Home » Warar »

Farmaajo oo Shirkad Maraykan ah kula heshiiyey lacag kabadan 240,000 doolar oo la siinayo Shirkadda

Raisul Wasaare Farmaajo oo  Dalka Mareykanka Heshiis Qarsoodi ah Shirkad kula soo galay (Lifaaq nuqulka heshiiska — Attached Original Contract) —

Sidaan horey idiinku soo bandhigay sannadkii tegay heshiiskii Sarcen International ayaan hadana mid kale idiinku soo bandhigi donaa qoraalkan.

Heeshikii Riasul wasaaraha kula galay Shirkad “Lobbist ah”- dulaal Mareykan ah inay wakiil Soomaliya ugu noqoto xiriirkeeda dawladnimo dalka Mareykanka oo saxiixan

Ka fiiri lifaaqa ku lamaaanan qoraalkan

Waxaa beryahaan dambe caado u noqotay Dawladda ku meel gaarka ahi (TFG) inay dunida dacaladeeda heeshiisyo qarsoodi ah la gasho shirkado oo aan wax dan ah u haynin jiritaanka Umadda Somaliyeed oo daneyste yaal ah.

Haddii uu aqoonyahankii Somaaliyeed sidii damiir lawayasha burcadda oo kale u dhaqmaayo maxaa inoo diidayo inaan dawladnimada faraha kala baxno oo aan u yeeranno Shirkado wadanka inoo maamulo waayo isma qadarin karno, isma dhegaysan karno, waxbana isuma quurno, oo ciid walba waxay ku fikaraysaa maal deg deg ah ku hel magac dawladnimo.

Raisul wasaare Maxamed Cabdulahi “Farmaajo” wuxuu heshiis qarsoodi ah la galay Shirkad dulaal ah “Lobby Firm” oo uu hogaanka u hayo nin mar Senator ka noqday Barlamaanka Mareykanka oo lagu magacaabo Alfonse D’Amato oo lagu xanto inuu yahay nin lacag Jecel (Senator Pothole) oo ku xiran Xisbiga Republican-ka ee dawladda Mareykanka.

D’Amato wuxuu ku soo daray shirkadiisa Park Strategies, Sean King oo ah wiil uu dhalay nin congresska Mareykanka Ku jiro oo lagu magacaabo Peter King oo Somaalida Mareykanka  joogto iyo Muslimiinta Mareykanka joogto ku sheego inay yihiin Argagixiso. Peter King nacaybka uu u qabo Muslimiinta siiba kuwa dagan Mareykanka ma aha mid qarsoodi ah asaga oo fadhi iyo shir muhiim ah ku qabatay guddigii oo madaxa ka yahay ee lagu magacaabo (House Sub Committee on Homeland Security)  uu shirka gudoomiye ka yahay asaga oo guddiga hortiisa soo istaagiyey ninka keliya ah ee musilimka ah ee ku jira barlamaanka Mareykanka Keith Ellison oo laga soo dortay gobolka ay Somaalidu ku badan tahay ee Minnesota.

Waxaa kale ay shirkadan dulaaka ahi xiirir la leedahay shirkadaha Qamaarka in meel walba loo fasaxo u dooda(PPA) iyo shirkadaha hubka sameeya oo ay ka mid yihiin  Lockheed Martin iyo General Atomics Waxaa kale xubin sare ka mid ah Shirkadan nin la yiraado Joel A. Giambra  oo ah ninkii shaqada dawlad gobeldeelka New York Erie County siiyey Raisul wasaare Farmaajo inta uusan dawladda TFG ku soo biirin una balaqaaday sida rag badan oo dawladda cusub ku jiro loogu ballanqaaday in ilaa 6 bilood  ama sannad gudahiis shaqadooda ku soo laba karaan haddii uu xaalka Soomaaliya xumaado.

Sida ku cad heshiiska waxaa  loo madaxbaneyey shirkadan wax ka qori karto,inay kala doodi karto Dawladda Mareykanka baahida Qaranka Soomaaliyeed ayada oo horey dawladda u soo Magacawday nin wakiil uga ah Washington oo lagu magaabo Abukar Carmaan.

