Home » Warar »

Jabuuti: Wafdiga Puntland oo qaabilay mas’uuliyiinta U.S., U.N. iyo A.U.

Wafti uu hoggaaminayo C/raxmaan Maxamed Faroole oo gaarey magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa kulamo ay yeesheen waxaa ka soo baxay warsaxaafadeedka hoose:

Wafdiga Puntland oo qaabilay mas’uuliyiinta U.S., U.N. iyo A.U.

Faroole iyo Mahiga

WAR-SAXAFADEED

19 Janaayo 2011

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maanta gaaray magaalada Djibouti iyadoo halkaasii uu ku soo dhaweeyey Wakiilka Gaar ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN-ka) u qaabilsan arrimaha Somalia, Amb. Augustine Mahiga.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Md. Daud Maxamed Cumar, Wasiirka Dekedaha Md. Siciid Maxamad Raage, Wasiirka Degaanka C/gani Yusuf Cadde, iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay saxaafada inta uusan ka dhoofin magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay in laga casumay xafiiska UNPOS uu madax u yahay Amb. Mahiga.

Wafdiga Dowladda Puntland ayaa shirkii ugu horeeyey  ku yeeshay Safaarada France ee dalkaasi Djibouti halkasoo looga wada hadlay la dirirka burcad-badeeda iyo arrimaha horumarinta Puntland.

Galabnimadii maanta ayaa Wafdiga si gaar ah u qaabilay wafdi ka socda Dowladda Maraykanka uuna hogaaminayay Safiirka Maraykanka u jooga dalka Djibouti, Amb. James Swan waxaana socotay Cheryl Sim oo ah Qunsulka Maraykanka arrimaha Somalia u qaabilsan xafiiskeeduna yahay Magaalada Nairobi.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay go’aankii Dowladda Puntland ay ku joojisay wadashaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka KMG ah.

Wafdiga Puntland ayaa soo bandhigay sababaha ay Dowladda Puntland ugu dhawaaqday go’aankaasi maalintii Axad 16 Janaayo 2011. Arrimaha kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa tabarada loo fidiyo ciidamada Somalia, dhisida ciidanka badda ay Dowladda Puntland oo tababarka uga socdo magaalada Boosaaso, ladagaalanka Al Shabaab iyo kooxaha argagaxisada, iyo weliba mowqifka Dowladda Maraykanka kaga aadan damaca xil-kororsi ee DFKMG ah.

Kulankii sedexaad ayaa waxaa isugu yimid Wafdiga Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay Amb. Mahiga waxaana la socday la taliyihiisa dhanka amaanka Col. John Steed.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay dhacdadii dhexmartay DFKMG, Puntland iyo xafiiska UNPOS oo uu hogaamiyo Amb. Mahiga. Waxaa kaloo laga hadlay qaabkii arrimaha Somalia loo xalin lahaa ka dib markii uu dhamaado xilka DFKMG ah.

Amb. Mahiga ayaa Dowladda Puntland ku amaanay inay mutaysatay ku dabo dayasho. Wuxuu hoosta ka xariiqay welwelka ay Beesha Caalamka ka qabto go’aankii Puntland wadoshaqaynta uga joojisay DFKMG ah, isagoo sidoo kale cadeeyey inay Puntland xaq u leedahay inay door muhiim ah ka qaadato arrimaha Somalia iyo mustaqbalkeedaba.

Ugu danbeyntii ayaa Wafdiga Puntland waxaa soo booqday Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Ambassador Boubacar Goussou Diara. Amb. Diara waxaa la socday Gen. Nathan Mugisha oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM ee Muqdisho jooga.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Puntland iyo AMISOM, waxaana sidoo kale laga hadlay la dagaalanka kooxda Al Shabaab. Amb. Diara ayaa soo bandhigay qorshaha Midowga Afrika ka leeyahay arrimaha Somalia wuxuuna ku raacay Dowladda Puntland warbixin ah in kooxda Al Shabaab ay isku uruurinayaan gobollada dhexe si loo weeraro gobollada nabdoon ee Puntland.

—DHAMAAD—

Puntland oo gebi ahaanka xiriirkii u jartay DFKMG

Somalia: Puntland delegation meets U.S., U.N. and A.U. officials in Djibouti

PRESS RELEASE

January 19, 2011

A government delegation from Puntland State of Somalia led by His Excellency President Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) arrived in Djibouti City on Wednesday.

The President’s delegation left the Puntland capital of Garowe at 10:00 A.M. in the morning with a delegation consisting of Planning and International Cooperation Daud Mohamed Omar, Environment Minister Abdigani Yusuf Adde, Ports Minister Saeed Mohamed Rage and presidential staffers.

Before departing from Garowe Airport, President Farole told reporters that the delegation was invited to Djibouti by the UN Political Office for Somalia (UNPOS) for discussions.

