Home » Faallo »

Soomaaliya iyo Nidaamka Federalka | M. A. Afeey

Fedraalinnimadu ama taliswadaajintu waa fowdo cusub keen! Daawo uma noqon karto dhibaatada iyo murugga manta Soomaaliya ka jira. Maskaxda fekreddaas lahayd, codka iyo saxiixa lagu sharciyeeyey waa cadawga 1aad ee jiritaanka Soomaaliya.

Aadamiga wakhtigakan – Era.com & Globalization, midow ayaa dhinacyo fara badan ka jira. Dalal fara badan ayaa isu furey xuduudahoodii, waxay yeesheen: lacag qura, hannaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan, bulsho, ciidan,  warbaahin, isgaarsiin guud oo midaysan. Dalalkaasi waxay wadaan, sii hormarinta gudaha hannaankaas iyo sii ballaarinta dibadda in ay ku soo biiraan ciddii u xiiso qabta, laakiin leh shuruudo xulasho.

Xorriyaddii 1960kii iyo midowgii labada qaybood ee dhulkii Soomaalida ee  shisheeyuhu gumeysanayey dabadeedna xudduudaha dhexmariyey saddexdii qaybood oo kale oo dalkii googa’u ku dhacay, dadweynuhu wuxuu ku hungoobay filashadiisii madaxbannaanida siyaasadeed ee qiimaha qaaliga ah ugu fadhidey.

Hungowgii dadweynuhu kala kulmay maamuladii CIVIL-ka ahaa ee 1960-1969kii, isaguna markiisii ayuu dhalay, shacabka oo kalsoonidii kala noqday maamuladaas, taasina waxay markeeda abuur u noqotay boobkii iyo afduubkii ciidamada qaranka Soomaaliya ay xukunka dalka ku sameeyeen 21 Oktoobar 1969. Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa hoggaankii dalka majarahiisa gacanta ku dhigay.

Isaguna markiisii ayuu Soomaaliya ka abuuray ”Boqortooyo siyaasadeed!” oo qabyaalad iyo ”Kalashnikof” asaas u ahaayeen, taasoo gaartay heer carruurtii iyo xaasaskii M.S.Barre, xukunka dalka isku qabsadaan, una kala baxaan ”Dastuurey-in la raaco sharciga iyo Tuutaaley – xukun boob cusub in la sameeyo!” M.S.Barre oo nool dhaawacse ka soo gaaray shil gaari oo daaweyn dibadda u aaday. Taasina miraheedii ayey gurtay oo M.S.Barre xukunka iyo dalkaba xabbad baa looga eryey, maquunintaasna kama rayn lamana mahadin.

Dib u dhacsanaanta Soomaaliya, Nagaansho la’aanta, kalsooniddarrada aayo filashada, qabyaaladda Soomaalida, maandayowga iyo qardajeexa bulshada, boqortooyeynta siyaasadda Soomaaliya, qoqobyada ay abuureen dagaallada sokeeye iyo isdiidka u dhexeeya ”siyaasiyiinta” Soomaaliyeed ee nuxrurkoodu yahay xukun doon, burburka maaddooyinkii xiriir nolol dadweyne ee guud, sii murginta arrimaha Soomaaliya ee shisheeyaha aan samajeclaha u ahayn, iwm, dhammaantood waa curiyayaasha fedraalinnimada iyo xoojiyeyaasha boqortooyeynta siyaasadda Soomaaliya.

Aan ku hor marree ujeeddada qoraalkaan iyo aragtida uu soo bandhigayo, maaha belosaadin, cadaawad abuur / kordhin, inkirid kaalinta uu siyaasiga Soomaaliyeed ka soo qaatay / kaga jiro badbaadinta Soomaalida iyo lahaanshaheeda, maaha meelbanaysi iyo xukunraadin, sidoo kale maaha col ka horgays isku day kasta oo xal raadis ah.

Dhanka kale maaha abaal ka dhac iyo ka been sheeg sokeeyaha iyo shisheeyaha samajeclaha u ah Soomaaliya waxtarkeeda, mudda badan oo si isdabajoogana ugu hawlanaa wax ka maaraynta arimaha Soomaaliya. Si le’eg igama suuraggasho in aan runta i hortaal been ku beddasho, waana in aan si aan is hagrasho iyo la harid lahayn laab la kacna ka fayow u faaqido, qaatana go’aan madhaafaan iyo fal awoodeed.

