Home » Warar »

Hayada EDCO oo ka Deyrisey Xaalada Dad ka soo Barakacay Tuulooyin Ka Tirsan Degmooyin Buula Burde , Jalalaqsi iyo Buurweyn

Waxaa Dalka Soomaaliya ka howl gala Hayado fara badan kuwaas oo isugu jira kuwo Wadani ah iyo kuwa Caalami ah waxaana mar weliba sii kordhaya Hayadaha ka shaqeeye dalka ee ay leeyihiin dadka soomaaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa dhawaan Masuuliyin ka tirsan Ururka Wadaniga ee EDCO Education Developments For Children Organization waxaa uu howlo kormeer ah ku tagey qaar mid Xerooyinka dadka soo baracay ee Mgaalada Muqdisho

Masuslliyiinta ayaa Howshoodu ahayd in ay soo ogaadaan xaalada dadka soo barakacay ee Xerooyinka Magaalada Muqdisho Waxayna halkaa ku soo arkeen dad fara badan oo noloshoodu liidato islmarkaana aan heysan Hoy,Raashin iyo weliba daryeel Caafimaad sidoo kale Masuuliyiintaan ayaa intii ay ku guda jireen Kormeerkooda waxay sheegeen in ay sii kordheyso tirada dadka soo gaaraya xerooyinka dadka soo barakacay ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Degaanadi ay ku noolaayeen ay ka dilaacdey Abaar aad u daran islamarkaana xoolihii ay heysteen ay ku waayeen abaartaas waxaana ka mid ah deegaanada ee ka soo barakaceen waxaa ka md ah Degmada Buulo Burde Tuulooyinka ay ka yimaadeen waxaa ka mid ah Caymooy,Jiiqleey, Sanki,Cadeey Jameeco, Aqabooy iyo keli Gubadle sido kale Degmada Jalalaqsi waxaa ka mid ah Tuulooyinka ay ka soo Barakaceen Fiidow,Buulo Wabar iyo Jameeco waxaa iyana Buurweyn Deegaanadeeda ay ka soo Barakacay waxaa ka mid ah Qabaaryoole,Jameecada Garasweyne, Bilcileey, Siibaay iyo Jimbiley iyadoo dadkaas ay u kala jabeen Xerooyin ku yaala Deegaanada Loo Barakacay ee Ceelasha Biyaha iyo Xerooyin ku yaal Magaalada Muqdisho

Masuuliyiinta Hay’ada waxay sheegeen in caruurta ku jirta Xeryaha dadka soo baracakay ay aad u liidato ay maalin kasta ay u dhimanayaan Nafaqo darro iyo Shuban waxayna ka codsanayaan Hayadaha Samafalka in dadkaas ku jira xeryaha ay la soo gaaraan Gargaar deg deg ah maadaama ay xaaladooda ay aad u liidatao sidoo kale waxay ka codsanayaan Maamulada dalka ka jira in ay Hayadaha samafalka u fududeyaan Gargaarka maadaama dalka ay soo food saartey Xaalad Abaar oo aad u daran waxay sheegeen in Abaarta ka jirta dalka ay ka duwan tahay tii dhacdey 1991 dii waayo Abaartaas waxay saameysay Koofurta Somaaliya waxaana badbaadey dadkii ku noolaa Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya hase yeeshee midaan bay yiraahdeen waa mid saameysey laga soo bilaabo Raas-Kambooni ilaa Raas-Caseyr

Ururka EDCO waa Urur samafal oo ka howl gala Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka wuxuuna horey Howlo samafal ka hirgeliyeen Degaanadaas iyagoo gaarsiiyey Macaawinooyin kala duwan oo ay ugu talagalen dad soo barakacay iyadoo u jeedooyinka loo aas aasey ururka ay tahay in ay gacan siiyaan dadka dhibaateysa iyagoo Samafalkaas ay ku fuliyeen si Mutadawacnimo waxayna ku boorinayaan Hayadaha samafalka in ay howshoido ku fuliyaan si geesinimo leh maadaama dalka ay soo foodsaartey Abaar daran loona baahan yahay in ay Haydaha Caalamiga ay la yimaadaan Qorshayaal dadkaas lagu badbaadin lahaa
Kala soo xiriir

edco142@hotmail.com
edco40@yahoo.com
Tel 00252615508656
Tel 00252615590288
ACC 3910

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hayada EDCO oo ka Deyrisey Xaalada Dad ka soo Barakacay Tuulooyin Ka Tirsan Degmooyin Buula Burde , Jalalaqsi iyo Buurweyn "

  1. Nasro fiidow says:

    Aad baan uga naxay dadka walaalaheey ah ee ka soo qaxay deegaanada hoos taga hiraan waana Tuulooiyin aan muddo joogey marka waxaa u soo jeedinayaa dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Degmooynka Buula Burde Jalalaqsi iyo Buurweyn in ay dadkaas wax la soo gaaraan maadama dadka ay ka jiro Abaar daran