Home » Maqaallo »

Villa-deena Soomaaliya. Waa maqaal ka hadlaya muranka & inkiraadda heshiisyada waxyeelada

Villa-deena Soomaaliya.

Malmihii ugu dambeeyay waxay dhagaheenu aad u maqlayeen heshiisyo la sheegay in lala galay shirkado kala duwan si ay u maamulaan hanti ummadda Soomaalidu leedahay noocay doonto ha ahaatee. Heshiidyadan oo ay ugu dambeeyeen kuwii lala galay shirkad lagu magacaabo Saracen International & weliba shirkad la sheegay in Japan laga leeyahay taasoo la wareegtay dhismaha magaca internet-ka ee .SO loo yaqaan ee Soomaalidu leedahay.

Waxaana heshiisyadan dhammaantood galay xukuumadda Soomaaliya rag ka socda kuwaas oo cabsi & welwel ku beeray shacabka Soomaaliyeed meel walba ha joogaane. Welwelku wuxuu sii batay markii ay soo yeertay shanqar ku saabsan in heshiisyadu aysan 2 & 3 ku koobneyn  ee tobaneeyo ku dhow dhow yihiin amaba kor u dhaafeen, laakiin aan war & wacaal loo heyn intooda badan. Shakhsiyaadkan dhammaantood waxaa saldhig u ahVilla Soomaaliya, waxaase la is weydiinayaa yaa heshiisyadan hor boodaya? Maxaase ka sax ah wararka ay shakhsiyaadkan Soomaalida ah ee heshiisyadan soo maleegay ay dadka u sheegayaan?

Bal aan eegno murankii ugu dambeeyay ee maalmahan ka taagnaa heshiiska shirkaddan lagu magacaabo Saracen ee meel ay ka diiwaan gashan tahay la la’yahay. Murankan oo u dhaxeeyay labadii xukuumadood ee Soomaaliya isaga dambeeyay. Waxaana qoraalkeena u kala qaadi doonaa kooxo dhowr ah oo tartan ka dhaxeeyo ama liddi isku ah.

Farmaajo vs Sharmaarke

Sida aan ka warqabno Ra’isalwasaare Farmaajo wuxuu maalin dhoweyd baarlamaanka horgeeyay warqad copy ah oo uu ku sheegay in ay tahay warqaddii uu Raisalwasaarihii hore Sharmaarke  heshiis-ka kula galay shirkadda Saracen. Markii arrintani soo baxday waxa la filayay waxay aheyd waxa uu R/w Sharmaarke arrintan ka yiraahdo. Durba Sharmaarke wuxuu wareysiyo kala duwan siiyay idaacado ay ka mid yihiin BBC, VOA iyo weliba TV-ga Universal. Dhammaantoodna wuxuu u sheegay in lagu been abuurtay wax heshiis ahna uusan shirkaddan la gelin. Intaa oo keliya kuma ekeyne wuxuu dabadhigay in saxiixiisa warqad la dul saaray taas oo ula jeeday in la forjar gareeyay ama haddaan si kale u dhigo lagu sameeyay been abuur waxa afka qalaad loo yaqaanno (fraud.)

Mar haddii xaal halkaa marayo arrinta keliya ee la sugayay waxay aheyd jawaabta kama dambeysta ah ee dowladda hadda jirtaa ay arrintan ka bixiso taas oo noqon karta uun caddeyn rasmi ah markhaatigeedana wadata in meesha la keeno. Tiina waxaad mooddaa in aan weli sugeyno ama la oran karo waxba kama soo naasa-cadda. Waxaase arrintii oo dhan isku fuuqsaday jawaabaha ay arrintan ka bixiyeen qaar ka tirsan wasiiradda cusub oo meel ay wax u saaraan kala garan la’.

