Home » Warar »

VIDEO DAAWO: Soomaalida Minneapolis oo mudaharaad ka hor geeyey xubno ka socdey Gumeysiga Itoobiya

VIDEO laga duubay dareenka Soomaalida Minnesota ee ku aaddan gumaysiga Itoobiya: Galabnimadii Axaddii (Jan 23, 2011) ayaa mudaharaad xooggan waxa uu ka dhacay faras-magaalaha magaalada Minneapolis, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka soo safray Itoobiya. Meesha mudaharaadku dhacay ayaa la sheegay in Hotel ku dhaw ay ku degeen xubnahaasi.

VIDEO-ga Hoos ka daawo

Waxaa dariiqyada u dhow hotelkaas isugu soo baxay shacab muujinaya sida ay uga soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya ayagoo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah xukuumadda Itoobiya iyo kuwa ka wakiilka ah ee booqashada ku yimid Minneapolis. (Ka Daawo Video-ga hoose)…

Itoobiya waa dal ku yaal dhanka Bari ee Qaarada Afrika, kaas oo xilligii gumaystayaashii ay gaacanta u geliyeen dhul ballaaran oo ay leedahay Soomaalidu. Wixii xilligaas ka dambeeyey shacabka Soomaaliyeed waxay u halgamayeen sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen shacabkaas la hoos geeyey gumaystaha.

Si aad u ogaatid tacadiga ay Itoobiya u geystao shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ay gumaysto akhri qormada Faaf Reeb: Tuug Malise Ayuu ka tagaa!

Sidii mudaharaadkii u dhacay VIDEO HOOS DAAWO:

Video hoose ka daawo dareenka dadka Soomaaliyeed ee reer Minnesota ay ku muujiyeen bannaanbax aad u ballaaran oo lagaga soo horjeedey xubno wakiil ka ah xukuumadda Itoobiya oo safar ku yimid Minnesota, waxaad Video ku arku doontaa sidii mudaharaadku u dhacay – Waxaa Video-ga duubay Siyaad Siciid Saalax oo ka tirsan TV-ga Soomaaliyeed ee SomaliTV Minnesota:

Sidoo kale hoos daawo Video muujinaya buuq ka dhacay kulankii.

Dhanka kale warar ay faafisay shabakadda Ogaden.com ayaa sheegay in buuq weyn uu ka dhacay goob kale oo uu ka dhacayey kulan loogu talo galay in ay ka hadlaan xubnaha wakiilka ka ah Itoobiya ee booqashada ku yimid magaalada Minneapolis.

Sawirada hoose waa mudaharaadkii Minneapolis ka dhacay jan 23, 2011 ee looga soo horjeedey xubnaha wakiilka ka ahaa Itoobiya ee booqashada ku yimid Minneapolis…

Xuquuqda sawirada waxaa leh Ogaden.com


Kulan ay ka dambayso xukuumadda Gumeysiga Itoobiya oo lagu qaban doono Minneapolis

Magaalada Minneapolis ayaa maalmahan waxaa lagu dhex arkay waraaqo muujinaya in Minneapolis lagu qaban doono kulan ay soo qaban qaabisay xukuumadda Itoobiya ee gumaysiga ku haysata dhul ballaaran oo Soomaaliyeed.

Shirkaas waxaa cinwaan looga dhigay “Shirweynaha Wadatashiga Horumarka iyo Nabadgalyada Degaanka Soomaalida Itoobiya”, inkasta oo aqoonyahan Soomaaliyeed ay ku magcaabeen “Shir ceebeed Itoobiya ka dambayso”.

Waxaa waraaqaha lagu qoray in shirkaas uu ka soo qayb gelidoono sida waraaqah alagu xusay ah “afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha degaanka Soomaalida” – waa dhulka itoobiya gumaysato’e.

Xukuumadda Itoobiya ee gumaysiga ku haysata dhul aad u baaxad weyn oo Soomaaliyeed ayaa wixii ka dambeeyey burburkii xukuumaddii Soomaaliya waxay bilowday in ay si khidadaysan u suuliso calaamadda astaanta u ah shacabka ay gumaysiga ku haysato. Gaar ahaan calanka buluugga iyo xiddigta si carruurta dhalata aysan ugu ababin calaamaddaas.

Bishii July 2010 ayey ahayd markii Itoobiya ay bedeshey calankii shacabka ay gumaysiga ku haysato, oo ay iyadu ugu yeerto KILILKA 5aad, calankaas oo si waadax ah uu ka dhex muuqan jirey calanka Soomaaliyeed ayaa lagu bedeley sawir RATI (eeg sawirka bidixda).

