Home » Faallo »

Muxadithu Casri : Shiikh Mohamed Naasir Diin Al-Baani (2)

Shiikhu Kutubtuu Qoray Raximuhulaah :
Shiikh Mohamed Naasir Diin wuxuu ummadda uga tagay kutub fara badan oo Qaali ah oo ku saabsan Cilmiga Axaadiista sida Silsiladda Axaasiista Saxiixa ah Iyo Silsiladda Axaadiista Daciifka ah .

Sida oo kale Kutubta Waaweyn ee Irwaa,u galiil iyo Mishkaat Al-masaabiix . iyo tamaamu minah & kitaabka caamka ah noqday ee Sifatul Salaatu Nabi SCW.


سلسلة الأحاديث الصحيحة
سلسلة الأحاديث الضعيفة
صحيح وضعيف الترغيب والترهيب
تبويب وترتيب أحاديث الجامع الصغير وزيادته على أبواب الفقه
صحيح وضعيف الجامع الصغير وزيادته
التعليقات الحسان على صحيح ابن حبان
إرواء الغليل في تخرج أحاديث منار السبيل
صحيح الأدب المفرد
ضعيف الأدب المفرد
تمام المنة في التعليق على فقه السنة
الثمر المستطاب في فقه السنة والكتاب
التوحيد أولاً يا دعاة الإسلام.
فضل الصلاة على النبي.
صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم
فتنة التكفير.
تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد
شرح العقيدة الطحاوية
تحقيق مختصر العلو للعلي الغفار لمحمد بن أحمد بن عثمان الذهبي
جلباب المرأة المسلمة
الرد المفحم، على من خالف العلماء وتشدد وتعصب، وألزم المرأة بستر وجهها وكفيها وأوجب، ولم يقتنع بقولهم: إنه سنة ومستحب
تحريم آلات الطرب
أحكام الجنائز
وله أكثر من 300 مؤلف بين تأليف وتخريج وتحقيق وتعليق.

Sida halkaan ku cad wuxuu Shiikhu qoray ama taxqiijay ama uu takhriijiyey kutub ka badan 300 kitaab .

Waxay Culumadu Casrigan ka dhaheen Shiikha :

Wuxuu yiri : Samaaxatu Shiikh C/siis ibnu Baaz Raximulaah :

( ma anaan arkin Ruux Samada Hoosteeda ku nool oo cilmiga Axaadiista ka badsha Casrigaan mohamed Nasir diin albaani ) !!!!

Wuxuu kaloo yiri Callaamatu Al-Faqiih Mohamed ibnu Saalix Cuthaymiin:

( wuxuu aad ugu dadaalaa ku camal falka Sunnada iyo la dagaallanka Bidcada taasi ha ku jirto caqiidada ama camalkaba ,. markaan akhriyey kutubtiisa ayaan ogaaday in uu u leeyahay cilmi ballaaran Axaadiista Rasuulka cilmi ahaan iyo warintiisaba , Allaah baana ku anfacay wixii uu qoray Dad fara badan xagga minhaajka iyo itijaahaba ee cilmiga axaadiista taasina miro fara badan bay Muslimiinta u dhalisay ) .

Shiikh C/Raxmaan C/Khaaliq wuxuu yiri :

( Ustaadkeega Shiikh mohamed Naasir Diin Al-Baani waa Caalim ka mid ah Culumada Muslimiinta ah , waa calan ka mid ah calamada Dacwada Allaah la iskugu yeeraayo iyo Shiikhii Muxadithiinta iyo Imaamkooda Casrigaan ) !!!!!.

Shiikha Ardeydiisii ka Aflaxay :

Shiikhu wuxuu lahaa ardey fara badan oo caalimka ku firirsan waa ugu waaweyn kuwaa :

Shiikh Xuweyni muxadiska weyn ee Masriga ah ee asaga ku xigay.

Shaykh Hamdi Abdul-Majeed, Shaykh Muhammad ‘Eed Abbaasi, Dr. Umar Sulayman al-Ashqar, Shaykh Muhammad lbrahim Shaqrah, Shaykh Muqbil ibn Haadi al-Waadi’i, Shaykh Ali Khushshaan, Shaykh Muhammad Bin Jameel Zainoo, Shaykh Abdur-Rahmaan Abdus-Samad, Shaykh Ali Hassan Abdul-Hameed al-Halabi, Shaykh Saleem al-Hilaali, and Sheikh Abdur-Rahman Abdul-Khaaliq.