The Puntland President’s delegation was welcomed at the Djibouti International Airport by Ambassador Augustine Mahiga, the U.N. Secretary-General’s Special Representative for Somalia.

During the day’s first meeting, the Puntland delegation was received at the Embassy of France for discussions regarding anti-piracy cooperation and development matters.

In the afternoon, the delegation met privately with a U.S. government delegation led by U.S. Ambassador to Djibouti, His Excellency James Swan. Ambassador Swan was accompanied by Ms. Cheryl Sim, Somalia Affairs Councilor at the U.S. Embassy in Kenya, which is responsible for Somalia.

Discussions with the U.S. officials centered around the Puntland government’s decision to stop cooperation with the Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu.

The Puntland delegation justified the reasons for the Puntland Cabinet decision of January 16, 2011. Other topics included Puntland’s share in the training of Somali security forces, the establishment of the Puntland Marine Force training program in Bossaso, the fight against Al Shabaab and terrorism, and the U.S. position on TFG plans for a term-extension.

U.N. Envoy to Somalia Ambassador Mahiga was accompanied by his security adviser, Col. John Steed. Discussions centered around the “diplomatic incident” involving the TFG, Puntland and UNPOS, as well as the way forward after the TFG mandate expires.

Ambassador Mahiga praised Puntland as a “role model” for the rest of Somalia. He expressed the international community’s “shared concerns” about the Puntland-TFG rift, while stating that Puntland has a legitimate role to play as he works to “build a consensus” regarding the way forward after the TFG mandate expires.

The day concluded for the Puntland delegation after a meeting with the African Union’s special envoy to Somalia, Ambassador Boubacar Goussou Diara. Ambassador Diara was accompanied to the meeting by Maj. Gen. Nathan Mugisha, the Force Commander of the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in Mogadishu.

The meeting was focused on strengthening cooperation between Puntland and AMISOM, as well as discussions on security and the fight against Al Shabaab insurgents. Ambassador Diara explained AU plans for Somalia and agreed with Puntland’s assessment that Al Shabaab insurgents are amassing forces in the central regions and are planning to attack the peaceful region of Puntland.

—END—

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Jabuuti: Wafdiga Puntland oo qaabilay mas’uuliyiinta U.S., U.N. iyo A.U. "

  1. CABDIQANI says:

    SALAMU CALAYKUM BAHDA SOOMALIYEED..

    RUNTII WAXA MUQATA FAROOLLE IN U KU JIRO GULUF IYO DULAAN SIYASADEED KAAS OO U KU DOONAAYO KURSIGA SH SHARIIF HADDA KU FAADHIYO..WAXAASE ODAYGA SEEGTAY KURSIGAASI IN U WAADO KHALDAAN U MARAAYO.. WAA MUWADIN SOMALYEED XAQNA WU U LEEYAHAY KURSIGAAS LAAKIN WADADAS IN U U MAARO OO MUCARADDAD IYO KHILAAF ABURO MA AHAYN..
    TAASI ISAGA AYEEY KA GO,AAN TAHAY.

  2. Reer galbeedka shaxdooda waa in aan marnaba Soomaali dowlad noqon bal fiiriya tuug walba oo xaafad xirta waa ay qaabilayaan . “qaybi oo xukun”
    haddii ay reer galbeedka daacad ka tahay in Soomaali dowlad noqoto marnaba ma aysan aqbali lahyn in ay qaabilaan niman dowlad isku sheegaya oo cid dooratay aysan jirin oo waliba tuugo ah . nimankan madaxda isku sheegaya ee wada haysta pasport da reer galbeedka waxaa ku filan iyo cunaqabatayn la saaro xaga safarada hadii ay diidaan nabada laga qaado citizenshipka caruurtoodana laga qaado citizenshipka laga musaafuriyo wadama ay ku noolyihiin loona musaafuriyo Soomaaliya waxaan hubaa hadii reer galbeedka arintaa ku dhaqaaqan in Soomaaliya dowlad hesho. haddii kale reer galbeedka ruwaayada ha noo wadaan waxa Soomaliya ka socda waa ruwaayad.

  3. ali says:

    faroole hey,ado ayuu ka daba wareegayaa lacag uu cuno uun buu doonayaa mamul jira hadu yahay mesheesa hey,aduhu ha ugu yimadan sida somaliland oo kale ee ma ahan in uu madaxweynaha dowlada dhexe ku xagxagto danihiisa qowlasinimada ah somali ayuu mansab inuu u qabto rabaa (dowlada wan kala labtay aqonsiga)ayu yiri muxuu kala labanayaa isagaba deydey ehe muxu ku siyadiyaa dowlada dhexe

  4. ali says:

    Yusuf – An ku saxo marka hore Puntland ma aha hal Gobol oo keliya .
    Maal mahaas way tageen Xamar oo keliya loo jilib xirnaan jiray .
    Xaashaa -Lilaahi , Madaxwaynaha Puntland ma aha nin sidaas u fudud waa lagu casumay in uu shirka ka soo qayb galo halkaas oo looga hadlaayey arimo muhiim u ah Puntland .