Dowladda hadda jirta vs Dowladdii hore

Labadii dowladood ee is badalay oo ay kala hogaaminayeen Mudane Farmaajo & Mudane Sharmaarke waxay labaduba iska fogeeyeen cidda heshiiska la gashay shirkaddan. Laakiin halka is-weydiintu ka imaneyso ayaa ah, waxaa aalaaba dhacda in markii dowladi dhacdo ay tan badashaa waxyaabo badan oo tii ka horeysay ay ku howlaneyd wax ka badasho ama baabi’iso, laakiin waxaad moodaa in arrintan heshiiska ah ee muranka dhalisay, ay dowladdan cusubi kaga faro dhuudhuuban tahay tii ka horreysay.

Waxaana taa ku garaneysaa jawaabaha ay ka bixiyeen iyo sida aysanba u dhibsaneyn ama isugu dayeyn in la joojiyo heshiisyadan. Xitaa haddiiba ay dowladdii hore ay heshiiskan ka dambeysay, welina uusan meel-marin maxaa u diiday dowladda cusubi in ay waxba kama jiraan ka dhigto heshiisyada noocan oo kale ah. Marka aad arrimahaa oo dhan eegto waxaa kuu muuqanaya qolada dhabta ah ee heshiiskan saxiixday.

Dabcan marka kelmadda been-abuur timaaddo ama lagu eedeeyo masuuliyiin qaran, kama duwana musuqmaasuq bal wey-ba ka xoog badan tahay. waana waxa dad badan oo caalamkan soo maray meel xun aakhirkii ku dambeysiiyay markii lagu eedeeyay, laakiin annaga waxaad mooddaa in aysan waxba nala aheyn oo haddii cidi nagu sheegto ay wax caadi ah noogu muuqato, maadaama dambiyada waddanka laga galay ee dhaca, dilka & kufsigu ka mid yahay ay qariyeen dambiyadan kuwan oo kale ah khatarta intaa le-egna leh.

Saracen IWM vs Shacabka.

Marka aad eegto sida wax u socdaan marka kaga hadlayo heshiisyada la sheegay in dowladdu la gashay shirkado laga shakisan yahay ayaa waxaa kuu soo baxaya in waddanka Soomaaliya uu la mid yahay diidiinkii haaddu u tashatay, markii in loo tashanayo loo soo sheegayna ku jawaabay sow Alle ma joogin halkii la iigu tashanayay!!!!.

Shacabkan masaakiinta ah ee dushooda lagu gorgortamayo, hantidoodiina hadba kooxo qowleysato ah ay afka iska marinayaan, ayaa cidda keliya ee ay badbaado ka sugayaan ah Allihii kown-kan abuuray, maadaama cid wax u soo dhicineysa danna ka leh aysan jirin waqtigan, amaba aysan heysan.

Gar-gaarka Eebe-na wuxuu durba naga hor-istaagay dhaccii caddaanka ahaa ee baddeena la rabay in Kenya looga iibiyo,  waxaa sidaa oo kale hadda ku socota heshiiska shirkaddan Saracen, kaas oo Jah-wareer ku riday kuwii markii hore is lahaa xoogaa yar oo shilimaad ah aad ka heshaan calooshood u shaqeystayaal aan cidna ka socon, cid garaneysaana jirin. Si shacabkan masaakiinta ah ee nabadda u oomman loogu beer-laxawsado amni ayay idiin keenayaan, meel hebel ayay idiin ilaalinayaan, idiin habeynayaan iwm, hantidoodana hadhow loo dhaco.

Villa Soomaaliya vs Cabdalla Shideeye.

Markaan ugu dambeysiiyo arrinta aan mowduucan cinwaanka uga dhigay ayaa waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso waa kuma Cabdalla Shideeye. Markii nidaamkii & kala dambeyntii Soomaaliya la waayay sanadkii 1991-dii, waxaa soo baxay magacyo ay ka mid ahaayeen Cabdalla Shideeye, Cir-toogte IWM. Magacyadan oo sidii shirkado oo kale u shaqeynayay maadaama  meesha magacyadani ka jireen ay dad faro badan ay ku shaqeysan jireen ayaan waxaan ognahay in shirkadahaasi ka taajireen dhiiggii shacabka.