SHIIKHA WAXA AAN KA QAATAY :

Shiikha waxaan ka qaatay in Risaalad ku saabsan in aad salaadaada u sameysato Sutro oo aad waliba aad sutridaada aad dhaweysato.
Asagoo ka soo qaadanaaya Xadiiska Nabigu yiri CSW ( Ruuxii Tukanaaya sutra ama teed ha sameysto hortiisa hana dhawesto )!!! ama sidaas oo kale ayuu yiri nnkh.

Sutrada Salaadu waa muhiim oo nabigu wuxuu yiri Ruuxii Ruux tukanaaya hor mara waxaa uga haboon in uu afartan sano taagnaado, Ruuxa sameystayna waxaa haboon in uu iska celiyo ruuxa ku xadgudbay sutradiisa.
Sutradu waa qiyaastii Kooraha geella la saaro ama fardaha in ay le,ekaato.

Shiikh mohamed naasir Diin Al-Baani waxaan ku soo gabagabeynayaa in uu ahaa Caalimkii Casrigaan Cilmiga Axaadiista boorka ka jafay, wuxuu ahaa Maalin aan sacab lagu qarin karin, wuxuu ahaa Faqiih Axaadiista aan sanadkeeda lee taruuriixine Macnaheedana iyo Fiqhigeedaba yaqaana .

Mash allaah halkaas waxaan ku soo gabagabeeyey Culumaddii 8 ahaa ee aan Qarnigii tagay ku soo gudubnay Taariikhdoodii oon soo bilaabay july,2009 !!! Allaah wuxuu nooDhameeyey Dec,2010 maash allaah !!!!
Waxaa noo dhiman KhaatimadiiSideeda Caalim insh allaah oon faallo yar ku soo gabagabeyn doono insh allaah .
Sidaan horayba u balan qaaday Cajallad baan u qaban doonaa Taariikhda 8 caalim insh alaah si ay dadku ugu dhageystaan Guryahooda, Baabuurtooda iyo in ay ku duubtaan Ipodkooda iwm.

fii amaani laah.
Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA, VA
Al-mutakhasis fil Xarakaat Al-Islaamiyah.
sahidyusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Muxadithu Casri : Shiikh Mohamed Naasir Diin Al-Baani (2) "

  1. xuseen says:

    aad baad umahadsantahay sxb ,jawaabtaadu wax badan ayaa kamaqan ,weli ma aadan cadeyn sifooyinka dhabta ah ee lagu tilmaamo muxadisiintii usoo halgantay xifdiga xadiiska barakaysan
    waxaad sheegtay inuu aabihii kaqaatay clmiga ,aabihii sheeq nuux raximahulaah ,wuxu ahaa faqiih xanafi ah ,baac weyn kuma laheen axaadiista ,fiqhigaa taqliidiga ayuu yaqinay ,sheeq salix ayuu ahaa ,taa waa midaa
    mida labaad waxaad sheegtay inuu ijaazo kaqatay sheeq maxamed raagib al dhabaq ,ijaaza maku filantahay inuu qofku ku noqdo muxadis ,waa suaal ,ijaazadaas ma waxy ahayd mid kitaabi ah mise mid imlaa ah ,soo cadeey adigaa lagaa rabaa? isagaana ka codsaday ijaazada inuu ka qaato wa wax la ogyahy .
    mida sedexaad ma haysaa meel uu ku warinyo hal xadiis isagoo ka bilabayo sanadkisa ilaa buqaari ama raga sunanata qoray allaha ka raali noqdee ,waana dhaqan ay ku mideesanyihii culimada axaadiista oo ay ku weriyaan ,ka eeg muqdama kasta ay ku qoreaan kitaabahooda ,tusale ahaan imaam al nawawi risaladiisa (al arbiciin ) xadiiska uga horeeya
    ee niyada ka hdla ,sheequ sanadkiisa ayuu ku bilaabayaa ,ilaa laga gaaro imaam al buqaari ,marka wadaadkaan malaga hayaa abtirsi noocaas ah ?
    mida afaraad waxaad tiri iska ilaaliya culimada hilibkood inaad cuntaan waa sun ,yaa caayay ,? aflagaado iyo cey isagaa ayaa yaqaan o ay ka buuxdaa kitaabihiisa oo caayaya culimada xufaada ah iyo kuwa ay isku waqtiga yihiin ,ka fiiri hordhaca kitabihiisa ,nin wadad ah oo ka nabadgalay ma jirto
    haduu horeeyay iyo haday isku waqti yihiin ,mise kuwaa hilibkooda sun maaha /
    mida shanaad saaxada dacwada casrigaan aan joogno muxadisiin badan ayaa jira oo uqitmeeyay sunada rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa allaha yeelo ,oo ay ugu badanyihiin culimada hindida oo sharxy sunanata oo dhan ,buqaari ama musilim daaudd tirmidi ,waa la yaqaanaa ,keligiis saaxada kuma jiro, tacasubka ma fiicna ,mana qabi inuu yahay ninkan casriga usita ,walow uu yahay nin aqoon uleh axaadiista taa la inkrimaayo .
    mida lixaad rissalo ayaa jirta looga hadlay noloshiisa oo la dhaho(xayat albaani) kuma taal sifadii ama dhabadii ay umareen muxadisintii hore barashada axaadiista marka adaan kaa rabnaa dhaqnka muxadisiinta ma waafaqsanyahay mise waa qilafsanahy?

