Home » Warar »

Daahir Xuseen” Waxay u jeedada ahayd Xilka laga qaado Taliyaha Nabadsugida kuwa kale waa Boor isku Qaris”

Cali Faarax “Wareegtada xilka looga qaadey kama imaan Shiikh Shariif ee waxay ka timid Midowga Afrika”

Ciise Maalin “Shiikh Shariif waa uu la soo daahay Xil ka qaadista ee Mar hore ayey ahayd in uu xilalka ka qaado Taliyayaasha Ciidamada

Generaal Axmed Jimcaale” Waxaa la igu feregeliyey Arrimaha Zaadka iyo Hubka waxaana igu farageliyey:

(Yaa lala rabaa in Xilalka ay baneeyeen Taliyayaasha Ciidamada loo Magacaabo)

Markii ay soo idlaatey 100 kii Maalmood ee ay qaybsatey Dowlada Federaalka KMG ee uu madaxda ka yahay Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in ay Nabad ku soo abaali doonto Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muuqdaa in 100 kaas maalmood aysan Dowladda KMG Wax Hormar ah ka sameyn Dagaalada ay kula jirto Xarakadda Alshabaab, waxayna Dowladda KMG Ciidamadeeda ay dhaafi kari waayey Goobihii ay ku sugnayeen hase yeeshee waxaa soo kordhey in Dagaalkii ugu dambeeyey ee ay Dowlada KMG la gashey kooxaha ka soo horjeeda ay sababey in uu xirmo jidkii keliya ee labada dhinac isku xirayey ee Warashadaha in kastoo Dowladda KMG Sheegto in ay Horumar gaartey Boqolkaas Maamlmood.

Shaley oo ahayd Waqtiigii uu ku ekaa Boqolkii Maalmood ee Raiisul Wasaare Farmaajo uu qabsadey ayaa Wareegto uu soo saarey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif wuxuu Xilalakii ka qaadey Afar Taliye oo kala ah Talihii Ciidamada Qalabka sida Gen Axmed Jimcaale Geedi,  Talihii Ciidamada Booliiska Gen Cali Maxamed Xasan Cali Looyaal, Talihii Nabad Sugida Gen Maxamed Shiikh Xasan Xaamuud iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Gen Cabdulaahi Macalin Cali ka dib markii Madaxweynaha uu sheegey in Xil ka qaadista ay ku timid markii uu sheegey in ay sidaa ay soo jeediyeen Golaha Wasiirada ee uu Horkacayo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidoo kale wuxuu Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in Dalka uu Marayo Xaalad adag oo dhinaca Amaanka sidaa Darteed loo baahan yahay in Howlaha la dardargeliyo .

Xil ka qaadistaan ayaa ku soo beegantey Xilli ay dhawaan Dagaalo qaraar ka dhaceen Magaalada Muqdisho oo la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa 53 Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Burundi iyo Uganda warar baa sheegeya in Xil ka qaadista ay ku timid markii ay Cabasho weyn ka timid Ciidamada AMISOM oo ah in la waayey Ciidamo ka tirsan Dowlada oo ka barbar dagaalama Ciidamada Amisom iyadoo Taliye ka tirsan Ciidamada AMISOM uu yiri “Anagu Muqdisho uma imaan in aan ka Dagaalanno ee waxaan u nimid in aan gacan siino Ciidamada Dowlada haddii kuwaas la waayana Dagaalku ma soconaayo”.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho sidee u arkaan Xil ka qaadista lagu sameeye Taliyayaasha Ciidamaa Dowladda Federaalka qaarkood waxay sheegeen in arrintaan ku timid markii Dowladu ku fashilan tahay Dagaaladii ay kula jirtey Xarakada Al Shabaab sidoo kale Xasan Barre Warsame oo ka mid Bulshada Soomaaliyeed e ku dhaqan Mgaalada Muqdisho ayaa yiri”Xil ka qaadista waxaan u arkaa mid lagu daboolayo Fashilka ku yimid Masuuliyiinta Sare ee Dowladda iyagaa qabsadey 100-ka Maalmood waay ahayd in uu iscasilo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waayo waxa iyagu Bi’iyeen bay u saariyeen Taliyayaasha Ciidamada oo aan ogahay in qaarkood ay Howsha ka wadi waayeen Masuuliyiinta Sare “.

