Home » Maqaallo »

War Saxafadeed: Khayaano Qaran;Shirkii Adis-Ababa, Itoobiya by Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S)

Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu dadweynaha Soomaliyeed meel iyo waa aad joogaanba. Waxaa mahad oo dhan idilkeed iska leh ALLE subxana watacala. hadaba, walaalayaal waxaa sharaf u ah in Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) uu idiin soo gudbiyo amaba idinla socodsiino in Kooxdii Imbagheti iyo garabka lagu magacaabo Mucaaradka Djibouti ay ku fashilmeen waxii ay ugu magacdareen dowladwadaaga loo wada dhan yahay.

Waxaana ay ku kaceen talaabo khiyaano qaran, la yaabna ma lahan oo ayada oo dhan ayaa aheyd sun ay dowlado shisheeye soo qoosheen si ay uga taqlusaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin talo ALLE subxana watacalaa ayaa i nooga filan hadaan ALLE subxana watacala aan u toobadkeeno,isla markaasna aan ALLE subaxana watacala talo saarano anagoo ku mideysan kuligeen Jiritaanka Jamhuuriyada Soomaliya waxa loogu magacdaray gobolo goboleysigana aan iska diidno waayo cadowga soo jireenka ahaa amaba kuwa lagu sheegayo Hayadaha deeqda bixiya waa meelaha ay ku soo gabadaan si ay ajendahooda foosha xun u fushadaan. waxaan shaki ku jirin in aan ka dignay khayanada qaran ee lagu soo maleegay gobolka jabuuti bishii janawari 28kii 2009 maanta waxaan heynaa mirihii ay dhashay. Alle ayaa mahad iska leh waayo Soomaliya arimaheeda waxaa leh Soomali ee ma lahan dowladaha dariska nala ah iyo kuwa lagu geeshay beesha caalamka oo iyagu maanta ku maalgelinaya afrikada madoow in ay iyadu is gumeysato ayadoo fulineysa ajendaha waxa lagu magacaabo beesha caalamka, waayo waxaa bilowday qaranigan aan ku jirno gumeysiga dadban ee midabyada kala duwan leh isla markaasna fulinaya gumeystayaashii hore ajendahooda dadban.
Haa waxaa la yaab leh, in uu Mowaadiniinta Soomaaliyeed ka sugaan nabadgelyo, midnimo iyo horumar iyo hanaan dowladeed ay garwadeen ka yihiin Dowlado shisheeye iyo hayado caalami ah oo sida la wada ogsoonyahay na kala qeyb qeybinayey,ayagoo ka faa’iideysnaya garaadlawayaal midabka Soomali ka ah oo waxa wada ay tahay hunguri shaqsiyadeed,asagoo aanan marnaba ku fakireyn dan guud isla marklaasna ku owr kacsanaya Qabyaalad iyo wax ka fool xun oo ALLE subxana watacala ka raali aheyn. Alle subxana watacala ayaan ka magangalnay ee.

Hadaba, walaalayaal qofkii si hoose u daalacda ujeedooyinkii laga leeyahay iyo habsami u socodka shirkii Djibouti ee dhowrka bilood ka socday Gobolka Jabuuti, wuxuu dareemaya in qaban-qaabiyaasha shirka, horaantiiba aysanba qorshaha ugu jirin dib u heshiisiin buuxda iyo dowlad tayo leh ee u dhalata Jamhuuriyada Soomaaliya. Arrintaan waxaa ka run sheegay waa marka hore ee in Hayada Qaramada Midoobey ay qandaraas kula gashay Gudoomiyaha Gobolka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele in loogu gogol xaaro Jabuuti,lacag xoog lehna lagu cuno arinta loogu magac daray dib u dhiska dowladwadaag Dowlada (kmg) iyo Mucaaradka garabka Jabuuti taas oo ah mid riyo ah laguna tuntay Axdi beenaadkii lagu soo dhisay Kenya oo aynu kawada dharagsanahay kharashka ku baxay iyo in waliba Kenya Soomali oo dhan ay u noqotay Makka marka loo socdo Soomaliya amaba ayba tahay dhamaan kuwa dabka ka wada Soomaliya meesha ay ku nastaan una soo qaxiyeen dhamaan Umadii Soomaliyeed,walina lama isweydiin kuwa dabka nagu shidaya ee nala heybta ah in aan iska qabano kuna noqono Guryahayagii iyo ciidii udgooneyd ee Soomaliya. waxaa hore loo yiri “Haybad waxaa ku leedahay dhulkaaga hooyo, waa lama huraane hagarli’e wax ugu qabo waa lama huraane hagarli’e wax ugu qabo.”