Shirkaddan waxaa lagula heshiiyey $20,000.00 lacagta Mareynka ah  bil walba 5teeda in Muqdisho looga soo diraayo  iyo Iyo khidmo sahay safar iyo kharash $3600.00 oo Mareykan ah bil walba, ayadoo dalku dagaalo Ka socdaan oo lacgata intaas ahi haddii la doono ay mushaar bil walba u noqon karto 230 askari oo  furunta hore dagaalka  Muqdisho ka dhacaayo taagan. Reporka ay shirkadan sameeynayso waxaa qori kara dad muwadinin Somaali ah kama duwana kuwa Heyadaha sida UN-ka lacagaha beenta ahi ku bixiyaan aan wax horumar ahna laga gaarin 20 sano.

Waxaan filaynay inuu Raisul wasaare Farmaajo ka duwan yahay kuwii asaga ka horeyey laakin wuxuu cadaystay inuu yahay rugcadde ka reer magalsan kuwii hore, taas oo ay cadayn u tahay inuu shirka markuu soo adayey iska soo reebay rag lataliyaal ah iyo Wasiirkii Arrimaha Dibedda oo ay ahayd inuu wax ka saxiixo ama goob jog ka yahay xeerarka Caalamiga ah ee magaca dawladda Soomaaliya lagu galo.

Raisul Wasaare Farmaajo waxaa inoo cad inuu si bareer ah ugu biray daneystayaasha Somaaliya sida wasiirada qaarkood oo golahiisa wasiirda ka tirsan oo weli boorka ka jafaaya heeshiisyo lagu iibiyey hanti qaran oo ay horkeenan golahiisa si loo ansaxiyo ayada Barlamaanka la dacalmaraayo sida dastuurka qabo.

Isweydiintuse waxay tahay xagee bay martay eraydii oo ku dhawaaqayey Raisul wasaaruhu oo ahayd waxaan nahay dawlad yar oo tayo leh oo la dagaalanta musuq maasuqa iyo isdabamarinta.

Waxaan filaynaa inuu Barlamaankii  Soomaaliya oo ay hogaan xumada haysatay inay mar afaraad u kacaan oo ay umaddan dulman ka qabataan heshiisyadan magacooda lagu galay oo ayaga lagu dhibaataynayo.

Lifaaqa Heeshiika oo saxiixan hoos ka fiiri:

Soomaaliya Hanoolato!

Saciid Xersi Ducaale
Anaheim, California
Email: shdualeh@gmail.com

###

Mohamed seeks public support for Somalia ‎

Mohamed seeks public support for Somalia ‎Buffalo News Interview – 3/14/2011: Mohamed’s government has hired a powerhouse lobbying firm — former Sen. Alfonse M. D’Amato’s Park Strategies — to help him make his case.

“We are working on a succession plan, the way forward, and that’s still in the works,” Mohamed said on his second visit to this country since taking the prime minister’s job. MORE

 

Suuq loogu Magacdarey Suuqa Geedka Tiin-Tiin-ka oo ka furmey Magaalada Muqdisho

Suuq loogu Magacdarey Suuqa Geedka Tiin-Tiin-ka oo ka furmey Magaalada MuqdishoHooyo Cibaado Xasan “Weligey kuma Riyoon Geedka Tiin-Tiinka Suuq yeelanaya Waana arrin la yaab leh” – Waxaa Sananadkaan bilowgiisii Dalka ka bilowdey Abaaro aad u balaaran oo saameysey laga soo bilaabo Raas Kambooni ilaa Raas Caseyr waxaana meelaha qaar ka bilowdey Dhimashada dadka iyo Xoolaha iyadoo dadka qaar ay Naf ka soo raadiyeen Magaalooyinka waaweyn ee dalka si ay u helaan Wax Afka ay… SII AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