Cabdalla Shideeye waxaa igu maqaalo ah in markii ugu horreysay lagu sameyn jiray wixii forjar kusaabsan, sida shahaadoyinkii Jaamacadda Ummadda, kuwii dugsiyada, teesarayaal, baasabooro & wixii dukumenti ku taxaluqa oo dhan noocay doonaan ha ahaadeene xitaa visooyin waa la ii sheegay. Halka Cir-toogte lagu kala iibsan jiray hubka noocyadiisa kala duwan oo maanta dhibka ugu weyni uu Soomaaliya halkaa kaga yimid.

Waxaa haddaba shirkadihii noocaas ahaa la waayay halka ay jaan & cirib dhigeen  markii kooxihii Islaamiyiintu la wareegeen meelihii ay ku shaqeysan jireen, waxaanse maalmahan maq-maqleynaa saxiixeygii ayaa la koobiyeeyey ama la xaday & hub cusub ayaa la soo wadaa. Ma Cabdalla Shideeye & Cir-toogte ayaa soo noqday, oo iyagoo magacyo kale wata ayaa tartan lagula jiraa mise wax kalaa jiroo naga qarsoon, Oo Villa Soomaaliya waxay isu badashay goob wax lagu saxiixo uun…..??

Mahad-celin

Waxaan Mahad ballaaran u celinayaa bogga soomaaliyeed ee SOMALI-TALK sida wanaagsan ee uu xilka isaga saaray daba-galka heshiisyada been-abuurka ah ee Ummadda Soomaaliyeed xoolahooda lagu banneysanayo laguna dhacayo, waxaanse kuwa arrimahan faraha kula jira ama damacsan in howlahan oo kale ka qeyb qaataan mustaqbalka uga digayaa in ay iska jiraan dambi adduun & aakhiro-ba ku daba soconaya weligiina aan kaa hareyn, kaas oo ah hanti ummadi leedahay in aad shisheeye ka iibiso adoo maslaxaddaada goonida ah eeganaya ama aad cadaw ku soo hoggaamiso ummaddan si loo dhibaateeyo xoolahoodana loo dhaco.

Wabillaahi Towfiiq.

Farah Warsame

Melbourne, Australia.

Bile1971@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Villa-deena Soomaaliya. Waa maqaal ka hadlaya muranka & inkiraadda heshiisyada waxyeelada "

  1. Ordaaye says:

    Waad mahadsan tihiin Warsame iyo Somalitalk.
    Waxaa habboon inaan fahamno arrinka Seracan cidda iska leh. Waxaan idinka qarsoonayn inuu leeyahay Musevi walaalkiis, laakiin ma garanyo sababta ay Somalidu afka ugu dhufan la’dahay meesha caalmka oo dhan laga og yahay.
    Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya waxay ilaaliyaan nimankaan madaxda waxaana loo haystaa RAHAN -conspiracy- ma woodi karaan ina shirikadaan jawaab cad ka bixiyaan waayo waxay waayayaan ilaalada la siiyo.
    Madaxda Soomaalida waxaa ka lumay kalsoonida, hawsha ay Ugadanda u joogto Xamar na waa inay ilaaliyaan burcaddaan sharicayaysan (madaxda villa Somalia).
    Waxaad ka hadlaysaan Seracan, laakiin Blackwater oo la magacbaxday Xe ayaa hadda ka hawl galaysa Soomaaliya, taas ayaa u saxiixay heshiiskeeda? Dhaqaalaha yaa siiyey? Ciidamada ay tababarayaan yay la dagalaamayaan?
    Waxaan leeyahay marna ha sugina xitaa haddii uu Farmaajo codsado sanad inuu jawaab ku keeno inuu soo dhamaystiro warbixinta Seracan, waqtiga keliya ee uu ku dhawaaqi doono waa markuu shaqada ka tago, markaasoo uusan u baahnayn ciidamada Uganda.
    Waad mahadsan tihiin.