Home » Faallo »

Soomaaliya:- 20 Sano Qax iyo Dowlad La’aan!


“20 sano kalle oo dagaal iyo dowlad la’aan ah diyaar ma u nahay?”

Aniga oo web-ka  google.com ka raadinaya dhibaatadda Dagaalada iyo saameenta uu ku leeyahay bulshooyinka  ayaan isheedu qabatay “List of civil war” kadib markii aan sii aqriyay waxaan ku arkay in dalka Soomaaliya oo kaliya uu yahay dalka kaliya ee 20 Sano oo xiriir ah ay dagaalo ka socdaan laga soo bilaabi sanadkii 1991-2011.

Dalka Algeria sanadihii u dhaxeeyay 1991-2002 dagaalo ayaa ka socday balse dhibataadda Algeria iyo midda Soomaliya waxaa u dhaxeeya farqi weyn, Algeria dalkeeda waa mid Dowladda iyo koox Mucaarad ah u dhaxeeya balse Soomaaliya Dowladii waa la bur-buriyay waxa is heestana waa Soomaalida dhaxdeeda oo in Diintii lagu dagaalo ayaan goob joog u nahay marka laga reebo Dagaaladda cadowga lagula jiro.

1980-kii ayay dhibaatadda Soomaaliya bilaabatay xilligaas oo Goboladda  Soomaaliya intooda badan ay dagaalo iyo barkac ka biloowdeen balse sanadkii 1991 ayay Dolwladii dhexe bur-burtay iyadoo wixii xilligaasi ka danbeeyay ay Soomaalida ku noolyihiin nolal xanuun badan meelkasta oo ay dunida ka joogaan..

Maamul goboleedyadda Somaliland iyo Puntland waxaa ka jira Nabad balse Wali Dowlad dhaxe haddii aysan jirin waa jug-jug Meeshaada joog, qofka ku nool Hargeysa, Burco, Garawe ama Boosaaso kama maarmo Soomaaliga ku dhibaateeysan Mogadishu, B/weyne ama Kismaayo oo Soomaalidu waa dad aan kala maarmin, Bashiir Cali Xuseen Hees uu lu luuqeeyo waxaa ku jiray erayo ay ka mid yihiin “Midigey bidixi maka maarantaa?, Madaxow manjaha maka maarantaa”? Jawaabtu ma dhib badana oo waa maya.

Wali ma is waydiisay sababta aan 20 sano dowlad la’aan u nahay?, wali ma is waydiisay Mustaqbalka Soomaalida sida uu noqon doono haddii arrinku sidan ku sii socdo?, Maxaa dolwad ama Maamul Soomaaliyeed loo la’yahay?, Su’aalahan iyo ka badan ayaan wali jawaab waafi ah u la’ahay?

Nolasha Qaxootinimo.!

Qaxootinimo waa nolal Xanuun badan, Waa Nolal qofkii soo maray uu fahmi karo dhibaatadda ay leedahay, ku dhalo ama ku soo bar-baar dal aan dalkaada aheyn wali dareenka Qaxootinimo wuu jiraa horay ayay Soomaali u tiri “Dal aan dalkaada aheyn waa Dareen ku joog” . shacab iska dhaafee waxaa Qaxooti wali ah dadkii dalka Madax u soo noqday oo maanta ku dhibaateeysan Barafka Yurub iyo Latin America.

Sanadkii 2006 waxaan booqday xeradda qaxootiga ee Dhadhaab oo sanadkan 2011 jirsatay, sidoo kalle 2008 waxaan booqday xeradda Qaxootiga ee Kakuma ee xadka Dowladda Kenya iyo Sudan ay wadaagaan ku taa waxana ku soo arkay waa Soomaali dhibaateysan iyo dad rajo beelay. Waxa ku kalifay nolashaas  waa dhibataadda Soomaaliya ka socoto iyo dagaaladda wali socda.

Tiradda dadka Qaxootiga caalamka ku ah Soomaalida kaalinta 3-aad ayay kaga jirtaa balse haddii xaalku sidan ku sii socdo Qaxa intan wuu ka badnaan doonaa, tusaale Dagaaladda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Mogadishu ka socda waxa dhashay muujado Qax ah oo Mustaqbalka dhow keeni karta in Magaaladda Mogadishu 3 Meelood 2 meel dadka hadda ku haray in ay isaga qaxaan iyadoo maanta Mogadishu ay ku noolyihiin dad ka yar Hal Milyan.

