Home » Warar »

Qiime Dhimis ay sameeyeen Kooxaha Burcadeeda Soomaaliya ka dib markii la weeraray …

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo sanadkii la soo dhaafay lacag fara badan ka helay Maraakiibta ay qafaashaan ayaa lacagtii ay heleen lagu qiyaasay sanadkaas 238 Milyan kadib markii sanadkaas ay afduubteen ilaa iyo 50 Markab, hase yeeshee arrinta burcad badeeda waxay cirka isku shareertay markii todobaadkaan lagu soo qaaday weeraro looga furtay labo markab.

Markabkii ugu horeeyey ee todobaadkaan la furtay waxaa laga lahaa wadanka Koonfur Kuuriya, waxaana kooxdii burcad badeeda ahayd ee haysatay markabkaasi laga dhigay qaar gacanta lagu dhigay iyo qaar la dilay, waxayna arrintaani timid markii Dowladda Kuuriya shacabka wadankaasi ku canaanteen in aysan wax ka qaban maraakiibtooda lagu qafaalanayo xeebaha Soomaaliya, waxayna taasi soo dedejisay in madaxweynaha Koonfurta Kuuriya uu maalin cad ku dhawaaqo in uu xoog ku soo furan doono markab u qafaalnaa koox burcad badeed soomaali ah.

Markay arrintaan soo shaac-baxday ayaa kooxaha burcad badeeda ah waxaa gashay cabsi iyo khalkhal, hase yeeshee waxay cabsidu balaaratay markii ciidamada Wadanka Malaysia iyana ay xoog ku furteen markab laga lahaa wadankaasi oo u qafaalnaa koox burcad badeed soomaali ah, waxayna kooxdii burcad badeeda ahayd loo gaystay dhimasho iyo qafaal.

Warar laga helay xeebaha lagu haysto maraakiibta waxay sheegayaan in kooxaha burcad badeeda ah ay bilaabeen in ay qiimo dhimis ku sameeyaan gorgortankii ay kula jireen maraakiibta ay haystaan, waxay wararku sheegayaan in mid ka mid ah maraakiibta la haysto oo laga doonayey madax furasho dhan 9 milyan hadda lagu doonayo 5 milyan oo doolar, waxayna kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah taagan  yihiin gacan ku gambad iyagoo u cabsanaya naftooda.

Qaar ka mid ah burcad badeeda ayaa sheegay in ay doonayaan in ay gebi ahaanba isaga tagaan hawsha burcad badeednimada haddii ay markaan lacagaha ay doonayaan helaan iyagoo sheegay in ay soo wajahday cabsi ku aadan weeraro kaga yimaada dowladaha maraakiibtooda la haysto.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa markii maqleen in dhowr markab xoog lagu furtay ayaa waxay bilaabeen in ay qiimo ku sameeyaan lacagihii ay horey u soo bandhigteen si ay deg deg ah ugu helaan lacagaha ay dalbadeen,  mid ka mid ah burcad badeeda oo magiciisa qariyey ayaa yiri “Maraakiibta shisheeye waxay la bilaabeen in ay weeraro nagu soo qaadaan, sidaasi darteed waxaan bilaabeynaa in aa la soo degno shaqaalaha maraakiibta haddii ay sii wadaan weerarada ay nagu hayaan”, waxa uu intaa sii raaciyey “waxaan bilownay feejignaan dheeraad ah, ciddii isku dayda in ay na soo weeraraan jawaab ayaan siin doonaan, horey dhibaato uma gaysan jirin dadka maraakiibta saaraan, balse markaan wixii dambeeya casharro badan ayaan dhigi doonnaa”.

Kooxaha Burcad badeeda ah ayaa la sheegay in hadda gacanta ku hayaan 28 markab oo ay saaran yihiin 600 oo shaqaale ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaarootmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.