Home » Faallo »

Imisa Magac leh Ah ayaa Mooyga Ku maqan….

20 Sano ayaan ku jirnaa Dil,dagaal,daad, Abaaro,iyo musiibo aan dhamaad laheyn intaa oo dhan waxaan jirin bidhaan nabad ama neecaaw lagu nasto maanta.

Hadaba qoraalkan ayaan ku muujin doonaa akhristow inta qof ee soomaali iyo ajaanib ah ee lagu dilay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo taariiqaha la shirqoolay oo aan wali la soo gacan galin gabood falayaashi geystay dhagartan lagu maja xaabinayo inta aqoon iyo caqli u saaxiib ah ujeedaduna waxey tahay si aan loo helin qof soomaali ah oo meel ka soo muuqda.

Sida aan la socono Soomaaliya waxaa lagu dilay dad badan oo u badan culamaa’udiin, aqoonyahano, Saraakiil Ciidan, Samalfale, Ganacsade, Nabad-doon iyo in badan oo aan magac (Title) wadan balse gardaro lagu xasuuqey, dilalkan fool xumada badan ayaan wali laheyn cida ka danbeysa si loo soo taago xukun cadaalad leh maadaama ay ayagu yihiin kuwa daba gura inta yar ee dalka ka muuqata.

Waxaan Shaki  ku jirin iney jiraan gamco shiishe  oo aalaaba u xusul duuban iney cagta mariyaan inta ay ku tabi karaan inay u taagan yihiin bad baadinta dalkooda iyo dadkooda.

Hadaba qoraalkan ayaan ku muujin doonaa akhristow qaar ka mid ah soomaali iyo ajaanib ee lagu dilay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba sidoo kale taariiqaha la shirqoolay si aan u diwaan gishano maadaama aan wali la soo gacan galin gabood falayaashi geystay dhagaradan xanuunka badan.

 

Military group (ciidanka Xoogga dalka)

ท Milatry General yuusuf ahmed talan hotel sahafi, muqdisho, Gobalka Banaadir, October 18, 2000.

ท Colonel Abdulahi Mohamed Warsame “Nero”, Deegaanka Lafoole, Gobalka Shabeelada Hoose. April 2003.

ท Captain Mohamed Adan, Dagmada Xamarweyne, Gobalka Banaadir, April 2003.

ท Colonel Mohamed Ismail “Gure”, Augoust, Muqdisho, Gobalka Banaadir 14, 2004.

ท Police Colonel Ismail Haji Osman. Gurigiisa, degmada Howl-wadaag, Muqdisho, Goabalka Banaadir, Augoust 14, 2004.

ท General Maxamed Cabdi Maxamed, degmada Shibis,Muqdisho,Gobalka Banaadir September 11, 2004.

ท Colonel Ahmed Ugaas “Foodey”, Magaalada Muqdisho, Gobalka banaadir,Octebor 2004.

ท S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani Asaga oo meyd ah lagu arkey hotelka uu daganaa, Nairobi,  Kenya October 18, 2004.

ท Colonel Maxamuud Abdinuur Aadan “Bataar”, Degmada Howl-wadaag,Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 26, 2004.

ท Police General Yusuf Ahmed Sarinle, X/ War dhiigley degmada, Howl-wadaag , Muqdisho, Gobalka Banaadir,January 23, 2005.

ท Colonel Xirsi Maxamuud Cumar ”Xirsi Dhoore”, degmada Yaaqshiid, Muqdisho, Gobalka Banaadir, January 31, 2005.

ท Police Officer Cabdullaahi Kaahiye Cali, Afisyoone,Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, March 07, 2005.

ท Police Colonel Maxamed Saciid Maxamed, degmada Yaqshiid, Muqdisho, Gobalka Banaadir, may 21, 2005.

ท Police Colonel Max’ed Cusmaan Coon, Three Biano, Muqdisho,Gobalka Banaadir, July 31, 2005.

ท G/le Sare Maxamed Maxamuud Raage  (Raage Coon), waxaa dilkiisa gaystey laba nin oo ku hubaysanaa bastoolado Xaafada Tubaweyne Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 7, 2005.

ท Colonel Maxamed xasan maxamuud “cadaawe”  BL lagala dagey Wadada Tarabuunka, Muqdisho, Gobalka Banaadir, January 21, 2006.

