Home » Warar »

Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo oo ka hor yimid Go’aankii Shariif uu Baarlamaanka dib uga celiyey warqadii xilli kororsiga…

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Farmaajo ayaa lagu xusay in ay haboon tahay in hay’ad walba oo ka tirsan DFKMG ay ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii madaxweynaha DFKMG uu baarlamaanka dib ugu celiyey go’aankii xilli kororsiga, taas oo islamarkiiba Shariif Xasan guddoomiyaha baarlamaanku uu warqadda Sheikh Shariif dib isaguna ugu celiyey. Kaddib waxaa shiray golaha wasiirada oo soo saaray warsaxaafadeedka hoose:

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka KMG Cabdikariin Xasan Jaamac oo akhrinayey warsaxaafadeedka ayaa yiri:

“Sida ku cad qoraalkii Madaxweynahu ku soo celiyey go’aankii baarlamaanka ee ku aaddanaa qorshaha kala guurka, soo diyaarinta qorshaha siyaasadeed ee marxallada kala guurka waxaa dastuuriyan masuuliyadda iska leh xukuumadda. Sidaas darteed waxaa haboon in hayad waliba ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah ixtiraamtana shuruucda dalka.”

Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka ama hoos ka akhri

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/wasiiro_26feb.MP3]

Wasiirka warfaafinta oo akhrinaya warsaxaafadeedka

Warsaxaafadeed shirka Golaha Wasiirada

26.02.2011

  1. Golaha Wasiirradu waxay ka baarandegeen sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah.
  2. Waxayna la tashiyo balaaran la sameeyeen hey’adaha kala duwan ee dawladda, qaybaha bulshada iyo beesha caalamka.
  3. Xukuumadda waxay ku jirtaa boqolkii maalmood ee ugu horeeyey mudadeeda waxaana heer gabogabo ah u maraya wada tashiyadii iyo diyaarintii qorshaha hawleed ee ku aaddan xilliga kala guurka oo faahfaahsan.
  4. Iyadoo lagu dhaqmayo Axdig Qarnka iyo shuruucda kale ee dalka, heyad waliba oo dawladda ka mid ahina ay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah, Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen:
    1. In hay’ad waliba ku ekaato waajibaadkeeda shaqo ee ku cad axdiga iyo shuruucda kale ee dalka.
    2. In jaangoynta iyo fulinta siyaasadeed iyo maamulka dalka ay u xilsaarantahay hay’adda fulinta oo ah xukuumadda FKMG sida ku cad Axdiga iyo shuruucda kale ee dalka.
  5. Sida ku cad qoraalkii Madaxweynahu ku soo celiyey go’aankii baarlamaanka ee ku aaddanaa qorshaha kala guurka, soo diyaarinta qorshaha siyaasadeed ee marxallada kala guurka waxaa dastuuriyan masuuliyadda iska leh xukuumadda. Sidaas darteed waxaa haboon in hayad waliba ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah ixtiraamtana shuruucda dalka.
  6. Xukuumadda DFKM waxay ugu baaqayasa Xildhibaannada Baarlamaanka in ay ka qayb qaataan dedaaladda nabad soo celinta ee dalka ka socda.
  7. Sidoo kale, dhamaan bulshada Soomaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay si hagar la’aana u taageeraan dadaalka nabad soo celinta.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

###

AKHRI: Shariif oo Warqaddii Diidmada Xilli kororsiga Dib ugu Celiyey Shariif

  • 30 Jan 2011: IGAD oo soo jeedisey in waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka DFKMG
  • 3 Feb 2011: Baarlamaanka DFKMG oo waqtigii ku darsaday 3 sano
  • 3 Feb 2011: Beesha Caalamka oo ka hor timid waqti kororsiga Baarlamaanka DFKMG
  • 8 Febraayo 2011: Golaha Wasiirada oo soo dhaweeyey go’aanka baarlamaanka ee xilli korosiga
  • 13 Feb 2011: Mahiga oo safar degdeg ah ku tegey Muqdisho
  • 14 Feb 2011: Sheikh Shariif oo dalbaday in waqtiga loo kordhiyo Xukuumadda
  • 17 Febraayo 2011: Farmaajo oo warqad taageero xilli kororsiga u diray Shariif Xasan
  • 23 Feb 2011: Sheikh Shariif oo Baarlamaanka dib ugu celiyey waqti kororsigii
  • 25 Feb 2011: Shariif Xasan oo isaguna warqadii dib ugu celiyey Sheikh Shariif
  • 25 Feb 2011: Sheikh Shariif oo jawaabey Sheegayna in uu warqadda u diray Baarlamaanka oo uu weli ka sugayo Jawaabta
  • 26 Febraayo 2011: Golaha Wasiirada DFKMG oo ka hor yimid Go’aankii Shariif uu Baarlamaanka dib ugu celiyey warqadii xilli kororsiga…

