Home » Warar »

Odoyaal iyo Nabadoono oo Noqdey kuwii ugu Horeeyey oo sheegey in ay ka qayb qaadanayaan Dagaalada lagula jiro Ciidamada AMISOM

  • iyo Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweynaha DFKMG oo uu ku sheegay in dagaalkii Beled Xaawo ay Itoobiya ka caawisay xagga Logistikada —

Nabadoon Cali Shiikh Yuusuf “Dagaalada ka socda Muqdisho waa kuwo Xaq ah Maadaama Ciidamada Amisom ay Xasuuqayaan Shacabkeenna”

Iyadoo Dagaalo ay ka socdaan Degaano ka tirsan Gobolada Banaadir , Gedo , Galgaduud iyo Hiiraan ayaa Xarakada Al Shabaab waxay bilaabeen in ay wacyigeliyaan Dadweynaha ku nool Goboladaa ay maamulaan waxayna wacyigelintaas ku saabsaneyd in laga qaybqaato Dagaalada Al Shabaab kula jirto Ciidamada Amisom, Itoobiya iyo Dowlada Federaalka kadib markii ay sheegeen in dalka Soomaaliya ay ku so duuleen Ciidamo shisheeye.

Baaqaas ay jeedisey Xarakada Alshabaab ayaa waxaa durbadiiba ka soo jawaabey Odayaasha Dhaqanka iyo Nabadoonada Gobolka Shabeelada Dhexe waxaana Magaalada Muqdisho soo gaarey Odayaashaas oo iyaga oo hubkooda wata Dhoolutus ku sameeyey Xerada Maslax ee Suuqa Xoolaha waxaana Dhoolutuskaas ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaas oo si weyn u soo Dhaweeyey Odoyaashaas oo markii ugu horeysaey ay noqdeen kuwa ka qaybqaata Dagaalada Al Shabaab ay ka wado Soomaaliya Maadaama Xarakadooda ay u badan yihiin Dhalinyarro.

Odoyaasha oo aad ugu Jidbeysanaa Dagaalada ayaa waxaa Xafladii Dhoolatuska intii ay socotey ka Hadley Nabadoon Cali Shiikh Yuusuf oo ah Nabadoon si weyn looga yaqaan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegey in uu si weyn ugu soo diyaargaroobey ka qaybqaadashada Dagaalada lagula jiro Ciidamada Amisom iyo kuwa Itoobiya wuxuu sheegey in uu hore u soo qaatey Hubkiisa iyo Sahaydiisa isagoo ugu baaqey Odoyaasha kale in ay ka qayb qaataan Dagaalada.

Nabadoon Maxamuud Cismaan ( Yaa Cali ) oo isna ka yimid Deegaanka Mahadaay ayaa sheegey in Dagaalada ay Xarakada Shabaab kula jirto Ciidamada Amisom ay yihiin kuwo Xaq oo loo baahan yahay in Dhalinyaro iyo Odoyaal ka qayb qaataan Dagaalada maadaama ay xasuuqayaan Shacabka soomaaliyeed, wuxuuna sheegey in Ciidamada Amisom ay u joogaan Gumeysi una adeegayaan Mareykanka iyo Xulufadiisa.

Sidoo kale Waxaa Xafladii Dhoolatuska ka Hadley Nabadoonada kala ah Shiikh Muuse iyo Nabadoon Daqarre oo ah Nabadoono si weyn looga yaqaan Magaalada Jowhar labaduba waxay sheegeen in ay si weyn ugu soo diyaargaroobeen Dagaalada Muqdisho waxayna sheegeen in shacabka looga baahan yahay ka qayb qaadashada Dagaalada Socda oo ay ku tilmaameen kuwo xaq ah waxayna Odoyaashaas iyo Nabadoonadaas ay siteen Qoryaha AK-47, BKM iyo Qoriga Baasuukaha ee loo yaqaan RBG7, sidoo kale waxay siteen Booshash ay ugu buuxeen Rasaas iyo Calamo ay ku qornaayeen Towxiidka, waxayna halkaa ku soo bandhigeen Gabayo Guurow iyo Shiribyo intooda badan ahaa kuwo dhiirigelin ah waxayna wacad ku mareen in aysan Dib ugu laabaneyn Guryahoodii inta ay dalka ka saarayaa Ciidamada ku soo duuley ee Amisom.

