Home » Maqaallo »

Xaafada Xerada Cirka Uga furan Dunida Koowad Ee Islii

Nairobi Juqurafi ahaan waa Magaalo aad u balaaran oo saran dhulka Buuraleyda fiida sare Ee Gobalka Bartamaha Wadanka Kenya, Marka la eego qaab dhismeedku waa Daaro Dhadheer oo dabaqyo ah dadkuna ay wada dagan yihiin dhismayaal loogu yeero Falaay Iyo Singalo Intaba waana mid ay ku Noolyihiin dad aad u tiro badan xaga baaxada Bey’ada oo ka yar Dareenka Sixmada Dadweynaha,Magaaladu waxa ay dhacdaa hanka xiga Bariga qaarada Africa,

Xaafada Islii waa halka ay u soo firxadeen Soomaali badan oo magan galyo doon ah, kuwa oo kasoo baxsaday rabshada Duufanta Dagaalada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ku Nool Somali “Kenyan”, Ganacsi Heerkiisu ka sareeyo midka Gobalada Somalia ayaadna arkeysaa oo Somali leedahay,

Suuqa ugu weyn Islii waxaa loogu magacdaray Gaarisa Lodge oo ay Asaastay haweenay ka mid aheyd Qaxootigii Sagaashamadkii u soo qaxay Dalka Kenya sida taariqdu warineysa ka bilowday qol ay daganeed Nidaam dhismeedkii habkii ganacsiga Dharka ee Bacadlihii Xamar Weyne Xiligii Bilicsimida Magaalada Caasimada ah Muqdisho’ oo ka Gadaal Kolkii Malleeshiyooyinkii ay Dumiyeen Dawladii Dhexe Ee Soomaaliya ka mid Noqday Goobihii waayo gadoomay,

Ganacsiga Isku jirka Qaxootiga Iyo Deegankuba waxa uu ka kooban yahay xaga dhumuc dhaqaalle Daaro waaweyn oo laga kireeyo dadka yimaada Nairobi Iyo Hotelo oo ay waheliyan Ilaa laga gaaro Ganacsiga Fudud ee gacanta lagu iibsho.

Xaafadan aanu orankarno Cirka Ayey ugu furantahay Duulimadka Qaxootiga Sii dhoofayo Ee Islii kama marna inay Indhahaagu qabtaan Sida soomaali badan ula jaan qaadayan Nolosha Casrigaah ee Dunida koowad tanuna waa mucjisada xiga shada Xaafadu Inay Cirka Ugu furnaato Dalalka Galbeedka Aduunyada,hadii ay ahan la heyd sida dadku u labistan isticmaalka agabka Guriyaha Iyo Farsamo Kasto oo Sancaani ah,

Muuqal ahan Aragtida Xero Qaxooti oo cirka ugu furan Dunida Koowad ayaaba mar mar u dhiganta qeybta dadka qaxootiga ah ee Sugaya Inay Helaan Dal Cusub oo ay kusii qaxooti noqdan ilaa laga gaaro Baraaraha Dunida Kale.

Bulshada Soomaalida ayaa sida caadiga ahba ee Bulshooyinka kale ee qaxootiga aduunyada waxa ay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootig Ee UNHCR Ay u tahay halka ay ka helaan Dhismaha Nolosha Cusub ee qaxootinimada marka laga yimaad Soomaaliya,

Dadka waxaa lasiiyaa Sharci Qeexaya In Qaramada Midoobay u aqoonsatay u qalmida Magan galyo Doonka oo aan fududeen marka la joogo Caalami ahan.

Dabcan Xaafadu ma ahan Xero Qaxooti oo la jaangooyay balse marki dadka soomaaliada ah aad eegto sida ay u buuxdhafiyen ayaad figriyan oranaysaa malaha xeradii Dunida Cirka ugu furneyd ayaad Dhex joogtaa,Ayadoo ay baalsocoto Inay Jiraan Soomaali badan oo u dhashay Kenya Oo ku Nool Magaaladooda Nairobi.

Waxaa Xaafada Islii Soo maray sida dad badan ay aamin san yihiin Sheekooyin layaab leh sida hadal heyntii Saskii Tignowliyada oo Dad badan ay ka qaadeen Aalada Telephone-ka Sanadkii Tagay Ee 2010.

waa meeshii ay ugu Curusi ka badneyd Bilow Sheekadii Telephone-nada gacanta ayaa dad u ledeen oo walax sixir ah loo adeegsaday,

Waayadii Hore Iyo hadaba Qurbaawiyiinta Soomaalida Nairobi ayaa ah Kuwo Isweydiinayo wax ay dadku ugu yeeran Buufis ayagoo hadal hayo Xaqiijinta wadarta Dhalasha ee laga ogaado Nooca Dhiiga Xiriirka waalidka Iyo Ubadka ee DNA,

Laakiinse waxan oo dhan ma ah wax Da’dab ku ah Nolosha Bini’aadamka,Waa saadalinta Casriga ah ee qaxootigu Soomaalida ay Ku maaweeliyan Nafsada Barakaca Ee Xaqeedii Iyo Xoriyadeedii weysay.

hadad ku jirto Xerooyinka ay Taakuleyan Laamaha Qaramada Midoobay Ee “UN-ka oo ku yal Geeska Gobalka Waqooyi Bare Kenya ama Dhulka Soomaalida Dalka Kenya ayaa ah kuwo malaayiin kumayaal dhaafay oo u badan Soomaali lagu hayo.

Qaxootiga kusuagan Kenya waxa Soomaalida ku weheliyo Sida Dadka Koonfurta Reer Sudan Qawmiyada Oramada ee Dalka Ettopio’Qaxooti dalka Kongo kasoo hayaamayo Iyo dhamaanba Dalalka kale ee Calaaduhu la dageen ee Qaarada Africa oo qaarkod aan la arag.

Islii oo Nairobi ah” ayaa Nolosha Soomaalidu ku Qaxootiyowbay Isbadalka Xiliyada musiibada Rabaaniga ah ee Ku habsatay Dalka Soomaaliya Kagadaal Dawladii Kacaankii Soomaaliyed, ayadoo Dunida Koowad ee Loosii qulqulayana ay dadkeedu sheegten Inay Dayaxa u guureyso marka la fiiriyo Faahfahinta Qubarada Dhanka Seyniska ee sanadihii aynu soo dhaafnay oo laheyd Dayaxa ayaa la tagay waxana lagu soo arkay Meel ay Bini’aadamku Ku Noolan karaan ama Ruux Caan ah ayaa Shatal sii raacay oo baryo dayax ku maqnaa.

Hadaba Aqristoow Bal adba Isweydii In Aduunyadu ay iska daba guureyso Xiligan hadii Aalad An Dayuurad Aheyn Dadku sii raacayan.

Maqaalkii:Maxamed Salaad Cabdulle
t;254728431368
E; Msalaad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.