21 Jawaabood " Farmaajo oo Shirkad Maraykan ah kula heshiiyey lacag kabadan 240,000 doolar oo la siinayo Shirkadda "

  1. Hassan says:

    waxaan rabaa inaan lawaadago comment-gan somalida meel walboo ay joogaan. waxaa su’al ah somalidii uqaxday dalka maraykanka maxaa naloogu soo celiyey ayagoo maskaxda lagasoo bedelay, intii somali uhartayna dhamaystiri raba. tusaale ahaan waxaan malin dhowayd lajogay group libiyaan ah oo ku doodaaya raga kacdoonka libiya ka wada cida ay yihiin waxaa markiiba soo baxday raga dagaalada horwada inay wataan dhalasho maraykan ah larabana inay wadanka ayaga hogaanka uqabtaan, waana dad lasoo diyaarey maraykana danihiisa ka shaqeeya ileen waa maraynkane. Hadaba soomaaliyeey waxaad ogaataan ragan yurub iyo maraykan losers kasoo noqday ee dalka kusoo laabtay waxay uyimaadeen inay dhacaan dalka inta uharty kadibna wixii uu dalka ka dhacay wuxuu ula noqonaayaa maraykanka iyo yurub. Tusaale aaway Omar Abdirashiid, wixii uu dhici karo markuu dhacay xoolihii somalida uu ka dhacay wuxuu uraray maraykan iyo meel kale, ugu yaraan haduu dalka ku maal gashan lahaa xataa waxay ahay, midkaan hada joogana waa sidaas weliba kan waxaa udher waa lasoo dirsaday maraykanka ayaa soo dirsaday taa waxaa daliin kaaga filan, waxaad fiirisaa wuxuu shegaayo iyo wuxu sameeynaayo isma lahan. ee wadankan umadii badbaadin lahayd allah ukeeno.
    Mahadsanid

  2. Xassan Yare says:

    Jawaab ku socota Xaaruun.

    Walaal Haaruun haddii ad la socotid 100 malyan oo aad tiri bilkasta waa soo gashaa DKMG waa arrin fiican in aad inoo sharraxdid sida aay ku
    baxaan iyo haddii aaysan xatooyo Xoolo dadweyne aaysan jirin.
    Waxaa xukuumadda laga rabaa TRASPARENZA (In aay caddahay
    wax kasta oo soo galaya iyo sida loo kharashgareeyo). Intaas waxii dhaafsan waa Xatooyo iyo kutagrifal awoodeed.
    Walaal Haaruun Wasiirrada kale ha khaldin si aaysan dibinka ugu dhicin.
    In R.Wasaaruhu . khaldamay waa loo wada jeedaa ee khaladkiisa ha ka dhigin mid sax ah.

  3. Iidle says:

    Haddii aan hadalno waa Af Salax ku Dheg .
    Farmaajo waa khasaaro lacagta uu ku bixinaayo in dowlada TFG laga waasteeyo dowlada Maraykanaka .
    Dalka waxaa ku habsatay Abaar Dadkii iyo Xoolihii waa dhamaadeen lacagtaas waxay ahayd in dadkaas dhibaataysan lagu taakuleeyo .
    Waayaabe Farmaajo Kunturaad miyuu rabaa in uu ka qaato Maraykanaka.
    Farmaajo ha noqon ayax teg Eelna reeb , ilayn muddo yar ayaa kaaga harsan inta aad sii joogayso xafiiska .

  4. Sawirka iyo waraysiga ra’iisul wasaare Farmaajo waxaa qaaday joornaalka Buffalo News, ra’iisul wasaaraha ayaana weriyaal ka socda wargeyska Buffalo News casumey oo yiri sawir ka qaada reerkiisa, isaga ayaana ogolaaday sawirka reerkiisa laga qaado oo joornaalku sawir ka qaado reerkiisa, eeg joornaalkaas .. joornaalada soomaalida iyo kuwa adduunka kaleba waxay sawirka iyo waraysiga ka soo xigteen joornaalka maraykanaka ee buffalo News oo Farmaajo ogolaaday in uu reerkiisa sawir ka qaado http://www.buffalonews.com/city/article366514.ece

    Joornaalada soomaalidu waraysigaas uu bixiyey ayey soo xigteen :
    http://www.buffalonews.com/city/article366514.ece

  5. haaruun says:

    waxaa fiican marka aad wax qorayso ama aad doodayso inaad ogaato waxaa aad ku doodayso …. hadaadan aqoon ulahayn waxay yihiin balse si qaldan wax laguugu sheegay ayadana waa dhibaato meesheeda ah.