Soomaalida oo guuldaro dhanka Siyaadda ah ay ku dhacday ayaan hadda intooda badan ka qabin rajo in Dalka Soomaaliya xilli dhow uu noqon karo dal Dowlad hagaagsan ay ka jirto balse Alle ayaa garan kara sida uu Mustaqbalka dhow ay Soomaaliya noqon doonto.!

20 sano oo dagaal ah halkee ku soconaa?

Inkastoo aan ka mid ahay dhalinta 20-kan sano ee dagaaladda socdeen dalka Soomaaliya ku soo koray, markii aan dalka ka soo tagay oon aan dalka Kenya oo Qurbo iigu horeeyay aan tagay ayaan is waydiiyay Nabad la’aan iyo Maamul La’aan sidee loo noolaan karaa?, inkastoo 20 sano ay idlaatay haddana 20 sano oo kalle haddii xaalku sidan ku sii socdo maxaa dhici doono?. Walise jawaabta Su’aalahan waan raadinayaa.

Intii aan Qoraalkan ku guda jirayay ayuu nin Tagsiile Malaysian ah I waydiiyay halkee ka timid waxaan ku iri dalka Soomaaliya, markaas ayaan waydiiyay in uu garano si fiican ayaan u garanayaa oo Ciidankii AMISOM markii ay Soomaaliya tagayeen ayaan ciidan u dirtay dowladda Malaysia  ee hadda xaalka waa sidee ayuu igu yiri, waxaane ugu jawaabay hadda xaalku waa bariga dhaxe gaar -Xaaladda way xuntahay-  gaar ahaan Caasimada iyadoo sheekada halkaas inoo mareeyso ayuu igu yiri “Malaysia waxaa ku nool 3 Qoomiyad, Malaysian, Jeenis iyo Hindi”, intaas wuxuu ii raaciyay in Malaysia dadka ku nool ay diimo kala duwan aamisanyihin inkastoo Diinta Islaam-ka ay diinta koowaad ee dalka tahay balse Soomaaliya waa dal sidee ah dhanka dhaqanka  iyo Diinta? markaas ayaan ku iri “Isku dal, Luuqad, Dhaqan iyo Diin Islam ah ayaan wada leedahay”, markaas ayuu igu yiri sababta aad isku dagaleesan maxay tahay markaas ayaan ku iri “anigaba ma garan wali”.

Sheekada ninkaas na dhax martay waxay ku soo dhamataay in aanan gar waayay sababta aan isku dileeyno iyadoo dad wax badan wadaagaan aan nahay balse nasiib xumo ayaa nagu dhacday, waan filayaa in qof walba oo Soomaali ah oo qurbaha tagay uu la kulmay arrintan  oo kalle ama qisooyin ka xanuun badan kuna saabsan Xaaladda dalka Soomaaliya.

Gunaanad

Qoraalkan uguma tala galin in aan Macluumaad ku soo gudbiyo balse waxaann ugu tala galay in aan dareenkeyga ku aadan dhibaatada Soomaaliya ka socoto aan la wadaago Soomaalida kalle.

20 sano waxaan ku dhameesanay dagaal?, haddii sidan xaalku ku socdo Rajada aad Soomaaliya ka qabto waa maxay?, ma in aan Dibad joog ahaano mise dalkeena ayaan dhisanaa oo dhibaatada jirta xal ayan ka gaarnaa?…Salama

Mahadsanid.

Ibrahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

Selengor, Malaysia

sayfudiin@gmail.com

Facebook/Saifudiin Abdalle

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Soomaaliya:- 20 Sano Qax iyo Dowlad La’aan! "

  1. ASC Salaan ka dib walaal waxaan nahay ummad tihiih ku jirta, oo jiil baaba’a mooyee aan rajo kale lahayn, marka 40 sano ayaa jiil ku baaba’aa. 20 kale aan ka war sugno.

  2. wrsme muuse says:

    aad iyo aad iyo si murugo leh ayaan uga xumahay dhibaatada iyo rafadka iyo qaxootinimada qabsaty soomaalida sanadadii u dhexeeyey 1991_2011 waayo soomaalidii sanadahaas waxey soo mareen rafaad iyo tacadi aduunkoo dhan isla arkay lkn dadka dhaladka ah ee soomali ku abtirsadaa ay arag…marka waxaan oron lahaa qofkastoo soomaali ah ha u duceeyo dalkiisa waxaa laga yaabaa iney aqbal u noqoteee….

