Home » Warar »

Warbixin Dheer oo ku saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay Wehliyaan Kuwo Dowlada Federaalka iyo Ahlu Sunna oo Dagaalo ka bilaabey Deegaano ka tirsan Soomaaliya

Shiikh Cali Dheere ”Markii Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Beled Xaawo waxay ka taageen Calanka Itoobiya kuwa la socdana ma Dareensana Qorshaha Itoobiya”

Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Dhuuso Mareeb oo la sheegay in halkaa Gebi ahaanba isaga baxeen

Maxamuud Siyid Aadan oo beeniyey in ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan

Shiikh Shariif oo sheegey in Dagaalkii ka dhacay Buulo Xaawo ay Itoobiya ku taageertey Dhinaca Logistika-da

Waxaa Gobolo ka tirsan Dalka Soomaaliya ka bilowdey Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda FKMG iyo Ahlu Sunna oo lagu waramey in ay gacan ka helayaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xarakadda Alshabaab waxaayna Dagaalada Xoogooda ka dhacayaan Gobolka Gedo iyadoo Gabolka Galguduud ay ka bilowdeen Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo la sheegey in ay wadaan Ciidamo Itoobiyaan kuwaas oo la sheegey in ay ku sugan yihiin Degmada Dhuuso Mareeb waxaana la sheegey in ay u soo dhaqaaqeen dhinaca deegaan Ceel Dheere oo u dhaxaysa Degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guri Ceel lamana garanayo Halka ay ku wajahan yihiin Ciidamadaas hase yeeshee warar hadda na soo gaarey ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadii Itoobiya ay isaga baxeen Gobolka Galgaduud iyagoo u jaheystey Dhinaca Xuduud beenaadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana warku intaa ku darayaa in Cidamadaas ay u yimaadeen in ay meel ku ogaadaan Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababarey Itoobiya oo Todobaadkii hore oo soo gaarey Dhuuso Mareeb warar kale ayaa sheeegaya in Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku soo dhawaadeen Degmada Dhuuso Mareeeb.

Dagaalkii ka dhacay Degmada Buulo Xaawo ayaa waxaa lagu waramey in ay ka qaybqaateen Ciidamada Itoobiya oo ku hubeysnaa Taangiyo iyadoo la sheegey in Ciidamada Itoobiya ay gacan siiyeen kuwa Dalka Kenya hase yeeshee Dowlada Kenya waa ay dafirtey in ay ka qayb qaadatey Dagaalkii Buulo Xaawo.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo waxay sheegey in Ciidamo isugu jira Itoobiyaa, Kuwa Dowlada Federaalka kmg iyo kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen Degmada Luuq waxaana lagu waramey in Degmadaas aysan ka dhicin wax Dagaal ah iyadoo Ciidamada Xarakadda Al Shabaab ay ka baxeen Xaley Saqdii Dhexe iyagoo u jahaystey dhinaca Degmada Garbahareey,  wararka hadda naga soo gaaray Gobolka Geddo waxay sheegayaa in Ciidamo fara badan oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab ay u dhaqaaqeen Degmada Buulo Xaawo ka dib markii la sheegey in Ciidamdii Itoobiya kuwii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunno ay gaareeen Degmada Luuq waxay arrinka Gobolka Geddo uu noqdey iska daba warteeg.

Waxaa Muuqaato in Ciidamo Itoobiyan ah oo ay weheliyaan Ciidamo DFKMG Soomaaliya ay doonayaan in ay soo galaan Deegaanno ka tirsan Dalka Soomaaliya hase yeeshee Afhayeenka Xarakadda Al Shabaab Shiikh Cali Dheere waxaa uu sheegey in dagaal la mid kii 2007 ilaa 2009 ay la geli doonaan Ciidamada Itoobiya oo uu sheegey in aysan rabin in dadka Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka oo uu sheegey in laga hirgeliyey 11 Gobol oo ku yaala Dalka Soomaaliya wuxuu kaloo uu sheegey in Cidamada Itoobiya ee soo galey Degmada Buulo Xaawo ay ka taageeen Calanka Itoobiya isagoo sheegey in Dowladda Itoobiya ay dooneyso in ay la wareegto Dhul Soomaaliyeed oo hor leh isagoo sheegey in kuwa ay dabada ka soo riixeyso aysan marnaba Dareensaneyn Qorshaha Itoobiya wuxuuna ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Xarakada Al Shabaab in ay u Diyaargaroobaan Dagaal ka dhan ah Itoobiya.