Hadaba, akhristow hadii ALLE subxana watacala caqli fiican oo aad ku kala garato maalinta iyo habeenka amaba xumaanta iyo samaanta lagugu hibeeyey, waxaad ogaataan ummad walba waxaa ay leedahay tariikh iyo dhaqan soo jireen ah oo ka hadlaya dhacdooyinkeedii iyo heerarkii ay soo martay waayihii tegey. Waxaana ay taariikhdaasi dadka badankooda u noqotaa faan iyo in ay ka sheekeeyaan, kuwa kalena waxaa ay ka dhigtaan sheeko xariir iyo maaweelo waqtiga la isku dhaafiyo oo aan qiimo sidaas ah ku fadhiyin, hadaba walaalayaal ummada inteeda wanaagsani waxaa ay ka faa’iideystaan khibrad iyo cibar, waxaana ay ka yeeshan waano iyo tusaale ay raad raacaan, waxaana ay ummadaas fiicani sameeyaan hadii ay taariikhdu xumeyd waa ay iska ilaaliyaan in ay mar labaad ku soo laabato, hadiise ay fiicneyd waa ay ku daydaan oo tusaale ayey u noqota sida halgankii Halyeygii “Sayid Mahamed Abdulle Hssan, Axmed Guray, Xaawo Taako, Dhagaxtuur iyo kii u dambeeyey SYL ee xornimo doonka Bahweynta Soomaliyeed ahaa

Hadaba, walaalayaal waxaa nasiib daro ah iyo qayaano qaran in uu shirka Jabuuti ee loogu magacdaray dowladwadaag midnimo qaran in ay gabigeedaba ay guuldaraysatay,waayo talada waxaa leh Soomaliya iyo Soomali ee ma lahan dowlado shisheeye sida “IGAD,Beesha Caalamka iyo Hayadaha Caalamiga ah.” Waxayna talada waafiga ah ay aheyd in Soomaliya iyo Soomali hadii ay la daneynayo Soomaliya loo daayo talada waxii beenta ahaa ee ay hore u soo dhiseen laga tanasulo, isla markaana Soomaliya gudaheeda ay ku qabtaan shir ay ugu gogol xaarayaan dowladwadaag midnimo qaran oo xalaal ah kuna dhisan maskaxda Ummada Soomaliyeed ee loo wada dhan yahay,ayna ku maalgeliyaan ee ma’ahan in ay hadana qandaraas hor leh dibada loo iibgeeyo leynta iyo xasuuqa Umadda Soomaliyeed, waxayna taas ka digaysa sharci daro wax alaale wixi ka soo baxay shirkii Adis-Ababa, itoobiya ee AU, IGAD iyo Beesha Caalamka taas oo loogu kordhinayo baarlamanka aan u daneyn danta dalka, dadka, diinta iyo duunyada waayo waxaa ay qabtaan qaylo aan wax qabad laheyn, yacni halku dhigooda waa ku durbaanka oo ka dhaqaaq. hadaba, hadaan nahay Xisbiga Shacabka Soomaliyeed waxaan cadeyneynaa in hayadahaan kmg ee lagu soo dhisay gobolka jabuuti ay ahaayeen khayaano qaran hadana shirkii ka dhacay Adis-Ababa uu yahay Khayaano qaran hadaan laga gaashamaana ay noo horseedi doonto dhibaato hor leh qowmiyada Somaaliweyn dhamaantayo.

