Home » Warar »

Bay iyo Bakool: Alshabaab oo ururiyey Xoolo Zako ah oo gaaraya 30,000 Ari iyo 2,500 Geel

Munaasibad xoolo nool loogu qeybinayey oo ka dhacday dagmada xudur oo ka tirsan Gobolka bakool .

Xaflad si  heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta xarakada alshabaab ee wilayadaha bay iyo bakool isla markaana qoysas abaaraha iyo colaadaha ku ceroobey xoolo nool lagu gudoonsiinayey ayaa ka dhacday dagmada xudur oo ka tirsan gobolka bakool waxaana ka hadlay gudoomiyaha mashruuca zakawaadka sheekh cabdala garweyne  oo ka warbixiyey xoolaha la qeybinayo iyo dadka mutastay in la siiyo ee ay ka mid ka yihiin fuqurada ,masaakiinta dadka deymoobay ee deynta lagu yeeshay oo aana heli karin wax ay isaga bixiyaan  iyo sidoo kale dadka gacanta ku haayey mudada xoolahana xanaaneynayey.

Halkan ka daawo Sawirada

Sheekh Cabdala garweyne ayaa sheegay in ay cibaado tahay xoolaha dadka muslimiinta ah laga uruuriyo ee la siiyo inta ka soo baxday sharuuda zakada.

Dagmada Xudur ayaa la isugu keenay ari gaarayo 4851   neef halka geelina uu garayo 392 neef  waxaana loo qeybiyey qaar ka mid ah dadka deegaanka wuxuuna Allah uga mahdceliyey waafajinta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka oo ay qaateen.

Sheekh Cabdala garweyne ayaa kula dardaarmay dadkii zakada qaadanayey in ay dhaqaalaysadaan xoolaha nool ay qaateen Allena ugu shugriyaan  isla markaana u duceeyaan dadkii xoolaha bixiyey ee zakada laga soo qaaday .

Zakada ayaa ka socoto dagmooyinka gobolka bakool sida rabdhuure ,yeed waajid ,waxaana laga qeybiyey in ka badan 9000 oo neef guud ahaan gobolka bakool sida uu sheegay madaxa zakawaadka ee gobolada bay iyo bakool sheekh Cabdala garweyne

Wuxuuna sheegay in qeybinta zakada aysan ka soconin dagamada xudur oo kaliye balse ay ka socoto dagmooyinka iyo Gobolada ay gacanta ku heyso xarakada mujaahidiinta alshabaab dhamaantood .

Waxaana labada gobol ee bay iy Bakool sanadkaan u sooxarooday xoolo nool oo garaya xaga ariga in ku dhow 30,000 oo neef   halka geela lagu sheegay in uu gaarayo 2,500 oo neef wuxuuna ku tilamaamay in ay tahay juhdi aad u weyn oo ay bixiyeen madaxda iyo ciidamada xarakada alshabaab iyada oo dhamaan xoolahaan loo qeybinayo dadka soo buuxiyo sharuudaha zakada lagu qaato oo ay u waajibto in la siiyo

Arintaan ayaa waxaa ku howlan wilaayada kala duwan iyo maamulada mujaahidiinta alshabaab ee gacanta ku haaya 10 gobol oo ka mid ah dalka Somaliya. Sheekh Cabdala garweyne ayaa ilaah ka rajeeyey naxariis badan ,roob iyo  wanaag dhamaantiis

Hadalka ka dib ayaa waxaa la guda galay qeybinta xoolaha nool oo ariga laga bilaabay iyada oo qofkiiba la siinayey 5 neef oo kala duwan da’ahaan iyo muqaal ahaan si ay u ahaadaan kuwa kala nooc ah.

Dadkii la siinayey ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida aadka ah ee ay ugu faraxsanaayeen iyada oo qarkood sheegay in ay faqrigii tuureen.

Halkan ka daawo Sawirada


Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Bay iyo Bakool: Alshabaab oo ururiyey Xoolo Zako ah oo gaaraya 30,000 Ari iyo 2,500 Geel "

  1. khaliid says:

    waa arin lagu farxo umada in ayee isku gar garan raaga howshan fuliyayna waxaan le yahay ilaahey ha idin la garab galo ee xaqa ku tagnada

    ogada somaliyeey raaga xaqa allaah ku tagan 3 qolo ayaa naceyb

    1) kuwaa qabiiladooda lagu la dagalay diin naceyb

    2 kuwaa balwaad leh oo naceyb dhaqanka islaamka in looga taliyo somalia.

    2 kuwaa macasida jaceyl nucey doonta ha ahate.

    ilaah xaqa hanagu sugo hadii an nahay qurbo joogta dalkii hooyo ka maqan mor then.18 yrs amin amiin

  2. HALGAME says:

    XOOlahani waa xoolihii laga soo dhacay masaa kiinta reer jubbaland oo lagu eedeeyay ineeysan jihaadka ogaleeyn in eey u dhintaan ama naftooda u huraan sidaa darteed al-habaab hal ku dhigooda ayaa ah NINKII AAN JIHAADKA KU DHIMAN MAXAA NAGA GALAY HAdii LA QANIIMEEYSTO IYO HADUU DHINTO

  3. Waan idin salamaya mamulayasha wabsaydaka Somalitalka,co wana ku mahadsan tihin rayiga dadweynaha oo aad so bandhigatan.

