Home » Warar »

Sheikh Shariif oo sheegay in uu doonayo xukuumaddiisa in loo kordhiyo Waqtiga

Warsaxaafadeed uu akhriyey Madaxweynaha xukuumadda FKMG ayaa si cad shaaca uga qaaday in Dawladda Federaalka kumeelgaarka ay doonayso in waqtiga loo kordhiyo…

Dhegeyso Sheikh Shariif oo akhrinaya Warqadda Warsaxaafadeedka

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kororsi_dalbasho.mp3]

Warqaddii uu akhriyey Shiekh Shariif halkan ka eeg RIIX/GUJI HALKAN

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saarey War Saxaafadeed ku aadan Xaaladda Dalka uu marayo wuxuuna Madaxweynaha DFKMG  Warsaxaafadeedkiisaas  uu Nuxurkiisa uu ahaa in Mowqif Mideysan ay ka yeeshaan Masuulyiinta Sare ee Dowladda FKMG Waqtiga Kala Guurka, waxaa kaloo ka mid ahaa Waxyaabhii ku qornaa Warsaxaafadeedkaas in laga maarmaan tahay in la helo xilli Cusub oo si wanaagsan loogu dhameystiro Howlaha Qabyadaha ee Horyaala Dowladda Federaalka, waxaa kalo ku qornaa Warsaxaafadeedkaas in ay Muhiim tahay in Fursad la siiyo Dowladda Cusub iyo Hayadaheeda Dastuurigga ah waxaana ka muuqda Warsaxaafadeedkaan uu soo saarey Madaxweynaha DFKMG  in Masuuliyiinta Dowlada ay doonayaan in ay kororsadaan Waqtiga maadaama Baarlamaanka soomaaliya uu ku darsadey Muddo Saddex Sanno ah.

Intii uusan Soo baxin Warsaxaafadeedkaas ayaa warar aan ka helney Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay noo sheegeen  in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu warqad u qorey Gudoonkaa Sare ee Baarlamaanka waxayna warqadaas ku saabsaneyd in Madaxweynaha uu ka dalbadey Golaha Baarlamaanka in Muddo Laba sanno ah loogu darro Muddada xilka ay haynayaan Masuuliyiinta sare ee Dowlada Federaalka ka dib markii ay sheegeen in  ay dowladda Federaalka ay dooneyso in ay dhameystirto Howlahii laga sugayey oo la xiriira Nabad ku soo dabaalida Dalka.

Warqadda uu Madaxweynaha DFKMG u soo qorey Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegey in  (15-ka Feberaayo) Xubnaha Baarlamaanka ay ka doodi doonaan waxayna wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in Madaxweynaha DFKMG uu ka soo qaygalo kulanka Baarlaamaanka.

Madaxweynaha DFKMG ayaa la sheegey in uu damacsanaa in Muddada Saddexda Sanno ah ee ay kordhisteen Baarlamaanka mid la mid ah  uu doonayay hase yeeshee Talooyin ka yimd Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramey in  Shiilkh Shariif uu u Hogaansamey oo ah in Dowladda Federaalka loogu kordhiyo Muddo Laba Sanno ah.

Labada Sanno ee la doonayo in Shiiklh Shariif loogu darro ayaa waxaa la sheegey in ay ka  bilaabaneyso Wixii ka dambeeye Bisha Agoosto  oo ahayd xiliigii uu Baarlamaanka uu ku ekaa balse waxaa ka soo hormarey in  3 Bishaan kulan ay isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaana ay ku kordhisadeen Muddo Saddex Sanno ah  waxaana arrintaa ka qayliyey Beesha Caalamka  oo sheegey in arrintaan lagu deg degey.

Madaxweynaha DFKMG Shiish Shariif oo maalmihii la soo dhaafey wadey kulamo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Masuuliyiinta Dowladda FKMG waxayna kulamadaas la sheegey in ay ahaayeen kuwa uu Madxweynaha uu ku doonayey sidii taageero uu ugu heli lahaa xili kordhin   ayaa waxaa uu shalay qaddo Sharaf u sameeyey Golaha Wasiirada  oo ay kaga arrinsanayeen sidii ay Mowqif Mideysan uga yeelan lahaayeen Waqtiga Kala guur Guurka,  sidoo kale  Shiikh Shariif ayaa shalay qaabiley Odyaal oo uu ka dhex muuqdey Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye, waxaana la sheegey in kulankooda la iskula soo qaadey sidii beelaha Hawiye ay taageero ugu muujin lahaayeen Dowladda Federaalka si ay u dhamystirto Howlaheeda oo ay ugu horeyso soo celinta amniga  hase yeeshee Nabadoon Axmed Diiriye oo la sheegey in taageero u hayo Madaxweynaah DFKMG Shiikh Shariif isago dhawaan aad u dhaliiley markii Baarlamaanka soomaaliya ay ku darsadeen Muddo Saddex Sanno ah ayaa waxaa lagu waramey in Odayaasha Beelaha Hawiye ay aad u daneynayaan in Mudddo kordhin loo sameeye Masuuliyiinta Sare Dowladda ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif.

Wakiil Qaramada Midoobey  Soomaaliya Mahiga oo doraad soo gaarey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadaladiisa laga dhandhasanayey in uu doonayo Madaxda Sarre Dowladda loogu kordhiyo Mudda kordhin  hase yeeshee Shacabka somaaliyeed ayaa aad u diidan mudda Kordhinta Baarlamaanka iyo Masuuliyiinta Sare e Dowladda iyagoo sheegey in Mudadii ay joogeen ay dalka u horseedeen Dagaalo iyo Barakac aad u balaaran waxayna Mudda kordhintaan ay ku soo beegan xilli dalka qaybo Badan ay ka jiraan Abaaro aad u daran kuwaas oo lagu waramey in ay galaafteen Dad iyo Duunyo.

Warqaddii uu akhriyey Shiekh Shariif halkan ka eeg RIIX/GUJI HALKAN

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sheikh Shariif oo sheegay in uu doonayo xukuumaddiisa in loo kordhiyo Waqtiga "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Baahida loo seeto dheeraynhayo golayaasha hummaagga ay sameysteen ayna biilaan ilaaliyaan gumeysiga cusub waa un meelmarinta ujeeddada istraatejiyadaha siyaasadda, dhaqaalaha, hab dhaqandhaqaale(demoquraadi), ciidan. caqiiddo diimeed ay lahaayeen ayna u fulinyaan kuwa ay adeegsadaan sida shaqsi, urur kala heer ah. Qorshaha in toos loo tirtiro qaranimada Soomaaliyeed ayaaba ku siman wax ka yar saddex sano Alle ma idmee qof walow dhadhami dulucda xeeladaha iyo xad gudubyada dalka iyo dadkeenna lagu hayo.. Ogaada diinteenna tijaabo hore ayeey uga baxday.. kuwa xisaabta ku foorarta diiwaan baa qori nafta, maalka iyo xuduudahayaga Soomaliyeed riqiis ma ahan .. Wallaahi ifkaa lagu xisaabtami aakhiro Allaheeda ayeey u taal. ama diinta hakugu daba rognaato jihaad aan jirin nagu haliga ama Xabashi wehel u noqo ama mushaar tuugsada iyo shisheeye cududiisa ama Soomaali ahow ama ajanebi waa lays xisaabin doonaa insha Allah.