Dhawaan ayey ahayd markii Aabbe iyo labadiisa Wiil ay Xarakada Al Shabaab soo bandhigeen kuwas oo sheegey in ay dooonayaan in ay ka qayb qaataan Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho waxayna ku tilmaameen Dagalada Socda mid u dhaxeeye Xaqa iyo Baadilka waxayna ugu baaqeen shacabka soomaaliyeed ka qayb qaadashada Dagaalada Socda.

Odoyaashaan iyo Nabadoonadaan sheegey in ay ka qayb qaadanayaan Dagaalada socda ee u dhaxeeya Xarakada Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka oo Gacan ka helaya kuwa Amisom ayaa waxay ku soo beegmeen xilli la sheegey in Ciidmo Itoobiyaaan ah ay soo gaareen Balad Xaawo iyo Dhuuso Mareeb, hase yeeshee Madaxweynaha DFKMG Shiikh oo shir Jaraaid qabtey shaley uu sheegey in Ciidamada Itoobiya ay ka qaybqadanayaan Dagaalada socda isagoo sheegey in Ciidamada Dowlada ka taakuleynayaan dhinaca Logistis-kada (sahayda) – HOOS KA DHEGEYSO Shirka Jaraa’id.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Halkan ka dhegeyso shirkii Jaraa’id ee Sheikh Shariif (March 5, 2011)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraid_sharif_mar5.mp3]

Sawirka Shirka Jaraa’id

Sawirka sare: Madaxweynaha DFKMG, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaan dhiga (March 5, 2011)

Sidoo kale CODKA MAANTA (MARCH 5) EE SHIRKA WASIIRADA, GAASHAANDHIGGA, ARRIMAHA GUDAHA IYO WARFAAFINTA OO AY DAGAALADA UGA HADLAYAAN:

Halkan ka Dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shir_march52011.mp3]

Warsaxaafadeedka Xukuumadda DFKMG ay dagaalka ka soo saartay hoos ka akhri:

Wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha iyo warfaafinta oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho iyo la wareegidii gacan ku heynta B/xaawo

05.03.2011——–Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax iyo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa saaka shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho iyagoo faah faahin ka bixiyay dagaalkii ay dowladdu kula wareegtay gacan ku heynta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo sidoo kale dagaalada ka soconaya qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xaqiijiayay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay saaka si toos ah ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo halkaasoo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka soconayeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa kooxda khawaarijta Shabaab “Ciidamada xooga dalku waxay saaka si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, dibna ugama laaban doonaan shacabka degaanadaasina waxaan ugu baaqeynaa inay taageeraan ciidamada dowladda” ayuu yiri Mr. Fiqi.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo isna xaqiijiayay la wareegida magaaladan Istaraatiijiga ah ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu sameyn doonto dowladdu maamul si loo xakameeyo amniga kala dambeynta iyo sharciga degmadasai “Dowladdu waxay ku talo jirtaa inay si deg deg ah maamul ugu dhisto gobolkaasi si loo helo amni iyo kala dambeyn” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in saaka ay dagaalo xoogani ka dhaceen nawaaxiga Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga kadib markii ay weeraro soo qaadeen kooxda khawaraajta ee Shabaab isagoo tilmaamay inay u adeegsadeen weerarkooda gaadiid Qaraxyo sida oo ay wadaan niman naftooda haligay (Is Qarxiyay), wuxuuna tilmaamay in aysan wax qasaaro ah ka soo gaarin ciidamada dowladda iyo kuwa kaabaya ee AMISOM ayna bartilmaameedkooda ku fashilmeen.

“Ciidamadu wey ka feejignaayeen falalkaasi guracan ee is qarxinta ah sababtoo ah kooxdan waa caadadooda in marka laga itaal roonaado ay qaraxyo soo abaabulaan oo ay shacabka cadaadiyaan, waxaana idiin xaqiijinayaa in labo gaari oo ay ka soo buuxiyeen Miinooyin iyo walxaha qarxa ay ku guuldareysteen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada dowladda saldhigyadooda ku yaala nawaaxiga Gaashaandhigga” ayuu yiri wasiirka oo xusay in qaraxyada kadib ay dagaalo naf la caari ah soo qaadeen, taasoo ciidamada dowladdu u babac dhigeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiirku in ciidanka dowladdu ay saaka horay ugu durgeen degaanka dayniile iyo aagag cusub oo dhanka Wasaaradii gaashaandhigga ah, isagoo tilmaamay in arrintani ay ka dambeyso baaqa ka soo baxaya bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka, salaadiinta, culimada, haweenka iyo dhalinyarada ee ay ku dalbanayaan in dowladdu sii labo jibaarto howlgalada ay nabada ku soo celineyso.