Qabyaaladda oo ah sababta ugu weyn ee dib u dhacsanaanta Soomaaliya, welina aan daawo loo haynnin, keli isku filnaansho la’aanta dhaqaale, maqnaanta garsoor iilasho ka xor ah, Nabadgalyo la’aanta naf iyo hanti iyo tacliin yarida bulshada inteeda badan, iyaguna markooda ayey qofka Soomaaliga ah ku dirqiyeen in uu siyaasadda qabaliga ah iyo ku danaysiga gaar ahaaneed u noqdo il xoog fiisiko iyo maal lagu difaaco ama lagu doono, iyaguna waa caawiyayaasha fekradda fedraalinnimada. Fedraalnnimo sidaas ku yimaadaana waa fowdo cusub keen.

Gobol kasta waa in uu isagu doortaa mudnaanta 1, 2 & 3aad ee baahidiisa gudaha gobolka, laakiin doorasho kasta waa in ay ka mid noqotaa qorshaha guud ee qaranka, sidoo kale gobolku waa in uu 10-15 sano isagu soo xusho, ciddii uga qaybgali lahayd hawlaha gobolka, xukuumadda iyo dowladda dhexe heer walba, xulasha kastana lahaato shuruudo ka yimaada dowladda iyo xukuumadda dhexe ee qaranka, sida lahaanshaha tacliin iyo waaya-aragnimo u dhiganta xilka, dambi la’aan gudaha dalka iyo dibaddaba 10-15 sano kadib waa in gobolka xulashadiisu ku ekaataa heer gobol xukuumadda iyo dowladda dhexe, xulashadoodana ay noqdaan hawl qaran oo goboladu dhexdhaxaad ka
yihiin.

5-10 sano waa in xisbiyo siyaasadeed, ururo xirfad iyo bulsho dhisiddood iyo shaqayntood dalka laga hirgasho. 10-15 sano waa in ay jiraan hay’ado, laamo, guddiyo heer gobol iyo qaranba ee cilmi baaris ku saabsan sida ugu wanaagsan oo dalka hannaan mid ah loogu samayn lahaa, bulshaduna u heli lahayd adeeg iyo horumar wanaagsan, howshaasna waa in uu fuliyo aqoonyahanka soomaaliyeed.

Sida ummadaha kale, aqoonyahanka Soomaaliyeed waa in hawshiisu noqoto cilmiyeynta nolosha bulshada iyo dawladda ee waa in uuna xukun iyo hanti yeelasho halgan u gelin, sidoo kale, bulshada iyo dawladda Soomaaliyeed waa in ay siiyaan aqoonyahanka fursad uu bulshada iyo dowladda tacliimaynteeda ugu adeego iyo maddooyin gudbinta aqoonta.

In xoog la saaro, sidii soojireenka wanaagsan looga difaaci lahaa barabixinta, loona adeegsado horumarinta nolosha, isla markaasna la dhiira geliyo barashada diinta islaamka, af-soomaaliga, dhaqanka iyo suugaanta, isku kalsoonida gudaha ee qofka Soomaaliga ah, wadannimada, shaqada iyo shaqaysiga, waxbarashada heer iyo mar kasta tabcashada iyo isku filnaanshaha keli ahaaneed.

Deegaan iyo beel kasta waa in ay labeenteeda u miirataa Adeegayaasha dadka iyo dalka heer kasta gudo iyo dibadba, xulkaasina waa in uu helo kalsooni iyo awood hawl fulin nooc kasta intii markaas suuraggal ah.

Haddii tusaaleyaasha aan kor ku soo qornay oo ujeeddadoodu ahayd bandhig fekred ku saabsan sida Jamhuuriyad, Republic – UNITARY ah uga sahlantahay meelna ugu leedahay waaya-aragnimada bulshada Soomaaliyeed, iyo sida fedraalinnimada u tahay abuurid dhibaato cusub, waxaynnu arki karnaa: in qabyaaladda, cadaawadda, musuqa iyo laaluushka faqriga iyo jahliga, cudurka nuglaanta maanta bulshadeenna ka meelweyday markaan fedraalinnimada hannaan dawladeed uga dhigno, nolol iyo sii jirid Soomaaliyeed kama aanan talinnin.

Fedraalinnimada marka la feerdhigo qaran mideednimo, lana eego suuqa fekredaha Soomaaliya, waxa aan shaki ku jirinnin in maanta aad ay ugu xoog badantahay bulshada soo dhaweynta iyo lahaynta Federalism, Unitarism-na u egyahay wixii “dhibka” keenay oo la wada nacsanyahay.

Laakiin, soo jireenkeenna maarkaan dib ugu noqono, waxaan sahal u arki karnaa, in federal aynaan ku soo dhaqmin, haddaan wax ka naqaanna eeyan badnayn.

Fedraal waa noocyo badan, dooddiisana  lagama dhammaan karo, ummadaha hannaankaas qaatay oo ku soo dhaqmay muddo dheer, waxaa ka mid ah dalka Switzerland, isagana lama oran karo wuxuu xal u helay isdiidka kaantoonada dalkaasi ka koobanyahay.

