Home » Maqaallo »

20-sano oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen wadanka Soomaaliya, dhalinyaradda ayaa aheed kuwa uga weyn ee laga dhigtey xaabadda la shito.

Qore: Maxamed Cabdinuur Mascud –

Markii kooxiihii jabhadaha ay qabsadeen caasimadda Muqdisho 26-janaury 1991-kii, waxa bilaabatey dhibaato dheer oo qabsatey dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda oo waayay wadado ay u mari lahayeen dhismaha noloshooda.

Qaar badan oo ku jirey waxbarashada ama shaqeysan jirey ayaa ku dhacday dagaalada aysen filanayn oo dhibaato xoog leh gaarsiinay noloshooda, ayna adkaatey in dib u dhistaan noloshooda, waxana ay badankooda u qaxeen wadamo shishiye, qaarkoodna siyaabo kala duwan u dhinteen.


Dagaal galintii hogaamiye kooxeedyada

Badalkii dhismaha noloshooda ay ka shaqeyn lahayeen, hogaamiye kooxeedyadii dagaalka ayaa qaab qabiil iyagoo usoo maraya waxa ay galiyeen dagaalo sokeeye oo uga dhigayeen mid ay ku badbaadinayeen dadka ay asal ahaanta ka soo jeeda.

Hogaamiye kooxeedyada qabiilka ayaa si taasi ugu suura gasho siinayay dhalinyarta u dagaalanto maandooriyaal aan xisaabsanayn, si ay dantooda u fuliyaan una dhibaateeyaan dad aan wax galabsan oo Soomaaliyeed, dhalinyaro faro badan ayaana dabintaas ku dhacay oo dantii laga lahaa fuliyey.

Dhalinyaradda saran gawaarida dagaalka ee sidata hubka oo ilaaliya hogaamiyaasha dagaalka ama jooga isbaarooyinka ayaa muddo faro badan ahaa shaqada ugu fiican uu qof dhalinyaro ku faano inuu hayo, taas oo in badan ay iskaga daysadeen.


Wacyo galinta Dhalinyaradda

Muddo toban sano oo taasi ay socotey ayna aad u yareed wacyo galinta lagu sameyaynayay dhalinyaradda, waxa suura gashay iney soo baxaan dad u istaaga  wacyo galinta dhalinyaradda iyadoona dowrka ugu weyn ay ka qaadanayeen saxafadda iyo qeybaha kale ee bulshada rayidka.

Idaacadaha ayaa bilabay sheekooyin madadaalo ah balse lagala jeeday in lagu wacyo galiyo dhalinyaradda – Mid kamid ah sheekooyinkaas ayaa dhalinyaradda la dagaal galiyo ugu yeertey (MALIIBANE LAGU LIIBAANAY!!) oo macnaheeda aheed in dad lagu shaqeyso ay yihiin oo iyaga aan wax macno oo leehyihiin aysen jirin.  Waxa kale oo sheekada ay muujineysay in hadii ay waxyeeloobaan aysen daryeeleen cidda dhibaatadaas ay madaxooda u gashay balse dhibaatadaas u taalo qoyska ay horey uga carareen.

Dhalinyaro faro badan ayaa taasi ku waano qaadatey, qaar badane hubka ayay iska dhigeen, soona dhex galin dhalinyarta, waxana bilaabatey is dhexgal dhalinyaradda oo badalkii dagaalka la iskaga hor imaan  jirey in cayaaro la isku badal sado ama madadaalooyin kale iyo iney xaafadihii kala xerxernaa ay dhalinyarada isku gudbaan.