Dhanka kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay fal ay saaka khawaarijta Shabaabku dadweynaha u shaqo taga suuqa Bakaaraha kaga hor istaageen inay galaan suuqa kadib markii kumanaan shacab ah oo ka galayay suuqa Bakaaro dhanka wadada Sayidka ay jidgooyo u dhigeen dibna uga celiyeen, taasoo uu sheegay in dowladdu isku dayeyso inay shacabka u furto waddooyin kale oo ay horay u xanibtay koodan.

Office of PM.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Odoyaal iyo Nabadoono oo Noqdey kuwii ugu Horeeyey oo sheegey in ay ka qayb qaadanayaan Dagaalada lagula jiro Ciidamada AMISOM "

  1. Umu Saarah says:

    ASC salaan ka dib Odayaasha is xil qaamey ducey naga mudan yihiin Allah ha idin la jiro sidaad uga dhiidhiseen shacabkeena ay cadawga ilahay leynaayaan; inuu umada damiir ku haray aad na dareensiiseen. dadka aan wali wax dareemin waxaan u rajeynaayaa inuu ilaahay wax tuso

  2. Togane says:

    Xukuumadii Qurbojoogta oo Shacabkeeda usoo horkacday Ciidamada arxan laawayasha Itoobiya, iyagoo mar marsiinyadoodan ay tahay in ay wadanka ka xureynayaan Dhalinyarada la magac baxay Shabaab.

  3. Awgaab says:

    Waa Maadeys Aduunayda Dadkuna Waa Maatalayaan, Ayaa Hees Mari Jirtay 20 sano oo Dagaal oo aan lakala Badineenin Waxay dhaxali doonta jiilka 3aad ee so socda in ay ku adkaan doonto inay dowlad helaan, Hadeer Qandaraska Shabaabka waa si dhamaad Odayasha ayaa hadeer Bilaabaya Hooyoyinka & gabdhaha waqtigoodina wali waa so socdaa way sida ay ila tahay

  4. maxamed soomaali says:

    s/c dhamaan wallalaha soomaliyeed bacdu sallam waxan isweeydiinayaa ma ,anaa waalan mise cadan baa laiiga heesayaa war alshabaab maxeey noo hayaan oo aan hore ugu socon karnaa,waa mida koowaad 1:hadii alshabaab rabaan wadanka in ay qori caaradiis ku xukumaan waa waxaan soconayn oo taas siyaad barre ayeey somali ka diiday,2:waxaa ay la dagaalayaan soo umad kale oo muslim ah wadanka la leh maaha maxaa wiilasheena la isugu jabinayaa war shariif haduu doono caado qaato ha ahaado laakiin ma sii joogayo ee waxaad yeeshaan la fariista odayaasha wax gharadka waalidiinta haweenka kalana hadla iskuna daya in adinkoo umada dhihin tv ama radio yaan la daawan saan yaa loo socon ha qoslin iwm in aad ku tirahdaan anaga na iin fiican oo rabna tii alla in aan nainku maamulno oo isi soo sharaxa adinkoo xisbi ah,mawduuc siyaasadna wata waa xiligee?marka shabaab inta ay dagaal aan loo baahneeyn wadaan ma taageerayno waxaan rabnaa nabad bilaa shardi horta marka hore qoriga dhig aan wada hadalnee,wadanka waa la haystaa yaa haysta ? 8000 oo ugandhays iyo brundi ka yimis war waxas caqli maahee caqli keena ? mid waan nainku amaanay amaanka ka jira meelaha aad haysataan laakiin maxamed siyaad barre xiligiisab amaan waa jiray lakiin dadku waxeey rabeen in si xor ah u doortaan qofka aya iyaga rabaa not qof asaga isu doortay AMIIRU MU,MININIIN muqtaar rooboow oo kale come on..