Home » Warar »

Gurigii Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka oo Soomaalida dib loogu soo celiyey

“waxaa markii hore si Qarsoodi ah looga iibiyeen nin Jarmal ah Asalkiisa ka soo jeedo Dalka Giriiga, kaas oo ay laga qaatay Lacag horumaris oo Dhameyd 147000€….

Safaaradda waxaa hore u iibsadey laba nin oo hore uga tirsanaa Safaaradda, waxaana hadda Maxkamad Jarmalka ahi xukuntay in aan cid gaar ah laga iibin karin hanti ummadda Soomaaliyeed ka wada dhaxaysa…

Danjire Tifow :- Maanta Wixii Ka Danbeeya Furayaashii Safaarada Iyo Kii Guriga Safiirkaba Gacanteena Ayeey Ku Soo Noqdeen :-

Xaflad aad sareeysa ayaa lagu qabtay Safaarada,ay Somaaliya ku lahayd Dalka Jarmalka Magaalada Bonn, Safaaradaas oo berigii hore lagu shaqeyn jiray intii aan caasimada laga wareejinin Magaalada Bonn,oo aan loo guurin caasimada Dalka Jarmalka Magaalada Berlin oo ay hada Safaaradu ku shaqeyso, xafladaasi oo ka dhacday wejiga hore ee Safaarada, waxaa ka soo qeyb galay dad aad u fara badan dadkaas oo degegan Magaalooyinka köln,Bonn iyo Magaalada Troisdorf dadkaas oo soo buux dhaafiyay Safaarada horteeda, halkaas oo lagu xardhay qalabka hidaha iyo dhaqanka iyo 2 Calan kii soomaaliya iyo midka jarmalka.

Ugu horeyn waxaa halkaasi aayado quraana ka aqriyay,Macalin Xuseen Islaw Indhooy markaa ka dib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamuud Maxamed Tifow, wuxuuna ugu horeyn Danjiruhu si wada jira u salaamay dadkii halkaa isugu yimid,wuxuuna uga mahadnaqay sida ay waqtigooda qaaliga ah ugu soo hureen in ay ka soo qeybgalaan Xafaladaan.

Dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Jarmalka

Intaa ka dib waxa uu Danjiruhu halkaa ku soo bandhigay Qoraal ka soo baxay Maxkamada Jarmalka,kaas oo lagu sheegayo in Furayaashii Safaarada iyo Gurigii Safiirkaba laga bilaabo maanta lagu soo celiyay gacanta Safiirka Danjire Tifow, waxayna Maxkamadu Amar Buuxa ku Bixisay,in aan Cid Gaara laga iibin karin Hanti Umadda Soomaaliyeed ka wada Dhexeyso,

Danjire Tifow isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri intii aan aniga la ii soo magacaabin ayeey laba nin oo ka tirsanaa Safaarada waxa ay si Hoose oo Qarsoodi ah uga iibiyeen nin Jarmal ah Asalkiisa Horena ka soo jeedo Dalka Giriiga, kaas oo ay labaadsi nin ka qaateen Lacag horumaris oo Dhameyd 147000€, nasiib wanaag kolkii la ii soo magacaabay ayaan arintaasi ka daba tagay aniga oo ka Dacweeyay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Maxmamada ayuu yiri Danjire Tifow, nasiib wanaag waanu ku guuleysan arintaasi, maantana sida aad hortiina ku arkeysaan furayaashii Safaarada iyo kii Gurigaba gacteena ayeey ku soo noqdeen, intaa waxa uu Safiirku sheegay in ay tahay maalin faraxada maadaama ay xaflada inala joogto Ruqiyo Cali Xoosh oo ahayd Gabar Dipolomaasiyada oo wax badan ka soo shaqeysay Safaarada.

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo Agaasimay,waxaa qeybta ugu weyn lahaa Cabdulaahi Yalaxow oo ah Oday Soomaaliyeed oo Degan magaalada Bonn tan iyo 1974,Cabdulaahi Yalaxow isaga oo kaashanaaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Bonn,ayaa muddo dheer isha ku hayay isla markaana is hortaagay in aan cidna laga iibin karin Hanti ka wada Dhexeyso Umadda Soomaaliyeed.

Cabdirashiid Shaam Germany
shaamabdi977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Gurigii Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka oo Soomaalida dib loogu soo celiyey "

  1. bashir says:

    waa wax fiican! somalia waxee safaarad ku leedahay wadamada, faransiiska, Jarmalka, talyaaniga, ruushka, iiraan, kuwait, cumaan, qatar, sacuudiga, suuriya, turki, dubay, yemen, jabuuti, masar, itoobiya, kenya, libiya, suudaan, shiinaha, hindiya, bakistaan iyo indonisiya, safaaradii hore ee jabaan waxaa la xiray 1992. dowlada KMG neh waxee xafiis ku leedahay Qaramada midoobay ee new york.. intaas oo safaaradoo gacanta dowlada ma ku jirtaa???

  2. Danjire Tifow iyo dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee jarmalka degan aad ayaa mahadsantihiin, guul ayaan idin leeyahay viva Soomaliwayn.