Tusaale ahaan (India, U.S.A., U.K. &  Russia, Malaysia, Nigeria, Barazil, U.A.E., Germany, Tanzania), kulligood waa fedraal mid mid la mid ahna kuma jiro. Haddaba kee qaadannaa noocyadaas fedraal?

Aragtidayda fedraalinnimada ma caawin doonno: xuduudaha deegaamada
beelaha, shaqo helid, waxbarasho, ganacsi, isdaaweyn, horumarin dhaqan, af iyo adeegyada dadka iyo badeecadaha u baahan karaan, mideynta garsoorka, shuruucda iyo nabad dhowrka dalka, la dagaalanka musuqa iyo laaluushka. Laakiin wuxuu keeni doonaa iskudday sharciyeyn sharcidarro.

Bulshada Soomaaliyeed iyo heererkeeda horumar markaan, nooc fedraal kee ku habboon? Mise iyaguba waa yihiin innaguna waa noqonaynaa bay aarrini naga joogtaa?

Doorashada hab siyaasadeed iyo mas’uuliyadeed dadka go’aaminaya ayey hortaal, laakiin aragtidayda waxaan qabaa in Soomaaliya loo daayo Unitary.

Siyaasigu waa in uu fahmaa in siyaasaddu tahay adeegnimo, xukunka boqorkiisuna yahay dadweynaha ee siyaasigu uuna ahayn boqorka siyaasadda, sidoo kale waa in uu gartaa fedraalinnimada hadduu ku taliyo in deegaan iyo beel kasta yeelan doono boqorro iyo boqortooyooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Siyaasigu waa in uu gartaa in uuna jirinnin qof aan la beddeli karinnin laga maarmin karinnin, geeri iyo geeddiba. Sababtaas darteed, siyaasigu waa in uu yaqaan inta qiimihiisu suuqa siyaasadda ka joogo, intuu cimriga qiimihiisu le’egyahay, meesha, goorta iyo cidda u baahan.

Siyaasigu waa in uu naftiisa iyo bulshadiisaba uga turo, iskuddayidda in uu xukunka isagu qiima kasta ha ku kacdee qabsado, kaddibna ka dhigo “dhuloow kaama kaco!” iyo boqortooyo siyaasadeed. Waana in uu geesinnimo u helo tanaasul qaadasho khaladkiisa mas’uuliyadeed iyo sixidda khaladkuu galo.

Siyaasigu waa in uu aqoon ku filan hawl fulinta iyo mas’uuliiyaddiisa leeyahay. Ayaysan noqon waa rabaa siyaasadda waana noqday siyaasi.
Haddii dadweynuhu kalsoonidiisa siyaasiga ammaahiyo, waa in uusan noqon sabab lumidda naf iyo hanti intii kalsoonida ammaahisay, isla markaasna joogto u xusuusto, doorasho kasta iyo kalsooni kasta hadday, sacab iyo haa ku bilaabatay, inta badan, in ay ku dhammaato maya, dagaal iyo shalay, sidaas darteedna siyaasigu waa in uu isha ku hayo rabitaanka iyo danaha bulshada uu u adeegaayo iyo wakhtiga cimriga kalsoonida la ammaahiyey.

Marar badan iyo dalal kala duwan ee adduunka aan horumarsannayn, gaar ahaan madaxda Afrika, inteeda badan waxaa lagu xantaa in ay yihiin guddoomiyayaal Gobol oo shisheeye ku adeegto iyo in ay nolosha bulshooyinkooda ka sameeyaan boqortooyooyin siyaasadeed iyo dhaqaale, si taas ay ugu hirgashana waxay dalka oo dhan ka dhigaan hal magaalo – magaalo madaxda, xukunka siyaasadda iyo dhaqaalahana waxay ku uruuriyaan gacmo dad tiro yar oo u badan qoyska ”Boqorka siyaasadda”.
Taasina waxay dhashaa in xukumaddaasi si sahlan u burburto, keentana dagaallo sokeeye, waayo awalba hal magaalo iyo hal qoys ayey ku salaysnaayeen.

Haddaba si ayna taasi u dhicinnin, siyaasiga waxaa la gudboon in awoodda xukunka iyo dhaqaalaha dalka lagu baahiyo dalka iyo dadka oo dhan, shisheeyuhuna, sida maslaxaddooda sharci u mudantahay in la tixgaliyo. Waa in ay si la mid ah u xurmeeyaan maslaxadda ummaddaha aan hormarsanayn, taageeradooduna waa in ayna noqon xujo, handadaad ama ku fusho dano wakhti gaaban/dheer.

