Home » Faallo »

Dr Maxamed Aadan Cadde oo ku geeriyoodey Maraykanka

TACSI TIIRAANYO IYO TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. MAXAMED AADAN CADDE OO KU GEERIYOODAY GOBOLKA VIRGINIA

Waxaa Maarso 10, 2010, Magaalada Woodbridge, Gobolka Virginia ee USA, ku geeryooday, laguna aasay, isla maalintii xigtay, Maarso 11, 2011 Allaha u naxariistee, Dr. Mohamed Adan Abdulle oo Number 2 ka ahaa (Currad xigeen), Ilmahii uu dhalay President Adan Abdulle Osman, Madaxweynihii 1aad, ahaana aabbihii iyo aasaasihii Qaranka iyo Dowlad madaxbannan oo ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marxuum Dr. Mohamed Adan Adde, wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed, xeel-dheere ah, qibrad durugsanna u leh Culuunta dhaqaalaha iyo xeerarka horumarka ganacsiga iyo Maaliyadda. Intii taqiin, waxay ku xasuustaan Dr. Mohamed Adan inuu ahaa qof howlkar ah, aadna u dadaal badan, dhanka waxbarashada, shaqada iyo hufnaan xagga akhaaliqyaadkiisa shaqsiga ahba, waxaana la isku raacsan yahay inuu lahaa dabeecado deggan ee bulshi ah.

Sidoo kale, waxaa la wada qirsan yahay. inuu ahaa ruux, qaddarin badan u haayn jiray mujtamaca uu ku dhex noolaa, iyo weliba dalka, dadka iyo diintaba. Dr. Mohamed Adan Cadde, waxaa kaloo lagu tilmaamaa shaqsi, xurmo badan iyo sumcad wanaagsan ku dhex lahaan jiray saaxiibbadiisa iyo macaariifadiisa, si gaar ah dadkii ay isla soo shaqeeyeen ama wax isla barteen intaba.

Dhanka kale, waxaa loo tiriyaa inuu ahaa qof waddani ah, oo dalkiisa u qiirooda, isagoo si daa’im ah ula jecelaa nabad, horumar iyo caddaalad joogta ah. Sidoo kale, waxaa lagu yaqaan, laguna sifeeyaa, inuu ahaa qof mu’min ah oo cibaado badan, una duceeya dalkiisa iyo dadkiisaba.

Dr. Mohamed Adan Adde, Wuxuu howlo iyo xilal muhim ah ka soo qabtay Bankiga Dhexe ee Somalia iyo Bunuug Caalami ah. Muddo Afartan Sanno ka badan, wuxuu ku noolaa qurbaha, isagoo inta badan degganaa, dalka Mareykanka, oo inta badan Ilmahiisa, iyo kuwa uu awoowaha u yahayba ay ku wada dhasheen.

Alle ha u naxariistee, Dr. Mohamed Adan Abdulle Osman, wuxuu ku dhashay sannadkii 1941kii Degaan beereedka Shalaanbood oo hoos tagta Degmada Marka. Wuxuu ku barbaaray, wax ku bartay, (Tacliintiisa aasaasiga ah), ku shaqeeyay, kuna guursaday magaalada Mogadiscio.

1965 – Wuxuu ku qalinjibiyay, Cilmiga Dhaqaalaha Ganacsiga, Jaamacadda Roma, Italia

1965-71 – Wuxuu ka soo shaqeeyay, xilal kala duwana ka soo qabtay, Bankigii Dhexe ee Somalia

1967-69 – Isagoo ka tirsan Bankiga Dhexe Somalia, Wuxuu ku soo qaatay, Frankfurter, Germanay, tababaro iyo waxbarasho sare ee culuunta Dhaqaalaha, taasoo u fidisay hey’adda, “Federal Reserve of Deutsche Bank”.

1971-72 – Wuxuu Harvard University ka qaatay Shahaadda Masterka, Isagoo MPA ku soo qaatay culuunta maamulka iyo maareynta.

1985 – Wuxuu ka qaaday Shahaadda Doktoraadka, PHD, Boston University, isaga oo ku taqasusay culuunta Dhaqaalaha.

1986-94 – Wuxuu u Shaqeeyay, xilal kala duwanna ka soo qabtay, Islamic Development Bank, ee xaruntiisa tahay Jeddah, Boqortooyada Sacuudiga.

1994-2011 – Xannuuno soo foodsaaay daraatood, wuxuu awoodi waayay inuu sii wado howlihii Bankiga Horumarinta Islaamka uu u haayay, howlgab ayuuna noqday.

Alle ha u naxariistee, Marxuumku, ifka wuxuu uga tagay xaaskiisa, Sacdiyo Osman Yusuf iyo 5 caruur ah, iyo caruurta ay sii dhaleen.

Sidaas darteed, waxaa halkan uga tacsideynayaa dhammaan qoyska reer Aadan Cadde, xasaasiiska iyo caruurtiisa, dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin, iyaga oo Allaha weyn uga baryaya inuu naxariistiisii janatul fartowa ka waraabiyo, intii uu ka tagayna iyo eheladiis iyo asxaabtiisaba oo dhanna ka siiyo samir iyo iimaan. Inaa lillaahi waa inaa illaahi raajicuun.

1) Amb. Nur Hassan Hussein “Nur Adde”
2) Abdullahi Ahmed Addow
3) Dr. Mohamed Ali Nur
4) Abdullahi Warsame Nur
5) Abdulkadir Yalahow Hirabe
6) Dr. Mire Ali Siyaad
7) Moxamed Yuusuf Afrax
8) Abdullahi Sh. Hussein H/Wadaag
9) Dr. Hassan Mohamed Sabrie
10) Mohamed Ali Kamoole
11) Abdi Ali Moalim “Abdi Faroole”
12) Osman M Ahmed “Dhegacadde”
13) Dr. Ahmed Ali Ulusow “Dhegadheere”
14) Adde Hassan Ali Gaabow
15) Omar Sh. Alii “Xaafuun”
16) Eng. Ali M. Omar “Balcad”
17) Drs. Maryam Cali Cabdulle
18) Eng. Ali Hussein Maalin
19) Col. Abdullahi Ali Mao
20) Mohamed Abdullahi Gabeyre
21) Zakariya Abdullahi Gacal
22) Mohamoud Ahmed Gashaan
23) Haynuf Ahmed Yare
24) Ahmed Moalin Ibrahim “Barako”
25) Abdirahman Mohamoud Ahmed, “Yare”
26) Haile Ali Wardhere
27) Prof Hassan M Omar “Okiyo”
28) Hassan Mohamoud Ali “Bassey”
29) Abukar Mohamed Addaan
30) Mahad Abdirashid Sh. Hussein
31) Ali Muhiadin Ali

Cali Muxiyaddiin Cali
muxiyaddiin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dr Maxamed Aadan Cadde oo ku geeriyoodey Maraykanka "

  1. Ayuub says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun, allaha u naxariisto Dr. Maxamed, waxaa uu ahaa aqoonyahan dadkiisa wax u bartay, wuxuuna ka tegay Soomaali oo idil, janadii fardowsa allaha ka waraabiyo.