Home » Warar »

Qaramada Midoobey oo Qorsheyneysa in dhawaan Magaalada Nairobi isugu geyso Wakiilo ka kala socda Shiikh Shariif, Shariif Xasan, Farmaajo, Ahlu Sunna , Pundland Soomaaliland iyo Xubno kale

Iyadoo fooda nagu soo hayso Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa Beesha caalamka gaar haan Qaramada Midoobey waxay wadaa la tashiyo ku aadan Doorashadaas iyo Xiliga kala Guurka ee Dowladda Federaalka.

Waxaa la filkayaa in dhawaan Magaalada Nairobi lagu qabto Shir Hordhac oo ay qabanqaabadiisu leedahay Qaramada Midoobey gaar ahaan Qaybta Siyaasadda Soomaaliya  waxaana lagu waramey in ay ka qaybgeli doonaan wakiilo ay soo xushey Qaramada midoobey, inkastoo Qaramada Midoobey lagu cadaadinayo in wakiiladu ay soo xushaan Xubnaha la doonayo in ay ka qaybgalaan waxaana kulankaan qabashadiisa ka wada Hadley Masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Federaalka iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Mahiga.

Qaramada Midoobey ayaa waxay u soo jeedisey in min saddex Xubnood u soo dirsadaan Kulankaas waxaana ka mid wakiilada ka qaybgalaya kulankaas kuwo  ka kala socda Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif , Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan  ,Raiisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  ,Maamulka Soomaaliland , Maamulka Pundland iyo Ahlu Sunna inkastoo Maamulka Soomaaliland ay diideen ka qaybgalka Kulankaas hase yeeshee waxaa u matalaya Xubno ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed oo ku jira Dowladda Federaalka KMG.

Maamulo ay ka mid yihiin GalMudug , Ximan iyo Xeeb , SSC iyo Maamul Goboleedyo dhawaan la dhisey oo iyagu codsiyo u gudbiyey Qaramada midoobey qaybteeda Siyaasadda ayaan la ogeyn  in laga ogolaan doono ka qayb galka kulankaas oo looga arrinsanyo xiliga kala guurka ee Dowlada Federaalka

Kulankaan Hordhaca ah ayaa waxaa uu saan saankiisu leeyahay kii la qabtey xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isugu dirsaday ergo wakiil ka hayd waxaana kulankaas ka qayb galey ergooyin matalayaey Pundland iyo kuwo matalayey Qabqablayaashii dagaalka waxaana ka dib kulan socdey saddex sanno lagu doortey Madaxweynahii KMG Cabdulaahi Yuusuf.

Ilo warkag ah oo aan warkaan ka soo xiganey ayaa sheegey in Qaramada Midoobey ay qorsheyneyso in marka uu qabsoomo kulankaan hordhaca ah in Xildhibaanada Baarlamaanka la isugu geeyo Magaalada Nairobi si ay u doortaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana Doorashadaan la qorsheeyey in ay socoto muddo Todobaad ah   waxaa kaloo ay noo sheegeen xubnahaan in Qaramada midoobey lagula taliyey in aysan Doorashada ka dhicin Magaalada Muqdisho iyagoo sabab uga dhigin in ay dhici karto inay ku shubtaan ama ku soo baxaan Tartanka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan waayo haddii lagu qabto Magaalada Nairobi waxaa kor kala socon kara Beesha Caalamka oo iyagu u saamaxeeyn arrimo amaan aawadeed in ay tagaan Magaalada Muqdisho inkastoo laba Shariif ay codsadeen in Doorashadu ay ka dhacdo dalka Gudihiisa maadama aan hore loogu qaban.

Dadka u dhuun daloola arrimaha Siyaasadda Somaaliya ayaa iyagu qaba in  Qaramada Midoobey ciddi ay wadato guuleysan karto, bal dib u Qooraanso markii la dooranayey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif waxaa wadatey  Qaramada Midoobey inkastoo Midowga Yurub ay wateen Raiisul Wasaarihi hore Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde balse Qaramada Midoobey oo taageero ka heleysey Mareykanka ayaa Midowga Yurub looga adkaadey Tartankii Doorashada iyo arrimaha Siyaasada Soomaaliya, sidoo kale markii la dooranayey Cabdulaahi Yuusuf Waxaa watey Dowladda Itoobiya oo gacan ka heleysan Mareykanka  oo iyadu Ciidamo xoog u ku kaalmeysey Cabdulaahi Yuusuf oo markii dambe isaga baxay dalka markii ay dagaalo kaga horyimaadeen Maxaakimtii Islaamiga iyo dad Kacdoon wadey , hadaba saadaasha dadweynaha ahaa ah Cidii Dhinaca Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ay la jirsadaan ayaa laga yaabaa in ay ku guuleysato Tartanka Doorashada ee fooda nagu soo hayso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com


Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Qaran Soomaaliyeed ee Nusoj oo lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Hotel Saxafi lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii lixaad ee Ururka Saxafiyiinta Qranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaana ka qayb galey Ergooyin ka kala socdey Gobolada Dalka iyadoo Shirweynahaas ay goob joog u ahaayeen Madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Marti Sharaf.

Halkan ka daawo sawirada kulanka

Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Xoghayaha Ururka Nusoj Cumar Faaruuq oo sheegey in mudadii uu dhisnaa ururka ay qabteen Siminaaro , Tababaro ku saabsan Saxaafadda sidoo kale waxaa uu sheegey in ay gacan siiyeen Suxufiyiin fara badan oo dhibaato ka soo gaartey Howlaha Saxaafadda Sannooyinkii ugu dambeeyey.

Cumar Faaruuq wuxuu sheegey in haddii dib loo doorto ay sii laba laabi doono Wax u qabashada Saxafiiyiinyta Soomaaliyeed isagoo ugu baaqey Milkiilayaasha Warbaahinta in ka warqabaan a loo soo dersa Saxufiinta.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Warfaafinta ee Golaha Baarlamaanka Mudane Cawad Axmed Casharo oo sheegey in Suxufiyiinta soomaaliyeed looga baahan yahay in ay is kaashadaan oo ay midnimadooda ka shaqeeyaan wuxuu kaloo uu sheegey Suxufiyiinta in ay u dhabar adeegaan Xaalada adag ee uu dalka ku jiro islamaarka wuxuu u soo jeediyey in wararkooda ku saleeyaan kuwo u hiiliya dhinaca Nabada iyo dib u heshiisiinta.

Waxaa kaloo shirweynahaas ka Hadley Wasiir Duwlaha arrimaha Bulshada iyo Sport-ga mudane Cabdirashiid Xiddig oo isna ugu baaqey suxuufiyiinta Soomaaliyeed in ay iskaashadaan oo oo ay meel uga soo wada jeesadaan kuwa Carqalada ku ah Nabada iyo Dowladnimada wuxuu kaloo u soo jeediyey Suxufiyiinta in ay la yimaadaan warar ku saleysan Xaqiqda iyo ka run sheegida xaalada Dalka.

Ugu dambeyntii intii uu socdey Shirweynaha ayaa waxaa la xuley Guddigii Doorashada oo uu Gudooomiye u ahaa Cabdi weli Gooni oo ka socdey Pundland waxaa la guda galey Doorashadii Cidi Hagaamin lahayd ururka mudada Sadexda Sanno ee soo socota waxaa mar kale Gudoomiye loo doortey Cabdirisaaq Shiikh Adduun sidoo kale waxaa Xoghaye mar kale loo doortey Cumar Faruuq waxaa kaloo Gudoomiye ku xigeenka koowaad loo doortey Cabdi aadan Gudoomiye ku xigeenka labaad loo doortey Rasmi Xeebow waxaa kale la doorey Xoghayayaasha Ururka iyo weliba Wakiilada Gobolada Nusoj wuxuuna Shirweynahaas uu ku soo gabagaboobey sidii loogu talagaley

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Qaramada Midoobey oo Qorsheyneysa in dhawaan Magaalada Nairobi isugu geyso Wakiilo ka kala socda Shiikh Shariif, Shariif Xasan, Farmaajo, Ahlu Sunna , Pundland Soomaaliland iyo Xubno kale "

  1. bilqeyr says:

    horta waxan udhag duleelno waa dowlad caadil ah oo wax uqabata dadka iyo dalka ha ahaatee meeshan lagu shirayo ayaan aheyn meel lagu miro dhalin karo dowlad wax tarta inlaga soo saaro waayoo somalia waa wadandhan oo dagaalo mooyaane aan waxkale looga baqeynin dagaalkuna waa la istaajin karaa haddii la doonayo in ay noqoto wadan dhisan dowladiisa marka anigu waxan qabaa ra’yi ah haddii qaramada midoobe ay wax uqabaneyso somalia ha dhexdhexaadiso oo kaliya soomaalida kala go’day iyo kuwa dagaalamayo oo diiday in ay wada hadlaan.
    markaas waxii ka danbeeyaa waxan umaleynayaa somalia hadey sidaa ku heshiiso in ay ayada isdooran karto wadankeeda gudahiisa ayagoo ku dooranayo dowlad qaran oo loowada dhanyahay wax kale ugama baahna qaramada midoobe somalia ee ha dhexdhexaadiyaan oo kaliya sababtoo ah haddii mar kale dowlad aan shacabka dooran lagu soo doorto kenya waxan qabaa dagaalka in uu kasii darayo.

