Home » Warar »

Dawladda Norway oo Joojisay Qandaraaskii Shirkad Gaar loo leeyahay looga iibiyey Markab Militari oo ka hawl geli lahaa Xeebaha Soomaaliya

iyo DFKMG oo Sheegtay in ay xiriirka u jarayaan Shirkadda SARACEN –

iyo Puntland oo ilaa 2012 waqtiga u kordhisey  Africa Oil, Range Resource iyo Lion Energy , waqtiga sahaminta batroolka….

“Heshiiska waxaa shirkadda reer Norway la soo galay sarkaal hore u ahaan jirey Wasiir , laakiin hadda ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha DFKMG” ilo wargal ah oo ku sugan Norway…

Shirdon M. Abdikarim: “Soomaalida Norway waxa ay hadda ammaan gaar ah u jeedinayaan Dowladda Norway, gaar ahaan wasiirka arimaha dibadda sida uu arintaas u maareeyey.”

  • Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 23, 2011

Dowladda Norway ayaa joojisay qandaraaskii Soomaaliya loogu dhoofin lahaa markabka militeri ee KNM Horten ee laga iibiyey shirkad si gaar loo leeyahay ee heshiiska la gashay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah, waxaa sidaas lagu caddeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

“Waxaa is bedeley sababtii asaaska markii hore looga dhigay qandaraaska. Norway alaab iyo adeeg militari uma dhoofin karto meel colaadi ka jirto,” sidaas waxaa yiri wasiirka Arrimaha dibadda ee Norway,  Jonas Gahr Støre..

Warku waxa uu xusay in Markabka militariga Norway ee KNM Horten laga iibiyey shirkadda Clear Ocean oo markaas sheegtay in waxa keliya oo markabka loo adeegsan doono ay tahay arrimo madani ah (in ay ilaalinayso kalluumaysiga Soomaaliya). Waxaa taas ka dambeeyey in Wasaaradda Arrimaha Dibadda hadda lasiiyey akhbaar cusub. Taas oo ah in shirkaddu ay qorshaynayso in markabka hubayso si ay adeeg la xiriira xagga amaanka uga fuliso xeebaha Soomaaliya, arrintaas oo u baahan laysanka dhoofinta. Sidaas ayaa lagu joojiyey laysankii ayaa warbixintu tibaaxday.

Waxaa jira warar laga helay xubno sare ku sugan Norway oo tibaaxaya in heshiiska Shirkadda reer Norway ee labaxday Clear Ocean uu la soo saxiixday mid kamid ah lataliyaasha gaarka ah (hadda) ee madaxweynaha DFKMG, oo xilligaas ahaa wasiir, safarrona ku tegey Norway intii u dhaxaysey 2009-2010.

Qandaraaska shirkaddaas oo ah toban (10) sano. Kaddib shirkaddu waxay Markabka dagaalka militariga Norway (ee KNM Horten ) kaga iibsadeen lacag dhan 45 million. Waxayna durbadiiba sheegtay in ay hubayn doonto markabka oo sidoo kale iibsanayso maraakiib kale iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca. Hadda Dawladda Norway ayaa is hortaagtey qandaraaskii markabka Militariga.

Soomaalida Norway ayaa ka dhiidhiday in shirkad gaar loo yahay oo heshiis la gasho saasi lagu eedeeyo musuqmaasuq gacanta loo geliyo illaalinta iyo maareynta kheyraadka badda ee bulshadda Soomaaliyeed u dhexeeya. Waxayna hadda soo dhaweeyeen go’aanka cusub Norway.

Shirdon M. Abdikarim oo tirsan jaaliyadda Soomaalida Norway oo 19-kii Janaayo 2011 warsaxaafadeed ka soo saaray qandaraaskaas, isla markaasna xiriir la sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa tibaaxay sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway u diiday yihiin qandaraaskaas.

Shirdoon ayaa ku xeel dheeraaday sida jaaliyadda Soomaalida-Norway ay uga soo horjeedaan shirkad gaar loo leeyahay oo isku qarinaysa magaca la dagaalanka burcad badeeda. Waxana uu Shirdon M. Abdikarim sheegay in ay soo dhaweynayaan in Dawladda Norway ay hadda arrintaas is hortaagtey “Soomaalida Norway  waxa ay hadda ammaan gaar ah u jeedinayaan Dowladda Norway, gaar ahaan wasiirka arimaha dibadda sida uu arintaas u maareeyey,” ayuu yiri.

