Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo dib ugu celiyey go’aankii Baarlamaanka ee xil kordhisashada ahaa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa waxa daboolka ka qaaday in uu dib ugu celiyey baarlamaanka Soomaaliya go’aankii ay gaareen ee ku aadanaa in mudo saddex sano ah ku darsadeen mudadoodii kaas oo bilaabanaya 22-ka Bisha Agoosto ee sanadkaan, waxa uuna madaxweyne Shariif go’aankaasi ku tilmaamay mid aan laga wada tashan oo uu dhinac gaar ah uu gaaray.

Sheikh Shariif oo ka hadlay go’aanka uu baarlamaanka ku celiyey iyo dagaalada ka dhacay Soomaaliya:

Ka Dhegeyso Halkan

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/goaan_cilin_shariif.mp3]

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid lagu deg degay isla markaana loo baahnaa in si wadajir ah looga tashado, hase yeeshee xildhibaanada ayaa todobaadkaan waxay sheegeen in Baarlamaanka la dhaarin doono 21-ka bisha Agoosto, wixii xiligaa ka dambeeyana waxay sheegeen in ay bilaaban doonto xiligii mudada 3 sano ahayd ee ay kordhisteen.

Go’aanka uu gaaray baarlamaanka ayaa waxaa si aad ah uga hor yimid beesha caalamka oo ay ka mid ahaayeen Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo wadamo kale, kuwaas oo ku tilmaamay go’aankaasi mid lagu deg degay oo aan ku habooneyn xiligaan, hase yeeshee wakiilka Qaramada Midoobey Mahiga ayaa isagu cambaareeyey go’aankaas ay qaateen baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu aad u daneynayey in mudo 2 sano ah loogu daro Madaxweyne Shariif xilkiisda.

Go’aanka madaxweynaha DFKMG Shariif ka soo baxay maanta ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay weli dagaalo ka socdaan Magaalada Muqdisho, iyadoo ay 5 maalmood ka harsan tahay xiligii boqolka maamlood ee uu qabsaday Ra’isul Wasaaraha DFKMG Maxamed C/llaahi Farmaajo, sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ayaan wax war ah ka soo saarin go’aanka Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu baarlmaanka dib ugu celiyey, waxaana laga yabaa in haddii madaxweynaha go’aankiisa laga dhego adeego in khilaafka kale soo kala dhex galo madaxda dowladda gaar ahaan labada shariif

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

3dii Febraayo ayey ahayd markii Baarlamaanka DFKMG oo muddo saddex sano ah ku darsaday waqtigiisii AKHRI

14kii Febraayo ayey ahayd markii Sheikh Shariif uu sheegay in uu doonayo xukuumaddiisa in loo kordhiyo Waqtiga, isagoo markaas shir jaraa’id ka akhriyey warqadda hoose.

Warqaddii uu Feb 14, 2011 akhriyey Shiekh Shariif halkan ka eeg RIIX/GUJI HALKAN

Dhegeyso Sheikh Shariif oo akhrinaya Warqadda Warsaxaafadeedka

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.