Home » Warar »

Farmaajo oo ka warwareegey ka jawaabidda su’aalo la xiriira Shirkadda Saracen iyo inta ka dhiman Xukuumadda Shariif iyo cidda Safiir ka ah UN

Iyo Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ka jeediyey Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobey iyo Khudbadii Mahiga….

UNITED NATIONS: Warbixin ay qortay InnerCityPress ayaa tibaaxday in Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Jimcadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qarammada Midoobey (QM) in InnerCityPress ay ka rajaynaysey inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira DFKMG qandaraaska militari ee ay la gashay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Saracen , arrimo ku saabsan Sheikh Shariif iyo ugu yaraan cidda DFKMG kawiilka uga ah xarunta QM.

Laakiin, hal mid oo su’aalaahaas kamid ah kama jawaabin, ayuu yiri Matthew Russell Lee oo ka tirsan InnerCityPress su’aalahana weydiiyey Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi waxa uu sheegay in uu “guddi u xilsaaray” arrinta ku saabsan Saracen, guddigaas oo warbixin soo diyaarinaya “Labada toddobaad ee soo socda,” ayey qortay jariidaddu.

Inner City Press waxa ay weydiisey: yaa DFKMG u saxiixay qandaraaska Saracen, maadaama Sharmaarke oo ahaa ra’iisul wasaarahii kahoreeyey Maxamed Cabdullaahi uu beeniyey in uu saxiixay, yirina dukumiintiga Maxamed Cabdullaahi isticmaalay waa Foojari. Video Halkan, daqiiqadda 1:41.

“Waxaan haynaa warqad uu saxiixay ra’iisul wasaarahii hore,” ayuu ku jawaabey Maxamed Cabdullaahi. Markii InnerCityPress weydiisey sida uu shakhsi ahaan u arko calooshood-u-shaqaystayaasha, Maxamed Cabdullaahi waxa uu yiri waa mid aan haboonayn in aan arrintaas ka jawaabo labada toddobaad ee soo socda. Video halkan, eeg daqiiqadda 3aad.

InnerCityPress waxay qortay in Maxamed Cabduullaahi uu wax ka qabtay dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya, arrintaas dhuxushana uu Farmaajo ku tilmaamay mid caraalad iyo qalaanqal ku ah dalka. Laakiin, ayey is weydiisey InnerCityPress, miyeysan  carqalad iyo qalaanqan ahayn qandaraaska calooshood u shaqaystayaasha, oo lala gelayo shirkad xiriir la leh ninka ay walaalaha yihiin Yoweri Museveni oo ah ee madaxweynaha Uganda ee ka qayb qaadanaya ciidamada AMISOM?

Inner City Press waxa ay weydiisey maxaa dhici doona marka la gaaro August 2011 oo uu ku egyahay xilka DFKMG — Sheikh Shariif markaas ma kororsan doonaa xilka? Maxamed Cabdullaahi waxa uu yiri “Ma doonayo in aan mala awaalo,” waxaa jira “dhawr arrimood oo la kala dooran karo” oo shaaca laga qaadi doono (ama la kala cadayn doono) “labada bilood ee soo socda.” Video halakan, eeg daqiiqadda 8aad.

Maxay Golaha Ammaanka, iyo Maraykanku ka aaminsan yihiin calooshood u shaqaystayaasha? Sarkaal hore uga tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Pierre Prosper, ayaa saxaafadda kala hadli doona heshiiskii DFKMG, laakiin weli cidda maalgelineysa (Saracen) shaaca lagama qadin (Inner City Press waxa loo sheegay in ay maal gelinayaan UAE iyo Jordan.)

Susan Rice & TFG's Mohamed Abdulahi, Saracen mercenaries not shown: By InnerCityPress

Sarkaal muddo dheer ka tirsanaa QM oo lagu maagacaabo Charles Petrie ayaa Inner City Press u sheegay uu ka hawl gelayo Soomaaliya oo uu u shaqaynayo DFKMG. Laakiin markii Inner City Press ay arrintaas weydiisey Mohamed Abdulahi waxa uu ku jawaabay “weligay ma maqlin”.. Video halkan, daqiiqadda 8:45.

Ilo wargal ah oo Soomaaliyeed waxay hore Inner City Press ugu sheegeen in wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee DFKMG uu warqad si toos ah ugu qoray Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon taas oo uu dib ugu soo magacaabayo Ciid Beddel Maxamed in uu noqdo wakiilka, una sheegayo wakiilkii joogtada ahaa muddada dheer in uu iska soo xaadiriyo Muqdisho.

Inner City Press waxay markiiba warqad u qortay xafiiska Afhayeenka Ban Ki-moon si ay xaqiijiso in ay heleen warqaddaas December 23, 2010. Jawaab markii ay ka weydey InnerCityPress dhawr jeer oo kale ay ku cecelisey su’aashaas in warqaddaas uu soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG. Ugu dambayntii jawaabtii ayaa loo soo diray InnerCityPress oo ah sidan:

Ka: Afhayeen QM
Ujeeddo: Jawaab
Ku: InnerCityPress
Waxaan xaqiijineynaa in 17 December (2010) aan hellay warqad ka timid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu dib ugu soo magacaabayo Wakiilka Joogtada ah. Wakiilka joogtaada ah qudhiisu waxa uu 22 Decemeber warqad u sii diray Xoghayaha guud uu ku xaqiijinayo in dib loogu yeeray.

InnerCityPress waxay markaas diyaarisay warbixin, waxay marka hore isku dayday in ay su’aalo weydiiso Ciid Beddel Maxamed. Laakiin Janaayo 5, 2011 isagoo ku sugnaa Golaha Ammaanka ee QM horteeda Ciid Beddel waxa uu diidey in uu ka jawaabo su’aalaha warbaahinta.