  • FG. Arrinta ay Dawladda Norway is hortaagtey waa markabka Militariga ee ay ka iibisey shirkadda Clear Ocean. Laakiin waxaa muhiim ah in lagu baraarugsanaado in heshiiskii DFKMG iyo shirkadaas gaarka loo leeyahay aysan weli DFKMG war ka soo saarin ama ka laaban. Waxaana xusid mudan in ra’iisul Wasaaraha DFKMG uu sheegay in Janaayo 27, 2011 uu soo bandhigi doono dhammaan heshiisyada ay DFKMG la gashay shirkadaha shisheeye (heshiisyada muuqda iyo kuwa qarsoon, waa sidii uu hadalka u dhigay’e).

Hoos ka Eeg warsaxaafadeedka Wasaaradda Arimaha dibadda ee Norway.  http://www.regjeringen.no/

DFKMG oo Sheegtay in ay xiriirka u jarayaan Shirkadda SARACEN

Wasiirka Amniga DFKMG, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Isniintii (Jan 24) waxa uu sheegay in ay dhici karto in Soomaaliya ay ka laabato ogolaanshihii ay hore u siisay shirkadda Saracen ee ku saabsanaa tababarka militari ee shirkaddu ay DFKMG u tababari lahayd ciidamo. Waxana uu sabab arrintaas uga dhigay in Saracen ay ku lug leedahay Calaashood-u-shaqaytayaal, waa sida ay qortay AP.

Warbixinta kuma xusna ama Wasiirka Aminga ee DFKMG kama hadlin heshiiska ay shirkadda Clear Ocean oo sheegtay in ay adeeg miliatri u qaban doonto DFKMG.

Dhanka kale warbixin dheer oo ay Axadii qortay jariidadda New York Times (Qoraal ay cinwaan uga dhigtay “Somalia May Cut Ties to Mercenary Firm”) ayaa tibaaxay in in Wasiirka Warfaafinta DFKMG uu Axadii sheegay in ay u badan tahay in DFKMG ay xiriirka u jarto Saracen International, shirkaddaas oo jariidaddu ku tilmaantay Calooshood u shaqaytayaal xiriir la leh Blackwater.

“Hadda waxaan si guud uga fekereynaa in heshiiskaasi uusan ahayn wax wanaagsan,” ayuu yiri C/kareem Jaamac, wasiirka saxaafadda DFKMG oo intaas raaciyey “Ma dooneyno in ay wax ku darsanao Blackwater,” isagoo xusaya hawlgalkii qeyru-masuulka ahaa ee Blackwater ka fulisey Ciraaq oo dad shacab ah ku dhinteen, ayey qortay NYTimes. Waxa kale oo jariidaddu sheegtay in dalalka deeqda bixiya ee Maraykanku ka mid yahay in ay su’aal geliyeen xiriirka DFKMG iyo Saracen.

Wasiirka Saxaafadda ayaa hore u soo saaray warsaxaafadeed uu ku cadaynayey xiriirka DFKMG iyo shirkadda SARACEN… AKHR HALKAN.

Shirkadaha Africa Oil, Range Resource iyo Lion Energy oo sheegay in wax laga bedeley heshiis ay la galeen Puntland, oo loo kordhiyey waqtiga ilaa Jan 2012

Warbixin ay fafisay hay’adda wararka ee Reuters ayaa tibaaxday in shirkadda Africa Oil Corp. ay sheegtay, ayadoo ay la jiraan shirkaddaha Range Resource Ltd. iyo Lion Energy Corp., in wax laga bedeley heshiis ay kula jireen Puntland, waxaana warbixintu sheegtay in Puntland ay wakiil u ahayd wakaaladda Batroolka iyo Macdanta ee Puntland heshiiskaas oo ku saabsan wax-soo-saar wadaagga sahaminta bartoolka ee dooxada Dharoor iyo dooxada Nugaal.

Warku waxa uu sheegay in shirkadahaas loo kordhiyey waqtiga sahaminta oo loogu daray 12 bilood oo ka bilaabanaya January  17, 2011 ilaa January 17, 2012. Waxaana heshiiskaas ka mid ah in Africa Oil ay tahay in ay ugu yaraan hal ceel ka sahamiso oo ka qodo Dharoor ugu dambayn marka la gaaro July 27, 2011. Waxaana la doonayaa in ay ceelka labaad ka sahamiso dooxada Nugaal ugu dambayn September 27, 2011.

