninkaas wanaagsanaa iyo dadkii uu u tagayba waxay ujro ku qaadanayeen samaynta labanka.
  10. qofka muslimka ah waxaa looga baahanyahay inuu diintiisa fitnada kala cararo. Eeg ninkaan boqorka ah markii uu ogaaday in xilkaan boqortooyadu ka mashquulinayo cibaadada Ilaahay wuu ka caray, markii boqorku u soo cid dirayna waa diiday, markii uu soo aadayna waa ka cararay oo cago ayuu ugu beensheegay, mana u joogsan ilaa uu u ballanqaaday inaanu wax dhib ah u gaysanayn.
  11. in dadka saalixiinta ah lala rafiiqo, khayrkana looga daydo, lalana kaashado cibaadada waxay ka qaybqaadataa ku sugnaanshaha diinta.
  12. Ilaahay wuu aqbalaa dadka saalixiinta ah ducadooda, labadaan nin waxay Alle ka baryeen inuu isku mar wada dilo, wuuna ka aqbalay.
  13. qisadaani waxay ka mid tahay mucjisooyinka rasuulkeena (scw). Wuxuu tilmaan cad ka bixiyey halka labadaas nin ku xabaalanyihiin, tilmaantaas oo Cabdullaahi Ibnu Mascuud uu garan lahaa haddii uu meeshaas tagi lahaa.
  14. Ninka madaxda ah ee caadilka ah Ilaahay wuxuu hariyaa hooska carshigiisa maalinta aanu hoos kale jirin, wuxuuna ku fariisiyaa mimbar nuur ah. muslimiinta in sharcigooda si wacan loogu hoggaamiyana waa shaqo sharaf badan, waxaase jira arrimo ninka u bannaynaya ama ku waajibinaya inuu xilkaas ka tago, waxaana ka mida: inuu naftiisa fitno uga baqo, inuu xilkii loo dhiibay qaadi waayo, inay ka horyimaadaan mashaakil uusan hor istaagi Karin iwm. Haddaba labadaan nin waxaa muuqata inay ka cabsadeen inay ku fitnoobaan xukunka, ayna sidaas uga tageen.
  15. Xukun raadinta iyo xoolo raadintu dadka diintooda way baabi’iyaan, qofkii xukunka isaga oo aan dalban loo dhiibana Ilaahay baa ugu kaalmeeya, qofkii isaga oo dalbaday loo dhiibana waa loo talo-saartaa. Qofkii xukun qabtana aakhirka waa ka qoomameeyaa inuu caddaalad sameeyay mooyee. Haddaba dadka isku dhibaya inay xukun uun helaan iyaga oo aan cidi u dirsan, isla markaana aan ehel u ahayn xagga amaanada iyo xagga aqoonta midna ama ay jiraan dad kaga habboon oo ay ka boobeen waxaa la gudboon inay dib isugu noqdaan, ayna mustaqbalkooda aakhiro ka fakaraan

Qoraaladii hore ee Alwaqaar: http://somalitalk.com/tag/alwaqaar/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Boqorkii ka cararay boqortooyadiisa | Axmed C/samad "

  1. Galow Fiin says:

    Axmed C/samad jazzaa’ al Allaahu khayran bimaa qadama lanaa min al
    axaaddiis qayimah wa saxiixa !!!

  2. M. Bilaal says:

    ASC,WRX,WBR, Walaalkeeyoow qoraalka aad soo qortay waa mid aad u cajiiba Allaha kaa abaal mariyee. umadii soomaali aheyd intooda badan waxaa lagu imtixaamay xukun raadinta asagoo mid walba diin sheegenyo miyuusan qofku ogeyn in qabri uu galayo oo waliba ey u bilaabaneyso nolosha mustaqbalka rasmiga ah . lagu abaal marin doono camaladii uu ku camal falay intii uu aduunka joogay .ma waan la ogeyn maalinta qiyaame oo qofku uu ka cararayo ,walaalkii,hooyadii,aabihii ,xaasaskiisii,caruurtiisii .Allah ha laga baqo oo ha loo shaqeysto wanaag maalintaa.+++?????!!!