Waxaa taas ka horeeyey in sannadkii 1996 in Itoobiya ay bedeshey calankeeda oo dhex gelisey xiddigta buluugga ah taas oo ujeedadeedu aysan sharraxaad u baahnayn.

“Annagu waxaan rabnaa SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha iyo aan u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa oo baasaboor kayaga qaata oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD Soomaaliyeed ma rabno. Sidaas waxaa yiri Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday qabqable dagaal oo Soomaali ah oo joogey shirkii Soodare.” Sheikh Ibraahim.


Safarkii Farmaajo ee Minneapolis oo baaqday…

Dhanka kale, Toddobaadkii hore markii la maqlay in ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed Maxamed uu safar ku imanayo dalka Maraykanka ayaa waxaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota oo gaarey warar tibaaxayey in kulankiisa Qarammada Midoobey (QM) kaddib uu Farmaajo soo booqan doono magaalada Minneapolis oo ay ku dhaqan yihiin jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu ballaaran ee ku dhaqan Maraykanka.

Kulankii Talyaaniga: Jan 20, 2011: Farmaajo, Nuur Cadde iyo Berlusconi

Waxaa toddobaadkaas soo shaac bacay heshiis ay DFKMG laga leeyahay Norway oo sheegtay in ay haysato qandaraas 10 sano ah si ay “u ilaaliso Kalluumaysiga Soomaaliya”, shirkaddaas oo iibsatey markab dagaal oo ay lahaayeen Militariga Norway, ayadoo sheegtay in ay iibsaneyso diyaarado iyo maraakiib kale.

Inbadan oo shacabka reer Minneapolis oo si weyn ula socda arrimaha dalkoodii ayaa u hanqaltaagayey in ay su’aalo arrintaas ka weydiiyaan Farmaajo oo la sheegay in uu iman doono Minnesota. Dhan kalena dadka taabacsan DFKMG waxay isu diyaarinayeen la kulanmaan ra’iisul wasaaraha cusub ee DFKMG. Labada garaba waa ku hungoobeen safarkaas kaddib markii Farmaajo uu safarkiisii u jiheeyey Talyaaniga oo uu Khamiistii kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Halkan ka daawo VIDEO ay Talyaanigu kaga hadlayaan arrimaha Soomaaliya (Italian)

Linkiyo kale: Blackwater Founder Said to Back Mercenaries

Heshiiskii Itoobiya iyo UWSLF: https://somalitalk.com/2010/uwslf/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " VIDEO DAAWO: Soomaalida Minneapolis oo mudaharaad ka hor geeyey xubno ka socdey Gumeysiga Itoobiya "

  1. mariya says:

    Norway kaarkasta ayay isticmaalayaan si howlahooda ugu hirgalaan, dhulkeena inta yar ee harsana kenya u siiso.

    Norway waxaa qandaraaska siinaya waa rag soomaliyeed oo calooshooda u shaqeystayaal ah, in yar dhulkii somaliyeed siisanaya.ALOW KUWAAS NAGA QABO YAA RAXMAAN.

    Somaligalbeed weligiina ha is dhiibinina xasuusatana axmaaro inta ay dad naga qabto sqiir iyo kabiir, caadaqaatayaasha soo baxay ee noo dhuuman jiray ee gumaysatayaashana qorshahooda waday, meel ha looga soo jeesto.

    Allah ha naga badbaadsho hagardaamada kufaarta iyo kuwa u adeegaaa.

  2. Mohamed Haji says:

    Soomaali Isu so baxday oo badi ku diidday, baraf iyo qabow u aabbo-yeeli weyday oo beentaa ku tiri.
    Meel aad sal dhigtiyo salaanba wayday, Surin nimaad ku kulanteen siniin ku necbi kugu yiri.
    Meela baas iyo reero Muskood madaxa la raadi, Gob baan kuu heystay e, Gun bad tahay ku iri.

    Falcelin ku aaddan Dibadbixii ka dhacay Minnesota iyo Fadeexaddii maamulka gumeystuhu kala kulmay.

    VIVA SoomaaliWeyn.
    Well Done reer Minnesota

  3. Ordaaye says:

    Norway inay ilaaliso kallumaysiga sharci darada ah ee lagu hayo Somaliya isla markaana ay doonayso inay Soomaaliya dhulka ka goyso si ay shidaal uga soo saarto, labo kala fog sow mi-ihin.

    Hal ujeeddo ay Norway leedahay waa inay si rasmi u ah u dhexgalaan burcadda sharciyaysan si ay ugu saxiixdaan in Soomaaliya dhul badeedkeeda la gooyo oo ay Norway damaca iyo ujeedada badan ay ka leedahay.

    Laakiin, Norway waa tee? Waa gobol Yurub ku yaalla oo ka tirsan Maraykanka, maxaa diidada inaan farta ku fiiqo Maraykanka.