Home » Warar »

Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Federaalka oo daboolka ka qaadey in Wasaaradiisu wado Qorshayaal ay Haweenka uga mid Noqonyaa Garsoorka Maxkamadaha

Wasiirka Garsoorka Cabdulaahi Abyan Nuur oo ka hadlayey Munaasabad ay sameysteen Haweenka ku jira Baarlamaanka ayaa sheegey in Xaquuqo fara badan laga duudsiiyey Haweenka Soomaaliyeed  isagoo sidoo kale  sheegey in Xaquuqo Farabadan oo ay ku lahaayeen Dastuurka la hareer mariyey  wuxuuna sheegey  in Wasaaradiisa ay waddo Qorshayaal Mustaqbalka Dhow ay Haweenka uga mid noqonayaan Garsoorka isago sheegey in ay tababari siin doonaan Haweenka si ay u muuqato kaalintii Garsoorka  taasoo uu sheegey in ay Haweenka Soomaaliyeed ay Muhiim u tahay iyo weliba Fursad Khaali ah

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye  oo ka hadashey Kulankaas ayaa tibaaxdey in Haweenka Soomaaliyeed Xaquuqdoodii ay ku lahaayeenk Dowladda la Duudsiiyey ama la hareer mariyey  waxayna sheegtey in Boqolkiiba laba iyo Tabon ay ku lahaayeen Baarlamaanka aanan la siinin iyadoo sheegtey in ay heleen kala bar Xaquuqdaas waxayna ka codsatey Dowladda Fedraraalka in Xisaabtii ay ku lahaayeen Baarlamaanka la siiyo

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaba in Xaquuqda Haweenka ay ku dhan tahay diinta Islaamka iyagoo sheegey in Ilaah uu dhameysirey  Xaquuqda Haweenka Muslimaadka  waxayna u soo jeediyeen Haweenka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan kuwa doonaya in ay ka leexiyaan Dariiqii Rabi u jideeyey iyagoo sheegey Shirar  ay qabtaan kuwa ku qaraabta Magaca  Hayadaha in aysan marna u soo celin doonin Haweenka Xaquuqdoodii sidoo kale waxay sheegeen in Haween ay ka mid noqdaan Garsoorka  ay tahay  mid la doonayo in lagu raaligelyo Dowlado Shisheeye

Dowladda Ingriiska oo ka mid ah Dowladaha ugu waaweyn Yurub ayaa waxay Wadaa Qorshayaal ay ku dooneyso in Haweenka ay joogaan Guryahooda sida ay qabto diinta Islaamka ka dib markii Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Ingiriiska ay sheegeen in Dayac weyn uu ku yimid Xanaanadii Caruurta Qoysaskii Dalka Ingiriiska maadaama Labadii Waallid  ee ka qayb qaadan lahaa toosinta Ubadka ay ka tagaan Guryahooda  dib ugu soo laabtaan waqti dheer ka dib waxaana la sheegey in arrintaan  in  Haweenka  ay joogaan Guryahooda waa mid  si aad ugu soo Xoogeysanaya Dalka Ingiriiska waxaana socda doodo ku saabsan in Haweenka Joogaan Guryahooda ka dib markii Caruur fara badan ay noqdeen in ay ka Saaqidaan Waxbarashadoodii Islamarkaana ka mid noqdey kuwa  Meereeysta  DarIiqyada waaweyn ee Dalka Ingiriiska

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Federaalka oo daboolka ka qaadey in Wasaaradiisu wado Qorshayaal ay Haweenka uga mid Noqonyaa Garsoorka Maxkamadaha "

  1. marka hore waad salaamantihiin.
    waxan halkan idinku cadeynayaa in ay qalad tahay haweenka in ay guriga joogaan hadii aysan dhabta ku heynin cunug yar oo aan gaarin xanaano sababtana waxay tahay hooyadu haddii ay aado shaqo ama wax barasho in ay hormuud utahay caruurteeda haddiise ay fadhido aysan ukeeneyn wax faa’iido ah sababtoo ah ilmaha markey hooyadood soo shaqeyneyso ayaga bey usoo shaqeynee haddii ay wax baraneysana ayaga bey ubaranee waayoo ilmaha haddii cashar losoo dhigo waxay rabaan in loo aqriyo in looga shaqeeyo layliyada in laga caawiyo dhinacwalbo marka masuurta galeyso in ay fadhido hooyada guriga ee waa in ay waqti baxdaa.
    mida labaadwaxan uga hadlaayaa haweenka baarlamanka ku jiro ee xaquuqdoodii loo dhameystirin in ay tahay qalad weyn oo wax udhimikara nabad raadinta wadanka wadanku waxa uu ka dhaxeeyaa habeen iyo rag haddii aan leesku shaandheyn shaqadooduna wax hagaagi karo maleh waayoo meel ay naagika maqan tahayba waa mugdi marka waxan oran lahaa dowlada somaliyeed waxa idinka maqani waa haweenkii aad gaasirteen ee siiya xaquuqdooda haweenka haddii aad dooneysaan in aad wadan dhistaan ka dhiga haweenka kuwo wadanka wax kusoo dabaali kara ee sidaa oo kale ha uliidina waxaad kaligiin qaban kartiin malahane somalia waa jaahil baa la leeyahay maxay ku noqotay? waa howshiinii aan haweenba ku jirin intaas ayaa noo keentay jaahil nimada ee ha la isku simo haweenka iyo raga wax walbaa hagaagi doonee.