Dowrkaas is dhexgalka dhalinyaradda oo aheed iney dagaalada iska hilmaamsiiyaane waxa dowr weyn ku lahaa oo la hilmaami Karin hablaha. Hooyooyinka oo kale gaar ahaan kuwa gobolka Banadir oo kale marka aan isoo qaato waxa ay u istaageen dhalinyarada isbaarooyinka lagu qalday iney wacyo galiyaan iyagona ku qasbayay iney hubka iska dhigaan oo dadka ay ku darsamaan ama tagaan xeryo ku yaala banaanka magalada Muqdisho si dhibaatada hubka ay hesytaan looga badbaado – Run ahaantiine dhalinyaro faro badan ayay taasi suura galisay iney iska dhigaan hubkii ay ku waxyeeleen jireen dadkooda.

Idaacadaha ayaa bilaabay ku tartamida in la sameeyo barnaamijyo dhalinyaradda u sameyay kuwaas oo naadiyo ay iskugu tagaan, waxa ay dowr lama hilmaaman ay ka geysatey is dhexgalka dhalinyarada oo iskaga imanayay xaafadaha, wadana xiriiri jirey, kana wada qeyb gali jirey doodo kala duwan oo looga hadlayay aayaha dalka, hormarinta bulshada, dowrka dhalinyarada Iyo kuwo kale oo faro badan.

Naadigii Barbaarta ee idacada Capital Voice oo kamid ahaa ayaa dhalinyarada maalin walba iska diwaan galin jirey gaarayeen 20-qof, ugu yaraane todobaad walba ayay isku imaan jireen kulan, waxana maalin walba ay ka qeyb gali jireen doodo loo qabto – Waxa kale oo jirey barnaamijyo tartan aqoon ku saleysan oo la qaban jirey si wax loo kala faa’ideystaan.

Mudadii aan ku jirey waxa aan isku baranay boqolaal dhalinyaro – qaar badan oo kamid ah waxa aan ka dagaaneen degmooyin aad u kala fog oo ka tirsanaa Muqdisho, muddo badane kala xirnaan jirey in la isku gudbo – intooda badan ee bartay ma aan aqoon heebtooda ee waxa aan bartey shaqsiyaadkooda – waxa aan iskugu imaan jirney kulamada arimaha bulshada ama dhalinyarta – in badan dhalinyaradaas hawada oo kaliya waxa kaliya iska naqaanay anagoo waligeen is arag, waxa aan aheen adane saaxiibo aad iskugu fog.


Dib u dagaal galinta dhalinyaradda

Mar kale dhibaato cusub ayaa xilligaan soo wajahay dhalinyaradda markii wadaado diimeedyadii ka unkumay Soomaaliya dhibaato xoog leh ayay ku noqotey isdhexgalkii iyo hormarkii yaraa ee dhalinyadda usoo iifayay oo hubka iskaga dhigayeen, waxa qaar badan oo dhalinyarta lagu wacyo galiyey iney hubka qaateen oo dagaalada ay galaan, iyadoona wadiiqado diimeedyo loo marayo.

Maxkamadii islaamiga ee Muqdisho iyo goboladda kale ee koofurta iyo bartamaha qabsaday, dadka u dagaalamayay waxa ay ahayeen 90% dhalinyaro – 70% xilliga la dagaal galinayay dhiganayeen iskoolaadka iyo jaamacadaha, qaar badan ayaa ku dhintey dagaalo ay galeen oo qaab qiiro la galiyey, kuwii kale ee ka badbaaday dagaalada wali waxa ay kamid yihiin kooxo diimeedyada madaxa adage e mucaaradka – Waxa kale oo laga yabaa in tiro koobaan ay wali dowlada federalka ay la shaqeyaan.

Dhinaca kalane ma jirto wax xoriyad ah oo leehyihiin dhalinyarada ku dhex nool meelaha ay ka taliyaan kooxaha xagjiriinta ee heysta inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoona siinayn dhalinyarada xoriyad ay ku madadaashaan oo kamid tahay in kubadda ay si xor ah u cayaraanaa ama u  daawadaan TV-yada iyo in naadiyo ay iskugu yimaado ama isdhexgalo furan sameystaan – Taas badalkeedane intey barxado waawayn la iskugu keeno dhalinyarada ayay siiya casharo lagu barto xagjirnimada oo ku wacyo galinayaan iney ku dagaal galaan oo hubka ay qaataan ayna dilaan  dad aan wax galabsan ama dhibaatooyin ka geystaan wadamo shisheeye.