Sidoo kale Afhayeen u Hadley Dowlada Federaalka ayaa beeniyey in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku wehliyaan Dagaalada ka soo cusboonaadey Gobolada Gedo iyo Galgaduud, sidoo kale Maxamuud Siyid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta la Socota Ciidamada Dowladda FKMG ee la sheegay in ay wareegeen Luuq ayaa si kulul u beeniyey in Ciidamo Itoobiyaan ah ay kala qayb qaadanayaan dagaalada ka socda Gobolka Geedo wuxuu sheegey in Ciidamada Dagaalka ku soo qaadey Gedo ay yihiin Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna, hese yeeshee dadka Deegaanka ay sheegey in ay indhahooda ku arkeen Taagiyada Ciidamada Itoobiya oo soo galey Degmada Buulo Xaawo, waxaana Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa Shir jaraaid oo uu qabtey ku sheegey in Dagaalkii ka dhacay Buulo Xaawo ay Ciidamada Itoobiya uga qaybqaateen dhinaca Logistika-da. (Halkan ka dhegeyso shirkii Jaraa’id ee Sheikh Shariif (March 5, 2011))

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraid_sharif_mar5.mp3]

Dadka Soomaaliyaad ayaa labaatan Sanno ku jirey Dagaalo aan dhamaad lahayn waxaan muuqata in dadka ka daaleen Dagaaladaas oo Galaaftey Kumaan Kun Soomaaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaa Shacabka waxay mar kale ka niyad jabeen markii Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Degaano ka tirsan dalka waxayn dadka ka cabsanayaan in mar kale ay soo laabato Dagaaladii u dhaxeeyey Xarakada Al Shabaab oo arrinku uu noqdo iska daba waraag iyadoo dadka Intiisa badan ay aaminsan yihiin in Itoobiya aysan rabin in soomaaliya ay ka dhacdo Xasilooni waxayna markasta soo abaabulayaan dad soomaaliyeed oo raba in Soomalaiya sidaan ku sii jirto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Warbixin Dheer oo ku saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay Wehliyaan Kuwo Dowlada Federaalka iyo Ahlu Sunna oo Dagaalo ka bilaabey Deegaano ka tirsan Soomaaliya "

  1. abdirisak says:

    waxay ilatahay in kuwa nagu duldagaalamay aysan wax badan oo dan aysan noo haynin hadii ay ahaan lahaayeen kuwa dawlada ah oo itoobiya wata iyo kuwaan shabaabka ah ee ayagana dad banaan ka soo galiyay wadanka ayaga oo dhan alaha naga qabto

  2. khamiis says:

    FADLAN FIKRADEYDA CAY LAAKIIN HA ICAAYIN

    waxaan umaleen sidaan ugu heeno Eithopia in Qiyaamaha nagu dhaco
    walaalihii heshiin waayo sidaan ayaa udambeesa
    waa sheekadii labadii Bisadood ee hilibka ku heshiin waysay ee ula tagay Daanyeer marba miisaanka dhinucuu ubata ayuu cunaayey illaa uu kadhameeya
    Haddii aan isfahmi wayno gacmo badan ayaa nasoo gali
    Shabaab hadday waxooda Jihaad yahay maxay u carareen?
    illeen cararku waa danbi wayne waana kabaairta ayuu kamid yahay
    Hadday Janno doon yihiin yeysan cararin haba dhintaane
    wali saxaaba iyo dad diin doon ah oo cararay taariikhda islamka laguma hayo
    Haddayse sheekadu tahay aan wax xukumo oo dhimasho iyo Janno marabi hasii cararaan maalin kasto
    maxaase loo waayey Shabaab magac leh ama madax ah oo ladilo oo jihaad kudhinta?
    waxaa inoo cad Aaqiro doon maahan ee waa Aduun doon
    ciyaalka dadka hadhameenina Jannada la,idinkama xigee