    dadka soomaaliyeed hal dhag ayay wax ka maqlaan, daacayada, xaasidnimda, qabyaalada iyo wax isu quurud la’aantu waa mid ay kuwayntahay, dowlada soomaaliya waxaa soo gasha bilwalba in kabadan 100 million oo dollar, dhaqaalahaasna ma ahan dhaqaalo aan shaqaysanay ee waxaa siiya UNta iyo dowladaha marayku uwaynyahay, ma waxbaa ku jaban hadaad wixii lagu siiyay wax ka weyn kuraadsato si waxa aad hada hesho wax kabadan aad uhesho … waa may lobby gu waa hay’ad wax furdaamisa arinta soomaaliyana waa muhiim in lafurdaamiyo .. maxaa yeelay soomaaliya god dheer ayay ku dhacday, godkaasna waxaa kusii aasaya shayaadiin naga mida oo aan ogalayn in wax hagaago… marka ha iska hadlinee wax hubsada .. heshiis maxumo

  6. Xassan Yare says:

    Waxaa iska cad in R.W. Formaajo uu taraaraxay markiisa asagoo abaal gud raba in uu siiyo ninkii shaqada siiyay oo ah Joel A. Giambra kolkii uu Amerika qaxootiga ku ahaa.
    Ma ahan in Qarannimada Soomaaliyeed iyo sharafta aay leedahay guntiga loogu shubo shirkad privati ah oo Mareeykan ah oo caawa allah danaha aay Soomaaliya u qabaneyso aan qof la socda uusan jirin.
    Waxaa Amerika dhex daggan dad badan oo Soomaali ah oo wadaniyiin ah
    oo sumcad fiican ku leh Dalka Mareykanka oo haddii loo baahdo in aay la xiriiraan from OBAMA illaa iyo xoghayaha ka shaqeeya PENTAGONO aay
    kartidooda iyo awoodooda aay leeyihiin una baahneen in aay qaataan hal doolar oo khidmad ah ayaa la heli karaa (Waa haddii uu siinayo awood aay ku howl galaan).
    Kharashka aay shirkadduu qaadaneyso maa lagu xoojiyo Safaaradda iyo Ergayga UN-ka lana geeyo dad karti leh oo qabta shaqada lagu naas nuujinayo Shirkadda Mareykanka.
    Ma waxaa Formaajo ka dhaadhacsan in aaysan jirin Soomaali shaqadaas qabankarta ???
    Arrintu hadda uma taallo baarlamaan kaliya ee waxaay u taallaa Soomaalida oo dhan oo sharafteeda meel looga dhacay.
    Waxa uu sameeyay waa KADAROO DIBI DHAL.
    Meeshii laga sugayay in uu xal u sameeyo heshiisyadii hore oo qarsoodiga ahaa ayaa waxuu ku daba daray mid horleh oo uu wato.
    Waa su-aale … YAA FORMAAJO MARKIISA LA XISAABTAMAYA?

  7. mubarig says:

    somaliyeey ila ega dawladihi muslimka ahaa ee soo maray geska afrika,,waxa u cunay oo liiqay axmaaro iyo tigreey, ilaah baan idinku dharshe, sawiirta wadaada an ku socono,,,,

    Himyar Sultanate (2nd century)
    Mohammed Hanafiah Sultanate (11th century)
    Sayyid Yusuf el Bagadadi Sultanate (12th century)
    Warsangali Sultanate (1298–present)
    Ifat Sultanate (13th century)
    Adal Sultanate (c.1415–1555)
    Walashma Dynasty (14th–16th centuries)
    Ajuuraan State (14th–17th centuries)
    Aussa Sultanate (16th century–present)
    Emirs of Harar (1647–1887)
    Gobroon Dynasty (18th–19th centuries)
    Kingdom of Gomma (early 19th century–1886)
    Kingdom of Jimma (1830–1932)
    Kingdom of Gumma (1840–1902)
    Sultanate of Hobyo (19th century–1925)

    inti waa inta la aqaano, inaga aya ku xigna,waxaayna ku dhamadeen oo lagu liiqay awoodoodi waa la qaybiyaay waana laysku diray, markii danbana waa la xukumay marki xigtayna waa lagu darsaday,,, waxan u malaynya in an marayno wajigii ugu danbeeyay ,,,

