Home » Warar »

Saameynta uu dagaalkii Balad xaawo ku yeeshay degmada Mandera oo cabasho laga muujiyey.

  • iyo Qaar kamid ah xildhibaanada xisbiga ODM oo laga saaray xisbiga.
  • iyo Abaarta Gobolka Waqooyi Bari oo kasii dareysa.

Star FM. Nairobi, Kenya.

Dagaalkii dhawaan ka dhacey degmada Balad Xaawo oo ku taala xuduudda uu dalka la wadaago Soomaaliya ayaa waxa uu saameyn dhinac waliba ah waxa uu ku yeeshay dadka reer Mandera.

Saameynta uu ku yeeshay dagaalka degmada Mandera ayaa waxaa kamid ah in shaqaalihii dowladda aysan wali toos xafiisyadooda ugu laaban. iskuulada qaar ayaa wali xiran, halka ganacsigana uusan u socon sidii looga bartey.

Ururka ay ku bahoobeen shaqaalaha dowladda ee degmada Mandera ayaa waxey cabasha ba’an ka muujiyeen saameynta uu dagaal kaasi ku yeeshay degmada Mandera.

Xubnaha ururka ayaa farta ku fiiqey in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda ay bara kaceen, isla markana adeega xafiisyada dowlada aysan iminka si wanaagsan u socon.

Guddoomiye ururka ay ku bahoobeen shaqaalaha dowladda laanta Mandera isagoo ka warbixinaya saameynta uu dagaalkii Balad Xaawo ku yeeshey in magaalada gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii nolosha uu hakad galey, taasina ay curyaamisey habsami u socodka nolosha caadiga ah.

Jamaal Maxamed Xuseen oo isna ah sargaal sare oo ka tirsan ururka ay ku bahoobeen macalimiinta dalka ayaa ka warbixiyey saameynta dagaalka uu ku yeeshay habsami u socodka waxbarshada degmada Mandera, isagoo tilmaamey in waxbarashadii degmada ay hakad gashey, wuxuuna ku adkeystay iney dib u hawl gali doonaan macalimiinta, si waxbarashadii horey loogu sii wado.

Mar waliba oo uu dagaalka ka dhaco degmada Balad Xaawo oo ay Mandera isu jiraan wax ka yar 1km ayaa waxa soo ifbaxda saameynta balaaran, ee uu dagaalka ku yeesho degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkani Kenya.

Abaarta Gobolka Waqooyi Bari oo kasii dareysa.

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa abaarta ka jirta guud ahaan gobolka wuqooyi bari. Abaarta aya saaamaysay counti waliba oo ka mid ah gobolka wuqooyi bari.

Wararka naga soo gaaraya dagaanka dheertuu ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto abaat ba,an oo saamaysay dadka iyo xoolahaba .

Deegaanka Dheertuu oo ka mid ah dagaanada nasiibka u helay dalka miliniyamka ayaa waxa ka jira oon ba,an ka dib markii waaxda miliniyamka oo biyaha halkaasi gayn jiray ay sida dadka dagaanka sheegayaan ay miisaaniyad u waayeen biya dhaamintii ay haalkaasi ka wadeen .

Dadkani reer dheertuu ayaa waxa ay codsadeen in gargaar lala soo gaaro hadii kale ay xaalada ka sii dari doonto.

Xildhibaanka Dhujis oo sheegay ineysan jirin cid ka saari karta xisbiga ODM.

Gobolka Waqooyi Bari: – Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha ahna xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhujis Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu sheegay ineysan jirin cid awood sharci iyo mid kalaba u leh iney ka saarto xisbiga ODM.

Xildhibaan Ducaale ayaa waxa uu sheegay in xisbiga ODM uu yahay xisbi qaran, oo ay wada leeyihiin dadka ku nool gobolada kala duwan ee dalka, isla markaana uusan xisbigu aheyn mid shaqsi oo marka la doono dadka laga eriyo karo.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo wareysi gaar ah siinayey iddaacada Star FM ayaa waxa uu sheegay in dadka saluugsan qaabka xisbiga ODM loo maamulo ay ku jiraan dad miisaan ku leh xisbiga, isla markaana aysan jirin wax warqad ah oo loo gudbiyey diiwaan galiyaha xisbiyada siyaasadda loona baahan yahay.

Dadka sheegaya iney xisbiga xubno ka ceyriyeen waa iney la yimaadaan cadeymo buuxa, oo ku aadan eedeymaha ay soo jeedinayaan.

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha mudane Aadan Barre Ducaale ayaa wuxuu sheegay ineysan jirin dastuur ay jabiyeen, hase yeeshee haddii ay arkaan wax lid ku ah umadda soo dooratey in ay ka hortagayaan, sidoo kalana wax waliba oo iyaga lagu soo eedeeyeyna loo baahan yahay in lagu soo cadeeyo.

