Home » Warar »

Suuq loogu Magacdarey Suuqa Geedka Tiin-Tiin-ka oo ka furmey Magaalada Muqdisho

Hooyo Cibaado Xasan “Weligey kuma Riyoon Geedka Tiin-Tiinka Suuq yeelanaya Waana arrin la yaab leh” –

Waxaa Sananadkaan bilowgiisii Dalka ka bilowdey Abaaro aad u balaaran oo saameysey laga soo bilaabo Raas Kambooni ilaa Raas Caseyr waxaana meelaha qaar ka bilowdey Dhimashada dadka iyo Xoolaha iyadoo dadka qaar ay Naf ka soo raadiyeen Magaalooyinka waaweyn ee dalka si ay u helaan Wax Afka ay geliyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo barakacay dad iyo Duunyo oo ka yimid dhul fog oo Miyi ah hase yeeshee Xoolaha la socda dadka ayaa la ogyahay in aysan Magaalo ka heleynin Calafka Xoolaha hase yeeshee waxaa Xoolaha la bilaabey in la siiyo geedka Tiin Tiinka iyo weliba Geedka Hindigga loo yaqaan.

Waxaa Magaalada aad ku arkeysaa Gaari Dameero iy Gaari Farasyo lagu rarayo Geedka Tiin Tiin iyo Geed Hindigga si loo siiyo xoolaha ka soo Barakacay Abaaraha iyo Biyo La’aanta waxaana Magaalada Muqdisho ka furmey Suuq loogu Magacdarey Suuqa lagu iibiyo Tiin Tiinka.

Geedka Tiin Tiinka oo markii hore la isaga moosi jirey Tuugada ayaa dadka Guryahoodu uu ku yaal waxay bilaabeen in ay ka iibiyaan dadka Xoolo Dhaqatada waxaana lagu waramey qiimaha geedka uu gaarey meeshii ugu sareysey waxaa Hooyo lag magaabo Cibaado Xasan Cilmi oo iyadu deyr ka dhigatey Geedka Tiin Tiinka ay tiri “Cimrigeyga wuxuu jiraa 80 Sanno maalina kuma Riyoon Geedka Tiin Tiinka ayaa Suuq Yeelanaya marka waa Masiibo ku habsatey ummadda Soomaaliyeed“ waxay sii raacisey ‘Waa Arrin Ummada Sooaliiyeed ku ugub ah weligey isma dhihin Xoolo ayaa la siinayaa Geedka Tiin Tiinka iyo Geedka Qaraarka badan ee Geed Hindigga Soomaaliyeey Ilaah barya si uu nooga Dul Qaado Dhibaatada Abaaraha’ .

Nin Odey ah oo lagu Magacaabo Xirsi Muuse Yuusuf baan weydiiyey bal in uu iiga waramo Abaarta ka jirta Dalka wuxuuna Yiri “Cimrigeyga waa 90 jir waxaa soo marey Dhowr Abaar oo dalka ka dhacdey mid waxay ahayd Abaartii Masaar Karsi Mid waa Abaartii Baastaaley mid waa Abaartii Daba Dheer mid waa abaartii Caga Barar midaan waxaan u bixiyey Abaartii Tiin Tiin Cuna waana Abaar ka Dawan Abaarihi Hore waayo weligey ma arag Xoolo la siinayo Geedka Tiin Tiin iyo Geed Hindiga”.

Waxaan weydiiyey Abaaraha kale waan garaney bal noo faahfaahi Mida Masaar Karsi Inta Qosley buu i yiri “ Adeer Abaartaas waxay ahayd mid aad u daran waayo Dadka waxay Dufan ka raadiyeen Masaarooyinkii Hilibka lagu jajabin jirey markii Xoolihii ma marteen iyagaa inta la soo qaato ayaa Dabka la saari jirey si ay Dufan waa hore ku keydsamey laga raadiyo” aad baan ula yaabey markaas baan weydiiyey ka waran kuwa kale markaasuu ku jawaabey’ Maxaad iga weydiineysaa waxaa laga yaabaa in aad goob joog u ahayd ama lagaaga sheekeeyey.