  8. Jamaal says:

    Annigu waan kuraacsanahay qoraaga maqaalkaan. Nasriina iyo C/fataax iyo itii lafakrad ah waan kasoo horjeeddaa. Waa Khalad in lacag Lagubxiyo Sidii ay dowladda Mareykanka ulasaaxiibto Soomaaliya oo siddaas danta Qaranka Soomaaliya lagudifaaco. Lacagtaan waxey udhigantaa laaluush waana khalad in laaluush labixiyo siiba ayaddoo lacagtaas sikale oo danta Soomaaliyeed lagu dfaaci karo ay jirto.
    Turjubaanta kalmadda “Lobiyis” qoraagu waa kusaxsan yahay

  9. Naasriin says:

    Somaliyey waad miyaad waa lateen.? farmaajo waxaa uu muujiyey inuu yahay aqoon yahan dhab, ilbax iyo waddani intaba, runtii aad ayaan ugu hambalyeynayaa farmaajo inuu gartay inuu heshiiskaan galo, war ma isweydiiseen sababta ay israel ameriaca ugu hogaansantahay maaha in madaxda iyo shacabka mareykanku jecelyihiinisrael ee waa lobbyga awoodda badan, walaalayaa dowladda Ethiopia waxaa ay sanad walba malaayiin dollar ku bixsaa lobbyga mareykanka,, walaalayaal wadanba wadan intuu ameerica uga lobby xooganyahay waa uga saameyn badanyahay america, somaliyey goorma ayaad wax fahmeysaan. Malas zenawi sadaxda company ee dhanka lobbyga america ugu awoodda badan ayuu heshiis kula jiraa, waana sababta ay america danahooda uga fulaan. fadlan farmaajo halloo hamabalyeeyo hana la taageero yaan la dhaleeceyn.

  10. C/fataax says:

    Muxuu yahay lobbyist?
    Waxaan la yaabay tarjumidda la siiyay ee ah (dullaal). Waxaan u maleynayaa in qofkaasi fahamsaneyn micnaha dillaal. Adduunka dal kasta wuxuu leeyahay cid danihiisa ku difaacda meelaha muhiimka u ah.
    Aniga waxaan qabaa 20kun doolar inay tahay lacag aad u yar marka la fiiriyo qiimaha lobbyist. Yuhuudda siday ku dhacday iyagoo yar in Mareykanka iyo Adduunka Galbeedka siyaasad ahaan loo taageero iyadoo shucuubta dalalkaasi aysan jecleyn Yuhuudda. Waxaa taasi ugu wacan waa kaalinta dadka u-ololeeyayaasha (lobbyists) ay leeyihiin.
    Arrintaan maqaal baan ka soo qori doonaa dhowaan

  11. Hadii uu warkasi uu yahay mid dhab ah wa nasib daro kake ogowse kama xuma tani heshisyadi lalagali jiray shirkadaha mafiyada kuwas oo kushubijiray bada somalia haradiga chemical ka ah.tasna waxa saxixi jiray madax somali ah.ok wa nasib daro tani,waxana dhab ah inaney jirin qofwadani ah. Somalidu waa danley,wa calooshoda u shaqeysato.marka aan aragno halka somali u danbeysa.

  12. SHARAF says:

    SXB HORTA SAXIIXA MA FIIRISEEN XILIGA UU KU SAXIIXAN YAHAY WAA WAKHTI AAN LA GAARIN EE ISKU NOQDA BAL INTA AADAN WAR NA SIIN

    DHANKA KALE WAXAAN SOMALITALK UGU HAMBALYEYNAYAA SIDA NAFHURNIMADA LEH EE HAD IYO GOOR AAD U ILAALISAAN XAQA DALKA IYO XUQUUQDA DADKIISA

  13. Tubtatoosan says:

    JAWAAB KU SOCOTA (Friday, March 18, 2011 at 11:39 pm) Dr Yusuf issa says: Waxaan la yaabanahay haddii la dheho nin aqoonyahan wax ma muli karo marka mid jaahil ah oo xataa warqada waxa ku qoran akhrin karin ma u dhiibanaa’.