ท Marines Colonel Abuukar Maxamed Xusen (Abukar Dheere) Degmada Wardhigley, muqdisho,Gobalka Banaadir, March 16, 2006.

ท Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka gobalka Banaadir General Axmed Jilicow Caddow isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho, October 5, 2007.

ท Gaashaanle Cali Aadan Diiriye, degmada Xarfo ee Gobolka Mudug  June 7, 2010.

ท Sarkaal tirsanaa ciidamadii nabad sugidda qaranka Somalia Cornel max’ed Max’uud Sheekh, degmada Huriwaa, Muqdisho, Gobalka Banaadir, May 30, 2007.

ท G/lle Sare Faarax Cabdulle Siyaad (Garam-Garam), Taliyihii hogaanka tababarada ciidamada DFKMG, meel ku dhow Isgoyska Bakaaraha magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir,December 31, 2007.

ท General Abdi Kahiye (Harag Shabeel),Degmadda Xamar jajab, Gobalka Banaadir, February 25, 2008.

ท Sarkaal lagu Magacaabi jiray Aadan Amxaar masjidka iimaan  waabari,salaada jimca ka dib, Muqdisho, Gobalka Banadir,October 16, 2009.

 

Dhaqaatiir Caafimaad (Medical Doctors)

ท Dr Maxammed Warsame Cali cudurada haweenka (gynecology)  laga af-duubtey cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ka dib meydkiisa la heley November 11, 1992.

ท Dr Mohammed Musa Sugule MSF Doctor, Kismaayo, Jubadda Hose, December 8, 1992,.

ท Valerie Place Nurse, kalkaaliso 23 jir ah inta u dhaxeysa Afogey,Gobalka Shabeelada Hoose iyo Muqidishu Gobalka Banaadir, February 20, 1993.

ท Graziella Fumagalli  madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurka TB ee Marka, Shabelada Hoose,October 22, 1995.

ท Dr Ricardo Marques MSF- Portugal, Magaalada Beydhaba, Bay June 20, 1997.

ท Dr Ayuub Sheekh Yarow caruurta (pediatrician doctor)  degmada Balcad, Shabelada Dhexe, Septmebar 15, 1999.

ท Dr Daahir Sheekh Axmed Raajooyinka (radiology) Mount Sinai, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, April 28, 2001.

ท Dr. Xuseen Muhammad Nur Indhaha (Optical Doctor), la dhashey, MP Shaatigaduud,Iridka cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir,july 4, 2003.

ท Dr Annalena Tonelli dhaqtar cudurada Tuberculosis TB-da, magaalada Boorama, Gobalka Awdal October 7, 2003.

ท Dr Cabdi Maxamed Aadan, Magaalada Kismaayo, Gobolka Jubadda Hoose, October 23, 2005.

ท Dr Maxamed Muuse Cali, International Medical Corps IMC, Degmada Ceelberde,  Goboalka Bakool, June 27, 2007.

ท Dr C/llaahi Cali Xalane (Dr Cigaal), Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 11, 2007.

ท Dr Victor Okumu, Qaliinka haweenka dhalaya  (Obstetrics surgeon) (Qarax Gaari shaqaale MSF-Holland), Magaalada Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose, January 28, 2008.

ท Dr Cumar Max’ed Shiikh Abuukar Indhaha, (Optical Doctor)  isgooyska Debka axad,Muqdisho, Gobalka Banaadir March 23, 2008.

ท Dr Iid Shire Samatar (Surcad), Hotel Dalmar ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, March 25, 2008.

 

Mullahs (culumaa’udiin)

ท Sheekh Axmed Muumin Haaruun khadiibkii Masjika abuu Hureyra, Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 29, 2005.

ท Shiikh cali mu’adinkii masjidka xareed, March 05, 2007.

ท Sheekh Maxamed Sheekh Axmed oo la yaqaan “Kashka” deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir,Talaado, March 11, 2008.

ท Macalin Dugsi Qur’aan  Macalin Yusuf , Garoowe, Gobalka Nugaal January 5, 2010

 

Peace worker ( nabad doon &sama fale)

ท Aabihii nabadda Maxamuud Cali Axmed (Elman), Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, March 9, 1996.

ท Halgamaa Istarliin cabdi caruush xiriiriyaha hay’ada Cosv, Nairobi, Kenya January 10, 2002.