  3. suufi says:

    waa sax nin kaas waxay u eg yihii somalida wax sixran hadii ay san daroogo ku maqnayn sababtoo ah ninkii shalay hogaaminayay dagaaladii lala galay xabashidii umada baabi,i say ayaa hadana leh walaalaheen amxaaraa na caawinaysa waa shariifkee marka arintiisii shalay waxaa loo fasiri karaa amxaar nacayb iyo diin ma aheenee waxay ahayd cabdulaahi booska iiga qaada anigaa gawaad fiican ahee

  4. cabdulmajiid says:

    soomaliyey ila yara ega tixdan an ka soo qaday gabay la idhaahdo dardaaran oo u tiriyay sayiidki

    Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
    · Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilaye
    · Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne

    · Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay
    · Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay
    · Markaan dunida dhaafaa walee, lagu dabaayaaye

    · Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba
    · Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe
    · Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye

    · Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyey
    · War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay
    · Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey

    · Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane
    · Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
    · Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

    · Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
    · Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
    · Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

    · Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
    · Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
    · Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

    somaliyey waa kuwas awoowyaasheen, halkaas ayay arin ka tagnaayeen, marka inaga si an jilisha danbe wax uga tagno an ku dayno awoowyasheen,,walalka idhi xuduud itoobiya iyo somali waa calami, walalo calami ma aha ee waa wax la idhaahdo isku haysto, ethioåia ma aqonsana xuduud hada jirta,

  5. Muthannaa says:

    Asc

    ikhwaanii Ethopia waa cadahay inaysan shabaab kaliya usocn

    waxaase iga su’aal ah shabab qaladadka aygaleen managa cafineysaa

    inan amxaaro ku eegano oo aan iska dhigno dhex dhexaad iyadoo

    dalkayagi &dadkayagi la cunayo bl iigajawaaba

  6. Suuley says:

    Soomaaliyeey runta yaan laga leexleexan.
    Waa jirtaa in colaad xuduudeed aay naga dhexeyso Etobiya iyo Keenya,
    laakiin waligeed uma suurtoobeyso in xuduuddu sida aay hadda tahay in wax laga badalo oo sharciga aduunka u qoran ayaa kasoo horjeeda.
    Sababta keentay in Etobiya aay hadba xuduudka kasoo tilaabto waxaay tahay mid aay keeneyso ALSHABAAB iyo AL-QAIDA oo qof raba uusan jirin.Xattaa Soomaalidii baan rabin oo calan aan ahayn kii lagu yaqaannay
    Dowladda Soomaaliya ayeey wataan. Etobiya goor aay laabataba dib ayeey
    u laabandoontaa ee waxaa aniga iga talo ah in ALSHABAAB iyo ALQAIDA wadanka laga sifeeyo ama Dowlad ku sheega halla taageero ama yaan la taageeri. Maantay haddii aay xattaa Dowladdu is casisho, dagaalka ALSHABAAB iyo ALQAIDA waa socon. Qof Soomaali ah oo diidan in
    shareecada wadanka lagu xukumo ma jiro, laakiin ALSHABAAB iyo ALQAIDA hogaankaas nooma qabanayaan ee haku bishaareysteen.