Wacyo galin cusub

Hadii aysen xilligaan soo bixin dhalinyaro gacan ka geysta sidii loo dabar qaban lahaa dhalinyaradaas xagjirnimada lagu faafinayo oo tiro badanaysa, lagu tarbiyaynayo iney dhibaato geystaan waxa soo baxayo dhalnyaro aan waxba loo sheegi karin oo mooqifkoodo gaareey meel iney wax dilaan oo kaliya u muuqato.

Dhalinyarta waxa ay dowr wayn ka qaadan karaan in dalka Soomaaliya u ka dhasho dowlad dhalisa nabad waarta hadii ay badalaan dowrka loo isticmaalayay in dagaaladda loo adeegsado ayna ka qeyb qaataan dib u dhis iyo hormar la gaaro – qoysaskooda ka dhigaan kuwo ku dhisan kana qeyb qaato nabadda taas oo faa’ido guud u leh guud ahaab shacabka Soomaaliyeed.

Dhalinyaradda dibadda joogta ee wadanka ka maqan waxa ay fursad u haystaan iney wax bartaaan taas oo dalka anfacayso, maadama qaar badan oo dhalinyaradda gudaha ku nool aysen badankooda fursad u helin iney wax barasho helaan, maadama qaar sabool ah ama kuwo aan heesan wax barasho fiican haysan noqdeen.


Maxamed Cabdinuur Mascud waa saxafi Soomaaliyeed, waxana uu ku jiraan golaha hormarinta Soomaaliyeed (Somali Forum for Progress) isagoona in badan ka soo shaqeyay wacyo galinta dhalinyaradda, waxadna kala xiriiri kartaa Mascudmedia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " 20-sano oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen wadanka Soomaaliya, dhalinyaradda ayaa aheed kuwa uga weyn ee laga dhigtey xaabadda la shito. "

  1. Farxaan says:

    ASC ….salan kadib waxan aad ula yabanahay ninkan qoray maqalkan oo sheeganay in uu ka gubanayo adhalinyarada islamarkaana aan isag qudhiisa hayen nin fakir saliima leh oo wax tar leh.maxaayelay waxaan aad ula yaabanahy waxa uu sheeganayaa saxafi islaam ah waxa uu eray han u adeegsnanyana mayaqaano sababtoo ah qoraalkiisa waxa ad ugu badan erayga XAGJIR war ilaahey hala cabsadee ma aeraygaa baa ha mid ku haboon afka wariye muslim ah ?…waa maxay xagjir? waa qofka diinkisa ku dhagan oo muslin barax la’a ah.hadab mascuud ha dii ay kula qumanaatay in aad ku homngoowdo dhalanteedka aduunyada oo aad jecleysata dhaqanka reer galbeedka sxb islamaka wuu sara maray waana uu xoogeysaty ee waxan ku leeyahay in aad dhalinyarada ugu yeeri laheyt musig iyo sport oo dhaqan gaalo ah afkaag ka reeb ha u dagalameen islaamnimadeed iyo xuriyada caalamul islaame waa kaa sareeyana kana himi iyo sharaf fiicna yahiine..

  2. waxan leeyahy dhalinyarada waa laf dhabarta umadwalba dhalinta nsoomaaliyeedna waa iney kacaan oo ay kafikiraan aayahay dalkooda maxaa yeelay dhib walbo wadankaan kadhacay ama hadaba kasocda waxaa loo adeeksadaa inta badan dhalinyarada marka aniga fikrad ahaanteyda aad ayaan utaageersanahay maqaalkaan waxaana ;eeyahay suxufigaan aad ayaad umahadsantahay…………