Hadaba, walaalayaal, dagaal joojin iyo dib u heshiisiin in aysan dhicin way iska cadahay,waxaana taas marag madoonto u ah xasuuqa ka dhacaya Soomaliya maanta oo ay u dambeysay mida Sabtidii ka dhacday Isbitaal Banaadir  ee lagu xasuuqay shacabka Soomaliyeed ku ledeen “INAA LILAAHI WA’INAA ILEYHI RAJUCUUN” ILAAHAY samir iyo iimaan hanaga wada siiyo dadkii iyo eheladii ay dadkaas aan waxba galabsan lagu layey “Amin.” waxaase la yaab leh kuwa xasuuqaas kula kacay waa ciidamo la yiri waxaa ay yihiin ciidanka dowlada oo qaba shaatiga dowladnimada isla markaasna ah qabiil aysana aheyn ciidan qaran sidaas la adligeed sow wax lala yaabo ma’ahan Qaran iyo Qabiill ma wax is qadaan karaa walaalayaal haa adigan wax akhrinaya kaa doonto ahow rag ama dumar?

Waa inaga su’aal ee, walaalayaal, maxaa noo diidaya in aan Arimaha Soomaliya ay xalistaan Soomali oo aan la nimaano caqli waafi ah oo Islaamnimo xambaarsan iyo calool fiyoobi si aan oga badbaadno hagardaamooyinka cadowyada Soomaliya iyo Soomali ee soo jireenka ah.
Akhriste/Akhrisato Hayadahan ku meel gaarka ee lagu magacaabay DKMG ee soomaiyeed laguna soo dhisay Imbagaati,Kenya isla markaasna ay soo xuleyn dowladaha safka hore xaq iyo sharci u ma laha in ay badalaan nidaamka siyaasadeed iyo dhaqan-bulshadeed Jamhuuriyadda Soomaliya oo ay dadweynaha si xor ah ku ansixiyeen aftidii 1961-dii.
Isbadal lagu sameeyo nidaamka dalka, wuxuu ku ansaxi aftida dadweynaha, kaddib markii uu Guddi Qaran ee Dastuuri ah oo madax banaan ka soo uruursho dalka oo dhan aragtidooda, ayadoon lagu xadadin nidaamkan federaalka ah waayo waa burburka Jamhuuriyada Soomaliya iyo dib u sheegasho la’aan sadexda gobol ee naga maqan sida Jabuuti, Dhulka Soomali Galbeed iyo kan Waqooyi Bari.

Hadaa maqashaan walaalayaal goboland  ay ka shanqariyeen labo meel oo Jamhuuriyada Soomaliya ka mid ahba taasi waxay macnaheedu yahay in Jamhuuriyada Soomaliya loo kala googooyo gobolo gobolo taas oo wiiqaysa awooda Jamhuuriyada Soomaliya iyo bulshoweynta Soomaliyeedba.

Waxaan mar labaad  Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S)  si xushmad leh talo ku soo jeedinaya qofkii ay ku danbeyso damiir Islaamnimo iyo mid Soomalinimo ha diido hana radiyo wax xun ay la damacsan yihiin dowladaha shisheeyaha sida AU, IGAD,Deeq Bixiyaasha iyo Hayadahan caalamiga ah ee ka soo saaray bayaanka lagu kordhinayao golaha baarlamaanka ayadoon lala tashan shacabka soomaliyeed meel kasta oo ay kala joogaanba.  Waxaan walaalayaal shaki ku jirin in ay adeegsanayaan kuwo midabka inooga eg kulana luuqad ah isla markaasna laga yaababa in aadba isku abtirsiinyo amaba haybad aadba tihiin. Kuwaasi waxaan leeyahay Shisheeye u adeegow Soomali mar uunbay ILAAHAY idinkiis cagaha dhulka la heli oo ay israaci bal xageed aadi hadaadan hada ka noqon ficilka xun ee aad sida shaqsiga aad ku raadsaneyso ku raadi si xalaal ah aakharo iyo aduuna kuugu fiican.

Walaalayaal, Cadowga Soomaaliyeed wuxuu ku guuleystay in uu ku dhex abuuro bambanooyin dastuuri ah bartamaha nidaamka siyaasadeed ee dalka, si ay Soomaali iskeed gudaha iskaga soo burburiso. Run ahaantiina, nidaamka federaalka ay Hayadaha ku meel gaarka ah ay ku salaysan yihiin waa mid ku dhisan hab beleed aysan Soomaali qaadan karin sida 4.5. Goorma ayey Soomali kala sareysay? Soomali waa Soomali.