Hore ayey shirkadda Africa Oil u sheegtay in ay sahamisay Dooxada Dharoor xilligii Cadde Muuse, laakiin ilaa hadda ma aysan shaacin wixii natiijo ahaa ee ay ka heshay aaggii ay baaritaanka ku samaysay.



Shirkadda Norway: Warbixin Luqadda Norway ka eeg halkan

Website-ka hoose waa kan uu ku soo baxay warsaxaafadeedka Norway: http://www.regjeringen.no/


http://www.regjeringen.no/

Shirkad laga leeyahay Norway oo Heshiis Cusub oo 10 Sano ah la gashay DFKMG, si ay u “ilaaliso” Kalluumaysiga Soomaaliya


Press release , 21.01.2011

No export licence for KNM Horten

Source: http://www.regjeringen.no/

The Ministry of Foreign Affairs has decided not to grant an export licence for the former Norwegian support vessel KNM Horten. “The basis on which a licence was to be granted has changed. Norway cannot export goods or services for military use to conflict areas,” said Foreign Minister Jonas Gahr Støre.

KNM Horten was sold to Clear Ocean on the basis of information provided by the company at the time. The company originally stated that the vessel would be used exclusively for civilian purposes. Since then it has given the Ministry of Foreign Affairs new information. The company now plans to arm the vessel so that it can provide security services off the coast of Somalia, which requires an export licence.

The matter has been dealt with in close consultation with the Ministry of Defence.

The Ministry of Foreign Affairs emphasises that the Norwegian authorities have had no connection with any dealings between Clear Ocean and the Somali authorities at any time. The Ministry has conveyed this both to the company and to the Government of Somalia.

Minister of Foreign Affairs Duty Press Officer: +47 23 95 00 02


Africa Oil Corp. Together With Range Resource Ltd. And Lion Energy Corp Announces Amending Agreements With Government Of Puntland

Monday, 17 Jan 2011 | SOURCE: reuters.com

Africa Oil Corp. announced that Africa Oil, together with Range Resource Ltd. and Lion Energy Corp., its joint venture partners, has entered into amending agreements with the Government of Puntland, represented by the Puntland Petroleum and Mineral Agency, in respect of the production sharing agreements (PSAs) for the Dharoor Valley Exploration Area and the Nugaal Valley Exploration Area. Under the PSAs, as amended, the First Exploration Agreement has been extended for a further 12 months, from January 17, 2011 to January 17, 2012. Under the amended PSAs Africa Oil is obligated to spud a minimum of one exploratory well in the Dharoor Valley Exploration Area by July 27, 2011. A second exploratory well is required to be spudded in the Nugaal Valley Exploration Area or, at the option of Africa Oil, in the Dharoor Valley Exploration Area, by September 27, 2011. In addition, the proposed farmout to Red Emperor of a 20% interest in each of the PSAs, previously announced on June 15, 2010, has been approved by the Government. Under the Red Emperor farmout Red Emperor is committed to pay a disproportionate share of the costs related to Africa Oil’s drilling commitments in the First Exploration Period.

Range Resources Limited Announces Issue Of Shares Upon Exercise Of Options

Thursday, 13 Jan 2011 | SOURCE: reuters.com

Range Resources Limited announced that it has issued 6,599,679 ordinary fully paid shares upon exercise of listed options ($0.05, December 31, 2011).


More at http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac7.html

2009: Kulankii Sheikh Shariif iyo C/raxmaan faroole ee Nairobi: http://somalitalkradio.com/cod/faroole_nov1309.mp3

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dawladda Norway oo Joojisay Qandaraaskii Shirkad Gaar loo leeyahay looga iibiyey Markab Militari oo ka hawl geli lahaa Xeebaha Soomaaliya "

  1. Cabdullahi says:

    Waagii ay hawsha bilowday shabakada Somlaitalk ilaa iyo maanta waxaan na horyaalla timaamo muhiim ah ay walaalaha Somalitalk, kheyr badan Allaha uga abaalmariyee, na hor keeneen, waxaana aan leeyahay meeshiina ka sii wada, waxaana ku faraxsanahay oo kale iney jiraan Soomaali badan oo isku aragti ah dhinacyada khuseeya waddanka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana aan jeclaan lahaa, inaan abuuranno Urur u halgama aayaha waddanka Soomaaliya, waana hubaa iney nagu jiraan hoggaamiyayaal daacad waddanka iyo ummadda u ah ee Alla hana waafajiyo inaan iska soo dhex saarno.. Aamiin.

