Home » Warar »

Masaajidka Abuubakar Minneapolis oo Muslimiinta ogaysiiyey rag Inxiraaf ku dhacay oo Culummada iyo Masaajidka dhib ku haya

“Hadafka ugu wayn waa in Culimmada iyo dadka la kala gooyo, maraakista Islaamiga ah la dumiyo, waa hadaf gaalo wadato” Sh. C/raxmaan Sh. Cumar

Minneapolis: Maanta  oo Jimca ah 12-31-10 Xarunta Abuubakar waxay Muslimiinta Salaadii Jimcaha ka dib lasocsiisay inay jiraan rag isku magacaabay “Golaha Baraaruga) laakiin loo bixiyey “Goloha Burburinta iyo Baa bi’inta Dacwada” in mudo ah, ugu yaraan lix bilood ah ayey been abuurasho ka qorayeen Culimadii ugu waa waynayd Soomaaliya dibad iyo gudaba. Sidoo kale inay kala dhexgaleen Culimadii iyo dhalinyaradii Masjidka cilmiga usoo aaday, iyagoo oranaya Sh. hebel casharkiisa ha tagi, caqiido malahan. Sidoo kale inay Masaajidka ku eedeeyeen inuu lacag u diro Qaar kamid ah Jabhadaha dibada ka dagaalamaya, arintaas oo looga gol leeyahay in Masaajidka lagu soo jeediyo Iclaanka iyo Dowlada, maadaama baaritaan ka socdo gobolkan Minnesota. Sidoo kale inaysan u hogaan samayn nimaadka Masjidka oo ay carqaladaynayaan habsami u socodka Masjidka,  hadii loonasteexeeyo oo aysan qaadanayn. Sidoo kale waxaa laga digay dadka magacaan wata oo Bohol uga boodaya dadka aan lasocon waxyaabahay dhoodhoobayaan. Waxaa kale oo dadkaas Culimadu ku xukumeen inay ka Inxiraafeen Manhajkii Selefka, Inxiraafna uu ka galay Caqiidada, kadib markii ay ku eedeeyeen Culimmadii ummada, Gaalnimo. Munaafaqnimo, iyo Jaasuusnimo. Waxaa kale oo muhiim ah hadalkaana looga golahaa in Muslimiinta aan Maraykan ku noolayn oo laga yaabo in Been abuurkaan gaaray lala socodsiiyo dadka waxan wadda cida ay yihiin iyo ujeedooyinkooda. Hadalkaas oo koobnaa oo Masuulka Masaajidka Abuubakar Xasan Dhooye uu Salaadii kadib jeediyey, hoos ka dhagayso.

Halkan ka dhagayso Hadalka Khudbada kadib Muslimiinta loo jeediyey.

____________________________________________________________________

Xarunta Abuubakar oo ka digaysa Dad inxiraaf dhinaca caqiida ah ku dhacay.

Asalaamu Calaykum Waraxmah

Minneapolis: December 26, 2010:  Ilaahay mahadii waxaa soo gabagaboobay Muxaadaraadkii aan ugu Magacdaray “Diintu waa Nasteex iyo Asalaynta Dacwada” oo isugu jiray Kutub iyo Muxaadaraad muhiim ah.  Muxaadaraas kaas oo aad loogu lafa guray Inxiraafka iyo noocyadiisa kala duwan, iyo Taariikhda dacwada Soomaaliya iyo Xarakaatkii qaldanaa ee ka in xiraafay manhajka selefka ee soo maray. Sidoo kale waxaa looga  hadlay akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka iyo in qofkasta ka taxadaro, wixii bari lagu xisaabin lahaa illaahay hortiisa. Muxaadaraadkaas markay dhamaadeen ayaa Sh. C/raxmaan Sh. Cumar Xafidahu lahaa, wuxuu raaciyey sharaxaad koobana ka bixiyey shakhsi ka mid ah dadka Xarunta Abuubakar iyo Culimada Soomaaliyeed ku fitnaysan oo ku tuuraya wax aan qaban ama ku been abuuranaya.  Sh. C/raxmaan hadalkiisii waxaa kamid ah ” Webkaas u jeedadiisa wax kale ma’ahan waa laba shay kaliya, hadafka ugu wayn waa in Culimmada la dumiyo, waa in dadka culimmada lagu diro iyo Maraakista Islaamiga ah, waa tadharuf (Xagjir) dhinaca kale ah, waayahay Culimmada hadaan ka tagno yaan wax waydiinaa,…anaga Soomaaliya kama hadlayno waxaan ka hadlaynaa dadka wax fasahaadinaya oo halkaan jooga,(Minnesota)  qofka shaarkuu rabo intuu qaato wuxuu rabo ma sheegi karaa, yacni Shabaab aan ahay, …. ilaahay kaga cabso dadka Culimmda ah, illaahay kaga cabso dadka Mu’miniinta ah, …..Shaar hadaad u gashato shabaab aan  ahay waxkastana waan istixlaashanayaa (banaysanayaa) mabanaana sharcan, Aakhirona kuuma galayso saas, kuuma noqonayso…. umalaynmayo inay raali kayihiin (Shabaab)  waxaas meesha lagu qorayo… “ Sidoo kale Maamulaha Masaajidka Xasan Dhooye  ayaa isna hadal kooban oo ku aadan dadka Culimadu ku tilmaameen inay ku dhaceen “Inxiraaf Diini ah” ka hadlay sheegayna maraaxishii ay la mareen iyo nasteexooyinkii ay u jeediyeen dadkaas iyaga ah iyo in dadka ay ka hadlayaan ay yihiin dad gobolkan Minnesota jooga.