Daahr Xuseen Xirsi oo ka mid Bulshada Rayidka ah oo aan wax ka weydiiney Xil ka qaadista lagu sameeyey Taliyayaasha Ciidamada wuxuu yiri” Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan baa lagula soo gal gashey Taliyayaasha Ciidamada waayo Taliyaha Nabad Sugida waa nin ay isku heyb yihiin Shariif Xasan u jeedada Xil ka qaadista loo sameeyey ayaa ah mid ku timid Khilaafka labada Shariif Taliyayaasha kale waa Boor isku qaris xaqiiqdii waxaa loo dan lahaa Taliyaha Nabad sugida waxaan laga dareemi doonaa marka dib loo soo celiyo Taliyayaasha Kale oo loo magacaabo Xilal kale oo Cidamada Dowlada welibana waxaan jecelahay in Cali Madoobe loo magacaabo Taliyaha Nabad Sugida

Cali Faarax Jaamac oo dhalinyaro oo si aad ah u faaqida Siyaasada oo wax badanna ka og xaalada Soomaliya ayaa isna yiri”Xil ka qaadista ku timid Taliyayaasha Ciidamada Dowlada ma aha Wareegto ka timid Madaxweyne Shiikh Shariif ee waa Wareegto ka timid ururka Midowga Afrika ka dib markii Ciidamada Dowlada ay ka qaybqaadan waayeen Dagaalada Socda qaarkood Qoryiihii loo siiyey Dagaalka ayey la goosteen waxaana ogahay in taliyey ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika uu yiri “ Ciidamada Dowladda waay rabaan in ay Mushaar qaataan oo aysan Dagaalamin qaarkood waxay la shaqeeyaan AlShabaab marka xaalada Soomaaliya waan ku Wareerney sidoo kale waxay arintaan ku timid markii Ciidamo fara badan oo u dhashey Burundi ito Uganda ay ku dhinteen Dagaaladii ugu dambeeyey islamarkaan Dowlada Federaalka lagu Canaantey in aysan u soo gurmanin waxaa la yaab leh in taliye ka tirsan Ciidamada AMISOM uu yiri “Bal fiiri qaar ka mid Wasiirada Dowlada inta soo gashadaan Direyska Ciidamada iyo Jaakadaha celiya Xabadaha ayey isku sawiraan meelo ka fog Wajiga hore dagaalka si looga daawado Shaashadaha Caalamka ee waxaa loo baahan yahay in la galo Safka Hore”.

Odey ka mid ah Odyayaasha Muqdisho oo lagu macaabo Ciise Maalin ayaa isna yiri” Madaxwyne Shiikh Sharif waa la soo daahay eryida Taliyayaasha Ciidamada ee mar hore ayey ahayd in laga qaado Xilalka waxaana kula talin lahaa in uu xilalkaas u magacaabo rag Khibrad u leh arimaha Ciidamada oo muddo ku soo jirey Ciidamada Qalabka Sida .

Xarakada Al Shabaab ayaa xil ka qaadista lagu sameeyey Taliyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa waxay ku tilmaameen Fashil ku yimid Dagaaladii ay kula jireen Xarakadda Alshabaab ee ka dhacay Muqdisho , Gobolka Gedo ,Hiiraan iyo Galgaduud .

Gen Axmed Jimcaale Geedi oo ah Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida ee Xilka laga qaadey muddana degenaa Dalka Ingiriisa ayaa mar laga soo xigtey intii ay socdeen Dagaalada “Marka ay ciidamada ay Dagaal Galayaan waa in loo daayaa Xeeladaha Dagaalka Taliyayaasha Ciidamada sido kale waa in aan lagu soo fara gashan arimaha Zaadka , Hubka iyo wixii la mid waxaa ogahay in faregelin la igu sameeyey oo ku aadan Howsheyda xitaa waxaa arinkaan u sheegey Rag Generaalo ah oo dhawaan yimid Magaalada Muqdisho kana mid ahaa Saraakiishii Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed kana yimid Dalalka Mareykanka iyo Yurub xitaa waxaa dhacdey Ciidamada Amisom waxaa dhacdey in Madaafiic la dheceen Ciidamadeennii oo uu sheegey in horumar ka sameeyeen Dagaalada Muqdisho

Isku soo wada duuboo Tan iyo markii Madaxweyne Sheikh Shariif loo doortey Madaxweynaha Dowladda Federaalka waxaa la bedelyey Taliyayaashii Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya sida Gen Yuusuf Dhuumaal Generaal Maxamed Geele Kaahiye ( Geele Ruush) iyo Gereraal Axmed Geedi Jimcaale hadaba waxay dadka Muqdisho u dheg taagayaan Cidda lagu Bedeli doono Taliyayaashaas qaarkood waxay soo hadal qaadeen Generaal Ismaaciil Qaasim Naaji , Generaal Cabdiraamaan Caarre . Jeneraal Cismaan Badmaceeye Gerraal , Generaal Cabdiqaybdiid iyo Jeneraal Axmed Warsame Generaal Yuusuf Indhacadde oo ah ninka isku Boqrey Jeneraalnimada Ciidamada Qalabka sida iyo kuwo kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Daahir Xuseen” Waxay u jeedada ahayd Xilka laga qaado Taliyaha Nabadsugida kuwa kale waa Boor isku Qaris” "