  5. yaab says:

    Horta marka hore Puntland gobal ka badan. Haddii sidii hore ee hadda rubuc qarniga ku dhow loo wado Puntland waa 5 gobol waxayna ku fadhidaa dhul baxaadiisa ah sadex meelood oo meel dhulka somaliyeed waxayna lee dahay bad dhararkeedu ka badan yahay 1000 km. Marka ninkaa Puntaland yiri waa gobol ilaahay iyo naftaada ayaad been u sheegtay.

    Mida kale xitaa haddii aad tiraah Faroole waa gudoomiye gobol, bal marka Shariif iyo Farmaajo maxay yihiin? iyaga gobolna ma xukumaan? yee matalaan? xagee ka taliyaan? Gudoomiye gobolna ma ahan saa Xamarna ma xukumaanee. Nimankaan waa gudoomiyayaal xaafadood oo ciidanka Afrikanka ah ayaa Xamar Jajab iyo Xamar Weyne u haya.

  6. nugaalyahan says:

    meshani dowlad kama jirte wa ninkasto aqoonta iyo xirfada marka Dr. faroole malaha aqoontiisa ma sara marisay shariifka , waxa lagu ciiley shariif wa aqoon darada iyo jaahilnimada , runtina somalidu waxay ogaan karta in aqoontu faaido badan leedahay marka shariif iyo faroole la is bar bar dhigo , xatta aniga waxa igu maqaalo ah shariifku inuusan fahamsanayn agendayaasha shirarka uu aado inta badan tusaal fiican waxa ku ah shirki turkiga marki uu idaaacadaha la hadlayey shariif waxa uu yiri waxa u nimi halkaan sidi kaalmo naloo si laha , xaqiiqidina agendaha shirku ma ahayn mucaawino in soomaaliya la siiyo e waxa uu ku saabsana private sector somalia sidlo caawin laha..

    wadanka soomaalia dowlad kama jirta maamulada soomaaliland iyo puntland na wa u madaxbanaan yihin dhinaca arimaha dibeda oo iyaga iyo dowlada amison wardiiyeso wa isku awood …

    taasna waxa daliil u ah sid faroole xafidulaahiye loogu so dhaweynaya aduunyada , sida uu ula kulmiyo safiirada caalamiga , oo aysan macquul ba ahayn shariif inu la hadlo su maba yaqaan luuqad lagu hadlo

  7. GAASHAANLE says:

    ALLAYLEHE WAN HUBA FAROOLE INU MADAXWEYNE LA YAQAAN U YAHAY RUNTI WXA AAD ULA YAABAY QAABKA IYO NIDAAMKA U WAX U WADO , WAXAA AAD I QANCIYEY QAABKA AY UQORAAN PRESS RELEASE OO AAD MOODO INU WAX BADAN KA HOREEYO SOOMAALIDA INTEEDA KALE , WAXA KALO AAD I QANCIYEY MARKA UU DOONAYO IN LA HADLO QOLYAHA INTERNATIONAL COMMUNITY GA RUNT WAXA LO SO DHAWEEYA SID I INU MADAXWEYNE U YAHAY SOOMAALI WEYN OO DHAN ..

    DOWLADA SHARIIF WAXA NOQOTAY LOCAL AMASE DOWLADA MATASHA HAL KM EE XAMAR KAAS OO AHAYN MID SOOMAALI LA ISUGU KEENI KARO SIDO KALE SHARIIF IN TA BADAN LAMA HADLO DADKA BESHA CAALAMKA KASO SOCDA MAXA YELAY LUUQADA ENGLISHA AYUUSAN AQOON , SOOMAALIDU MARKA WAX AY DOORNAYSO WA INAY QOFKA KA EEGAAN CV GA .

    BULSHADA SOOMAALIYED WAXA LEENAHAY KU DAYO PUNTLAND BAL SIDA MADAXDEEDU TAHAY , INAGON XAASIDNIMADA SOOMAALIDA LAGU YAQAANAY SO BANDHIGEEN.

  8. Marrka hore waxaan Salaamayaa Howl wadeenada Somaitalk.
    Aniga waxay ilatahay:
    waxaa la yaable in Gudoomiya gabal uu hamiyo in uu Maxadaweyne shir Caalamiya oo Beesha Caalamka iyo Maaxweyne Soomaaliyeed ka Qeyb gelayaan uu weydiisto Gudoomiye in uu la fariisto shirka . Arrinkaasi waxa uu ilayahay arin Qalad ah kunaan wanaagsaneen arrimaha Deplomasiyadda loona baahanyahay in laga fiirsado .
    mahadsanidiin