    POINT 1:
    HADDII NINKA JAAHILKA AHI UU YAHAY MID AAMIN AH – HAA WAA LOO DHIIBI MAAMULKA (DABCAN WAXEY KU XIRAN TAHAY HAWSHA LOO DHIIBANAYO), HADABA WAA KAGA MUDAN YAHAY KAN AQOON YAHANKA (LAGU SHEEGO) KHIYAANO IYO IS-DABO MARIN LAGU YAQAAN. JAAHILKA AAMINKA AHI WUXUUBA OGOLYAHAY INUU TALO QAATO. HALKA KAN WAXGARADKA AHI UU YEELAYO INUU ‘ iska … reebo rag lataliyaal ah iyo Wasiirkii Arrimaha Dibedda oo ay ahayd inuu wax ka saxiixo ama goob jog ka yahay xeerarka Caalamiga ah ee magaca dawladda Soomaaliya lagu galo’.

    POINT 2: ‘farmaajo waxuu saxiixay qalad iyo sax Barlamaanka ayey utaal’
    QODOBKAANA II OGOLOO INAAN KAA ARAGTI DUWANOODO. SAX IYO QALAD WAXEY U TAAL DADKA DALKA ISKA LEH: MID WEYN IYO MID YARBA; DIBAD IYO GUDO JOOGBA. ARRINTAASNA INAAD DHIIRIGELISAD WEEYAAN HADDAADAN KA QEYB QAADANEYN.

  14. Mire says:

    Ac
    Markaad wararkaanoo kale kusoo gaaraan quus iyo waad kasii rajo dhigaysaa Soomaaliya. In dawlad AMA mas’uulku talo wareero waxaa kadaran in lagu qabto kutakri falid hanti qaran si sir ah waxaanse I rajo galiyey in maanta Soomaalida wax heysata ee Reer Boosaaso ugu deeqeen masaakiinta boqol kun oo dolar allaha idinka abaalmariyo shacabku waa isku filan yihiin haday tashadaan ee arintaas aan u daymo lahaano cidna yeynaan wax kasugin allaa kaweyn beesha caalamka iyo inagoo isku kalsoonaana.

  15. asc wr. Walaalayaal horta waxaa muhiim in la ogaado aqoon aan wadaniyadi wehelin ay tahay aqoon qaawan oo arad la,. hadaba waxaa ashqaraar iyo yaab dhabano hays joogto ah noqotay, maxaa aqoon yahanka soomaaliyeed u diiday inay si hufan oo wadaniyad leh ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda.

  16. Waxaan la yaabanahay haddii la dheho nin aqoonyahan wax ma muli karo marka mid jaahil ah oo xataa warqada waxa ku qoran akhrin karin ma u dhiibanaa sida:Suudi,Qanyare,M.dheere iwm mise askar sida C.laahi yusuf,Xasan dahir iwm,Somali xagee u roon,farmaajo waxuu saxiixay qalad iyo sax Barlamaanka ayey utaal,weli kama gaari karno faalo ninkaas lagu edeyo
    Mahasanidin

  17. Nuur Maxamed says:

    Kun iyo kow jeer waxaan u mahadcelinayaa Bahda Somalitalk. sababta aan ugu mahacelinayo waxay tahay,waa dad u taagan difaaca dalka iyo dadka somaliyeed waxa ay xaqa u leeyihiin iyo dabagalka wixii hishiisyo qarsoon oo dib inoo keeni kara.

    Talo soo jeedin:——-

    Waxaan oran lahaa,haddii ay jiraan qalad ay galaan Madaxda Dalka in sida haboon lagula xisaabtamo.Laakiin dadweynaha qaar ee aragtida kusoo gudbinaya warbaahinta inay shaqsi aflagaadeyta iska joojiyaan.

    Mr,Farmaajo waa Ra’iisul wasaare qaldami kara waxna sixi kara,Laakiin in qaladkii uu galay mid ka daran shaqsiyadiisa loo geysto,oo lagu tilmaamo qiyaanole iyo inuusan aheyn nin Go’aan gaari kara,iyaddoo la leeyahay hebal ayaa go’aanka u gaara.taasi la socda waa mida Somalia halkan dhigtay.

    Difaaci maayo Farmaajo. Mana dhahayo hishiiskan ma saxiixin,waxaanse diidanahay qoraal dhalinyaro iska soo qoreyso,isla markaana madax loogu gefayo. la soco waa banantahay la xisaabtanka Farmaajo. Laakiin yaan marna la ilaawin inuu xil sare hayo oo xushmadiisa leh.

    mahadsandiiin.