  2. adam says:

    u malaynmaayo rajona kama qabo waxa ay unku dhoobdhoobayaan in wax natiijo ah ka soo socoto. mar walbana waxa ka shaqaynayaan lugooyada ummada soomaaliyeed. waayo haddii ay daacad yihiin sida a/risaq kor ku xusay ayaa waxaa talo la waydiin lahaa ummada soomaaliyeed. marka kuwa ay meesha isigu yeerayaana u malayn maayo inay yihiin kuwo damiir leh oo wax dan ah haba yaraatee u haya ummada soomaaliyeed.

  3. Abdirisaq says:

    Dawlad marka la dooranayo shacab baa doorta. ciddi shacabku soo doortey ayaa mararka qaar iyagu dhexdooda madax iska soo doorta.mararna madaxda xisbi la doortey oo dadweynuhu doortey ayaa madax qaran noqota.
    Halkaan hal xisbi oo dalka ka dhisan ma jiro. cidda hadda dawladda Somalia loo aqoonsanyahay iyo shacabkii ismba soo gaaraan oo dawladda Somaliya layiraa Afgooyena ma gaarsiisna Balacadna ma gaarsiisna taas oo doorasho shacab ama afti labadaba daaqadda ka saareeysa.. Xitaa caasimaddi xaafadeheedi ayaan wada hoos iman.
    Baarlamaanku waa 550 xubnood. Qaar waxay ka socdaan dhulka la baxaySomaliland iska daa matalaade xitaa lafahooda uma tegi karaan.
    Qaar waxay ka socdaan maamul goboleedyo aanay toos dawladdu u xukumin qaar xitaa si ka joojiyeen wada haqaynti dawladda dhexe.
    Haddaba haddi meesha la isugu geeyo dawlad awoooddeedi koobantahay iyo xubno aan deegaanki ay meteleen wixi lagu heshiiyo aan ulanoqon karin waxna kabeddeli karin, waxa ka soo baxa oo go’aan ah maxay ka beddeli karta xaaladda ka taagan dalka?
    Maxaa loo wajihi la’ yahay dhibka dhabta ah ee kajirta dalka maanta oo ah shacabki wax dooran lahaa oo u dhexeeya laba madfac dhexdood abaar iyo qaxna u wehiyo.
    Haddaba shirka noocaan ah oo natiijadiisa meel la geeyn karaa jirin lacagta iyo waqtiga lagu bixiyey meeshaas dantaSomalia ugu jirtaa waa maxay?
    Haddi maamul goboleedyada iyo xukumadda federalka ah qaabki ay u wada shaqayn lahayeen oo dhanmaystiran aanu jirin sidee wixi halkaas lagu doorto uga hirgeliyaa maamul goboleedyadi.Meelahase aan maamul goboleed la aqoonsanyahay lahayn yaa caddalad u sameeynaya oo xaqoodi u haya?
    Waxan qabaa waxba yaan hadba debed la isula yaacine dhibka dalka ka taagan ee dhabta ah doodo adag hallaga yeesho horta, aqoonyahano badanna haloo saaro qaabka aan rabno horta inaan wax u wadno qaran iyo maamul goboleedba. cidda ay dawladdu xukunto iyo cidda aan hoos imaan oo hadda aanarrinteeda laga hadli karin wakiilna aanku yeelan karin baarlamaanka.
    Nadaamki wada shaqaynta dawlad iyo maamul goboleedyadaba.
    Dagaalkadalka ka oogan iyo wixi suuroobi kara xilligaan dagaaka adag socdo iyo wixi aan socon karin iyo mudnaanta sida arrimaha loo kala siinayo waa inaan xoogga saarraa.
    Haddii aansidaas yeeli weyno samanu tiiieenni umbaan halkeenni kasii wadan doonnaaye yaanan waxba is daalin.