Home » Warar »

Maxaad kala socotaa heshiiska ay shirkada SKA kula wareegtay garoonka dayuuradaha ee Muqdisho

Qeybta 1aad –

Shirkada SKA waa shirkad ka mid ah shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ganacsiga ka sameeya wadamada ay dhibaatadu ka jirto ee ay adagtahay in ay shirkadaha caadiga ahi ay ka howlgalaan. Shirkadan oo ay mulkilayadeeda leeyihiin rag hore u soo ahaan jiray ciidan ayaa waxa ay ka howlgashaa wadamada sida Ciraaq, Afghanistan iyo Somaliya oo ay hada ka howl bilaawday.

Hadaba baaritaan horu dhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ayna ka qayb qaateen arday Soomaaliyeed oo wax ka barta jaamacadaha wadanka Ingiriiska ayaan qaybtiisa ugu horeysa waxaan ku falaanqayn doonaa saamaaynta uu heshiiskani ku yeelan karo  suuqa airline business Soomaaliya.

Kahor intaanan u gelin falaalqaynta arintan, waxaa is weydiin mudan shaqada ay garoonka ka qabanayso shirkadani. Shirkada SKA waxa ay qabanaysaa shaqooyinka sida:

  • Adeega rakaabka  iyo xamuulka
  • Maamulka garoonka
  • Amaanka garoonka
  • Ka ganacsiga shidaalka oo aysan kala cadayn inuu yahay shidaalka dayuuradaha oo kaliya iyo in kale
  • Adeega Xamuulka (cargo)
  • Iyo wax kasta oo kale

Sidan waxaa qoraya heshiiska ay shirkadu kula wareegtay garoonka, isagoo tibaaxaya in shirkada la siinayo dhul ay ka dhisato xafiisyo iyo kayd shidaal.

Si kastaba ha ahaatee adeega shirkadu ay bixinayso ayaa laga yaabaa inuu faa’ido kooban u leeyahay umada Soomaaliyeed, sida inay kor u qaado tayada adeega ay u qabato rakaabka yadoo sidoo kale u saamaxaysa shirkadaha dayuuraduhu in ay si sidii hore ka dhaqso badan ku dejiyaan kuna raraan xamuulka ay keenaan ee isugu jira rakaab iyo cargo.

Hadana hadaad dhan kale ka eegto shirkadani waxa ay noqoneysaa tan kaliya ee bixinaysa dhamaan adeega garoona, arintan waxa ka dhalaneya waxa loo yaqaan monopoly power, kaasoo u saamaxaya SKA in anay kordhiso lacagta laga qaado shirkada dayuuraha ee isticmaala adeegeeda. Arintan waxaa ka dhalan kara talaabooyin is xig xiga oo ku bilaabanaya  in ay shirkadaha diyaaraduhu kor u qaadaan sicirka tikidhada iyagoo magdhaw uga dhigaya qarashka xaga airporka uga soo kordhay taasoo keeni karta inuu hoos u dhac ku yimaado tirada dadkii safri jiray. Tani waxa ay dhalin kartaa in ay shirkaduhu u guuraan garoomada maxaliga ah (Cisaleey iyo N-50) ee uu adeegoodu ka jabanyahay kan caalamiga ah ee Muqdisho, arintani waxa ay keeneysaa in uu hoos u dhac ku yimaado dakhligii garoonka ka soo geli jiray SKA maadaama ay shirkadihii dayuuraduhu ka guureen.

Hadaba arintani waxa ay muhiim ka dhigeysaa in ay SKA raadiso fursad ganacsi oo buuxin karta booskii ay baneeyeen shirkadaha dayuuraha Soomaalidu. Tani waxa ay shirkada SKA u bidhaaminaysaa in ay bilaawdo shirkad dayuuradeed oo cusub maadaama ay hada leeyihiin dayuurado ka shaqeeya Ciraaq iyo wadamo kale. Iskusoo wada duuboo hadii ay sida aan saadaalinay wax u dhacaan, waxaa dhici doona tartan xaga qiimaha kitidhada oo dhex marka shirkadan cusub iyo shirkadihii hore u jiray ee Soomaaliyeed, waxaase xusid mudan in ay shirkada SKA ay awoodi doonto in ay qiimaha tikidhada geyso meel aad u hoseysa iyadoo ka faa’ideysanaysa masaafada garoonku u jiro magaalada iyo adeega ay dayudaduhu u baahanyihiin oo ay isla shirkadu bixinayso taasoo siinaysa waxa loo yaqaan competitive advantage.

Guntii iyo gabagabadii waxa ay saadaasha arintani cagadhigan doontaa Alle idankii, shirkadaha Soomaalida oo lumiya qaybta ay ku leeyihiin ganacsiga aan kor kusoo xusnay taasi oo u saamixi doonta airlineka cusub ee SKA inay qiimaha tikidhada kor u qaado maadaama ay awoodii la tartameysay meesha ka baxday.

Arintu waxa ay ku dhamaandoonto Alle ayaa yaqaan, waxaase xaqiiqo ah in ay shirkado badan oo aanan SKA ahayn uu soo jiidan doono ganacsiga soomaaliya ee ay majaraha u hayso xaalada amaan daro ee ka jirta dalka.

Alle idankii maqaaladani waxa ay isugu xigi doonaan sidan:
Qaybta 2-aad sameeynta uu heshiikani ku yeelanayo guud ahaan shacabka Somaaliyeed sida ganacsatada, shaqaalaha iyo dawlada

Qaybta 3-aad waxaan diirada ku saari doonaa sida uu heshiiskani u taabanayo maamul goboleedyada sida Somali Land iyo Punt Land.

Qaybta 4-aad waxaan diirada ku saari doonaa heshiiska iyadoo aan qodob qodob u sharixi doono aanan soo bandhigi doono waxa ka dhalan kara xiliga dhaw iyo kan dogba.

Qaybta 5-aad kaalinta ay heshiiskan ku leeyihiin warbaahinta Soomaaliya qaarkood sida Websideyada iyo TV-yada, taasoo aan umada ugu soo bandhigi doono cadaymo lagu qanci karo.

Waxaa isku soo dubaridey:

Jamal Mursal  (jkmursal@hotmail.comjkm036@londonmet.ac.uk)

Ahmed Hassan ( amoallinh@gmail.com ,  amh200@londonmet.ac.uk)

Maxamed Abuukar Nuur (Maxnour62@hotmail.com)

###

QORAALLO HORE EE SHIRKADDA SKA https://somalitalk.com/tag/ska/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.