Home » Faallo »

Sheekh Maxamed Khadar (iimaamka San-Deigo) iyo Xaaladdiisii ugu dambaysay

Warbixin: .(Diyaariye C/llahi Abul-fadli}

أسر شيخنا الحبيب محمد خضر اللهم فك

اللهم عجل بفكاك شيخنا الحبيب محمد خضر

اللهم أعد شيخنا الحبيب إلى منبر السنة
عة لدرجات اللهم اجعل مصيبته هذه تكفيرا عن سيئاته و رف
اللهم لا تفتنا في ديننا و ثبتنا على الحق إلى يوم أن نلقاك
وآخردعوانا ان الحمد لله رب العالمين

Walaalaha Muslimiinta ah ee ku nool  daafaha dunida inta taqaan sheekha iyo Inta aan aqoonba,waxaan horay uga hadlay,xariga sheekha iyo dowrkiisii dacwo ee W/maraykanka,waxaan ka cudur daaranayaa,warbixinta sheekha oo aan maalmahan idiin soogudbinin,sababtuna waxay ahayd anigoo safaro ku jiray.

Intaa kadib Waxaan hada halkan idin kugu soogudbinayaa,xaaladii ugu danbaysay ee sheekha.  Taariikhdu markay ahayd  20 bishan jan.2011,ayaa sheekha la horkeenay Maxkamad isaga iyo 3 kale oo walaalaha  soomaaliyeed ka mid ah,oo ay sheegeen inay isku kiis yihiin.Ma aysan dhicin dacwad dhagaysi,sababta ugu wayna waxay ahayd,qolyihii sheekha soo eedeeyay oo aan soo dhamaystiran waxay sheekha iyo walaalaha kalaba ku soo eedeeyeen,waxayna codsadeen in dib loogu dhigo dacwada illaa bisha may ee sanadkan,loyarkii sheekha ayaa ka dooday dib u dhigaas,waxayna markii danbe ku dhamaatay,in dib loodhigo ilaa bisha april ee Sandakan.

XAALADA SHEEKHA

Ilaah Fadligii Sheekha xaaladiisu aad ayay u wanaagsantahay,in kastoo qof xabsi ku jiraa oo aanan haysan xoriyadiisa ay dhibkeeda leedahay.laakiin sheekhu niyadiisa aad ayay u wanaagsantahay.

Sheekha illaahay fadligiisa  caafimaadkiisa aad ayuu u fiicanyahay aragtidiisana ma aysan xumayn sidii ay ii soo gudbiyeen walaalihii ka qayb galay maxkamadii sheekha.

Sheekho illaahay fadligii wuu la soo xiriiraa xaaskiisa iyo caruurta iyo asxaabtaba,waana  fursad illaah uu siiyay.

HAWSHII QAREENADA SHEEKHA IYO DADAALKA MAJLISKA .

Illaahay fadligii Inta badan waxaa iska soo dhamaaday,waxyaabihii ay u baahnaayeen qareenada sheekha,waxyaabo yar yar oo dhimana waxaa lagu mashquul sanyahay soo dhamayntooda,waxaana rajaynaynaa in-sha allaah inay ku guulaystaan difaacida sheekha. Wixii soo siyaado waan idiin soogudbin doonaa . insha allaah :- Fadlan u soo duceeya sheekha har iyo habaynba.

Walaalkiin   C/llaahi  Abul-fadli.  Minneapolis/MN.       01/24/2011

kulmiye99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.