Janaayo 12, 2011 Ciid Beddel wuu ka carooday qoraalkii Inner City Press. Waxay markaas Inner City Press tiri, maadaama aan wax ka qorno arrimaaha Soomaaliya, waxaa kugu haboon in aad hadashid oo u dhaqantid si farsamo ku dheehan tahay (be professional).

Janaayo 14, 2011 Inner City Press waxay la hadashay wakiilkii muddada dheer joogey iyo shaqaalahiisa. Waxaa markaas Inner City Press is weydiisey “Yaa masuul ka ah safaaradda Soomaalidu ku leedahay (QM)?

Maxamed Cabdullaahi arrinataas kama jawaabin, ayey qortay Inner City Press oo su’aal ay weydiisey uu kaga jawaabey “waxaan leenahay Safiir, hadda halkan ayuu ila joogaa, arrintaasi waa mid dhexdanada ah.” Video Halkan, daqiiqadda 7:05. Kee labadooda Safiir ah? ayey is weydiisey Inner City Press..

iska Warka: http://www.innercitypress.com/som8cons011411.html

Khubaddihii Farmaajo iyo Mahiga ee QM, Jan 14, 2011

Khudbaddii uu Maxamed C/laahi farmaajo ka jeediyey UN oo qoraal ah (ENGLISH)

Sidoo kale Khudbadahii Farmaajo iyo Mahiga halkan hoos ka daawo VIDEO (First 100 ???! Video: 10:07)

ama Halkan ka daawo

* * *
Warqadii Farmaajo u Qoray Mahiga oo Muran ka dhex dhalisay Xubnaha Sare ee Xukuumadda FKMG.. TFG ROADMAP
* * *

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Farmaajo oo ka warwareegey ka jawaabidda su’aalo la xiriira Shirkadda Saracen iyo inta ka dhiman Xukuumadda Shariif iyo cidda Safiir ka ah UN "

  1. wadani says:

    waaan idin salaamay
    sheekh shariif xubnaha dowladiisa wali waxaa si wayn uga muuqda karti daradii uu ku sheegi jiray Pr. Ahmed I samatar. Markaa ilaahay waxaan ka baryayaa in ilaahay soomali u bixiyo wax dhaama waxa hada meesha jooga

  2. Muriiidi says:

    Look ah this; Mahiga said a big mistake in his speach in front of the international community. when he says ” For the 1st time, the parliament is approved the budget and the plan of the budget for the 1st 100 YEARS for each of the 18 Ministries.

    Aqligiisa xitaa ma isticmaalin, 100 sano kuye, instead of 100 days. Kan la socdaana, farmaajo, isaguna ma dhaamo, madaxa kor uma qaadin cabsi uu ka qabo iney lines warqada uu akhrinaayo isu dabamaraan darteed. Aqooneey xaal qaado, kuwa aqoonyaho ku sheegaayo ee cabinets ka mid ah yaa maanta wada imtixaana oo weliba marqaati ummada horteeda u keeno. dhamaantooda wax cusub waxaa kaga jira waa dad yar

    C/rashiid khaliif waxuu la shaqeeyey cali khalif oo secretary of the cabinet ayuu ahaa oo minutes ayuu cabinet ministers u aruurin jirey, markii wasiir k/xigeen cali khalif ka waayey isku shaandheentii dambe ayuu mareykanka dib ugu soo noqdey, Shariifkaan oo dhaga xiran ayey heleen isaga iyo c/kariim saracen.
    Yuusuf baadiyow, dowladii cali khaliif ayuu ka ahaa wasiirka beeraha, oo waxqabad iska daaye, gurigii M. Sh Osmaan kiradiisa ayaa weli lagu leeyahay.
    Max’ed A/hi Omar, dowladii C/rashid ayuu ku jirey
    Wasiirka Maaliyada isaguna La mid oo heshiiskaan Saracen ayaa soo celiyey.
    Agaasimihii Xafiiska Madaxweynaha, Heshiiskii Saracen ayaa isaga wasiir ka dhigey,

    Yaa aqoon lagu soo xuley ma mudan yihiin waxa uu ra’sul wasaarahan meel kastaa uu tago inuu ku faano technical expertees ayaan wasiiiro ka dhigtey. Ilhaahow xaalka noo toosi.

  3. Ordaaye says:

    Saracen wax jawaab ah kama bixin karo, waayo, waxaa iska leh Museveni walaalkiis Farmaajana ilaaliyayasha u ah. Haddii uu caddeeyo cid iska, waxa ay qabanayaan, cidda heshiiska la gashay, fashil iyo sumcad xumaa imaan. Farmaajana Xamar cid ku ilaalinaysa ma jirto.
    Conspiracy never ends. Ciidanka Uganda madaxdiisa aan wax ka sheego Xamarna waardiye ha iigu noqdaan labo is qaadan karta ma aha.

  4. hakim says:

    he said 100 years at 10:07.
    Some one who is hearing himself, would never make such ridiculous mistake, or may be he is reading speech written by some one else. And, Mr. Mohiga does not care the errors and the lack of truth in his speech he is making before the world, as long as, he thinks, he is reading what is in the paper.

  5. xasan yare says:

    waxay u eg tahay in raysal wasaaruhu yahay nin aad u jilicsan aana lahayn mowqif cad amaba go’aan adag,, waxana wax lala yaabo ah inuu xitaa ku guul daraysto kursiga qabyaalada laysugu haysto ee UN ta inuu arinkiisa kala gooyo…xaqiijiyona shirkad aan la aqoon haybteeda inuu ugu yaraan wax u eg fekerkiisa ka cabirto…