Walaalayaal, ujeedada, uu cadowga ka leeyahay iyo khatarta ku jirta nidaamka federaalka hab beleedku waa ayadoo qabiilka iyo qabyaalada la sharciyeeyo lana dowladeeyo, halkaas ooy ku baaba’do sharaftii, midnimadii iyo dareenkii qaranimo, isla markaana, uu dalka beel beel wax walba loo burburiyo,cadowguna ka faa’iideysto is qab qabsigeena dhexdeena ah.

Bombaanooyinka destuuriga ah ee ku dhex duugan Axdiga Ku Meel Gaarka oo loogu tala galay in looga talagalay in lagu burburiyo qaranka Soomaaliyeed kuma eka nidaamka federaalka ah oo kali ah, halkaana laguma soo koobi karo.

Akhriste/akhrisato, Shirqoolada waxaa ka mid ah, qaabka wax qeybsiga beelaha ee (4.5) Cajiib.
Waxaa la yaab leh Soomaali oo dhaqan iyo hido isku mid ah in dhan walba haday noqon laheyd hido iyo dhaqan lagu kala qeybiyey sida afka rasmiga ee dalka oo lagu qeexay Maay iyo Maxaatiri, dib u laabid mabdi’ii qaran ee Soomaaliweyn iyo hoggaanka dalka oo loo afduubay danbiilayaasha dagaalka iyo kuwa ugu aqoon yar dadka Soomaaliyeed kuwa hada la keenayna waa niman ku jira dalxiis oo aanan ka warqabin xaalada dhabta ah ee dalku ku sugan yahay.

Hadaba walaalayaal,Hayadaha ku meel gaarka ah, ayadoon markeedi horeba si sharci aheyn lagu soo dhisay iyo kuwa mucaaradka jabuutiba, ayey maantana, ku dhaqaaqeen khiyaano qaran marka yeysan filan kalsoonida, daacada iyo taageerada dadweynaha Soomaaliyeed. Soomaali oo dhan waxaa horyaala khatartatan oo dibadda si xoogan looga soo abaabulay oo ay gacmo sokeeye fulinaayaan. Muwaadin kasta waxaa waajib qaran ku ah in uu ka hortago sharci daradaan iyo shirqoolkaan oo khatar galinaaya madaxbanaanida, midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo ku dhisan hal dad, hal luuqad, hal hide dhaqan oo hoos yimaada halka calan balluga ah ee xidigta shanta gees ah.

Hadaba, Maxaa La Gudboon Soomaali ?
Xaalada uu dalka ku sugan yahay masuuliyadeeda koowaad waxaa leh Soomaali oo dhan.
Marka hore walaalayaal, waxaa nala gudboon tawbadkeen oo aanu u tawbad keeno Eebbihi na abuurtay. Waa in aan qabyaaladeesiga, kala qeybsanaanta iyo nacaybka ku badalnaa Islaamnimo, Soomaalinimo, midnimo iyo walaaltinimo. Marka xigta, goor ay goor tahay waa in aan baraarugnaa oo fahamnaa baaxadda khatarta aan ku suganahay iyo cadowgeena dibad iyo gudahaba.

Fahamkaas kaddib, waxaan qabaa in uu muwaadin kasta ee Soomaaliyeed gutaa xilka qaran ee saaran kaaso nawada horyaala assagoo cad, cid wax noo xalineysana ma jirto hadaanan anagu isu xilsaaarin sidii aan wax oga qaban laheyn xal u helida dalkeena iyo dadkeena,anagoo hurayna naftayada,xoolahayaga,iyo sharaftayadaba. Marnaba ha sugun in ay cid kale wax kuu xaliso.

