Home » Maqaallo »

SIDII SOOMAALIYAY KU SOCOTAA


Waa eray cusub oo ku soo kordhay qaamuuska siyaasadeed ee aduunka,waana mid aan ku kasbanay khasaaraha aan u gaysanay qaran nimadeenii iyo dalkeenii iyo dadkeeniiba.

Waxaa la oran jiray markii hore kolka la doonayo in la tilmaamo xaalad xanuun iyo murugo badan waxaa la oran jiray xaalkaygu ama xaalku waa bariga dhexe laakiin maanta uma baahna aduunka in ay dul taagnaadaan tusaalahaas waxaana arinkaas uga gargaaray shacabka Soomaaliyeed kaas oo siiyay tusaale ama cibri qaadasho aduunka ugu filan in ay iska ilaaliyaan khailaafka,qabiilka iyo qaran diidnimadaba.

Sida diintuba noo tusaalaynayso reer samuud iyo caad noogana digayso in aan ka fogaano dariiqooda kuna cibri qaadano ayaa maanta aduunka isaga digaa sida aan nahay iyada oo la yiraahdo war ma siidii Soomaaliyaad nala rabtaa ama arinku sidii Soomaaliyuu ku socdaa ama howshu waa Soomaaliyoowday.

Dr Xasan Alturaabi wuxuu u xiran yahay qudbad uu ku sheegay hadii xaalku sidaan ku sii socdo in Suudaan ay Soomaaliyoobi doonto,halka Qadaafi iyo wiilkiisaba uga digeen shacabkooda in ay ka fogaadaan in ay Soomaaliyoobaan sidaas oo kale ayaa Hilary Cilinton qudbad ku tiri Liibiya waxay ku socotaa sidii Soomaaliya.

Iyada oo xaalku halkaas marayo sumcadeeniina meeshaas gaaratay aya waxaa la yaab leh in aad weli arkaysid qof diin ama aqoon kale sheeganaya hadana u raadinaya cudur daar xaalka maanta aan ku jirno ama tilmamaya in ay jiraan wax aan aduunka intiisa kale uga fiican nahay in ay jiraan  sida ku dhaqanka shareecada.

Hadaba waxaa is weydiin leh shareecadee ka hadlayaan dadkaasu? kolay isaga shekayn mayno maanta in shareecada islaamku barii ka tahay falalka ay gaystaan burcad diimeedka Soomaaliyeed ama ha ahaadeen xarakooyin ama kooxo sida tii la oran jiray Maxaakiimta Islaamka,taas oo maanta aan aragno meesha ay taagan tahay ama tan kale ee gowracatada ah ee la yiraahdo Alshabaab.

In aad qirato gafkaaga waxay ka mid tahay xalka laakiin markii aadan isu arkin sida aad tahay laguuna arko hadaba waxaad naqanaysaa qof aan ku noolayn waaqaca oo ku nool riyo maalmeed.

Arinkaan uma soo hadal qaadin in aan ku faraxsanahay oraahdaan cusub ee tilmaamaysa meesha aan taagan nahay laakiin waxaan u soo hadal qaatay in aanan ahaanin dad xantooda moog iyo in weli ay jirto fursad aan ku hagaajisan karno wixii naga halaabay aduunweynahana ku tusi karno in dhibku leeyahay maalin uu dhamaado.

Sida aan wada ognahay ma jirto sabab aan isku nacno waayo aduunku aad bay u yartahay umad nala mid ah markii laga eego waxyaabaha aan wadaagno sida diinta,afka,dhaqanka,caadada,iyo waxyaabo kale oo farabadan.

Eedana ma saarayo mana laha shacabka Soomaliyeed waayo ma jiro nacayb ka dhexeya dadka laakiin waxaa jira danaysato dadka kala dilaya laakiin ceebta ay dadku yeesheen ayaa ah in aysan marna waxa xun maya oran oo kii galabkii yimaadna taageeraan kii yimaada habeenkiina taageeraan kii subixii yimaadna taageeraan taas ayaana ah saldhigga dhibaatadeena iyadaas ayaana noogu fialn ceeb iyo ciqaab.

Waxaan maqaalkayga ku soo gunaanadayaa oo aan ku boorinayaa Soomaalida in ay la socdaan waxa aduunka ka dhacaya iyo in ay aqoonyahan kooda aaminaan iyo in aysan qofka oran yuu yahay balse ay yiraahdaan muxuu yaqaan iyo in ay ka godaadoon ooraahdaan cusub ee halqabsiga noqotay taas oo tusaysa in aan naqanay dad Rabi laga baryo in aan sidooda oo kale la naqan.

WQ: Xasan Mohamed
xasanali11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " SIDII SOOMAALIYAY KU SOCOTAA "

  1. Cali says:

    @xasan ali

    Warkaaga waa cad yahay somali nimo na u danayn meyside waxaa ku gubaysa shareeco islaam baa lagu dhaqmayaa waxaana ku leeyahay mut bi qadabika .

    dad mujrimiin ah erayadooda inta soo qaadatay baad isu aragtaa nin maqaal fiican diyaariyay alshabaab cid dhaanta somalia horey u ma so marin waxa la tixgaliyana diintaa u horeysa iyadiina waa waxa maanta ay gaalo iyo gaalo raacyoo dhan kula dirireen.

    qofkii caqli leh ha isu fiirsho inta shacabka somalia ee muslimka ah dhibta ku haysa AMISOM,ETHOPIA KENYA waxay kuwaasi iska soo hormarinayaan kuwo diirka nooga eg balse la caqiido ah kuwaas waa dfta iyo suufiyada waligoo jawaasiista ahaa

  2. cabdale says:

    soomaaliya waxay kusocota xaaalad aad uadag taas oo ay sabab kibir iyo xumaato lagu lagula kacay dawlad nimadii iyo qarankii soomaaliyeed oo ay kula kaceen dad wax magarato ah oo dangaara leh oo ay hogaaminayeen ururo siyaasadeed sida snm siilka naagaha madhimaan iyo ururo kale oo fabadan kuwaas kama suula wixii soomaaliya ka xumaaday kana xumaan doona aakhina lagala xisaab tamayaa