Xisbiga ODM ayaa waxaa ka dhex taagan buuq aad u weyn, kadib markii xubnihii ururka is badal dhanka fikirka ah uu ku yimid, taasoo wiiqdey midnimada ururka, keenteyna in la bilaabo in xubnaha qaar ururka laga eryo.

Qaar kamid ah xildhibaanada xisbiga ODM oo laga saaray xisbiga.

Laba xildhibaan ayaa lagu wadaa dhawaan iney waayaan kuraastooda, kadib markii xisbiga ODM ay ku dhawaaqeen in xisbiga ay ka ceyriyeen.

Xisbiga ayaa warqad u qorey diiwaan geliyaha xisbiyada siyaasadda, iyagoo warqadooda ku sheegay in wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha ahna xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dujis Aadan Barre Ducaale iyo xildhibaanka Jabalungu Issack Ruto xisbiga ODM laga saarey.

Xisbiga ODM ayaa hadda waxey ka doonayaan diiwaan geliyaha xisbiyadda siyaasadda inuu talaabadani ogeysiiyo afhayeenka baarlamaanka.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga ODM Joseph Nkisaari, ayaa waxa uu sheegay in labadani xubnood ay si cad uggu ololeynayeen dhisidda xisbi siyaasadeed kale, oo lagu magacaabo United Democratic Movement.

Labadan xubnood ayaa sidoo kale lagu eedeeyey iney u ololeeyeen musharaxiinta UDM iyo xisbiyo kale oo siyaasadeed dhawaan doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dalka ka dhacey.

Mr Nkisaari ayaa sidoo klae sheegay in Issack Ruto iyo Aadan Barre Ducaale ay si cad u sheegeen ineysan taageer saneyn nidaamka xisbiga ODM, isla markaana aysan u ololeyn doonin doorashooyinka uu ka qeyb qaadanayo xisbiga ODM ee sanadka soo socda dhici doona.

Sida ku cad sharciga xisbiyada siyaasadda qodobka 3-aad qofka waxaa lagu garan karaa in xisbigiisa siyaasada uu isaga baxey kaqeyb qaadashada ama xisbi siyaasadeed kale, ku biirista dhisidda xisbi siyaasadeed kale amaba inuu si cad uggu ololeeyo aasaasidda xisbi siyaasadeed oo aan kiisa aheyn.

Wabilaahi Towfiiq

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
Star FM. Nairobi, Kenya.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya u Fadhiya Magaaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo ka warbixiyey Xaalada Soomaalida Qaxootiga ah ee ku jira Xeryaha Dalka Kenya.

Shirjaraaid oo uu maanta ku qabtay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Mudane Maxamed Cali Nuur oo isaga ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa waxa uu shirkiisa kaga warbixiyey xaalada nolaeed ee ay ku sugan yihiin qaxootiga soomaalida ee ku sugan xeryaha qaxootiga sida Kaakuma Dhagaxley iyo weliba xeryaha kale ee dalka Kenya kuwaasi oo ay ku jiraan soomaali faro badan oo iyaga ka soo qaxay dagaalada aan kala harka lahayn ee ka soconaya dalka Soomaaliya.

Ambasador Maxamed Cali Nuur wuxuu sheegay in ay haatan fiican tahay nolasha qaxootiga soomaaliyeed ee ku jira xeryaha waaweyn ee dalka Kenya isagooona xusay in uu kormeer ku tagay bilowgii sanadka wuxuuna sheegay in uu si weyn uga warhayo dadka soomaalida ee ku jira xeryahaasi Safiirka ayaa waxa uu tibaaxay in uu xiriir weyn la leeyahay hay,adda Qaxootiga ee UNHCR.

Sidoo kale Safiirka mar ay warbaahintu wax ka weeydiisay hanjabadii dhawaan ka soo yeertay urur diimeedka al shabaab ee ku wajahnayd in ay weeraro ka geysan doonaan dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in uu hadalkaasi yahay mid aan waxba ka jirin islamar ahaantaasna waxa uu tibaaxay in dawladda Kenya isagoona xusay in dawlada Kenya ay xuduudka ay la leedahay soomaaliya ay adkayn doonto.

Safiirka oo hadalka si aad ah ugu dheeraaday ayaa gabogabadii hadalkiisa waxa uu shegay in haatan hawlaha safaaradda ay si weyn u socdaan islamarkaasina ay ku guulaysteen soo celintii dhulkii Safaaradda Soomaalida ee Dalka Kenya dadaal dheer kadib taasi oo uu ku asteeyey guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

 

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com Nairobi Kenya.

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.