Inkastoo Soomaalidu dayacday danaheedii, haddana dalalka dariska la ah ee sida gaarka ah faraha ugula jira arrimaha Soomaaliya iyo kuwa xiriirka faca weyni ka dhexeeyo ee bariga dhexe falalkooda, Soomaalidu kulli u wada qaadanmayso, xareed aan wali dhulka gaarin siday caadi ahaan nadiif u tahay oo kale, waxaana la gudboon isdiidka dhexyaal ee taariikhiga ah – dad iyo dhul, iyo nooc kasta oo khilaaf, in ayna isku dayin inay xalintiisa uga faa’iidaystaan goorta Soomaaliya ismaamulkeedii qaranimo lumisay – failure State ee waa in ay muujiyaan darisnimo, sokeeyennimo iyo badbaadin walaalnimo.

Sidoo kale dalalka horumarsan, iyagana waxaa saaran ugu yaraan mas’uuliyad mooraal iyo taariikhi, doorashaduna iyagay hortaal.

Laakiin haddii ay doortaan dhabbihii imbiryaaliyadda iyo isticmaarka, siyaasad iyo dhaqaale, mar kale ayey bulshada Soomaaliyeed dambi xusuus raagta yeesha ka geli doonaan.

Gebaggebo waxay arrintu iigu muuqataa, in Soomaaliya loo daayo qaran mideed unitary state, dadka maanta noolna aan xal looga dhigin dhibaato hor leh iyo fedraalinnimo jiilasha soo socdana aan wakkhtigooda looga dhumin xal u doon, dhibaatadii ay ka dhaxleen waalidkood, taasina ayna markale ku noqon, sabab Soomaaliya dib u dhacsanaan rahaamad ugu gasho.

Haddii afka keliya ee markaan aan ku wada hadli karno uu yahay reer-qabiil, reer-qabiil kasta xulkiisa madhaafaan ee wanaagsan ha u soo miiro saamiguu ka helo adeegga bulshada iyo maamulidda qaranka heer kasta.

Nabadaynta Soomaaliya waa in ay noqoto wax walba wax laga hormariyo, noqdana qiyaastii qiyaasaha nolosha iyo hawl fulinta qarannimo.

Sharciga iyo garsoorka dadka iyo dalka, waa in ay noqdaan awoodda aan cidna ka saramari karinnin, iilashana ka caagan, qofka iyo qofnimaduna waa inay noqdaan cidda mudnaanta 1aad leh, lagana hormariyo dhan walba hadba intii suuraggal ah.

Kala eed sheegadka beelaha iyo deegaamada, gaar ahaan dadka laga badan yahay, waa in la siiyo mudnaan dheeraad ah, arrimahoodana lagu bilaabaa wada hadal laguna dhammeeyaa heshiis waara.

Waa in ay reebanaato boqortooyeynta siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, muwaadin walbana ay u furnaato ka qayb qaadashadooda,  waajib iyo xuquuqba, lana sameeyo xisbiyo siyaasadeed, ururo xirfadeed iyo bulshaba.

Deegaan kasta ee dalka waa in la siiyo 10-15 sano awood siyaasad iyo dhaqaale dheeraad ah marka la feerdhigo tii 18kii gobol ee dalku uu horay u lahaan jireen oo u suuraggelisa hoos kasoo dhis qaranimo, nabdayn, heshiisiin iyo horumarin heer goboleed.

Waa in la abuuro, hay’ado cilmi baaris, kuwaas oo ay tahay in ay ka shaqeeyaan cilmiyeynta nolosha bulshada iyo dowladda, lana siiyo awood hawlfulin iyo ilo gudbin cilmiyeynta nolsha dalka.

Kaalmo kasta, heer kasta iyo mar kasta gudo iyo dibadba, waa in uu noqotaa mashruuc, project laakiin uuna noqon caddaan, cash nin / koox jeebka ku qaadan karo.

Qoraalkaani, sina u mucaaradimahayo marka laga reebo hawsha fedraalinnimada, halganka mintidnimada ee ay wadaan muwadiniin Soomaaliyeed, taasoo nuxrurkeedu tahay difaaca midnimada Soomaaliya, soo celinta qarannimadii Soomaaliyeed, nabadaynta iyo heshiisiinta dadweynaha Soomaaliyeed, difaaca lahaanshaha iyo danaha Soomaaliya iyo arrimaha xiriirka la leh inta badbaadinta Soomaaliya toos, dadab, si buuxda ama qayb ahaan, uga qayb gashay ama ugu hawlan, heer, mar iyo meel kasta, waxay mudan yihiin, kalsooni buuxda, abaalmarin, xusuus wanaagsan oo raagta iyo qaddarin dheeraad ah, in ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn waxaan rajeynayaa, in dadaalka Soomaalida iyo taageerada caalamka Soomaaliya ka dhigaan dal iyo dad inta wanaagsan tusaale loogu soo qaato.

Maxamed Axmed Afeey
Afeeysons@gmail.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.