  1. khamiis says:

    waxaan layaabanahay saaxiibkeey TOGANE malaha mkala yaqaan Jeneralada
    wuxuu yiri waxaan sugnaa waa Ragga lasoo magacabi doona in ay noqdaan Familka Madaxweynaha iyo Ra,isul wasaraha
    Ma,ogid miyaa Taliyaha Booliska ee lacasilay in ay isku Famil yihiin Ra,isulwasaraha?
    Ma,ogtahayse wax diidaya inaysan jirin haddii madaxweynaha Walalkii uusoo magacaabo?
    waayo waa somali xaq ayuu uleeyahay haddii uu aqoon uleeyahay ama lagusoo doortay
    waxaas kaseexda waqtina haa isaga luminina
    meeshaan Ninna guriga hooyadii maahan
    haddii Qabiil wax lagu deenaayo ALI LOOYAAN ayaa ladeen lahaa
    caadifad yeysan kuqaadin saaxiibkeey

  2. mohamed hagy says:

    ASC….
    Waxa la yaab leh magacayada lala baxay uu ugu horeeyo Generaaaaaal.
    Generaal nimada lasheegto xageey taal Habargidir biliqo miyeey ka dhigeen darajadii ciidamadana.
    Indhacade Goormuu Gashaanle(majir ) gaaray…Haa waa biyo gadistii..
    Axmed M.Jimcale..Goormuu generalnimo gaaray…Allow xaqa u hiili…(amin)..

  3. Mohamud says:

    Ninka yiri waxaa loo jeeday Taliyaha Nabadsugida waa nin Riyooday oo aan waxba la socon, tababtoo ah Taliyaha Nabadsugidda awalba kuma imaan qaab laga fiirsaday mana ahayn nin ku joogay wax qabad ee waa lagu khaldamay, haddana cid ka bixi karta ayaa loomagacaabay xilkaas………..

  4. Togane says:

    Xaqiiqada waxey soo bixi doontaa maalmaha soo aadan marka la magacaabo rag xigto la ah madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha iyagoo lagu soo xulayo hadba sida ay ugu jajaban yihiin siyaasada madaxdaas!

  5. SAAD RABTO UQAADO

    salaan kadib aqyaarta horta Somali ha iska iloowda Hebel lama xiri kara Hebel lama bedeli karo maxa loo badalay yaa lagu bedeli
    waxaad indhaha ku kala qaadeen 20kii sano ee Mooryaanta, Jirida ,Daydayga,Dhuljiifka
    Qofka Somaliga waa in uu ogada mesha in loo dhiibi karo,laga qaadi karo
    saa Hooyadii malahane in la,iswaydiiyaana maahanba
    Maalin hore ayaan arkaayey Nin wayn oo isku magacaabaya Siyaasi oyo Aqoon yahan oo TV soo fariistay oo dhahaaya Max,ed Dheere see loo xiray?ama lama xiri karo
    Dalka uu joogo isaga oo ah England qof kastoo laga shakiyo waa laxiri karaa
    danbi halugu helo ama halagu waayee

    SHEKO DHACDAY
    Ninbaa maxkamad lasoo tagay oo danbi lagusoo oogay markaasuu yiri see maxkamad la,isoo taagay Hadda kahore ayaanba kadagalamay inaan maxkamad la,isoo taagine oo meeshaan kaadideyda ayaan usoo cabaye
    Caqligaas Somali haka gudubto
    Raggaan dowlad ayaa udhiibatay haddana ayadii ayaa kaqaaday xataaiyagoon danbi laheen ayaa laga qaadi karaa
    Wax kastaana in lasoo qoro maahan horay ayaan u arkay Qoraallo noocaan ah tusaale ahaan
    Dad lasoo taagan qoyskena illaa lixdankii wasiir ma waayin
    Tolkey waxay dhaheen wasaradaan nooma qalanto
    Aniga wasiir kuxigeen marabi wasiir ayaan soo noqday wasiir ayaan rabaa
    Hebel waa buul ama wasarad aan dhaqqqlo laheen ayaa loo dhibay
    Reerhebel wasarad fiican ayey qaateen(sida maaliyadda)
    Qaladaadka noocaan ah illaa ay dhamadaan Dowlad ma noqoneeno