ท British aid worker; Richard Eyeington iyo xaaskiisa Enid Eyeington, Sheikh Secondary School, waqooyi galbeed. October 21, 2003.

ท Project Manager GTZ’s; Florence Cheriuyot, April 19, 2004.

ท Cabdulqaadir Yahye Ali Cibaar,  Ololeeye nabada madaxna ka ahaa ururka Center for Research and Dialoge CRD, Gurigiisa oo ku yaala X/ Bula Hubey, Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 11, 2005 .

ท U.N Worker; Mohamed Musse Guraage Kismayo, Gobalka Jubada Hoose, October 05, 2005.

ท High assistance kalkaaliye sare Cabdi Kheyr kismayo, Gobalka Jubadda Hoose novermber 05, 2005.

ท C/qaadir Ciise Farayare, Deegaanka Lugoshow, Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe April     11, 2006.

ท Madaxa hay’adda horumarinta iyo nabada ee Kasimayo Ciise Cabdi Ciise muqdisho, Gobalka Banaadir, March 14, 2007.

ท Madiina Maxamuud Cilimi (Madiinda Janaraal)  oo ka mid ah ururada bulshada rayidka u dhimatey dhaawac daran ka soo gaaray rasaas uu furey Maleeshiyo xilli ay Deeq ka qeybineysay Kulyadii hore Beeraha ee Gobolka Sh/Hoose, November 16, 2007.

ท Eng. Max’ed Xasan Kulmiye: Kulmiye oo ahaa madaxa ururka CRD waxa lagu diley Magaalada Beledweyne, Gobalka Hiiraan, June 22, 2008.

ท Madaxa UNDP ee Somalia, head of the Unite Nation Development Programme in Somalia, Osman Ali Ahmed, Salaada Cisho ka dib, X/ Buula Xuubey, Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 10, 2008.

ท Madaxii tababarada ee hay’adda CARE International, Cumar Shariif degmada Marko ee xarunta Sh/Hoose, April 19, 2009.
ท Maxamed Maxamuud Qeyre Gudoomiye ku Xigeenkii hay’ada Daryeel Bulshada Guud (DBG), Muqdisho, Gobalka banaadir, July 13, 2008.

ท Maxamed Mayow Maxamed, Maamulaha Ganacsiga, (Trade Manager) of HIJRA Somalia, Afgoye, Sh/Hoose, April 28, 2010.

 

Journalist’s (saxafiyiin)

ท BBC Correspondence: Kate Peyton, Hotel Sahafi hortiisa, Muqdisho, Gobalka Banaadir, February 9, 2005.

ท Horn Afric Correspondence Duniya muxidiin nuur, Afgoye, Sh/Hoose, Sundau. June 5, 2005 10:11 pm

ท British Correspondence: Martin Adler, Tarabuunka Hortiisa,Muqdisho,Gobalka Banaadir, June 23, 2006.

ท Idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Gaalkacyo, Gobalka Mudug, Max’ed C/llaahi Khaliif ,5 May, 2007.

ท Idaacadda Jowhar, Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad, Gobalka Shabelada Dhexex, 16 May, 2007.

ท Agaasimihii Capital Voice iyo aasaasayaashii kana mid ahaa milkiilayaashii Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik  Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharmarke, Muqdisho, Gobalka Banaadir,  August 11, 2007.

ท Idaacadda Banaadir C/qaadir Mahad Macalim (Kaskey), Gobalka banaadir, August 24, 2007.

ท Ku simaha Agaasimaha Idaacadda Shabelle, Bashiir Nuur Geeddi,Muqdisho, October 19, 2007.

ท Aabaha Saxaafada Afhayeenkii Maamulka Gobalka Banaadir, Maxamed Muxiyaddiin Cali qarax miino lala beegsaday xili uu ka soo baxay hoyga uu ka deganaa Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho,  Gobalka Banaadir,December 29, 2007.

ท Afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir, Cabaas Maxamad Nuur “Galayr -Dilki M Muxidiin cali bil ka dib-  Degmada Xamarweyne Gobalka Banaadir, Februray 1, 2008.

ท Wariye madax banana Xasan Kaafi Xareed Kismaayo, Isniin,(Qarax Gaari shaqaale MSF-Holland uu la socdey), Gobalka Jubada Hoose, January 28, 2008.

ท Wariyahii BBC-da iyo wakaalada Reuters, Nasteex Daahir Faarax Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose, June 7, 2008.