Abaartaan loogu magacdarey Tiin Tiin Cuna ayaa waxay ku timid markii la waayey laba xili oo Roob da’i jirey oo ah Gugii iyo Dayrtii waxayna dadka la Harjadayaan sidii ay uga bixi lahaayeen abaarta iyadoo xiligii Guga ay ka harsan tahay laba bilood oo hor leh wixii labadaan Bilood ka horeeyey hadii aan Ilaah Raxmadii la helin waxaa Halis loogu jiraa in Dad iyo Duunyo ay ku haraan Abaarta oo meelaha qaar ay bilaabatey dhimashada dadka iyo Xoolaha

Geedka Tiin Tiinka wuxuu isugu jiraa laba nooc mid leh Qodxo iyo mid aan Qodxo lahayn waxaana dalka ka sii dabar Go’aya Midka aan lahayn Qodaxda oo la sheegey inuu weli Gabaabsi ku yahay Gobolada Waqooyi gaar ahaa Togdheer midkaan aan Qodaxda lahayn waagii hore xoolaha baan la siin jirey Neefka cuna waxaa laga heli jirey Caano iyo Cad sidoo kale kaagama baahna in aad Dab aad mariso oo Xoolaha si Toos ah bay u Cunaan xitaa wadamada qaar ayaa waxay ka sameeyeen Cabitaanno ama Sharaab aad u macaan bal aan u soo laabano midka Qodaxda leh wuxuu ku badan yahay koofurta Soomaaliya Xoolahana lama siin jirin hase yeehsee danta wax badan bay ku tustaa waxay Xoola Dhaqatada bilaabeen in ay midkaa ay siiyaan Xoolaha ay Abaartu saameysey waxayna Xoola Dhaqatada marka ay siinayaan waxay ku gubaan Dab si looga baabi;iyo Qodaxda mida weyn iyo mida yar , inta loo jaf jafo ayaa xoolaha la siiyaa waxayna ku joogi karaan ilaa 24 Saacadood waxaana looga daba mariyaa Xoogaa Galey ama Masago la shiidey .

Xoolaha u soo barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaloo la siiyaa Soor laga soo qaato Meelaha lagu kariyo oo ay sameysey Hayada WFP ama Hayado kale waxaana Soortaas Xoola Dhaqatada ka soo iibsadaan dadka Cunto ahaan loo siiyo oo iyagu qaar ka md ah Soortaas sii iibsada si ay ugu raadsadaan Xoogaa Goosaar ama iidaan .

Isku soo duuboo Xaalada Abaarta ayaa marba marka ka dambeysa waxay u muuqataa mid aad u daran hadii aan Rabi la helin Raxmadiisa waxaa dhici karta in ay Galaafato Dad iyo Duunyo Badan waxayna Abaartaan ku soo beegantey Xilli dalka ay ka socdaan Dagaalo iyadoo meelaha qaar laga soo sheegayo in ay ka dilaaceen Cuduro waxayna dadka Soomaaliyeed ka duceysan in jireen in uusan Seddex isugu kulmin sida Colaad , Abaar iyo Cuduro marka Ilaah hanaga saaro dhibaatooyinkaas ay Saldhiga u Tahayn Nabagelyo La’aanta Dalka ka jirta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Suuq loogu Magacdarey Suuqa Geedka Tiin-Tiin-ka oo ka furmey Magaalada Muqdisho "

  1. sax yal dhaman wad salaman tihin ti tinka dan ta u geysay hora waxa lo yiri ni adu jogow maxa aragti ku laban waxan umaleyna waqtigan xolaha tin tin la an manolan karan

  2. cumar xaaji says:

    marka hore waad salaaman tahay Amiin Yuusuf ,
    waa wax laga xumaado in maanta uu Tiin suuq yeesho ; Alle dhibaatada soomaaliya ku habsatay hanaga qaado , mana ahan runtii maqaalkan abaarta ka faaloonaya in sheeko lagu tilmaamo aad ayaan ugu murugooday marki aan aqriyay ,, alle abaaraha haka saaro dadka soomaaliyeed , barwaaqo iyo nabad iyo caafimaad alle hanoogu badalo Aamiin..

  3. sxb walaahi waa sheeko xiiso leh,waxayna muujinaysaa heerka ay gaarsiisantahay abaarta dalka ka taagan.ilaahay ha naga soo gaaro,