Home » Warar »

Door intee la eg bay ka soo qaateen Shirkadaha Diyaaradaha Wadaniga ah dhismaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho


Iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka  ay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho  ku Wareejisey Shirkad Shisheeye oo lagu magacaabo SKA AIR LOGISTIC ayaa arrintaa waxaa Walaac ka muujiyey  Shirkadaha Diyaaradaha ee dadka Soomaaliyeed leeyihiin hadaba Door intee la eg bay Shirkadaha ka qaateen Dhismaha Garoonka Muqdisho

Warbixinta oo sawiro wadata ka eeg halkan (pdf)

Markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii, adeegyadii dalka ee hawshoodu istaagtay waxaa ka mid ahaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, keliya hawshii bulshada loogu qaban jiray Garoonka Diyaaradaha ma aheyn midda meesha ka baxday balse Garoonka waxaa saameeyey dhibaatada wadanka ku dhacday, qayb ka mid ah Garoonka ayaa burburtay garoonku waxa uu noqday mid aysan ka socon wax hawlo duulimaad ah. Iyadoo uu marxaladdaasi Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku jiro ayaa waxaa Koonfurta Soomaaliya la wareegay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah waxa ay daaha ka rogeen Garoonka, Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ka hawlgala waxay hawlahooda dulimaad u soo weeciyeen Garoonka Muqdisho, inkastoo Garoonku uu shaqo bilaabay haddana burburka ka muuqday garoonka waxa uu u baahnaa dayactir balaaran oo dhaqsi ah.

Shirkadaha Diyaaradaha Muqdisho waxa ay u sitaageen sidii Garoonka loo dhisi lahaa, waxay iska uruuriyeen dhaqaale lagu dayactiray qaybtii burbursaneyd ee Garoonka waxaa hawshaas la qabtay intii ay Muqdisho ku sugnaayeen Midowgii Maxaakiimta sidaas oo kale Shiradaha Diyaaradaha wadaniga ah waxay shaqo muhiim ah ka qabteen bilicda Garoonka oo ay ku bixiyeen dhaqaale jeebkooda ah, hawshaas baaxda leh ee Shiradaha dalka ka dhisan fuliyeen waxay suuragelisay in Garoonka dib u shaqo bilaabo mudo dhowr iyo toban sano ah kadib.

Lixdii bilood ee Maxaakiimta kadib waxaa dalka la wareegay Dowladdii Federalka ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Shirkadaha Diyaaradaha wadaniga ahi waxay mar kale bixiyeen lacag xoog leh oo lagu sii wado dhismaha Garoonka Diyaaradaha kadib markii guddi ka socda Shirkadaha Diyaaradaha kullan la qaateen Ra’isul Wasaarihii xiligaasi Cali Maxamed Geedi sidoo kale waxaa laysla meel dhigay heshiis ku aadanaa in Shirkadaha Wadaniga ah la wareegaan hawsha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxayna Shiradaha Duulimaadku bilaabeen in ay qalabeeyaan garoonka, waxayna dhiseen Terminaalada Garoonka sidoo kale waxay keeneen Matoorka guud ee hadda Garoonku isticmaalo balse nasiib daro waxaa arrintaasi in ay si rasmi ah u hirgasho hor istaagay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Garoonka  waxaana xiligaasi warar hoose tibaaxayeen in uu heshiis qarsoodi ah kula jiray Shirkad Ajnabi ah oo la doonayey in gacanta loo geliyo hawlaha Garoonka Muqdisho.