ท Agaasimihii Idaacadda Hornafrik Tahliil Axmed, Suuqa Bakaaro, Muqdishu, Gobalka banaadir February 4, 2009.

ท Xasan Subeyr Fantastic,  Filim Qaade u ahaa Taleefishinka Al-Arabia, shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.

ท Maxamed Amiin Aadan Cabdulle, oo ka tirsanaa idaacadda Shabeelle, shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.

ท Wariye kale oo lagu magacaabo Yaasir oo isagana ahaa Sawir qaade, , shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.

ท Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Radio Muqdisho, Sh. Nuur Max’ed Abkey, (Magafe), Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, Gobalka banaadir, April 4, 2010.

ท Idaacada Daljir, C/laahi Cumar Geeddi, xaafada Garsoor ,Galkacyo, Gobalka Mudug Arbaco, September 1, 2010 (Dilkaas waxaa loo adeegsaday Mindiyo ama Tooreey).

 

Political relation (xiriir siyaasadeed)

ท Xildhibaan Shiikh Ibraahin Cali Cabdulle Nairobi Kenya 2003.

ท Maxamuud Xasan Taakow degmada, Yaaqshiid, Muqdisho, September 10, 2004.

ท Philosophy: Cabdiraxman Maxamuud Takbiir, degmada Yaaqshiid, December 1, 2004.

ท Dr.Abdirahman Warsame Elmi, X/ Madiina, Degmada Wadajir, Muqdisho, Gobalka Banaadir, Janaury 29, 2005.

ท Faay Mac’buud Cabdi dumar lagubay ka dib lacag lagu sheegtay, February 6, 2005.

ท Drs.Maryan Maxmed Xasan Kuulow, degmada Waberi, March 19, 2005.

ท Qadar Cismaan Cilmi Boqorre, wiilka X. boqorre, km 4. Muqdisho, November 12, 2005.

ท Cabdalla deerow isaaq wasiirkii dastuurka DFKM baydhabo Friday July 28, 2006.

ท Maxamed Cabdullaahi Yuusuf (Curcuro). Gudoomiyahii rugta ganacsiga MGPL Augost 8, 2006.

ท Cabdi naasir seerjito  Qunsulki  Soomaaliya u fadhiyey Isku Taga Imaaradaha Carbeed, U A E, muqdisho March 28, 2007.

ท Abuukar socdaal ku xigeenka shirka dib u heshiisiinta muqdisho March 31, 2007.

ท Ku xigeenka duqa magaalada muqdisho (Mayor)  Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye), Nairobi Kenya April 20, 2007.

ท Madaxa Hiiraan comuntiy Education Project (HICEP),Prof Daa’uud Xassan Cali,      Baladweyne, Gobalka Hiiraan,April 13,2008.

ท Wiilka uu dhalay Xaaji Cabdi Iimaan Gudoonka Beelaha hawiye April 15 2007.

ท Miino lagu qariyey qashin dhexdiis ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 24 haween oo ku shaqeysan jirey xoog cuno ku badalasho, -Food fo Work- Gobalka Banaadir,  Augoust 3, 2008.

ท Maxamed Cismaan Maye, oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada baydhabo isagoo ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Cishaha, September 8, 2008.

ท Qaraxyo is daba joog oo ka dhacey Hargeysa iyo Boosaaso: October 29, 2008 waxa qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa Gobolka Waqooyi galbeed iyo Boosaaso Gobalka Bari oo ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof oo rayid ah.

ท Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ka mid ahaa madaxdii isbaheysiga dooxada Juba oo ay ku toogteen maamulka Islamiga Kismaayo January 30, 2009.

ท Afhayeenkii shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed C/raxmaan Max’uud Jimcaale (Shifti), March 30, 2009.