Faahfaahinta qodobadaas ka akhri halkan


Waxyaabihii looga hadlay shirkii golaha wasiirada (24 Feb 2011)

War Saxaafadeed 016/2011

Shirka Golaha Wasiirada

(Mogadishu-February 24, 2011)-Waxaa shir isugu yimid golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Kulankani waxaa looga hadlay xaaladda Amniga ee dalka taasoo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi uu sheegay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Shacabiga qeybihiisa kala kala duwan iyo ciidanka Nabad illaalinta ee AMISOM ay horumar ka sameeyeen aagag dagaal oo caddowga Nabad-diidka ah horay ugu sugnaayeen

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Fiqi ayaa isna faah faahin dheeraad ah ka siiyay golaha Wasiirada heerka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxdaasi Nabadiidka ah ee (Al shabaab) isagoo sheegay kadib markii ciidamada Niyadooda sare u kacday oo ay heleen taakuleyntii ciidan dagaal ku jira lagama maarmaanka u ahaa sida, Caafimaadka iyo Saadka taasoo uu sheegay in aysan horay u heli jirin ciidamadu.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada ka soconaya qaar ka mid ah gobolada dalka isagoo sheegay in dagaaladaasi ay heer wanaagsan marayaan niyad jab weyna ku riday caddowga Qaranka “Waxaan golaha u cadeynayaa in dagaaladaasi sida ay u bilowdeen ay u socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo caddowga, mana dhici doonto qaladaadkii horay u dhici jiray ee halkii la qabsadoba dib looga soo noqon jiray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga.

Guddoomiyaha shirka Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu golaha u sheegay in dagaalada ka dhacaya nawaaxiga  Degmada Buuhoodle ay ayaandarro tahay inay weli sii socdaan iyadoo dadka ku nool halkaasi hub culus loo adeegsaday. Gabogabadiina waxaa la isla gartay baaq ku aadan dagaalada Kalshaale kana kooban qodobada hoos ku xusan.

1.      Waxaan tacsi u direynaa dhamaan dadkii ay eheladoodu ku dhinteen dagaalladii ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay degaanka Kalshaale iyo nawaaxiga Buuhoodle, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

2.      Waxaan ugu baaqeynaa beelaha degaanadaas deriska la ah ee wax badani ka dhaxeeyaan in ay nabadda doortaan.

3.      Waxaan aad uga xunahay  in mas’uuliyiinta Maamul Goboleed-yadu ay dagaal ugu baaqaan dadkooda meeshii ay nabadda ka shaqeyn lahaayeen; waxaana ugu yeereynaa in ay mawqifkaas ka joogaan maadaama aan dagaal khashaaro mooyee wax faa’iido ah uusan keeneyn, xasuuqana laga joojiyo dadka shacabka ah ee degaanadaas oo loo noxo shacabka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

4.      Sida ku cad axdiga KMG ah, in degaan uu ka mid noqdo Maamul Goboleed waxay ku iman kartaa oo kaliya in dadka degaanku si ikhtiyaarkooda ah ay ku doortaan ee aan marna lagu dhaqan gelin Karin awood Millateri.

5.      Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka gaar ahaan dowladdaha waaweyn ee faraha kula jira arrimaha degaannadaas in ay Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku kaalmeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo Midnimada Soomaaliyeed, basle aysan dawr ka qaaddan sidii dagaalladu u faafi lahaayeen ama dalku u kala go’I lahaa.

6.      Waxaa kaloo intaa dheer inay biyo kama dhibcaan tahay in Madaxbanaanidda iyo Midnimada dalka Soomaaliya aysan aheyn mid gorgortan geli karta cidna lagama yeelayo in ay meel kaga dhacdo.

7.      Waxaan ugu baaqeynaa odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha degaannadaas in ay nabadda ka shaqeeyaan oo sida ugu dhakhso badan uga howlgalaan sidii lagu joojin lahaa dhiigbaxa; Xukuumadda Dowladda Federaalkuna waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda sidii naabd waarta loogu soo dabaali lahaa degaanadaas.

Isha: Ministry of Information (TFG)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.