Home » Warar »

Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo eedeyn Kulul u jeediyey SKA oo ka mid ah Shirkadaha Ajnabiga ee ku sugan Muqdisho

Waxaa Talaadadii shir Jaraaid ku Qabtay Magaalada Muqdisho Guddi ka tirsan xubnaha baarlamaanka, iyadoo shirkooda jaraa’id ku sheegay in ay kaga soo horjeedaan Shirkadda SKA Air & Logistic ee ka howlgasha garoonka Diyaradaha ee magaalada Muqdisho ayagoo soo saaray warsaxaafadeed ku aadan qaabka ay ku shaqeeyso shirkadasi.

Gudoomiyaha Gudigaasi Xildhibaan Bishaare Cabdi Carabeey, Maxamuud Maxamed Samatar iyo Cali Aadan Cabdulaahi oo ka mid ahaa Xubnihii qabtay shirkaasi Ja-raa-id ayaa waxaa sheegeen in ay shirkaadaani tahay shirkad Ajnabi ah oo hadana si sharci daro ah kaga shaqeysaneyso dalka Soomaaliya, waxeyna sidoo kale sheegeen in ay lunsatay dakhligii ka soo xerooday garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda muqdisho.

Hase yeeshee Masuuliyiin ka tirsan Shirkadda aya hore u beeniyey iyagoo sheegey in aysan cidna hoos tegin ay yihiin Shirkad Madaxbanaa oo dooneysa in ay Maal gashato Garoonka si ay uga dhigto Garoon Caalami ah si ay uga soo degaan Diyaaradaha waa weyn iyadoo markii dhawaan uu Raiisul Wasaaraha uu hortagey Golaha Baarlamaanka uu caddeeyey in in Shirkadda SKA ay heshiis la gashey Dowladii uu hogaaminayey Raiisul Wasaarihii Hore Cumar Cabdi rashiid

W/D Amiin Yuuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Gudigaan ka tirsan Baarlamanka ee qabtay shirkaasi Jaraa-id ayaa waxaa uu u qornaa sidaan

warsaxaafadeedka.

Xildhibaanada oo Dalbaday in  Shirkadda SKA ay shaqada joojiso, iyo in la helo qofkii saxiixay heshiiska  SARACEN.

Dhegeyso Jawaabihii Xildhibaan WAQAA (VOA)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo eedeyn Kulul u jeediyey SKA oo ka mid ah Shirkadaha Ajnabiga ee ku sugan Muqdisho "

  1. abdirisaq says:

    Baarlamaanku ma aha isaga iyo guddiyadiisa kala duwanba kuwo u shaqeeya sida xukuumadda oo kale oo qabta hawlaha maalinlaha ah ee dalka.
    Shaqada baaralamaanku waa check and balance inay ku hayaan hawsha xukuumadda.oo la xisaabtamaan xukuumadda, u yeertaan cidda ay ku hayaan ed cad ama dembi baaris ku sameeyaan meeshi mugdi ka galo ee hawsha xukuumadda ah oo wax ka weydiiyaan hay’adda xukuumadda ee shaqada ku lahayd.

    Tusaale ahaan ha’adaha hadda ay ka hadalayaan xukuumadda waxa ka jira wasaaradda arrimaha gudsaha ,wasaaraadda qorshaynta iyo xirirka caalamiga ah.
    waxaa habboon in ay kala xisaabtamaan hayadahaas iyo ciddi kale ee hawlahooda faraha la gashay ee shaqadoodi qabateyba ayaga oo kaashanaya qubaro garyaqaanno ah.
    Guddi hoosaad baaralamaan xaq uma laha hayad caalami ah oo dalka joogta inuu u tago oo la xisaabtamo ama amar toos u siiyo.sidoo kale guddi hoosaadka kaalmada ee baaralamanku ma aha iyagu inay qabtaan shaqada abaaraha ee waa inay xukuumadda kala xisaabtamaan waxa ay ka qabatey dhibaatada abaaraha isla markaasna hubiyaan in la gaarsiiyey kaalmadi dadki loogu talo galay.
    Haddi qolo waliba aysan aqoonsan shaqadeeda iyo xadka shaqadeeda waxa ay noqonaysaa muran iyo is qabqabsi in laga bixi waayo.Markaa xukuumadduna wa inay aad u feejignaataa in ay ku dhegadaygto dalabka Baaralmaanka , Baaralmaankuna iska ilaaliyaa faraha inuu la galo hawsha xukuumadda ee maalinlaha ah.