Home » Warar »

Madaxweyne Geelle oo Dhagax Dhigey Dhisme cusub oo ay Leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dhagax Dhigey Mash-ruuc Dhisme 20,570 Mitir Iskuweer Ah oo Ku Baxaya In Ka Badan $30 Milyan oo Doolar….

Munaasabad lagu Furayo dhisme cusub oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku midoobey Shirkad Al Rayan Real State, islamarkaana ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Gelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda dalka Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte iyo inta badan Golihiisa Wasaaradda, xubno ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka dalka Jabuuti, Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sida, Duqa Magaaladda ee caasimadda dalka Jabuuti Cali Ismaaciil Yaabe, Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti Denjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen iyo marti sharaf kale badan ayaa lagu qabtey Xaafadda Gabood laba ee caasimadda dalka Jabuuti 03/06/2011.

Xafladan oo ahayd mid siweyn loo soo agaasimey, ahayd mid xambaarsan muhiimado kala duwan ayaa waxaa ka hadley Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Gudoomiyaha Maalqabeenadda Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti Sh. Axmednuur Cali Jimcaale, Gudoomiyaha shirkadda Al Rayan Real State Sh. Ciise Cali Wardheere, Madaxa Maalgeshiga dalka Jabuuti Mahdi Dharaar Obsiiye, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee dalka Jabuuti Siciid Cumar Muuse iyo Abwaan Sangub.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar geelle oo khudbad taabaneysa dhinacyo kala duwan, islamarkaana xambaarsaneyd fariimo waaweyn oo ku wajahan halka ay soomaaliya mareyso iyo sahlanaashaha waxa la isku haysta iyo waxa ugu adagg ee haddana hesshiiska ay ku tahay Ummadda Soomaaliyeed ee mudada 20-ka sanno qubanaya dhiigeeda ayaa wuxuu yiri

Halkan ka dhegeyso Khubadii Madaxweyne Geelle

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/khudbadii_gelle_mar6.mp3]

“xafladan maanta isugu nimid, qiimaha ay jabuuti iyo soomaali u leedahay wey ka duwan tahay kuwii hore, waxaa aan sidaas u leeyahay waxaa weeye, sheekh ciisa ayaa hadeertoole yiri, ganacsatada soomaaliyeed, waxay ay noqonayaan tilmaan midnimo, tilmaan ra’yi la isku geysto, tilmaan maal la isku geysto, tilmaan horumar la wadaago, tilmaan Ummadda soomaaliyeed la tuso wifaaqu in uu suuroobayo, maxaa yeeley, haddii siyaasadda la isku diido, siyaasadu hadal weeye, maalkaa ka adag ka dhib badan oo lex jeclo leh oo si sahal ah xoolahaaga ninkale u dhiib wey adag tahay, kolkaa waxaa la is-weydiinayaa ragiinaa 45 iyo ziyaado leh ee mashruuca intaa la eg ku midoobey, ku heshiiyey, ku maalgelinaya, tilmaan inaad u noqotaan ama tiraahdaan war wuxu waa ra’yi ee qabiil ma ahan, dhul ma aha, Aff ma aha, diin ma aha waxaa weeye ra’yi iyo anniga ayaa ka baas, hebel annigaa ka soomaalisan, annigaa ka cilmi badan, annigaa wadankani la iisameeyey uu ilaahay abuurey inaan xakumo weeyaan waxa la isku haystaaye lacag iyo hanti ma ahan.

Marka tilmaanta aad noqoneysaa ama aad noqonkartaan ama aad tihiin, waxaa ugu weyn ee mashruucani aad u bixiseen Al Rayan oo dee Al-baabkii Jannadda ee Saa’imiintu ka geleysey weeye la yiri , nooma aad sheegin inta uu xajmigiisu yahay, wixii hadal aad wadeen oo dhan nooma aad sheegin inta maalka galayaayi uu yahay, waxa uu ka kooban yahay, inta sannadood ee shaqadu soconeyso iyo sida ay tartiibadu noqoneyso adinkaa inoo macnayn doono kolka aan xalaawadiina aan cunno, insha allaahu tacaalaa, Alle ha idiin barakeeyo baanu leenahay maalgelintaasi, annagu reer jabuuti hadaanu nahayna waan ku faaneynaa, maalgelin dadd kale sameeyeen waa jiraan, xajmi weyn leh waa jiraan dhinaca gaadiidka, dhismaha, guryaha, loojistikada haduu yahay, kiinaasi ayaa qiimo nooleeyahay, maxaayeeley ehel baanu nahay, dadd isku naxaya baanu nahay, dadd wada dhashey baanu nahay, haddii aad ku khasaareysaana halkaan inaad ku khasaartaan baa naloo qaatey, lex jeclada aad adinku u leedihiin baan annaguna u leenahay in dee ama horumarka aan higsaneyno, qaybtiina aad ka qaadataanu beritoole aan niraahno, qaybta horumarka, maalgelinta, koboca dhaqaalaha soomaalidu intaas ayey ku lahayd aan niraahno…”