Ciidamada AU ee Uganda iyo Burundi iyo kuwa maalgelinayaba dalka Soomaaliyeed ugama baxayaan codsi iyo rajo ee waa in ay Soomali qori caaraddii iskaga xoreysaa oo sharaftii Soomaaliyeed la soo celiyaa. Haa taas waa run waayo waa aragnaa in arimaha soomaliya laga soo fuliyo xarunta AU iyo Kampala, Uganda iyo Bajumbu, Burund. i Hayadaha ku meel gaarka ah iyo kuwa mucaaradka garabka jabuuti iyo kuwa kale ee mucaaradka ee Casmara ku sugan iyo kuwa dalka gudahi waa in aysan la shaqaynin oo ay gacmaha ka laabtaan waxa ka soo baxay Adis-Ababa, Itoobiya, hadii kale,waxaa ay noqonayaan kuwa iibsatay dalka, dadka, diinta iyo duunyadii Soomaaliyeed kuna dhaqaaqay khayaano qaran sida hada cadba waa go’aanada ka soo baxay AU,IGAD, Beesha Caalamka iyo Hayadaha Caalamigaba.

Walaalayaal, Waa waajib muqadas ah qof kasta oo Muslim Soomali ah in la difaaco jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliya loona dhinto sharfta, dalka, diinta, dadka iyo duunyadaba.
Dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo aduunka daafihiisa ka joogaan amaba kuwa dalka gudihiisa joogaba waa in aad ka foojignataan khayaanada qaran ee laga soo xirayo amaba laga soo maleegay Adis-Ababa, Itoobiya..

Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel aad joogaanba iyo waa aad joogtaanba, wuxuu Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) ugu baaqaya, in ay ku midoobaan kuna mideeyaan cududooda ciidaan iyo dhaqaale hal dhaqdhaqaaq qaran oo ah  midnimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

Walaalayaal, Xisbiga Shacabka Soomaliyeed dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed waa mid ka caagan xabada iyo caburinta waana horseedaha tubta nabada iyo sugida jiritaanka Jamhuuriyada Soomaliya waana mid muqadas ah. Halgankan siyaasadeed (X.S.S.) ee ka caagan xabada iyo caburinta wuu socon ilaa la hubiyo si buuxda jiritaanka, madaxbanaanida, midnimada, hidaha iyo dhaqanka qaranka Soomaaliyeed, isla markaasina si ficil leh ayuu u sugi nabadda, cadaaladda, horumarka iyo sharafta dhamaan dadka Soomaaliyeed hadii ALLE subxana watacala idmo.

Mabaadiida iyo Himilooyinka Siyaasadeed amaba aan si kale aan u iraahde ee waa in si buuxda loo sugo jirtaanka,madaxbanaanida,midnimada Jamhuuriyad Soomaliyeed iyo sharfta Umadda Soomaliyeed marnaba waa wax aanan gorgortan geli karin jiritaanka Jamhuuriyad Soomaliyeed dhul, bad, bari iyo hawadaba.

Hadaba, Xisbiga Shacabka Soomaliyeed wuxuu ugu baaqaya Muwaadin kasta in laga rabo in uu is xisaabiyo oo uu isweydiiyo maxaad dalkaaga u qabatay waqtigaan taariikhiiqa ah?
Ugu dambeyn walaalayal, maanta waa maalin kala bax , laba labeyn socon meyso.
Halganku waa mid dheer oo adag laakiinsee guusha dambe  waxaa iska leh Soomaali  hadii ALLE subxana watacala idmo “aamin.”

Waxaan ugu danbeysiinaynaa heesta ah: Sharaf waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, waa lama huraane hagarli’e wax ugu qabo,waa lama huraan’e hagarla’e wax ugu qabo.

Soomaali Ha Noolaato! Hana  is raacdo!
Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaliyeed
Sharmarke Maxamed Xaashi
sgaani@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " War Saxafadeed: Khayaano Qaran;Shirkii Adis-Ababa, Itoobiya by Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) "

  1. Soomaaliya waxaa 95%xoreyay xarakatul mjahidina al shpap xafidahulahu calaykum waxa kaliya ee loogaga baahanyahay shaqsi kasto oo muslim ah soomalina ah inuu qorigiisa soo qaato garab kane ka istaago xarakata ( ala ina nasralahi qariib) hadaad guulaysato waa wax fican hadaad dhimatane waa wax kasii fcn lkn waa la iga guulaystay asaan is dhibay maahan wax aad ku qan ceyso allihii ku abuurayne ku qancaayo allahuman suril mjhidina fsbilika fkuli makan qasatan fsoomaal