Sidoo kale Xasan dhooye ayaa sheegay dadka is qarinaya beenta iyo suura xumaynta Muslimiinta iyo Xarunta Abuubakarna caadaystay, hadii aysan ka waan toobin inay Muslimiinta u soo bandhigi doonaan Magacyadooda si loobarto, Maxaa yeelay hada waxay labisan yihiin labiskii wadaaddada,(Gar, Khamiis iyo Surwaal gaaban) sifaadkaas oo lagu yaqaanay ahludiinka. Si Muslimiintu u maqlaan ulana socdaan hadalada Culimmada iyo ducaada ee ku aadan ragaas, waa la duubi doonaa insha allaah, waana lasoo tabin doonaa. Arintaas duubida oo looga gol leeyahay laba arimood, 1- In Muslimiinta ay maqlaan hadalka Culimada iyo ducaada,iyo inaysan sal iyo raad lahayn Been abuurasho badan oo Xarunta loo gaystay, gaar ahaan Muslimiinta aan ku noolayn Maraykan, oo laga yaabo warkaan beenta ah inuu gaaro.  2- Dadka caadaystay inay Suura xumeeyaan iyo ku been abuurashada, Culimada, Ducaada iyo Xarumaha Musllimiinta oo dhaqan ay u tahay (Taxriifinta hadalka -leexinta hadalka) oo Muslimiintu nala arki doonaan taxriifintooda iyo ku been abuurashadooda  Sh. C/raxmaan ayaa maruu ka hadlayey website-ka beenta qora iyo cida qorta  yiri ” waa Ruknul Kadib” Tiirka beenta. Gabagabadii hadalka Maamulaha Masaajidka ayaa ahaa ” Dadkaan Walaalaha waxaan ugu nasteexaynayaa Centerkaan Abuubakar Dacwo, iyo  dhaqaale iyo fikir waxaad ku tari kartaan kutara, hadaydnaan waxba tari karin,  dhibkiina gurigiina la jooga…..” Sidoo kale Xasan Dhooye ayaa sheegay inay Masaajidka ka difaaci doonaan dadkan magaca Diinta ku hoos dhuumanaya, dharkii culimadana qaba” Hadalkaas oo dheeraa hoos ka dhagayso.

Arimaha Sh. C/raxmaan iyo Xasan Dhooye ka hadleen oo faah faahsan halkan ka dhagayso

___________________________________________________________________

Halkan ka dhagayso Muxaadaraadkii baxay oo dhan iyo sida Culimada oo dhan uga midaysan yihiin ka digida Inxiraafka, Cayda culimada iyo Duminta Xarumaha Islaamiga ah

Muxaadarooyinkii Ka dhacay Mu’atamarkii lagu Qabtay

Abubakar As-Saddique Islamic Center

“Diintu waa Nasteex iyo Asalaynta Dacwada”

December 24th – 27th,  2010

Minneapolis, MN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Masaajidka Abuubakar Minneapolis oo Muslimiinta ogaysiiyey rag Inxiraaf ku dhacay oo Culummada iyo Masaajidka dhib ku haya "

  1. Faa,id says:

    Asc Wallaahay waa wax aad u xun in culimadda soomaaliyeed toosh lagu ifiyo laakiin waxaan oran lahaa fidnadda allaha damiyo.

  2. sh. Ali says:

    Masaajidadu waa goob cibaado, waa aqal eebo cibadiisa loo gaar yeelay. Hadaba maxaa muranka dhaliyey-somalidu maanta waxba umma kala qarsoona, waa jirtay xili kitaabka eebe iyo culimanimo qofkii lag arkaba ixtiraam la siin jiray bulashada dhexdeeda–Maanta waxaan haynaa in kitaabki mashruuc laga dhigatay, marka waxa is haystaan waa laba kooxood oo kitaabkii eebe mashruuc ay aduunyo iyo xukun ku helaan ka dhigatay–cid kastaaba qolada kale garab ha ka heshee–dadkii muslimka ahaana–waxay ulla yimaadeen anan=ga na soo raaca iyo anaga nasoo raaca.

    Anigu waxaan qabaa in dadka muslimkaa ay iska fogeeyaan dadka xaga diinta ugu soo dhuumanaya iyo kuwa mashaariicda gaalada kale soo siiyeen–kuwaa kuwa aan diin iyo wanaag wadine ee xaqa ka leexinayee.

    Masaajidkii hadii uu halaqayo galeen noqday, ma shacabkaa ka dhigay, waa maya, waxa ka dhigay waa kuwa culimada sheeganaya een dhaqanka khawaarijiinta leh.Haddii masaajidkii la afduubayna waa shacabku maamulka masaajidka talla ka qaadaan, maxaa yeelay—-> qayladu sabab laáan ma yeerin.