  4. Abu Amal says:

    Maasha Allah.. somalidu zaka waxay u arkaan hilibkii Sacuudiga waqtiga xaja laga keeni jirey taasoo aan lagu tilmaami karin Zako.

    Arinta dhalinyaradan ama AL-shabaab samaynayaa waxaa dunida Islamka ugu dambeysey waqtigii dowladii Cumar Bin Cabdulcasiis (RA) ee Ciraaq sanadkii 717-720 Hijriyada.

    Dhalinyarada yaan afka lagu taagin qaladaadka yar yar iska dhaafa maanta inta badan shacabka faaido ayay ku qabaan. Mujirim iyo burcad la bireeyey yaanan danta guud ee shacabka gaarey loo fidneyn. Hadii isbaarada iyo kufsigii, dhulboobkii, xasadkii, naxariis daradii, dagaaladii beelaha. kii jufooyinka, khamirgii iyo sharaamiitkii aadan rabin iney markale Somaliya ku soo noqoto, u duceeya dhalinyarada ama afkiina ka xirta.

    Illaahey umadeena diinta fahamsiiyo. Amiin

  5. sahra says:

    wallaahi waa arin lagu farxo inkastoo aan la,ogayn sida ay ku keenen waayo reer miyiga intoodabadan xoolaha ma quuraan hadana waa wax wanaagsan shakina kuma jiro in dhibka lagabaxayo hadii cadaalad la helo laakiin alshabaab wax badan bay khaldahayaan mana ogala in lasaxo oo culimadii bay ku sheegeen wax xun sida waxay ugu yeereen culumaa,u zuu saadaashuna ma wanaagsana oo tan maanta lagujiro baa jano noqondoonta hadii illaahey xaqa tusin intay goori goortahay inkastoo kuwa daacad ah ku jiraan hadana kuwa badan oo wax halaynayaa kujira allaanse faraj ka baryeynaa.

  6. waxay ila tahay alshabaab marna caaya marna waxaan jirin ka sheega marna soomaaliyeey eex kusoo gunaanada nin walboo soomaali ihi hasiiyo fursadda oo yuu moogaan mar inaynu ahayn dimoqraadi oo aannu meel kasta talaagneeyn cadaawadooda anagoo lahayn dabadhilif afmiinshaar dibutaati calool,buur) kaddibna aynu lahayn xisbiga hantiwadaagga iyo nooloow nooloow waligaa ha dhicin) kaddibna milatari hiin hiinsaday dhallintii dalka qafaalna uga horgeeyey laba sheeydaan uu xeerada watay) hadda islaam ayaa xeeladdii tahaye wax la fahmi karo dadkoow ku hadla ama aamusa

  7. Lagdow says:

    Alshabaab waa dad xaqa kutaagan hadii ay intaan oo hanti ah masaakinta siiyen,xataa dowlad lagama helo intaan.hanbalyo aad ayaan ugu faraxsanahay zakada.

  8. Togane says:

    Dadkaan dego Bay iyo Bakool, daacad ayay ka yihiin halganka alshabaab. Waxaad ka arkeysaa hantida ay ku bixiyeen.

    Waxaan sugnaaba waa reer Hiiraan, Galgaduud (inta shabaabina heystaan), Shabeelada Dhexe, iyo Jubooyinka. Markaas ayaa la ogaanayaa runta iyo beenta!

  9. abdullahi says:

    wallahi sakko ma ahan waa tuugo mooryaan ah, nin duq ah oo geel raace ah ee ku dileen xuduudka kenya, isla markaas neh geel badan ee hore u soo qaateen.. dadki ee soo dhaceen.. waxee ku qorantahay internetka

  10. waa arrin wanaagsan oo lagu farxo laakiin alshabaab ha joojiyaan isqarxinta,iyo bireynta dadka

  11. Magan says:

    Waa arin aad iyo aad loogu farxo dadka masaakiinta ah ee loo qaybiyay sakada waana markii iigu horaysay ee aan arintaan oo kale aan arko xoolo intaa le’eg oo la soo aruuriyay oo dadkii u baahnaa la siinaayo. runtii haddii ilaahay diintiisa lagu dhaqmo dhibka iyo rafaadka na haysta waa lag bixi lahaa

  12. Adam Abuzhri says:

    Waa wax lagu farxo in Zaka dadka loo qeybiyo ayadoo ay Somalia maanta ay kuhabsatay abaaro ba’an. Dowlada ayaa shaqadeeda gabtey ee ragaan waa kasoo baxeen baaqoodii abaaraha.