ท Hotelka Madiina,Baladweyne June 18, 2009 waxa baabuur lagu soo xiray walxaha qarxa lala beegsadeyhotel Madiina ee  ku yaal magaalada Beledweyne Gobalka Hiiraan waxa halkaasi ku dhintay 80 qof oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga qaranka Cornel Cumar Xaashi Aaden. Wasiirka waxa dadkii la geeriyooday ka mid ahaa,

. Safiir Cabdikariin Faarax Laqanyo
· G/ le sare Maxamed Barre Fiidow
· G/ le sare. Maxamed Cabdi Yarow (shanle)
· G/ le sare Cumar Xassan Dhudi
· Colonel/ Yuusuf Xusseen (Timocade)
· Abwaan/ Maxamed Cabdi Cibaar
· Abwaan/ Cabdidhuux Guure Cali
· Ganacsade/ Buule Xaashi Aaden (Waziirka walaalkiis)
· Eng/Cabdifitaax Cali Xaydar

. Nabadoon/ Faarax Cabdulle Fiidow
· Nabadoon/ Xassan Biriqow
· Nabadoon/ Xassan Cilmi Hurre
· Nabadoon/ Axmed Carabey
· Nabadoon/ Cilmi Shire

 

ท Hotel Shaamo Muqdisho  December 3, 2009 Qarax aad u baaxad weyn ayaa lala beegsadeyxaflad qalin jebin oo ka dhaceysay Hotel Shamo waxana halkaa ku geeriyooday 24 qof oo ay ka mid ahaayeen 3 wasiir oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. Dadka ku geeriyooday qaraxii hotel Shaamo oo u badnaa arday ka baxday jaamacada Banaadir waxa ka mid ahaa.
Wasiirkii Tacliinta Sare: Prof Ibraahin Xassan Cadow
Wasiirkii Caafimaadka: Drs Qamar Aaden Cali
Wasiirkii Waxbarashada: Dr Axmed Cabdullaahi Waayeel

Wasiirkii Isboortiga : Saleebaan Colaad Roble oo ku geeriyoodey Sacuudiga KSA
Dr. Maxamed Warsame Shahiid

Dr. Max’ed C/qadir Max’ed

Dr. Muxyadin Aweys Axmed

Dr. Maxamed C/lahi Cali (Dayax)

Eng. Jamaal Luqmaan Ismaciil

Dr. Aadan Mukhtaar Xasan (Korneele)

Abubakar Ibrahim Xasan (Waalid)

Abubakar Xuseen Faarax     (Qoorey) (Waalid)

Xuseen Macalin Xasan

 

Business man ( ganacsade)

ท Ganacsade Cumar cabdi diini nation link laanta guriceel guri ceel July 18, 2005.

ทGanacsade Cabduqaadir Aweys Sheekhuna (Nuuraani)
oo ahaa  Magaalada Baraawe,Gaobolka Shabeelada Hoose, October 8, 2005.

ท Ganacsade Cabdi Axmed Nuur (Cabdi yare) Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, October 11, 2005.

ท Ganacsade C/nuur Aw-cali Golis telecommunication company bosaso

ท Afhayeenka midowga ganacsatada Gobolka Banaadir  Cabaas Maxamed Ducaale, Muqdishu, 5 Feb 2009.

ท Ganacsade Cumar Nuur Baashara,degmada xamar Weyne, Gobalka Banaadir, July 21,2008.

ท Ganacsade Cabdikariin sh Ibraahim Jeegaweyne, koox dabley ahi toogasho ku dileen salaada casir kadib,Dagmada Hodon ee Gobolka Banaadir February 7,2008.

ท Ganacsade Cabdiwahaab Cilmi, Xaafadda Shaqaalaha ee magaalda, kismaayo, march 01, 2010.

ท Ganacsade Jaamac Aaden Siibaato,  magaalada Bosaso, November 5, 2009.

ท Wakiilka Shirkaddaha duulimaadyada diyaaradaha ee Daalo Airlines iyo Jubba Airways.Ganacsadde Raage Cabdi, koonfurta Gaalkacyo, Galmudug State, March 5, 2010.

ท Ganacsade Daa’uud Dirir, waaxda Qacle ee xaafadda faanooole ee magaalada kismaayo, August 21, 2010.

 

Jilaa/Comedian

ท Axmed C/laahi Amiin Rooble Awkukuu,  Xamarweyne ee magaalada Muqdish, November 25, 2010.

ท Abshir Cabdulaahi Owkuukuu, rag hubeysan ku dileen aqalkiisa xaafada xaafada Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho March 13,2011.

 

Garyaqaano/Lawyers

ท Ku xigeenkii xeer ilaaliyii gobalka Banaadir C/qaadir Max ed Yuusuf  Jidka Aadan Cadde ,muqdishu, October 6, 2007

ท Xeer ilaaliyihii darajada  koowaad ee gobolka, Bari Cali Jaamac Khalaf, Suuqa sarrifka lacagaha ee magaalada Boosaaso, june 10,2010.