  7. mubarig says:

    asalamu calaykum ku sligiin,,walaladayda soomaaliyeed waxa cajiib ah in an 20 sano an shay kaliyata oo ad u fudud, shaygasina waa nabad, lakin mid ayan iloowna oo halke laga raadinaya, horta in an is waydiino weeyan ma beesha caalamka ayaa nabad inoo hayse mise allah, jawabtu waxa weeye allah, beesha calamka dan ayay ledahahay dantaas wax kasta ayay ka hor marinaysaa, haba noqoto danta soomalyeed, ethiopiana dan ayay leedahay oo ah in an soomaali wax noqon, taasna waa ku guuleeysatay oo dad inala mid oo magac soomaali wata ayay isticmaasha, walahi waxa na haytsa waa wixii haystaay qaamoyadiiha muslimka ah ee daga ethiopia 200 sano ka hor, qof kasta oo leh qali iyo imaan uu wax ku miisaamo waa in u ka soo horjeesta kuwa dawlad ku sheega ee gumaysiga wadanka ku wada, aniga ma lahi al shabab waa macsuumiin, qalad waa ka dhaca lakiin waxa ka weyn qaladka ay sharii iyo inta la socota ay ku hayaan soomaaliya, wayo qaladka ay shariif u ka galayo soomali, mid qarniyada soo socda soomali wax u dhimi doona weyn,oo gumaysi gali dona sida oramada hararida, war an xasuusano herer 100 sano ka hor dowlad tagan ayay aheed, oromadana 300 sano dawlad ayay ahayen lakiin maxaa ku dhacay, meeyaan, waxan ku so gaba gabeenya gabaygi sayiid maxamed cabdle xasaan,
    Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
    Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataal

  8. ETHIOPIA HOWSHEEDA AYEY QABSANAYSA!
    Kacdoonka ka socda caalamka Carabta ee uu hogaaminaya facebook iyo Al-Jazeera ma aheyn inaan ka qeyb qaadanweyno oo waxay aheyd inaan isbadal raadino kaduwan habkii hore ee aan wax kuraadin jirney!
    Guluf colaadeed iyo dagaal horleh, waxay noocelineysaa 21 sano iyo meeshii aan kasoo bilownay! Waxaayna kutusinaysaa in caqliga Soomaaliga aan koreyn oo aan isbadal aqbaleyn!

    Anigoo qalbiga ka ilmeynaya oo ay idhibeyso warbixin noocaan ah, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed haddiiba ay jirto cid wax maqlayso: Al-Qaacida, Al-Shabaab, Ethiopian , xukuumad daba dhilif ah, burcad badeed magaca ummad wax kudhacayso, iyo dhamaan magacyada laysku cabsiyo oo dhan, adinkaa keeney oo ka danbeeyey! Adinkaan diyaar u aheyn inaad kabaxdaan dhibaatadan! Haddii aad tashan weydaan, sow in la ‘idin taliya ma’ahan! Haddii Soomaali idin talinwaayey, sow ma’aha inuu cadow idin taliyo!
    Aduunka kaligiin ma majoogtaan oo xur umatihiin inaad udhaqantaan sidaad doontaan! Ragba har iyo habeyn saaxan oo doonaya inaay wax kabadalaan shaxda aduunka!
    Ama Ethiopia, waxaan filaya inaay howsheeda qabsanayso ku aadan Somalia iyo fursadaan taariikhiga ah ee aan weligeed soo marin! Haddii anagaba nasoo marilahaa Ethiopia oo sidaas ukala qeybsan, intaan sii kala tuurno ayaan dhulka kala wareegi laheyn!

    Sidee la’isaga celiya Ethiopia iyo cadowka umada, mid fog iyo mid dhow intaba, waa inaan marka hore la nimaadna maskax fiyow aafooyinkii umada halkaan gaarsiiyey!
    Waxaa ii muuqata inaan weli ufikireyno habkii aan kuburburiney wadanka!
    Anigoo aad ugu xun inaan sidaas ugu talax tago umadaan, runta waxay tahay: Cadowga Somalia waa umada Soomaaliyeed. Markale, aan kuceliyo hadalkaas: Codowga Somalia waa umada Soomaaliyeed!
    Waad mahadsantihiin. “Aan ooyee albaabka ii xira”