  2. SCWXWB :
    Wallaal xuseen Su,aashaada waxaan uga jawaabnay qeybtii 1aad ee Taariikhda Shiikha marka halkaas ugu noqo !!!
    Sidaad u heli kartana waa adigoo Magaca Saahid ee farta Buluuga ku qoran double click-gareeya markaas ayaa waxaa kuu soo baxaaya Sideed Caalim ee aan qarnigaan ku soo moodnay iyo Maqaalo kale .
    waxaa inoo soo socda Khasatimadii culumada 8 da ah inshallaah .

  3. suaal ,yaa albaan sheeq ugu ah macalin cilmig xadiiska ? ilaa hada wxaa la ogyahay dadka aqriyay taariiqda sheeqa ,inuu ku bartay ilmiga axaadista mudhaalaco uu ka mudhaalaceyay makatabadii weyney ee ku tiilay dimishiq (aldaahiriya) mudhaalaco laguma barto cilmiga ,axaadiista uu saxiiyay ama daciifiyay badanaa waxaa la cadeeyay inuu isku burinayo meelna uu ku saxayo meelna uu ku daciifinayo ,taa waxaa ka daran ya ugu macalin ah cilmiga uu sheeganayo? waxaan la soconaa culimada fanigaan taqan iney leeyihiin in kabadan 100 culimo ay ka qaateen cilmigaan .oo iasaga gooshi jireen mashriq iyo magrib si aysoo xanbaaraan cilmigaan barakaysan ,ninkana maktabad ayuu dhexfadhiyay siduu isagab sheegtay inkabadan 20 -sano ma isku mid baa iyaga iyo isagaba ,kuligoodba allah unaxariisto aamiin

  4. sulaymaan says:

    BISMILLAH.
    Maasha Alllah, sheikh Albani wa sidaad sheegey muhadiska casrigan ayuu ahaa masaail iyo cilmi badan ayaana laga faaideestey .
    juhdiga uu ku bixiyey difaaca diinta iyo waliba nooleenta sunada rasuulka (scws) ilaah miisaankiisa xasanaadka ha ugu daro .

  5. wadani says:

    A/c salaan kadib
    ilaahay ayaa mahad leh dhamaanteed
    kadib inta jecel sheik maxamed nasiru-diin albaani
    runtii wanaag wuu uga tagay aduunkaan aan ku noool nahay ilaahayna ha u naxariisto, inagana gadaashii nama dhumiyo,
    waxaase su’aal ah oo in la is weydiiyo ah yaa inoo badalay sheik albaani??
    ilaaahoo u naxariiso sheik albaani
    waan jeclahay ilaahay darti
    by dahir