ท Xeer ilaaliyaha darajada kowaad ee Gobalka  Bari, Cabdullahi jaamac shirwac Bosaso, November 11,2010.

 

Salaadiin/Malaaq/Wabar/Nabad doon/ Ugaas/Duub iyo Tun weyne.

ท Malaaq Seemow Cabdi Garuun, oo ay dileen ilaaladii TFG-da  Baydhabo, Gobalka Bay, June 9, 2006.

ท Sultan Ahmed Mohamed Hurre, waxaa lagu dilay toogasho af-galis (point blank) ah  tuulada Kala-bayr ee Gobalka Bari, Puntland  August 17, 2006

ท Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow, koox hubeysani ku dishay bartamaha Magaalada Beledweyne, Gobalka Hiiraan, October 8, 2008.

ท Nabad doon xaaji clow, Degmada Dharkeenleey,Muqdisho, February 12 ,2010

ท Gudoomiyaha Golaha Samadoonada Soomaaliyeed, Nabadoon Sh Maxamed Tahliil Warsame, Ceelasha, Gobalka Shabellada Hoose, Agoust 15, 2010.

ท Suldaan Ciise Xasan Cumar,xili uu soo tukaday Salaadi Cishe, Boosaaso, November 12, 2010.

ท Nabadoon Macalin Haaruun, Dagmada Yaakhshiid, Gobalka Banaadir, Agoust 18,  2008.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN

Akhristow inta aqoon yahay, culumaa’udiin, sama fale,ciidan iyo inta siyaasad qalafsan loo dilay waxaan lee yahay qabriyadooda ALLAH ha u qaboojiyo anagana sabar iyo iimaan naga siiyo, gacan ku dhiiglayaasha (dad iyo dawlad) ka danbeeyay fal xumadaas waxaan rabi ka rajeyn in indhaheena mar uun ku qaboojiyo iyagoo cadaalada la marinayo.

Ugu danbeyntii inta samaha jecel ee guudkan dushiisa ku nool ALLAH ka bad baadiyo gacan ku dhiiglayaasha ku dhuumaaleysanaya dalka iyo dibada, waxaana ka codsan inay qalinka u qaataan fadhigana ka kacaan si ay u meel mariyaan dar daarankii, howlahii adkaa, geesinimadii iyo dhaxal wanaagii ay ka tageen inta inaga baxday si aan u gaarno guul iyo guri wanaagii ay noo bilaabeen geesiyaashii cadawgeena ka hor istaagay inay dhameys tiraan, una hurno naf iyo maal sidii aan usoo ceshan laheyn karaamadeenii luntay dalkana uga xureyn laheyn cawadaga iyo caada qaatayaasha lumiyiyay halgankii aabayaasheen.

 

Tixraac/ Reference

  • 1-      Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha Jimcaale
  • 2-      Xarunta Hey’adda Xuquuqul InsaankaElman ee Muqdisho.
  • 3-      Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993.
  • 4-      Alison Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5 1993  The New York Times.
  • 5-      Médecins Sans Frontières. Three MSF aid workers killed in serious incident in Kismayo, Somalia, 28 January 2008.
  • 6-      Dennis King, Chronology of Humanitarian Aid Workers killed in 1997 – 2001 reliefweb Int 2002.
  • 7-      Jaamacada Banaadir Reports.
  • 8-      Reuters Suicide bomber kills three Somali ministers December 3 2009.
  • 9-      World Human Rights Reports.
  • 10-    Al-Shaahid Center for  Research and Dialogue..
  • 11-     Somali Articles.

 

Qalinkii: Dalmar Haji

DalmarXaaji@live.com

Hargesai,

Somalia

 

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Imisa Magac leh Ah ayaa Mooyga Ku maqan…. "

  1. hadii aad yihiin shabakad somaliyeed e somalitalk waan idin salaamayaa salaan kadib waxaan jecelahay inaan figradayda idiin soo gudbiyo taasoo ah
    inaad diiwaan wanaagsan aad usamaysaan imisaa moyga ku maqan si ay u noqdaan taariikhda somalida oo aysan u noqon wax iska luma oo maalin mel lagu xardho

  2. Ibrahim Abdi says:

    Maashaa Alla Mr dalmar walaal… aad baad u mahadsan tahay..