  9. abdalla says:

    yaa u fududeeyey in ay itoobiya soo noqoto,. sheley wey baxeen al shabaab kama bixin.itoobiya. somaliya.. haddna al shabaab ka masul ah in ay itoobiya soo noqoto. dhul soomaliyeed. al shabaab ma nabad ma rabto dawladnimana ma rabto. maxaa la suubin markaa. ma sidan ayey in oo haysan la shabaab.. hadiii uu jihaad yahay mey galaan cali dheere. fu,aad. abuu man suur. dadka yaana beenta loo sheegin allah ka cabsadda

  10. Ahmed says:

    Jawaab ku socota walaalka Mohamed Somali, mid waxaa tiro waa “Hope” rajo, balse waxaad ka tagtey waaqiciga ama “reality” ga meesha yaalo. AlShabaab malaayin dad ayaa nifaas ku qaba ee waxay soo af jareen Boqortoyadii Mooryaanta sida Bare Hirrale, Morgan, Xaabsade iwm.

    hadalkaahuna waa iska cad inta Alshabaab taageeri lahaa waxaan taagereyaa SShariif iyo xabashadiisa. waxa ka wanaagsan inaad isaga aamusto, waayo gaal iyo muslin isku meel ma galaan Illaahbaa kutukiisa inoogu cadeeyey.

  11. cumar says:

    somalida waa dadka ugu ayaanka daran wadan kasta shabaabkiisa ayuu maanta taageersanyahay ayadana shabaabkoodii ayay la dagaalsanyihiin
    qaarna waa kuwan xabashi soo wada kuwa kalana waa kuwan islaynaya
    ilaahay ayaa u maqan kasokow caqli iima muuqdo

  12. maxamed soomaali says:

    sc wr wb dhamaan wallalaha somaliyeed bacdu sallan waxaan wax yar ka oran laha arintan alshabaab iyo dagaalada cusub anigu runti aad bay ii dhibtaa in aan arko dad soomaliyeed oo sanadkan qaxaya rafaadaya dhimanaya macno daro laakiin yaa aynu taageernaa ma alshabaab mise shariif iyo dowldiisa?aniga saan qabo labaduba nooma fiicna laakiin waxaan taageeraya dowlad ku sheega shariif waayo?alshabab waa dad daka qasbaya doonayana in ay qotri caaradii wax ku xukumaan waa ay jiaraan dhinacyo ay ku wanaagsan yihiin laakiin hore u socod ma ;leh,sida nabad guud oo ka jirta meelaha ay maamulaan laakiin waa maxay mowduucooda siyaasdeed ma raban dowlad macquulse ma tahay dowlad alshabaab?sida aan aniga qabo maya macquul maah waayo aduunka iyo kuwa nala dariska ahba ma rabaan xitaa somalidi ayaa kal jabsan oo qaarkood ku leh waa rabnaa waa qaybta jab ka soo daal oo raba un meel nabad ah iyo cid ay u dacwoodaan mark ay eed tirsanayaan,hadaba sababta aan shariif iyo dowldiisa aan u taageray ayaa ah waa mida koobaad e ilaa iyo maalintii uu yimid waxaa hortaagnaa alshabaab iyo xisbul islaam oo yiri ilaa african unionka baxaan wada hadal ma jiro dabcan markeey baxaana waan kaa xoogaynaa xukunka, maanta masii jooogayo shariif oo waxaa iman rag wax bartay diyaarna u ah in ay dhisaan dowlad somaliyeed oo loo dhanyahay marka rajada aan ka qabo dowlad soomaali ayaan uga soo horjeedaa shabaab.mahadsanidiin.

  13. A Salaam says:

    Ethopia somalia ineey qabsato ayaa ka go’an waana cadeeysatay, waxaase la yaab leh ninka somaliga ah oo u fududeeynaya ineey qabsato dhulkiisa hooyo oo weliba laynaya dad somali isagoo la safan Ethopianka. Somalidu waxeey u ektahay DAD LA SIXRAY waayo macquul ma aha in NIN NINKII DILI LAHAA MINDIDA DAABKEEDA U QABAYA oo markaad tustana aanu garankarin. ALLOW SOMALI DABA QABO MAANTA XAALKU MA WANAAGSANEE.