  2. daacad says:

    Salaankadib, Mahadnaq balaaran ayaan idin leeyahay Dhamaan bahda Somalitalk iyo inta ku hawlan kashifaada hagaardaamada iyo shirqoolada uu cadawgu iyo calaooshood u shaqaystayaashu maleegayaan.

    Walaalayaan waxaan maanta akhriyey sir uu qoray wargeyska (The Guardian) ee kasoo baxa carga ingiriiska, sirtaasoo ahayd in wasiiradii hore ee arimaha dibedda ee dawladii Bush ee Obama ka horeysay ay soo bandhigtay hidise Dadka reer falastiin ee qaxootiga ku ah waddamada jordan, Siriya iyo Libnan loo daadgureeyo Koofurta qaaradda ameerica, Qaxootigaasoo imainka gaaraya 5000,000 oo qof.

    Runtii layaa iguma noqon, waayo gaalo waxa uu damacoodu yahay Allahii nawada abuuray ayaa noosheegay makrigooda iyo ujeedadooda intaba.

    laakiin waxaa jirta su,aal aan isweydiiyey oo ahayd, marhadii Dadkii inkabadan 40ka sannadood dhibane ahaa, la yiri halasii musaafuriyo, bal soomaali xaalkeeda muxuu ku danbey? dad iyaguba iswada oo jecel oo diyaar u ahin dhamaantoodba halmar lawada qaad, oo mar uun soomaalida aragooda dhaafiya bal kawaraan? oo kaagasii darane iyo lacagtii lagu dhoofinlahaa diyaar la ah?

    Wallaahi aad baan u argagaxay, oo waxaa iisoo baxday haadaaanta iyo dabinka naloodhigay in aan ku dhacnay, weliba sidoo naloogu tala galay si ka qotadheer.

    Walaalaayaal waxaan hadalkeyga kusoo gabagaynaa si wax uun nooga haraan oo wax uun noogu badbaadaan in aan bilowno Baraarujin iyo wacyigelin aan kaga hadlayno Halaagga naga qabsaday Qurbaha, Lumidda da,yartii aandhalnay, kashifidda siraha iyo shirqoolada naloomaleegayo.

    inshaa aallaah waxaan rajeynayaa oo aan hubaa inay jiraan dad iga waxgaradsan in iyagana talooyinkooda iyo fikirkoodaba inoo soo gidbin doonaan,

    Wabillaahi tawfiiq Wsc Wr Wb

  3. Shirdoon waa mahadsanyahay hawsha qarannimo ee sirta ahayd ee uu u guntadey isaga iyo dadkii la hawlgalay aad baana idiin ku bogey ee haka daalina howshaa adag ee aad dalkiinna u haysaan ee Daljirennimo. ii oggolaada in aan mar kale idiin mahadnaqo !!!.

  4. abdirisaq says:

    Somalitalk aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin dadaalkiinna saxaafadeed iyo wadaninimadiinnaba.
    Arrintaanhaddi aykadhabayso dawladda Norway waa guul weyn oo usoo hoyatey Somalia.

    Waxaase meesha mar walba taal oo aan xal cad loo helin, maalinki Heshiiski afgaradka loo baxshay ee badaha la saxiixay ilaa maanta; maalin walba saxiix hor leh iyo heshiis ayaa soo baxaya oo aan baarlamaan iyo shacab somaliyeed midna waxba ka ogeyn; ilaa haddana cid la maxkamdeeyey ama ama guddi qaran oo madax bannan la hor geeyey oo wax laga weydiiyey heshiisyadaas faraha badan maaanan maqal.

    Markaa sidi hore looga sheegay ninki nacaska ahaa oo reerkoodi ka ambaday oo maalinki dambee lasoo helay yiri maxaa laga soo heli berritoba waan lumiye.
    Kol haddaan wixi dhacayba laga xisaabtamin soo sidi oo kale hororka debedda ah iyo hammuun qabeha gudaha ah isma soo haybsan doonaan yaa kala horaaya oo naga horjooga??

  5. somalitalk waa ku mahadsanyihiin, wararka xaqiiqda ah ee aay inoo soo tabisay