Shirkadaha Diyaaradaha waxa ay u soo dhabar adeegeen xiliyo adag oo soo maray Garoonka Muqdisho, iyadoo garoonka madaafiic ku socoto ayaa haddana hawsha shacabka loo hayo waxay ahayd mid aan hagad gelin, xiliyaddaas adag waxaa Shirkadaha Wadaniga ah ka soo gaaray dhibaatooyin isugu jira in ay ku waayeen rag muhiim ahaa oo qayb weyn ka qaatay hawlahii kala duwanaa ee dayactirka Garoonka Muqdisho sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hawlawadeeno kale, waxqabadkii shirkadaha duulimaadka ee wadaniga ah muujiyeen iyo dhibaatooyinkii ka soo gaaray waxaa loogu bedelay in gacanta maamulka Duulimaadka iyo Garoonkaba loo geliyo Shirkad Ajnabi ah oo lagu magacaabo SKA, markii ay isku dayeen in ay muujiyaan mawqifkooda ku aadan arrintaas waxaa Shirkadaha Diyaaradaha Wadaniga ah loo gaystay aflagaado iyo cago jugleyn taas oo ka imaaneysa qaar ka mid ah madaxda Garoonka iyadoo uusan daah saarneyn hawsha baaxadda leh ee Shirkadaha Diayaradaha u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, waa isgaarsiin deg deg ah, waxay u kala adeegaan bulshada dal iyo dibad, waxay fududeeyaan gargaarka deg deg ah ee ay u baahan yihiin dadka ku waxyeelooba dagaalada ka socda Muqdisho-dhaawacyo badan ayay Diyaaradaha shirkadaha wadaniga ah ka daabuleen Muqdisho kuwaas oo adeegyo caafimaad loogu soo sameeyey dalka dibaddiisa sidoo kale mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadka waxay naftooda ku biimeeyeen dal aan amni iyo kala dambeyn laheyn mudo dheer iyagoo ku adkeystay in ay u shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa u soo shaqo taga dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo maareeya nolosha qoysas sabool ah, shaqaalahani waxay isugu jiraan kuwo u shaqeeyaa Diyaaradaha Duulimaadka iyo qaar kale oo ka hawlgala Garoonka, haddaba shirakadaha Duulimaadka Wadaniga ah ayaa mustaqbalka Garoonka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya  u cabsi qaba mar haddii la doonayo in gacanta loo geliyo Garoonka shirkad Ajnabi ah oo hawsha ay qabaneyso uu shaki weyn ku jiro taas oo la sheegay in ay ka shaqeyneyso Garoonka Muqdisho balse hadafkeeda qarsoon uu yahay in ay si tartiib ah ula wareegto dhamaan hawlaha duulimaadyada ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, haddii ay taasi dhacdo waxaa halis ku jira mustaqbalka iyo madaxbanaanida Garoonka sidoo kale waxaa ku shaqo weyn kara dadka faraha badan ee hadda nolol maalmeedkooda ka bursada Garoonka maadaama shaqaalaha shirkaddani wadato ee qorsheysani yihiin intooda badan kuwo ajnabi, Shirakadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed waxa ay aad uga xun yihiin in haadaan laga tuuro mustaqbalka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde kaas oo dhismihiisa, horumarintiisa iyo qalabeyntiisa ay ku filan yihiin Shirakadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed ee Wadaniga ah oo kal hore u istaagay sidii ay Garoonka uga dhigi lahaayeen mid qalabeysan oo la tartami kara Garoonada caalamiga ah ee Adduunka.

Sawirada kaaga Muuqda HALKAN waa mid la qaadey Sannadkii  2006 dii Xili ay Shirkadaha Diyaaradaha ay ka qaybqaadanayeen Dayactirka iyo Dhismaha Garoonka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Door intee la eg bay ka soo qaateen Shirkadaha Diyaaradaha Wadaniga ah dhismaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho "

  1. Naasriin says:

    tan iyo Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Somaliya,waxaa meesha ka baxay shirkaddi waddaniga aheed ee somali airlines, ka dibna waxaa soo baxay shirkada shisheeye oo wakiillo ku leh somaliya kana shaqeysta, garoomada diyaaradaha ee dhamman somaliya qeybeheeda kala duwan aad ayey u dayacanyihiin, mana jirto haba yaraatee wax ay ka qabteen shirkadaha isticmaala. sanad walba malaayiin doolar oo lacag ah ayey shacbka somaliyeed ka gurtaan mana jirto cid ay wax ugu qabteen. garoonka muqdisho waxaa dib u dhisay maxaakimtii islaamka.
    garoonka diyaaradaha lacagta lagu dhisayna shirkad diyaaradeed ma ay bixin ee waxaa iska soo ururiyey somalida qurbaha. marka, aniga ma garan waxa lagu diidayo in garoonka muqdisho oo aan kawarqabno dayaca heysta la hagaajoyo. waxaa ay ila tahay in shirkadaha diyaaradaha oo dagaalada ku naaxay ay rabaan in xaaladda hadda taagan la isaga jiro ayaguna lacag iska gurtaan.

  2. Abdisamed says:

    marka hore iga gudooma salaanta islaamka Asalaamu calaykum.
    salaan kadib waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan inta samaanta jecel waxaan ka xunahay shirkadaan iyo shirkada kale calooshood u shaqaystayaasha ah oo wadankeena rabo in ay la wareegaan waxaan leeyahay shirkadaha wadaniga ah la dagaala oo diida damacooda ka hortaga oo bur buriya idinkoo u dhalateen wadanka sidee shirkada kale ey uga shaqaynayaan oo ay u keensanayaan shaqaale kale taasi waa damiir la’aan waxaan leeyahay kuwa la galay heshiiska ma ahan kuwa damiir leh waxaad tihiin kuwii dhisay Airporka usoona dhabar adeegay xiliyadii dhibka badnaa hadaba waa wax laga dhinto in korkiina lagu shaqaysto war sidaan isu dhaama ka dagaala waxaan oo kale sidee wadankiina aad marti uga noqonaysiin cajiib! fadlan warkaan oo kale waa mid lagu la laboodo hanoo soo qorina waxaan oo kale tilaabo cad halaga qaado shirkadahaan iyo waxa wataba As.c