Sh. Axmednuur Cali Jimcaale “carab waxay tiraahdaa, maalku matago meel khowf, cabsi iyowax daran ka jiraan oo waa fuley”

Gudoomiyaha Maalqabeenadda Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti Sh. Axmednuur Cali Jimcaale OO UGU horeyn meesha ka Hadley ayaa waxaa uu yiri “munasaabadda aan isugu nimid, insha allaah waa mid uu madaxweynaha dhegax dhigidoono mash-ruuca dhismeed ee shirkada Al Rayan oo ka koobma qayb tijaari ah iyo qayb deegaan ah, Shirkada Al Rayan waa shirkad ay ku bahoobeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha dunida, Al Rayan waxaana aas aasey golaha ganacsatadda maalgelinta Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay dalka jabuuti, golahaasoo la dhisey 2007-da, ganacsatadaas waxay ka shaqeystaan gacansi wanaagsan oo xalaal ah kuma jiro ganacsiga burcad badeedka, waxa aan sidaas u leeyahay waxaa weeye, halkaan marka aad mareyso ayaa waxaa lagu leeyahay waa meeshii burcad badeedka, marka beenta haddii lagu cel celiyo run ayey iska noqoneysaa, marka waan iska Anfineynaa”. khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/axmed_nuur_jimcaale.mp3]

Waxaa sidoo kale meesha ka Hadley gudoomiyaha shirkada Al Rayan Real State Sh. Ciise Calo Wardheere waxaa uuna si faah faahsan uga Hadley shirkada Al Rayan Real State, aas aaskeeda, tiradda xubnaha ku bahoobey,qaab dhismeedka shirkada, ujeedadda guud ee Al Rayan Real State “hadafka loo aas aasey shirkadan waxay ahayd in dadkaan aadka u kala tiro badan ee mujtamaca soomaaliyeed eek al firirsan, kelmadooda lagu jamciyo oo ay ku midoobaan, waxna la isku darsadaan oo mararka qaarkood suwarkooda haddaad fiirisid iyo waxa ay iclaamku ka sheegayaan, aad isleedahay ma ummadd jacel kharaabka iyo is-khilaafka ka jecel miyaa, tawaafuqa oo mararka qaarkood is-leedahay ma ummadd sumcad xumada iyo burburka ka jecel miyaa amaanka…” khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/ciise_cali_wardheere.mp3]

Xiritaankii xaflada kadib oo aan weydiiyey Gudoomiye ku xigeenka Maalqabeenadda Soomaalida dalka Jabuuti Cabdirashiid Haybe lacgta ku baxaysa dhismahan, inta sanno oo uu soconayo, baaxada dhul ee uu ku fadhiyo ayaa wuxuu yiri “dhismahan waxaa uu soconayaa sida aan dooneyno halsano, inakstoo ay ka badan karto, dhismahana waxaa ku jira Hoteel Todobo dabaq ah, guryo, lacag waxaa ku baxaysa ugu yaraan $30 milyan oo doolar, baaxadda dhulkuna waa 20,570 Mitir iskuweer”

Daawo Video Khudbadii Madaxweynaha Jabuuti

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweyne Geelle oo Dhagax Dhigey Dhisme cusub oo ay Leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed "

  1. Faysal says:

    Maansha alaah Aad ayaan ugu farxay runtii maalka meesha maraya iyo akhyaarta meesha maraysaba insh alaah haguulayso ayaan leeyahay, Mahadsanid