  3. Mh Mohammed says:

    ASC, Gentleman iyo Abuzuhri… Waxaas iyo ka badan baa nagu qabsaday qurbahaan, qaasatan aniga waxaa i qabsatay anigoo college dhiganaya ayaa waxaa la iga codsaday inaan dhaqanka iyo hidaha wadankeena wax ka iraahdo si la iiga faa’ideysto maadaama aan kaligay college-ka Soomaali ka ahaa, sidaad ogtihiin qofku marka uu sharaxaada barnaamijkiisa dhameeyo waxaa la waydiiyaa su’aalo badan oo laga rabo in uu ka jawaab celiyo…., su’aashii ugu horeysay waxaa ii waydiiyey mid ka mida macallimiintii wuxuuna i yiri.. sidaan ognahay adiguna haddaba aad ka dhawaajisay waa dad isku cid ah, isku diin ah, isku dhaqan iyo wax kasta ah oo hadana wiil iyo walaal iyo seedi isku ah maxaad 20 sano isku heysataan oo aad hal dhinac uga soo wada jeesan la’dihiin?? jawaabta waan u soo gaabiyay raadinteedii ayaanba halkaan u imid ee adigu xal ma u haysaaa??? dadkii kale oo su’aalaha i waydiin lahaana halkaas bauba uga baxeen.
    Sida xaqiiqda jawaab waan u hayaa laakiin waa qaraar tahay oo afkayga ma soo mari karto…

  4. Adam Abuzhri says:

    Adeer ducaysane, Somali waxay isku haysato jawaabteeda maka ay dhaxdeena tahay waan kusiinkaraa oo waad ogtahay reer hebal iyo reer hebal..waxay kusameeyeen…. koox hebel iyo koox hebel ayaa waxay isku hayaan cidii….laakinse marka ay noqoto bulshada aduunka jawaabtu waa adagtahay… waana waji gabax iyo waxaan afka lasoo marinkarin.

    Qiso yar oo aniga lafteyda iqabsatay, mana aha hal more ee waa maalinkasta.
    Maalin ayaa waxaa shaqada iigu yimid nin udhashey wadanka Findland. Salaan kadib, waxay aheyd inaan kala sheekeysto arimo dhaqanka Islaamka iyo diinta kusaabsan oo ah shaqada aan kashaeeyo. Si loo wada sheekeysto, waxaan isweydiney wadama aan ka kalanimid…. markii aan ku iri Somali baan ahey ayuu iisheegey in arday Somaliyeed uu wax udhiga oo uu baro luuqada wadanka… Inta xooga yara aamusay ayuu igu yiri: Somalia waxaan umalaynaya inaay dhibaatadii weli kajirto .
    Jawaab: Waa runtaa oo weli sidii iyo si kaxun.
    Ninkii: Maxaa laysku haya oo ay mushkilada kataagantahay?
    Jawaab: Ardadaada weydii, haddii aad jawaab kawayso jaraa’idka kuqor oo cidii su’aashaas kajawaabo karto hakula soo xariirto.
    Ninkii inta igu quslay ayuu ku adkeystey inaan kajawaabo: Adiga shakhsiyan maxay kula tahay? Ardaydana waan weydindoona marka aan utago.
    Jawaab: Magaranayo, ayaan ugu jawaabay anigoo wajigabax dareemaya. Waa jawaab ceeb ku ah nin intaan la’eg oo Somali ah. Waxay aheyd inaan ugu yaraan bixiyo marmarsiiyo lafahmikaro.

    Su’aalahaan iyo wax ka adag ayey kuwaydinayaan dadka naga fog ee aan sidaas ugu sii warqabin arimaha Somalia. Ama Carabta iyo Muslimiinta aan uhaysano inaay naga warhayaan.Qaar badan waxay kuweydinayaan su’aalo aad aad kaxanaaqaysid, waxayna kuu weydinayaan sidii adigoo ah afhayeenka qolada dalka qasaysa:
    Somalia, imisa gaalo ah tirada guud ee wadanka? Imisa qoymiyadood ayaa wadanka dagan? Haddii aad tirahdo, gaalo ma joogta Somalia, waxaad furtey su’aalo yaab iyo amakaak leh oo aan jawaab laheyn.
    Umadaha aduunka qaarbaa horey noogu xukumay inaanan dowlad astaahilin.