  18. uma says:

    somaliyeey iska hadla iska caytama adinka oo ku sugan qurbaha bal adinku hadaad dhaantaan farmaajo ma dalalka shisheeyo igu raaxaysanaysaan run qofkii sheegayo kaca oo na tusa waxa aad farmaajo wadan jecelshihiin.

    waxaa rajaynayaa in aan ra’yigayga si xor ah halkaan ugu dhiibankaro, hadii aysan jirin caburin, hada comment ayaan ku qoray, dabcan qofna macayn lakiin waxaa dhiibtay fakirkaga nin qoraal soo qoray inuu in ay rayi balse ay aheen xaqiiqda jirta.

  19. Osman says:

    Waxanaad ulayaabbanahaysidadegdeggaah ee eeddadushaloogasaarayo ninkaan ayada oo aanmarka hore la sharxin maxaa la yitraa lobby group.
    Addunka meelnawax kamaqabsan kartid adigaoo aananadeegsan cid kuu codaysa amakuu doodda oo xaqaada ama dantaada kuu marsiisa meelahaaadan gaari karin.
    Hadda kahor ayaaqolo Banki ah waxaysiisay dhawr milyan oolacag abaalgud ah nin ka mid ah madaxdoodasare ee khibraddadheer u leh hawlahooda markaasaaaad loo wada eedeeyey oo la yiri war maxaad waxaan oo lacag ah halnin u siiseen meeye dadki maal gashaday bankiga .
    Jawaabti waxay noiqotey hadduu ninkaan noo suurageliyey helidda qandaraasyo boqolaal malyan ah madaxiisa iyo khibraddiisa iyo connection-ka ama xiriirka uu leeyahayna aan ku helnay oo aannu annagu dhawr milyan oo kuwaas ka mid ah haddii aan asaga abaal marin u siinnay maxaa diidaya. Haddiise aan siinweyno dhiirri gelin soo meel kale naga aadi maayo oo qolo kale siin mayso lacagtaasna u wareegi mayso.
    Dadka lobbysts-ka loo yaqaan waa dadka adduunka wax kala furfura deeqaha, deymaha iyo u doodidda xaquuqdana meel mariya la’aantoodna waa adagtahay in wax kuu kala socdaan.
    Haddii haddaba rubuc malyuun la siiyay ayaguna soo xasilayaan boqollaan malyan ama deeq joogto ah makhasaarnay mise waa faaiidnay?
    Somali waxay tiraa lacag baalacagdhasha ama hubsiino halbaa la siistaa ee balaan si buuxda ugu kuur gallo arrintaas yyaanse laga hadhin.

  20. Soomane says:

    Waa yaab. Waa yaab kale oo mar saddexaad WAA YAAB….

    Meesha uu Formaajo wacdarahaas ka dhigay, maxaa laga filayaa
    Wasiirrada cusub oo wada mutacallimiinta ah????????
    Waxaay ila tahay in ayaamaha u harsan Dowladda in la arki doono
    heshiisyo cusub oo soo fara badanaya.
    Kuwii hore in xal loo helo iskaba daaye, yaa naga joojiya kuwa cusub oo hadda soo burqanaya.
    War Soomaaliyeey fadhi idiinma yaalo ee meel kasta qeylo dhaan halla gaarsiiyo.

  21. Togane says:

    NInkan meesha xoolo tacbasho ayuu i yimid ee Soomaaliya in uu wax u qabto uma imaan horeyna waa loo ogaa. Waana nin aqoontiisa hogaamineed ay aad u liidato waxaana tusaale noogu filan sida uu uga gaabiyo go’aan ka gaarista arrimo muhiim ah oo dowladiisa horyaalo. Waxaa la warinayaa in go’aanka shirarka dowlada ay gaaraan rag kale oo uu madaxa iska luxo!

    Fadeexooyinka uu na dhex istaajiyey Mr. Farmaajo hal iyo labo ma ahan, waa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in nin walba oo shahaado jaamacadeed sitaa ama afqalaad ku hadli karaa in uusan eligable u ahayn in uu hogaamiyo qaran, qarankaasoo u burburay sida Soomaaliya.

    Fadeexadaha siyaasadeed ee Mr. Farmaajo ku dhex jiro waxaa daliil u ah wareysigii u dambeeyay ee VOA la yeelatay asigoo jooga magaalada Dubey kana soo laabtay shirkii UNta.