Home » Warar »

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Farmaajo ka dalbaday in arrimaha shirkadaha uu qoraal kusoo gudbiyo

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Maxamed ayaa Axaddii hortegey Xildhibaanada Baarlamaanka Waxana uu xusay shirkadaha uu kusoo ogaadey baaritaankiisii, sida SARACEN, SKA, SO, iyo shirkado badan oo uu sheegay in aan baarlmaanku aysan ogeyn oo dalka jooga oo qaarkood heshiis la galay Qarammada Midoobay iyo Maraykaanka…

Qaar kamid ah Hadalkii Farmaajo Dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmajo_jan30_shirkado.mp3]

Xildhibaanada oo Dalbaday in  Shirkadda SKA ay shaqada joojiso, iyo in la helo qofkii saxiixay heshiiska  SARACEN.

Dhegeyso Jawaabihii Xildhibaan WAQAA (VOA)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xidlhibaan_waqaa_jan30.mp3]

Idaacaadda Codka Maraykanka oo waraysi la yeelatay Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Weheliye (Waqaa) oo kamid ahaa xildhibaanadiika qayb galay kulankii baarlamaanka ayaa ra’iisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo waa uu ka dalbaday in uu baarlamaanka  qoraal ahaan ugu soo gudbiyo. Xildhibaan Waqaa oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri  “Hadalkii Ra’iisulwasaarahau waxa uu ahaa hadal fiican oo taariikhi ah, laakiin waxaan codsanay in arrimaha shirkadaha aan qoraal u helno maadaama arrimaah golaha wasiiradu ay kusoo gudbaan qoraal.”

Markii la weydiiyey: Xubnaha baarlamaanku ma ku qanceen sharraxaadii uu bixiyey ra’iisul wasaaruhu, waxa uu Xildhibaan Waqaa kaga jawaabey:

“Aniga waxaan ka tirsanahay guddiga Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Waxaan tagnay garoonka diyaaradaha, waxaan la kulanay agaasimaha garoonka Damble baylood, wuxuu noola hadlay sidii nin garoonka iska leh ama gurigiisii jooga, waxa uu nagu yiri shirkadaha ka shaqeeya Garoonka sida Afrika, Daalo, Cosob, oo ah diyaaradaha labaatanka sano ka shaqaynayey oo usoo dhabar adaygay waa branch ayuu nagu yiri, ayadoo qoraal ah ayaan u soo qaadnay baarlamaanka, SKA waa shaqaynaysaa, mana la joojin karo ayuu nagu yiri.”

Xildhibaanku waxana uu intaas raaciyey “Waxaa kale oo la soconaa in xubno kamid ah golaha wasiirada in shirkaddii SKA aysan shaqadii joojinin, dekeda alaabo u tiil wasiiro ayaa waraaqaheedii keenay , alaabtaas dekedda u taalnay waa la siidaayey, anagoo guddoonka baarlamaanka la hadlay qoraalkii ayaan u gudbinay… SKA ama waa la diidayaa ama waa la ogolaanayaa, laakiin bil ka hor ayaa baarlamaanka waxay codsadeen in shirkadaha la joojiyo.”

Markii wax laga weydiiyey shirkadda SARACEN, xildhibaan Maxamuud WAQAA waxa uu ku jawaabey “Shirkadda la yiraahdo SARACEN, waa timid oo heshiis ayaa lala galay oo waa la cirdeeyey (la cayriyey) qof laga yeelayo ma lahan, waa in la helaa qofkii saxiixay heshiiskii shirkaddaas, waa dadkii masuuliyiinta waddanka looga dhigay, shirkadda SARACEN ciddii heshiiska la gashay waa in proof cad (cadayn cad) laga helaa si baarlamaanka uu go’aan uga gaaro.

Halkan ka dhegeyso Jawaabihii Xildhibaan WAQAA (VOA)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xidlhibaan_waqaa_jan30.mp3]

Raiisul Wsaare Farmaajo oo sheegey in qaar ka mid ah shirkadaha ay heshiis la galeen Qaramada Midoobey , Mareykanka iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka

  • Warbixintii: Amiin Yuusuf Khasaaro

Waxaa maalintii Axadda Golaha baarlamaanka hortegey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna kulankaas ku saabsanaa in Xukuumadiisa ay soo hordhigto Baarlamaanka Heshiisyadii lala galey Shirkado maalmahaan ku soo qul qulayey Dalka Soomaaliya, arrintaas oo daba socotey ka dib markii uu Raiisul Wsaaraha DFKMG Farmaajo uu ka Codsadey Baarlamaanka in la siiyo Muddo Bil ah si uu u kala soo caddeeyo Shirkada Sharciga ah iyo kuwa Sharcidarada ah, wuxuu sheegey in qaar ka mid ah shirkadaha ay heshiis la gashey Dowladii ka horeysey Halka kuwa kalena ay heshiis la galeen Qaramada Middobbey iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Shirkadaha ay  barista ku sameeyeen ay ka mid yihiin Sarecen Intarnational , SKA , SO, Ra  Intarnational iyo kuwa kale oo fara badan wuxuu sheegey in shirkada RA International oo qaabilsan Dhinaca Dhismaha  iyo Dib u habeynta aysan Dowlada Federaalkaheshiis la gelin balse heshiis la gashey  Qaramada Midoobey  wuxuu kaloo uu sheegey in Shirkada ALFA LOGISTIC oo iyadana qaabilsan Dhismaha Darbiyada ee dhinaca Ammaanka  waxaa Heshiis la galey Qaramada Midoobey sidoo kale Shirkada BANCROFF oo uu sheegey in ay Caawiso Ciidamada Amisom waxaa iyana Heshiis la gashey Wasaarada arrimaha Dibada ee Mareykanka, Dowladda Federaalka wax Heshiis ah lama gelin.

Raiisul Wasaaraha waxaa  uu sheegey in Shirkadaha MSTT iyo PPI iyana waxaa Heshiis la galey Qaramada Midoobey wuxuu kaloo uu sheegey in qaar ka mid Shirkadahaas sida DEEQA  Constarction oo qaabilsan Qodidda Ceelasha  iyo ATCO oo iyana qaabilsan Dhismaha  wuxuu sheegey in aysan jirin  Cid Heshiis la gashey oo ka socotey Dowladda Federaalka.

W/ Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Xafiiska Shiikh Shariif oo si kulul u beeniyey in uu Damacsanaa in uu kala diro Golaha Baarlamaanka

Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa beeniyey in uu damacsanaa in uu kala diro baarlamaanka. Qoraalkaas oo uu faafiyey Agaasimaha Madatooyada (Villa Somalia) waxaa ka mid ahaa qormadan:

Iyadoo maalmahan la isla dhex mareyey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu damcsanaa in uu kala diro Golaha Baarlamaan ayaa waxaa wararkaas si aad ah u beeniyey Dowlada Federaalka waxaa Qoraal ka soo baxay Mdaxtooyada  uu u qirnaa sidatan

Waxaa nasiib darro ah iyadoo xaaladda Soomaaliya ay mareyso meel aad u adag oo u baahan in lagula tacaalo xikmad iyo xilkasnimo masuuliyadeed, in saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay qoraan qoraallo been abuur ah oo lagu kala fogeynayo dowladda qeybaheeda kala duwan iyo weliba shacabka Somaaliyed. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska  Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxtooyada

Waxaa maalmahan laysla dhex marayay hadallo kutiri-kuteen ah oo sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed uu kala dirayo Golaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliyeed, hadalkaas oo ah mid aan sal iyo raad toona laheyn, looguna talagaly in khilaaf iyo fidno laga dhex abuuro hey’adaha Qaranka.

Haddaba, Xafiiska Madaxweynuhu waxaa uu halkaan ku caddaynayaa in uu Madaxweynaha Soomaliya u taagan yahay ilaalinta sharciga iyo ixtiraamka Golaha Barlaamanka, isla markaana uu qadarinayo ahmiyadda uu Golaha barlaamaanku u leeyahay jiritaanka Qaranimada Soomalaiyeed.

Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu ugu digayaa bahda saxaafadda qaarkeed ee caadeysatay faafinta hadallo xaqiiqda ka fog in ay ka waantoobaan faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo alaaaba huriya khilaaf, fidno iyo khalkhal siyaasadeed

###

Mar aan la kulaney qaar ka mdi ah Xildhibaanada ayaa ayaa noo sheegey in Madaxweyne  Shiikh Shariif uu Codsadey  in kulan la isugu yeero Xildhibaanada Baarlamaanka hase yeeshee waxaa kulankaa Baajiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan isku soo duuboo waxaa muuqatada in khilaaf uu u dhaxeeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Sidoo kale wasiirka Dekedaha iyo Gadiid Cirka iyo Dhulaka  Cabdiraxmaan Cabaade oo ka Hadley Shirkada SKA ayaa sheey in shirkadaas ay heshiis la gashey Dowlada Federaalaka wuxuu dhigayaa heshiiska in 70 %  ay qaadato Shirkada Halaka 30 % ay qaadato Dowlada Federaalka

Wasiirka Warfaafinta  Cabdikariim oo ka Hadley ha;lkii uu ku dambeeye Furihii SO wuxuu sheey in dowlada ay heshiis la gashey  waxaana heshiiskaas fu;liyey Dowladii hore waxaana lagu magacaabaa GMO  ka dib markii ay sidaa codsadeen  Dhowr Dal  wuyxuuna kulankaas ku dhamaadey in Suaalo badan la la weydiiyey Xukuumada Farmaajo oo ku saabsan Heshiisyadaas.

W/ Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.